Dunida Suugaantaβ¨π₯°
"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh" ~Hazrat Ali
Show moreπ Analytical overview of Telegram channel Dunida Suugaantaβ¨π₯°
Channel Dunida Suugaantaβ¨π₯° (@dunnidasuugaanta) in the Somali language segment is an active participant. Currently, the community unites 18 511 subscribers, ranking 1 331 in the Motivation & Quotes category and 457 in the Somalia region.
π Audience metrics and dynamics
Since its creation on Π½Π΅Π²ΡΠ΄ΠΎΠΌΠΎ, the project has demonstrated rapid growth, gathering an audience of 18 511 subscribers.
According to the latest data from 06 September, 2026, the channel demonstrates stable activity. Although there has been a change in the number of participants by -249 over the last 30 days and by -7 over the last 24 hours, overall reach remains high.
- Verification status: Not verified
- Engagement rate (ER): The average audience engagement rate is 6.95%. Within the first 24 hours after publication, content typically collects 1.31% reactions from the total number of subscribers.
- Post reach: On average, each post receives 1 286 views. Within the first day, a publication typically gains 243 views.
- Reactions and interaction: The audience actively supports content: the average number of reactions per post is 0.
π Description and content policy
The author describes the resource as a platform for expressing subjective opinions:
β"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh"
~Hazrat Aliβ
Thanks to the high frequency of updates (latest data received on 07 September, 2026), the channel maintains relevance and a high level of publication reach. Analytics show that the audience actively interacts with content, making it an important point of influence in the Motivation & Quotes category.
Data loading in progress...
| Date | Subscriber Growth | Mentions | Channels | |
| 07 September | 0 | |||
| 06 September | 0 | |||
| 05 September | 0 | |||
| 04 September | +1 | |||
| 03 September | +1 | |||
| 02 September | 0 | |||
| 01 September | 0 |
| 2 | πβͺοΈ Hambalyo! Team Somali π
π Idaacada-halkan
ββββββββββββ
1οΈβ£ π Aqoon & Fasalo
β’ 13k β π₯ Taabo Halkan
β’ 27k β π₯ Taabo Halkan
β’ 15k β π₯ Taabo Halkan
β’ 28k β π₯ Taabo Halkan
β’ 11k β π₯ Taabo Halkan
ββββββββββ
2οΈβ£ πΊ Aqoon & Xikmado
β’ 18k β π« Taabo Halkan
β’ 20k β π« Taabo Halkan
β’ 26k β π« Taabo Halkan
β’ 18k β π« Taabo Halkan
β’ 42k β π« Taabo Halkan
β’ 16k β π« Taabo Halkan
β’ 20k β π« Taabo Halkan
β’ 19k β π« Taabo Halkan
ββββββββ
3οΈβ£ π Buugaag & Akhris
β’ 76k β π Taabo Halkan
β’ 160k β π Taabo Halkan
ββββ
4οΈβ£ π Diinta & Duunyada
β’ 15k β π Taabo Halkan
β’ 20k β π Taabo Halkan
β’ 16k β π Taabo Halkan
β’ 18k β π Taabo Halkan
β’ 20k β π Taabo Halkan
β’ 19k β π Taabo Halkan
β’ 17k β π Taabo Halkan
β’ 26k β π Taabo Halkan
ββ
π Powered by:
π Dhegeyso Buug
π Maktabada Buugta | 320 |
| 3 | Hooyaday 30 sano ayay ka shaqaynaysay gegi diyaaradeed oo Faransiiska ku taala, waxaan isku dayay bal inaan HAL BIL ka garab shaqeeyo wayna igu adkaatay inaan sii wado. Markaas ayaan fahmay macnaha NAF-HURKA"
- Walid Regragui
Tababarihii hore e Xulka Morroco | 595 |
| 4 | πβͺοΈHambalyoπ§π
1οΈβ£π Aqoon & Fasalo ππ
π― 13k π @maanhage
π― 27k π @Farsamada
π― 15k π @Somalienglish1
π― 28k π @Somalienglish3
π― 11k π @Somaliarabic
2οΈβ£ Aqoon & Xikmado πΊπ
°οΈ
β¨ 18k π @Hasancaashaq
β¨ 20k π @dareen_side
β¨ 26k π @KobciAqoontaada2
β¨ 18k π @QalbiDhaye143
β¨ 42k π @XikmadoSom
β¨ 16k π @Noqoxiddig
β¨ 20k π @Dunnidasuugaanta
β¨ 19k π @AishaAhmed99
3οΈβ£ Buugaag & Akhris πβ¨
π 76k π @Somalilibrary
π 160kπ @Somalibooks
4οΈβ£ Diinta & Duunyada π
π 15k π @kalimakariim
π 20k π @Al_xakiim
π 16k π @Albaanichannel252
π 18k π @hogaan_Dumar
π 20k π @dareen_side
π 19k π @Diinteenna_Macaan
π 17k π @Etminnan7
π 26k π @Quruxdaislaamka
ββπ«‘-
πPowered by:
https://dhegeysobuug.substack.com | 1 381 |
| 5 | In adduunyadani ay ka hadhaan uun xasuusaha maalmaha adag ee aad qof soo wada qaadataan. Hinjiyey, oo adduunyada waxaa ka hadha taariikh, waa tii uu Timacadde ku gabyay.
Qoraalkani waa baroordiiq aan saaxiibkay u samaynayo iyo qiraal aan denbi saaxiibnimadii aan ka galay ku qiranayo, waxa soo raaca cashar aan akhristayaasha la wadaagayo oo ah, cafiska badiya. Gocashada iyo cuqdadda iska yareeya. Saaxiibbadiinna dhib iyo dheefba la qaybsada. Isna jeclaada si kastoo aad marmar isu jiidhaan. ΩΨ§ΩΨΉΨ§ΩΩΩ ΨΉΩ Ψ§ΩΩΨ§Ψ³ ΩΨ§ΩΩΩ ΩΨΨ¨ Ψ§ΩΩ
ΨΨ³ΩΩΩ
Anigu berigaa ka dib, dhawr asxaabtayda kammid ah oo madmadaw nasoo dhex galay, oo aannu qaarkood bilo kala aammusnayn, waxan xasuustay uun qisadii Jamaal! Anaa wacay oo idhi, war saaxiib dunidu waa ayaamo yar e innagoo isu cadhaysan yaynaan god gelin e, aan is wacno oo kulanno. Runti qof cashar weyn bartay baan noqday. Saaxiibbadayna way qireen in dhacdadaasi si weyn ii beddeshay!
Qoraalkan afartaa sanno niyaddaan ku hayay. Se ayaamkan waxa isoo xasuusiyay heesta Dhaqayabuur ee Fannaan Cabdi Yuusuf Dige qaado, ayaa aniga oo gaadhi wata maalin dhawayd si kedis ah aan u daaray. Mar allaale markii aan degaankaas magaciisa maqlay, ayaa Jamaal i hor yimid. Mar kasta Dhaqayabuur iyo ciyaalnimadiisii ayuu ka sheekayn jirey. Heestana wuu qaadqaadi jirey.
Nin gaadhiga ila saarnaa ayaan ku idhi heestaasi saaxiibkay ayay i xasuusisay, Jarmalkii ayayna dib iigu celisay. Fiidkaas dhawaa ee aan Masallaha gaadhiga ku watay, ayaan go'aansaday in aan qormadan soo qoro bishan oo aan u badinayo in ay ku beegnayd tii uu geeriyooday walaalkay Jamaal! Afar sanno ayuu sii maqanyahay!
Alle ha u naxariisto saaxiibkay Jamaal Cabdi-Kaafi Tawaad. Saaxiib cafis ayaad iga tahay. Aniguna Eebbe ayaan cafis waydiisanayaa in uu iga saamaxo dayacaaddii aan kugu sameeyey!
Saaxiib, weli dunidii ayaan joogaa, hawshii, halgankii iyo orodkiina waa halkoodii. In aad nasatay oo Jannada Eebbe joogto ayaan kuu rejaynayaa. In aad werwerkii, xanuunkii iyo dhibkii ka soo kabatay ayaan filayaa.
Nabadeey... W/Q Cumar Xasan | 1 624 |
| 6 | Geeridii saaxiibkay Jamaal:
Q/2aad
Train kii ayaan kasoo raacay 10:05 PM maxaddadii dhexe ee Hamburg, magaalada labaad ee Jarmalka ugu weyn. Aniga oo walaacsan ayaan saaxiibkaygii aannu wada soconnay u sheegay in ninkii Jamaal xaalkiisu aanu wacnayn. Xoogay waannu faallaynay, se markiiba midkaayoba teleefankiisii buu ku foorarsaday. Saacad iyo badh qiyaastiii ayaannu Bremen ku gaadhney. Mid kastaa gurigiisii ayuu beegsaday. 12kii PM ayaan sariirtaydii isku tuuray. Habeenkii oo dhan hadalkii ahaa ' Waan nacay nolosha' ee Jamaal igu yidhi ayaan marba soo xasuusanayay. Hadal culus buu ahaa!
Muddo aan ku qiyaasayo, bishii labaad Febraury 2022 ayaa waxa isoo gaadhey in Jamaal cusbitaal Hamburg kuyaalla la dhigay oo wadnaha qalliin lagaga samaynayo. Waxan judhiiba xasuuustay in uu ii sheegay in wadnaha laga hayay muddo. Niyadda waxan iska idhi soo booqo si degdeg ah. May dhicin!
Maxaan tolow saaxiibkay usoo booqan waayay? Aniga oo qorshaynaya inaan soo booqdo usbuuca dhammaadkiisa, ayuun baan gocday hadalkii uu habeenkii koowaad dadka dhexdooda ka sheegay! Anigoo arkaya ayaan lumiyay tamartii aan ku aadi lahaa Hamburg. Wax baan gocday. Hadalkaasi boog ayuu ku noqday saaxiibtinnimadayadii! Stress kii iyo xanuunkiisii waan illaway. Umaan cudur daarin! Doqonniino!
Sir aniga iyo isaga si gaara nooga dhexaysay, oo aanan rabin in uu sheego, ayuu shan qof dhexdooda ka sheegay, qalbigayga ayay gilgishay. Cuqdad aanan dhaadayn markii i gashay.
Wiiggaas, waan baaqday, bishaasna waan baaqday, ilaa saddex bilood oo kale oo ayaa isu kay dhiibey. Weli saaxiibkay Cusbitaalkii ayuu ku jiraa. Mana aan booqan. Nasiibdarradayda!
Bishii shanaad ayaan waraystay, waxa lay sheegay inuu soo ladnaanayo. Waan ku farxay. Se weli in aan booqdo ma awoodin. Energy giiba gocashadii hadalkii ayaa iga qaadaya. Waan u ducayn jirey marmar, anoo meel iska fadhiya, waan isku canaanan jirey booqasho la'aantayda. Haddana ma dhaqaaqi jirin!
Bishii toddobaad ama siddeedaad maalin aniga oo Jaamacaddii ka imid, oo Train ka soo saaran, ayaan furay Internetka, FB ga waxii koowaad ee igasoo hor baxay waxu ahaa tacsidii saaxiibkay Jamaal Cabdu-Kaafi. Waan qaboobay. Ilmo ayaa isku kay taagtay. Xusuus ayaanna galay. Tuuladii cidlada aannu iska dugsan jirney ee qaboobayd ayaa ii sawirantay. Safarradii aannu wada geli jirnay. Dhib iyo dheef waxii aannu isla qaybsannay oo dhan ayaa daqiiqad igu hor yimid!
Intaas waxa ka xanuun badnaa, oo aan ilaa iyo maanta marka aan xasuustoba denbi weyn, gunnimo iyo qoomammo dareemaa in aanan saaxiibkay lixdaa bilood isdul taagin. Gunnimo weynaa, oo nasiibdarrada igu dhacday culusaa!
Rag asxaabtayda kammid ah oo aan la wadaagay gunnimda igu dhacday, way ogyihiin ilaa iyo maanta in arrinkaasi nabar aan go'ayn qalbigayga ku reebay.
Aaskiisii tag haddaba ayaan go'aansaday. Maalin heblaayo ayaa la aasayaa ayaa lay sheegay. Intaa hore tallaagad ayuu ku jirayas. Dunidaas Galbeedka qof layska aasaa ma jiro, wax badan baa la hubsadaa. Usbuuc kaddib qiyaastii ayaa loo asteeyey in godka la dhigo. Waa maalinkii loo ballansanaa.
Subaxii markaan is idhi train kii raac waatan ilmo igasoo qubatay. Waaniga tahli waayay in aan koro tareenkii. Meel maqaaxi ah baan iska yuurursaday. Maxaad bal imminka ka doonaysaa meydkiisa?! Saw meesha ku dhacdee? Saw sooba noqon waydee? Saw denbigaad gashay awgii ruuxdiisu ku lacnaddee!
Talo ayaa igu caddaatay!
Oohin, feker iyo dawakhaad kaddib waxan go'aansaday inaan iska joogo. Dhacdadaasna mar si weyn bulshada ugu soo bandhigo, aniga oo qiranaya gunnimada aan falay, kana qoomammoonaya gocashada yar ee dadnimadaydii dhaawaca weyn gaadhsiisay!
Geeridii Jamaal iyo gocashadaydii gunnimo, waxay ka beddeleen adduun araggayga wax weyn. Casharro waaweyna waan ka bartay.
Waxa casharradaa ugu muhiimsan:
1. In aanad dadka kuu dhawaa ee aad waayaha badan rafiiqa ahaydeen, u qaban oo kula xisaabtamin hal khalad oo ay kaa galeen. Isuma dhigmaan!
2. In aad saaxiibbadaa cafiskooda badiso, bugtadooda ka war hayso, waxii kale oo dhanna iska dhaafto. Taasaad ku helaysaa wanaag iyo degganaan!
3. | 1 224 |
| 7 | Deriskii Eritriyaanka ahaa baa nagusoo yaacay. Jamaal wehel baad heshay. Afcarabi iyo Ingiriisi ayay isku darayeen. Jamaal Ingiriisiga ayay ku xidhiidhi jireen. Halkii ayuu casho noogo sameeyey, ma xasuusto waxay ahayd. Heeso qaraami ahna waannu daarannay.
Fiidkii ayaan kasoo tegey aniga oo la dhacsan degganaantiisa iyo akhyaarnimadiisii. Kuna faraxsan in asn helay wehel aan ku badhxo Suuriyaankan iyo Jarmalkan aan la shaqeeyo.
Laga bilaabo maalinkaas oo ku beegnaa bilawgii September 2015, ilaa iyo dhammaadkii 2021 Waxannu ahayn walaalo haddaanay wada jooginna iska warhaya. Lix bilood kaddib waa uu geeriyoon doonaa, waana meesha aan usoo noqon doono.
Waan ka guurey anigu gobolkii oo Bremen oo Waqooyi-Galbeed ku taalla ayaan saldhigtay. Isagu labo sanno ayuu Mecklenburg igaga danbeeyey. Hamburg ayuuse 2020kii usoo wareegay oo aanu deris ka noqonnay.
2021kii maxaa dhacay oo aan ka qoomamayee?
2021kii ayaan fasax ugu tegey magaalada Hamburg saaxiibkay Jamaal. Nin kale ayaa ila socday. Waa Weekend(Wochenende), gurigiisii buu na geeyey, dhallin labo ah bay Apartment wada degganaayeen. Casho wadareed baa ay noo sameeyeen. Cashadii dusheedii ayuu hadal keeni doona in aanan xanuunkiisii dheeree booqan si kaftan ah iigu yidhi. Qac! Waxa uu ka dhacay indhahaygii iyo qalbigaygiiba hal mar. Waxan ka qoomameeyey in aan soo booqday maalinkaas uu stressku hayay, sida aan gadaal ka fahmi doono. Waanse isdhaafiyay markii. Se cuqdaddii way i fadhiisatay qalbiga!
Habeenkii waan joogney. Galabtii Axadda oo aan carraabi doonno ani iyo saaxiibkaygii kale, ayuu iisoo bandhigay in aannu israacno oo meel gaara tagno.
Waannu baxnay, maqaaxi kutaalla badda Hamburg ee Nord-See jenbigeeda oo neecaw macaan yare dhirbaaxayso ayaannu kafee ka dalbannay. Waayihiisii nololeed oo aan wacnayn beryahaa ayuu ila wadaagay, anna aad ayaan u dhegaystay, waana dabeecad fiican oo aan leeyahay in aan dadka aad u dhegaysto. Xanuunno, arrimo qoys, iswaa nafeed iyo daal. Lug uu ka dhutinayay oo laga qalay ayuu i tusay. Stress badan iyo walaac nololeed ayuu ila wadaagay. Aad baan uga xumaaday. Waan la taliyay intii karaankayga ahayd. Waayaha adduunka iyo nolosha baaxaa-deggeeda ayaannu ilaa iyo fiid danbe isla jeexjeexnay.
Kelmad aanan illaawayn ayaa uu dhammaadkii kulankayaga si hoose iigu soo tuuray ' Cumaroow saaxiib in aan dhinto ayaan jeclahay' ' Waan ku daalay noloshii'! Indhaha intaan kala qaaday si weyn oo haddana is xakameeyey, ayaan dib u fadhiistay. Waxii Eebbe i baray ee diin iyo xikmad ahaa ee rejo abuurka ku saabsanaa ayaan isku dayay in aan ugu laab qaboojiyo. Inta aad ii dhegaystay oo uu dhoolla caddeeyey ayuu i waydiiyay goorta Train kii Bremen aan raacayo? 10 ka habeennimo ayaan idhi. Inna keen kusii dhaweeyee. Waaba Sagaalkii e.
Waannu soo baxnay intii aan jidka kusii jirney, aad ayaan isagu deyey in aan ku qanciyo in uusan isdhiibin. Stress ka family ga, kan dhaqaalaa, kan caafimaafka iyo kan guud ee macnaha noloshaba waan ka sheekaysannay. Maxaddaadii Hamburg Haupt-Bahnhof oo uu saaxiibkay Muxsin Ismaaciil igu sugayay ayaan imid. Waannu is macasalaamaynay Jamaal, laabtana waannu is gelinnay. Mase aan filayn in uu is araggayagii ugu danbeeyey ahaa kulankaasi iyo in ay is mucaanaqayntayadii ugu danbaysay ahayd Laab-isgelintii fiidkaas Jiilaalkii 2021!
Qaybta danbe geeridii saaxiibkay iyo qoomammadaydii ayaynu ku eegaynaa..
La soco..
W/Q Cumar Xasan | 974 |
| 8 | Geeridii saaxiibkay Jamaal Cabdi-Kaafi iyo qoomammadii kulankayagii ugu danbeeyey:
Jamaal Cabdi-Kaafi Tawaad, waxa aannu isku barannay dabayaaqadii sannadkii 2015 tuulo yar oo kutaalla bariga fog ee waddanka Jarmalka. Maalinkii koowaad ee lay keenay tuulada, ayaan wiil iyo gabadh Eritriyaan ah oo isqabay waydiiyay in wax Soomali ahi tuulada degganyihiin, waxay ii sheegeen hal wiil oo badanaa maqani in uu deris layahay. Gobolka Mecklenburg-Vorpommern ee ka tirsanaan jirey jamhuuriyaddii DDR ka ee Shuuciga ahayd weeye meeshu. Waa gobol dadkiisu aad u yaryihiin, aadna u xidhxidhanyihiin, tuulooyin dhan oo dhawr qoys kasoo toosaan baad arkaysaa. Waa iska dhul cagaaran oo cidlo ah! Xeebta Ost-See ayaa isku dhererisa iyana oo waa gobol dalxiiska caan ku ah.
Qaxootigii Suuriyaanka u badnaa ee sannadkaa ku qulqulayay Jarmalka, markii marwo Angela Merkel albaabada waddankeeda u furtay, ayaa loo soo daldalaa dhulkan cidlada ah. 300 oo Suuriyaan ah ayaan tarraxaa keligay oo madaw ahi meel kaam ah.
Maaddaama oo aan Afcarbeedka aqaanney kuma dhex qaloon jirin. Waxa kale oo isii caawisay, markii aan xafiiskii Red Cross ta ee Jarmalka (Deutsches Rotes Kreuz) uga noqday turjumaan dadkii Suuriyaanka ahaa ee aan badankood Af-Ingiriisiga aqoon. Si degdeg ah ayaan labadii dhanba u dhex galay. Shaqaalihii Jarmalka ahaa iyo qaxootigiiba. Qofka ugu caansan dhismaha aannu degganayn ayaan judhiiba noqday. Niman lix ahaa oo Afgaanistaan ka yimid, dhibaato weyn baa haysatay, Carabi iyo Ingiriisi toonna may aqoon. Suuriyaankii badnana qaar gaasdhegool ah oo ka mid ahi way cunsuriyayn jireen lixdaas nin. Waxan iswaydiin jirey, bal Cumaroow adiga oo aan afafkaas garanayn oo sidanna u madaw maxaad kala kulmi lahayd badawdan Dayra-suur Ψ―ΩΨ± Ψ§ΩΨ²ΩΨ± Ω Ψ§ΩΨΨ³ΩΨ© iyo Xasaka kasoo rucleeyey?! Ama miyigii Derca ka soo hayaamay! Ψ±ΩΩ Ψ―Ψ±ΨΉΨ§
Barashadii afafka qalaad iyo Eeddaday Aammino Jaamac oo waxbarashada nagula dedaashsy ayaan u mahad celin jirey mar kasts aniga oo duleeddada tuulada ee cagaaran galbihii lugaynaya.
Aan usoo noqdo Jamaal, wiilkii reer Doollo ee Reer-Biciidyahan, reer Xaamud. Markii aan qiyaastii bil ku dhawaad joogey tuuladii ayuu kasoo noqday magaalo weyn oo xeebta Ost-See kutaalla oo Rostock la dheho, xayn Soomaali ah oo halkaa degganaa oo iyana cusub ayuu cidlada tuulada kaga dhuuman jirey, waayo sharci weli ma uu haysan, shaqo iyo waxbarashona laysuma oggolayn waagaas haddaadan sharci haysan. Xoogaa lacag ah oo aad ku noolaato, caafimaafkaaga iyo hoy aad degto ayaa lagu siinayaa. Waa adi iyo aashaa waxii kale.
Jamaal goor casar ah, aniga oo koox Suuriyaan ah Chess la ciyaaraya oo aannu meel barxad ah fadhino, ayuu iridda kasoo mudh yidhi, nin dheer, oo madaw, oo ilkacas oo weji dhuuban oo xoogay baalla daymoonaya sidii uu cid raadinayo weeye. Suuriyaankii mid kammida baa intaanan hadlin iga boobay hadalkii oo yidhi ' Waa Soomaali ninkani, Cumaroow saw maaha' ΩΨ°Ψ§ Ψ΅ΩΩ
Ψ§ΩΩ Ω
Ω ΩΩΩ ΨΉΩ
Ψ± Ψ
Intaanan u jawaabin, ayaan ciyaartii ka hinqaday, laabta ayaannu is gelinnay, walaal ii warran, iyo magacaa ayaa noogu xigtay. Ciyaartaas aan dhammaysto waaba gebagebo ayaan ku idhi, shaah ku dhufo waataas tallagaddii iyo koobabkii e. Ciyaartii ayaan dedejiyay, awelba anigoo layga watay, ayaa si xarrago leh oo degdeg ah layga badiyay. Intaan gacanqaaday ninkii i la ciyaarayay ayaan Jamaal oo sii laasanaya shaahii isdul taagay. Waa uu fuuqsaday gocgocii u dhinnaa. Inna mari iska soo lugayno duleedka tuulada ayuu yidhi. Waa Sagaalaad oo dhirtii ubaxii Dayrta ayaa soo cammiraya. Qorrax aan aad kuu gubayn ayaa iyana fallaadheheedii carriga ku gamaysa. Waa jawi deggan oo sanqadh yar.
Iswaraysi, kaftan iyo is haybsi ayaannu galnay. Inuu reer Hawd-Mudug yahay waan qiyaasay judhiiba. Isna waa uu i qiyaasay in aan reer Waqooyi ahay. Daqiiqado kaddibba qabiilkayagii hoose ayaannu isla aadnay. Ugaadhyahan iyo Biciidyahan Miyiga Jarmalka Bari waayuhu keeneen ayaannu noqonnay.
Minji baxsi iyo qorraxaysi kadib, gurigii uu degganaa oo kaamka aan degganahay dhabarkiisa ku aaddan ayuu i geeyey. Guri iska qurux badan oo nadiif ah. | 974 |
| 9 | βIsla wakhtigan Qof ayaa ku xukamaya. Qofkalana adiga ayuu dhiiri-gelin kaa qaadayaa. Welina midkood si dhab ah kuuma garanayo.β
β Seneca
Qof ayaa ku xukumaya isaga oo kugu xukumaya wax uu kaa arkay, kaa maqlay ama lagaaga shekeeyay sida oo kale qof kale ayaa dhiiri-gelin ka qaadaya wax uu kaa maqlay ama wax aan adiga muhiim kula lahayn ood sameysay. Midna ma oga xaqiiqada dhab ah e ka danbaysa ashyaadaas, wax aad soo martay ama wax ka danbeeyay goβaanadaadaas. | 1 155 |
| 10 | No text... | 1 |
| 11 | Soo laabashadeedu kama dhigna inay kuu xiistay !! Ee waxay ku guuldaraysatay Dhammaan fursadihii kale.
Digtoonow saaxiibkayow | 1 216 |
| 12 | Jirku ma jecla quruxda ee waxa uu jecel yahay shaqada.
Marka aad murqahaaga si ula kac ah u dhisto (gym aado), haddii baahidii keentay koritaankooda (jimicsiga iyo culays qaadista) ay meesha ka baxdo, jirku si tartiib ah ayuu u bilaabaa inuu ka takhaluso murqahaas. Sababtuna waa mid fudud: ma aha in aanay jiimka iyo jimicsigu faaiido lahayn, se waa in uusan jidhku murqaha u samaysan una haysan qurux ahaan, balse uu u samaysto una haysto shaqo darteed.
Murquhu waa unug tamar badani ku baxdo ilaalintooda. Marka aad si joogto ah culays u saarto, jirku wuxuu horey ka fahmayaa in xoog loo baahan yahay, markaas ayuu samaystaa, ilaashadaa intii hore oo uu sii xoojiyaa. Se marka culayskii yaraado ama joogsado cadaadiskii, nidaamkii jirku waxa uu isu beddelaa: βUma baahnin murqaha intaas le'eg.β
Sidaas darteed ayay murqihii kuu adeegayay ee waawaynaa ee aad quruxda iyo bilicda dhisatay u bilaabaan inay yaraadaan. Jirku ma ilaaliyo waxa aad jeceshahay; wuxuu ilaaliyaa waxa uu u arko in loo baahan yahay. Biology ahaan nidaamkaan waxaa la yiraahdaa "Muscle atrophy".
Si aad murqaha aad dhistay u haysato ama u ilaashato, waa inaad si joogto ah u isticmaasho.
W/Q Mohamed Dafle | 1 356 |
| 13 | https://youtube.com/@akramjibriil?si=GriSvx4ojxxZWhDV
Subscribe inoo soo dhaha saxiibayaal | 1 235 |
| 14 | ββββ
1οΈβ£ π Diinta & Duunyada
π 15k π π Taabo halkan
π 20k π π Taabo halkan
π 16k π π Taabo halkan
π 18k π π Taabo halkan
π 20k π π Taabo halkan
π 19k π π Taabo halkan
π 17k π π Taabo halkan
π 26k π π Taabo halkan
βββββββββββ
2οΈβ£ β¨ Aqoon & Xikmado πΊπ
°οΈ
β¨ 18k π π Taabo halkan
β¨ 20k π π Taabo halkan
β¨ 26k π π Taabo halkan
β¨ 18k π π Taabo halkan
β¨ 42k π π Taabo halkan
β¨ 16k π π Taabo halkan
β¨ 20k π π Taabo halkan
β¨ 19k π π Taabo halkan
ββββββββββββ
3οΈβ£ π Buugaag & Akhris
π 76k π π Taabo halkan
π 160k π π Taabo halkan
βββββββββββββ
π― 13k π π Taabo halkan
π 27k π π Taabo halkan
π¬π§ 15k π π Taabo halkan
π 28k π π Taabo halkan
πΈπ¦ 11k π π Taabo halkan
ββββ
π Powered by: π Taabo halkan
π΅ku hel Buugaagta Emailkaaga | 1 562 |
| 15 | NABADGELYO PRAGUE!
Waxaa la gaaray xilligii aan Prague nabadgelyeyn lahaa oo meel kale isku dayi lahaa. Nasiibdarro, waa xilligii aan kali ah ka fekeri lahaa meelaynta noloshayda yarta ah. Qalinjebintaydu waxay ku soo beegantay xilli welwel weyni iga hayo aayaha noloshayda iyo tan dalkaygaba. Waxay ku soo beegantay xilli aan dib u liqay naalladii ku noqoshada dalkayga, aniga oo wax soo bartay. Waxaa la gaaray xilligii aan gurdanraac noqon lahaa oo ku biiri lahaa Soomaalida badan ee galbeed u haajirka ah. Waxaa dhammaaday noloshaydii ardaynimada, waxaana ii bilowday tu hor leh oo aan sugnayn. Tu aan la saadaalin karin meel ay ku dambayn karto iyo waxa ay la ay kulmi doonto midna. Ma garan karo meel aan aado iyo waxa aan ka fili karo socodkayga, waxaanse ku khasbanahay in aan dhaqaaqo, ilaa aan la kulmo meel aan guri ka dhigto. Waxaan ku khasbanahay in aan isu diyaariyo barashada afka iyo dhaqanka dal kale oo igu cusub; in aan mar kale nolosha qurbaha kow ka bilaabo oo isu diyaariyo turunturrooyin iyo lamafilaano hor leh. Ma waxaan noqon doonaa geed-abaareed lagu beeray dhul qabow oo qoyan dabadeedna ku dhada cimmilada deegaanka cusub, mase waxaan noqon doonaa geed meel kasta iyo xilli kasta ku bixi kara oo xay iyo caleemo dhalin kara? Taasi waa su'aal aan laga jawaabi karin maanta oo u baahan in waqti iyo baxnaano la siiyo.
Dhinaca kale, marka noloshayda laga eego, waxaan ahay nin nasiib badan. Waxaan ahay nin nasiib badan, marka la ii eego Soomaali badan oo iga liidata oo aan xataa iyagu heli karin meel ay nafta u la cararaan. Waxa aad iiga liita kuwa ku jira xeryaha qaxootiga Afrika oo aan ka fekeri karin wax ka durugsan nololmaalmeedka joogtada ah. Waxa aad iiga liita kuwa wali ku dhex jira dagaalka sokeeye ee dalkooda aafeeyay ee aan garan karin goor ay xabbadi haleeli doonto. Waxa aad iiga liita kuwa ehelka iyo sokeeyaha ku waayey dirirta micnadarro ee dadkooda dhex taal. Waxaa aad iiga liita gabdhaha iyo hooyooyinka la faraxumeeyey ee sharaftoodii iyo dadnimadoodii meel looga dhacay. Waxaa aad iiga liita kuwa ku riyoonaya in ay qaxaan oo bal mar uun soo galaan qurbaha aan ka cabanayo. Shaki laβaan, waxaa aad iiga liita kuwa yaryar ee aan waxbarashada fursadda u helin ee aayahoodii dayacmay. Waxaan oran karaa, dhab ahaan, waxaa aad iiga liita badanaaba Soomaalida maanta ku nool dalkaygii hooyo. Murugo kasta iyo welwel kasta oo aan qabo, waxaan ka mid ahay dadka ugu nasiibka badan danyarta Soomaalida maanta.
Suβaasha ugu adag ee la i wayddiiyaa waxay tahay, βhorta maxaa dadkiinu isu laynayaa? Maxaa sababay dirirta iyo is gumaadka intaas leβeg ee idin kala hantaawilifiyey?β Waxaa kale oo la i wayddiiyaa sababta dheeraysay heshiis laβaanta. Sababta fogeysay is afgarashada iyo gunaanadka colaadda sokeeye? Waa suβaalo aanan wali jawaab dadka qancisa u helin. Run ahaan, waa suβaalo aan aniga ruuxaygu
β Buuga Qab iyo Quursi | 1 680 |
| 16 | Hard now, easy later.
Easy now, hard forever. | 1 554 |
| 17 | Jacaylka iyo dareenka galmadu waa laba ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee kaxeeya dabeecadda iyo ficillada biniβaadamka.
Maku raacsanatahay fikradaas Sigmund Freud uu yiri.
wuxuu aaminsanaa in dadka waxa ay sameeyaan badankood ay u saameeyaan rabitaanno gudaha ku qarsoon | 1 913 |
| 18 | Waxaa ku soo mari doona ayaamo ay adkaan doonto inaad warisid (kasheekaysid)*.
~Zaki bootaan | 2 656 |
| 19 | Waayadan Maxaa ku xiiso geliya? | 2 614 |
| 20 | "Garo Naftaada kaddib waad ku guulaysanaysaa dhammaan goobaha dagaalka." πβοΈ
β Sun Tzu | 2 985 |
