ch
Feedback
Dunida Suugaanta✨🥰

Dunida Suugaanta✨🥰

前往频道在 Telegram

"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh" ~Hazrat Ali

显示更多

📈 Telegram 频道 Dunida Suugaanta✨🥰 的分析概览

频道 Dunida Suugaanta✨🥰 (@dunnidasuugaanta) 索马里语 语言赛道中的 是活跃参与者。目前社区聚集了 19 017 名订阅者,在 动机与名言 类别中位列第 1 358,并在 索马里 地区排名第 464

📊 受众指标与增长动态

невідомо 创建以来,项目保持高速增长,吸引了 19 017 名订阅者。

根据 22 六月, 2026 的最新数据,频道保持稳定运转。过去 30 天订阅人数变化为 -164,过去 24 小时变化为 -11,整体触达仍然可观。

  • 认证状态: 未认证
  • 互动率 (ER): 平均受众互动率为 6.56%。内容发布后 24 小时内通常能获得 1.41% 的反应,占订阅者总量。
  • 帖子覆盖: 每篇帖子平均可获得 1 248 次浏览,首日通常累积 269 次浏览。
  • 互动与反馈: 受众积极参与,单帖平均反应数为 8

📝 描述与内容策略

作者将该频道定位为表达主观观点的平台:
"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh" ~Hazrat Ali

凭借高频更新(最新数据采集于 23 六月, 2026),频道始终保持新鲜度与高覆盖。分析显示受众积极互动,使其成为 动机与名言 类别中的关键影响点。

19 017
订阅者
-1124 小时
-367
-16430

数据加载中...

标签云
无数据
有任何问题?请刷新页面或联系我们的客服
进出提及
---
---
---
---
---
---
吸引订阅者
六月 '26
六月 '26
+29
在23个频道中
五月 '26
+26
在23个频道中
Get PRO
四月 '26
+39
在19个频道中
Get PRO
三月 '26
+51
在23个频道中
Get PRO
二月 '26
+82
在25个频道中
Get PRO
一月 '26
+89
在24个频道中
Get PRO
十二月 '25
+108
在24个频道中
Get PRO
十一月 '25
+70
在25个频道中
Get PRO
十月 '25
+63
在25个频道中
Get PRO
九月 '25
+41
在23个频道中
Get PRO
八月 '25
+36
在1个频道中
Get PRO
七月 '25
+38
在0个频道中
Get PRO
六月 '25
+61
在27个频道中
Get PRO
五月 '25
+461
在27个频道中
Get PRO
四月 '25
+654
在27个频道中
Get PRO
三月 '25
+343
在30个频道中
Get PRO
二月 '25
+227
在30个频道中
Get PRO
一月 '25
+197
在31个频道中
Get PRO
十二月 '24
+317
在31个频道中
Get PRO
十一月 '24
+801
在29个频道中
Get PRO
十月 '24
+223
在32个频道中
Get PRO
九月 '24
+234
在31个频道中
Get PRO
八月 '24
+488
在33个频道中
Get PRO
七月 '24
+490
在33个频道中
Get PRO
六月 '24
+211
在2个频道中
Get PRO
五月 '24
+442
在36个频道中
Get PRO
四月 '24
+208
在32个频道中
Get PRO
三月 '24
+727
在32个频道中
Get PRO
二月 '24
+796
在30个频道中
Get PRO
一月 '24
+743
在29个频道中
Get PRO
十二月 '23
+441
在29个频道中
Get PRO
十一月 '23
+1 867
在0个频道中
Get PRO
十月 '23
+2 464
在1个频道中
Get PRO
九月 '23
+260
在0个频道中
Get PRO
八月 '23
+346
在0个频道中
Get PRO
七月 '23
+246
在0个频道中
Get PRO
六月 '23
+259
在0个频道中
Get PRO
五月 '23
+229
在0个频道中
Get PRO
四月 '23
+190
在0个频道中
Get PRO
三月 '23
+188
在0个频道中
Get PRO
二月 '23
+268
在0个频道中
Get PRO
一月 '23
+295
在0个频道中
Get PRO
十二月 '22
+336
在0个频道中
Get PRO
十一月 '22
+321
在0个频道中
Get PRO
十月 '22
+314
在0个频道中
Get PRO
九月 '22
+278
在0个频道中
Get PRO
八月 '22
+375
在0个频道中
Get PRO
七月 '22
+351
在0个频道中
Get PRO
六月 '22
+357
在0个频道中
Get PRO
五月 '22
+300
在0个频道中
Get PRO
四月 '22
+294
在0个频道中
Get PRO
三月 '22
+314
在0个频道中
Get PRO
二月 '22
+257
在0个频道中
Get PRO
一月 '22
+453
在0个频道中
Get PRO
十二月 '21
+481
在0个频道中
Get PRO
十一月 '21
+566
在0个频道中
Get PRO
十月 '21
+520
在0个频道中
Get PRO
九月 '21
+505
在0个频道中
Get PRO
八月 '21
+777
在0个频道中
Get PRO
七月 '21
+636
在0个频道中
Get PRO
六月 '21
+766
在0个频道中
Get PRO
五月 '21
+229
在0个频道中
Get PRO
四月 '21
+497
在0个频道中
Get PRO
三月 '21
+123
在0个频道中
Get PRO
二月 '21
+480
在0个频道中
日期
订阅者增长
提及
频道
23 六月0
22 六月0
21 六月0
20 六月0
19 六月+2
18 六月+4
17 六月0
16 六月+4
15 六月+1
14 六月0
13 六月+2
12 六月+4
11 六月0
10 六月0
09 六月+3
08 六月+9
07 六月0
06 六月0
05 六月0
04 六月0
03 六月0
02 六月0
01 六月0
频道帖子
“Don’t walk behind me; I may not lead. Don’t walk in front of me; I may not follow. Just walk beside me and be my friend.” – Albert Camus

2
“Good decision comes from experience. Experience comes from making bad decisions.” – Mark Twain
44
3
Kulankii caawa aniga oo daawanaya waxan jsweydiiyay maxa Qaranka Switzerland loogu soo gaabiyay Xarfaha”Sui” Hadii magacoodu yahay Switzerland, Baadhis yar ayaan ku sameeyay waxa iga soo baxayba Cashar kooban oo ku saabsan wadankan. Dhibaatadu waxay tahay in "Switzerland" uusan ahayn magaca ay dadka reer Swissku u adeegsadaan inay ku ugu yeedhaan dalkooda. Dhab ahaantii, xitaa ma jiro hal magac oo dalku isku raacsan yahay asalkaba. Switzrland waa dal ku dhismay afar gobol oo luuqado kala duwan loogu hadlo; dadka Jarmalka ku hadla waxay u yaqaannaan "Schweiz", kuwa Faransiiska ku hadla waxay u yaqaannaan "Suisse", kuwa Talyaaniga ku hadlana waxay dhihi jireen "Svizzera", halka luuqada Romansh-ka loogu yaqaanno "Svizra". Magacyadani ma aha kuwo si fudud la isugu turjumay, balse waa qayb ka mid ah aqoonsi dhaqameed iyo taariikheed oo kala duwan. Sababtan darteed, dawladda Switzerland waxay tan iyo aasaaskeeda wajahaysay mushkilad gaar ah: Waa kee magaca matali kara qof kasta iyadoo aan cidna dareemin inay dalkooda lagaga tiro badan yahay ? In la doorto magac Jarmal ah waxay la macno ahayd in mudnaanta la siiyo aqlabiyadda ku hadasha Jarmalka, doorashada magaca Faransiiska ama Talyaanigana waxay xambaarsanaan lahayd isla macnihii oo kale uun. Sidaa darteed, dawladdu waxay u weecatay xal aan caadi ahayn; waxay dukumentiyadeeda rasmiga ah ku qaadatay magaca Laatiinka ee "Confoederatio Helvetica", oo la macno ah "Xiriirka Helvetia", kaas oo loola jeedo qabiilooyinkii Helvetii ee deganaan lahaa dhulkan kumanyaal sano ka hor. Halkaan ayayna ka yimaadeen waxyaabo badan oo aan maanta aragno iyadoo aynaan fiiro gaar ah u yeelan. Tusaale ahaan, gaabinta gawaarida Swisar waa CH, lacagta dalkuna waa CHF, fogaanta internetka ee Swisarna waa .ch, dhamaantoodna waxay dib ugu laabanayaan isku magaca Laatiinka ee ma aha erayga Switzerland. Laakiin dhinaca ciyaaraha, adeegsiga caalamiga ah wuxuu ku istaagay gaabinta SUI oo laga qaatay "Suisse", oo ah magaca Faransiiska ee dalka. Tani waxay timi maadaama luuqada Faransiisku ay sanado badan ahayd luuqadda diblomaasiyadda iyo luuqadda ugu muuqata ee dhexdeeda hay'adaha isboortiga caalamiga ah, kuwaas oo intooda badan ku dhashay Galbeedka Yurub. Muddo ka dibna, gaabintani waxay noqotay qayb adag oo ka mid ah aqoonsiga isboortiga ee swisska, xitaa markii ay Ingiriisidu noqotay luuqadda ugu faafidda badan adduunka. W/Q Abdirahman Taatikada
517
4
..1.. Caadooyinka yaryar ayaa isu beddela guulo waaweyn marka si joogto ah loo sameeyo.
493
5
Maanta oo jimce ah buugee Akhrinaysaa.
Maanta oo jimce ah buugee Akhrinaysaa.
1 152
6
🌙☪️ Hambalyo! Team Somali 🧕🌙 ━━━━━ 1️⃣ 🌙 Diinta & Duunyada 🌙 15k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 16k 👉
🌙☪️ Hambalyo! Team Somali 🧕🌙 ━━━━━ 1️⃣ 🌙 Diinta & Duunyada 🌙 15k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 16k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 18k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 19k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 17k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 26k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━ 2️⃣ ✨ Aqoon & Xikmado 🚺🅰️ ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 26k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 42k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 16k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 19k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━ 3️⃣ 📚 Buugaag & Akhris 📖 76k 👉 👉 Taabo halkan 📖 160k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━━ 🎯 13k 👉 👉 Taabo halkan 🛠 27k 👉 👉 Taabo halkan 🇬🇧 15k 👉 👉 Taabo halkan 🎓 28k 👉 👉 Taabo halkan 🇸🇦 11k 👉 👉 Taabo halkan ❓❓❓❓ 📭 Powered by: 👉 Taabo halkan 📵ku hel Buugaagta Emailkaaga
1 315
7
Dareen intee le’eg ayuu dareemayay Aabihii suugaanta & falsafadda Ruushka Fyodor Dostoyevsky markii uu lahaa, madalban gacan
Dareen intee le’eg ayuu dareemayay Aabihii suugaanta & falsafadda Ruushka Fyodor Dostoyevsky markii uu lahaa, madalban gacan iga tirta ilmada, mana aanan toosin ruux laabta i galiya si aan ugu dego, dhab ahaantii xilliyadii ugu adkaa noloshayda waxaan ku qaatay kalinimo. cajiib !!
1 405
8
“Ninku wuxuu u baahanyahay lacag si uu u noqdo xubin kamid ah family-giisa.” Maahmaah African ah Yacni si loo qadariyo loo maamuuso ninku wuxuu u baahanyahay lacag, in uu tabcado si tiisu u socoto😁
1 396
9
“Keliya waxa sharciga ahi Waa jacaylka, Wixii kale waa wajibaad uun.” - Mirabai
1 235
10
Carrigii dagaal baa ka dhacay. Dadkii baa is laayay. Reerihii walaalaha ahaa ee is wada dhalay baa is laayay. Maatadii waa ay qaxday oo dhul shisheeye ayay magansatay. Aad bay maatadu u gaajaysan tahay oo u liidataa. Aabbuhu xilkiisii wuu gudan kari la yahay, hooyaduna ka liidatee. Waa la silicsan yahay oo la saxariirsan yahay. Waa dad leh dhaqan iyo diin kale. Hay’adaha qaxootiga caawiyaa waa wada shisheeye. Diin kale ayaa meesha la gu faafiyaa, siyaalo iyo xeelado ka la duwan baana la adeegsadaa. Cuntada ayaa se maatada dan u ah. Haa, maatadii waxaa la siiyay cunto (buskud, caanaboodhe, biyo iyo qamaddi qeedhin iyo bisayl u dhexaysa). Dabadeed waa ay wada seexatay maatadii. Hurdana ma ahayn ee dhimasho ayay u dhowayd. Qof walba waxaa qalbiga u ga buuxay argagax iyo murugo. Goortii la toostoosay waxaa loo ga sheekeeyay qiso naxariis badan oo aad u macaan. Cuntadii, biyihii, hurdadii, qisadii naxariista badnayd …. Kitaabka Qudduuska ayaa la tusay maatadii. Haa, waxaas oo khayr ah ee cadaabtii Soomaaliyeed ka wacan baa la tusay. Baybalka ayaa la gu heesaa. Qofka aan ku heesini wax badan buu ka qadaa, qofka ku heesaana wax badan buu helaa. Maato badan baa dooratay in ay heesto, si ay wax badan u hesho. Jesus halleluja… Jesus halleluja… Jesus halleluja. Kuwii heesay mushahar baa loo qoray, waxaana madax loo ga dhigay kuwii heesi waayay. Xeradii qaxootiga oo dhan waxaa ka yeedhay Jesus halleluja… Carruurtu wax ay hubaan cuntada iyo dharka iyo farxaddu in ay ku yimaaddaan heesta Jesus halleluja… Saleebaan, oo magaciisa dahsooni yahay Solomo, waa labaatan jir. Waa barbaar gob ah oo isu han weyn oo xarragooda. Ingiriisida wuu shubay, Baybalkana wuu daadiyay, waayo xeradan qaxootiga ayuu ku dhashay. Carruur badan iyo qoysas badan ayuu xukumaa oo mushahar ku qaataa. Odaygii caddaa isaga ayuu hawsha ka ga nastay. Qoysaska uu la dhaqmo badankoodu waa u xigto, xidid iyo aqoonnin. Taliyihiisa cad wax uu ku yidhaahdaa: this is very esay job, father. Don’t worry, father. Hooyadii shanta agoon ee ay korsatay isaga ayaa curad u ah. Aabbahood oo Soomaaliya la gu soo dhaawacay halkan buu ku dhintay. Kolkii uu dhimanayay ma uu ogayn ilmihiisa oo dhami in ay masiixiyoobeen. Aad buu siyaasadda u ga sheekayn jiray, isaga oo weliba aad u dhaawacan, wuuna ku dagaallami jiray golaha fadhi ku dirirka. Taa darteed, ma uu ogayn marwadiisu in ay masiixiyowday iyo in ay shantooda ilmoodba masiixiyaysay. Solomo wuu ooyaa kolka uu kiniisadda yar ee xerada ku dhex taalla dadka u gu heesayo Jesus halleluja… Jesus halleluja… Jesus halleluja. Marka aadaanku masaajidka ka baxo isaguna wax uu ku dheeraystaa Jesus halleluja… Jesus halleluja… Jesus. WQ: Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed
1 398
11
Filasoof fikir fog buu ahaa baynu soo nidhi, waana run oo gabaygiisa ayay taasi ka buuxdaa. Had iyo goor wax uu hilaadin jiray ama eegi jiray meel fog oo ka ilbaxnimo sarraysa halkii maalintaa dadkiisu yaalleen. Taa tusaalaheedu iyada oo aan tix iyo laba ahayn oo ay gabaygiisa ka buuxdo, aynnu ka aragno meerisyadan hoose. Waa nuskii dambe ee sannadihii lixdannadii. Niyadsamida dunida iyo saadaasha horumarka aadamigu dardar buu yeeshay ka dib markii quwado cusubi soo baxeen, is la markaa samada loo baxay oo Dayaxa guudkiisa la gu tallaabsaday. Iyada oo ay sidaa tahay ayay madaxdii soomaalidu meesha is ka taagtaagan yihiin oo aanay umaddoodii waxba u soo kordhin, ayuu lee yahay. Dayaxaa la ka la boobayaa Dirirki Cawleede Xiddigtii Dagaar iyo la dhaaf Diillintii Guraye Dib baa Laxaha loo eegayaa Sacana waa daafe Duqii samada la gu sheegayiyo dide Cirjiidhiiye Dabaylaha rag baa ka la yaqaan dawga loo maro’e Hadba waqalka dihin Ruushku waw doogsin cararaaye Daruuraha la weeraray nin ogi dan u ga faallooye Nin da’dii halkaa gaadhay oo daallan baan ahaye Ha yeeshee dabkeedu ha ba ee doqoni waa mooge Daab gudimo weli soo ma jarin wiilashaan diraye Meelo badan oo ka mid ah maansada Qaasin, gaar ahaan tixda ”Cirsankayeedh”, waxaa la ga dhex arkaa saadaal joogto ah oo ku saabsan ciidanka qalabka sidaa in uu talada dalka qabsan doono, oo siyaasiga rayidka ah ee musuqmaasuqa iyo qabyaaladda la gu ibtileeyay la ridi doono. Sidii bay noqotay oo sannadkii 1969 ayay askartii dalka qabsatay. Laakiin isbeddelkii uu saadiyay kolkii uu dhacay qudhiisi u ma aayin, ciddii kowaad ee eeddayna isaga ayay noqotay oo juuqba waa loo diiday. Maya, bilawgii askarta wax uu ku qaaday dagaal aad u kulul, oo weliba qabyaaladaysan, laakiin beryihii dambe oo dhan wax uu ku jiray aamus iyo maqnaan la ga garanayo quus iyo niyadjab weyn. Quusta iyo niyadjabka uu qabay waxaa tusaale loo ga dhigan karaa in aanu waxba ku darsan dagaalkii weynaa ee Soomaali Galbeed, taas oo ahayd qaddiyaddii uu halgankeeda weligii ku taamayay. Abwaankii weynaa ee Xaaji Afqallooc baa ka mid ah gabyaaga ay xilligaa ku bilaabatay quusta ku saabsan cusboonaynta soomaalida iyo taabbagelinta dawladnimo hagaagsan. Qaasin weligii niyadjabkaa ka ma soo kaban, oo xitaa halgankii dambe ee askarta la gu ridayay tixaha uu ku darsaday waa cagajiid. WQ: Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed https://t.me/ErayiyoAragti https://t.me/Waarsiino
1 348
12
Wax la yidhi gal daayeer cabbay habari geysaaye Gobaad wax ay la daaqdaa sagaal gorayocawloode Wax la yidhi gomode naasihii giigsanaan jiraye Wax la yidhi gujaa la gu lisaa labada gooroode Golqaniinna waa loo gu daraa yaanay gaagixine Meerisyada soo socda oo ku jiray tix ka mid ah kuwiisii lixdannadii, wax ay tusaale u yihiin gabaygiisa ku dhisan af soomaaliga reer guuraaga. Waa xeeladdii kicinta waddaniyadda ee xilligaa ee dadka la gu la hadlayay af ay garanayaan oo dareenkooda taabanaya: Geeddiga la raray meel fog baa loo gol lee yahaye Gaadiidka waxaa loo hor marin ka u gadhqaad dheere Gaargaarrin maayee askari giigsan baa wadiye Gudoodiyo mir baa loo lallabi guure bahallayne Gabbal dhiciyo waabberi jidkaa la gu galoollaane Gaajiyo harraad iyo surmaa guudka loo dhigiye Gocondhiyo cagaag baa lugaha gaar ka soo bixiye Garbo iyo jar baa layska shubi gootin iyo laage Guryasamo ilaa la gu furay gibishu saarraane Aadan Cabdulle Cismaan, oo ahaa madaxweynihii u gu horreeyay Jamhuuriyadd Soomaaliya midowgii ka dib, Qaasin ma uu jeclayn. Dabcan taa sababteeda waa la garan karaa, waayo madaxweynahaasi si eex ah ayuu xukuumaddiisii u gu badiyay Gobolka Koonfureed ee uu isaga u dhashay, gaar ahaan wax uu urursaday niman ay gobollada dhexe ka wada yimaaddeen, xidid iyo xigaalna ahaayeen. Kursigii labaad ee dawladdaa midowday u gu awood badnaa Aadan-Cadde wax uu u ka la dambaysiiyay Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Cabdirisaaq X Xuseen ”Ina Catoosh”, kuwaas oo qudhoodu reer koonfureed ahaa, gaar ahaan Cabdirisaaq reer waqooyiga waa ay is ku xumaadeen. Dhibsashada iyo dhaleecaynta xukuumadda Aadan-Cadde reer waqooyigu waa ay ka sinnaayeen, waayo waalli ayaa loo arkay in koonfurtu labada xil ee u gu sarreeya dalka is ku darsato, sidaa darteed tixdani ma aha tii kowaad ee Qaasin maamulkaa ku dhaliilay. Kolkii Aadan-Cadde dhacay sannadkii 1967 waxaa madaxweyne iyo Raysalwasaare isu noqday Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo koonfur ah, iyo Maxamed Ibraahin Cigaal oo reer waqooyi ah. Dabadeed waxaa markii kowaad la dareemay dawladnimo dhanka caddaaladda u socota. Dhicista Aadan-Cadde iyo raysalwasaarannimada Cigaal ayuu Qaasin ka tiriyay gabaygan soo socda oo ah kii u gu qallafsanaa ee uu weligii cid u tiriyay. Wax uu yidhi: Niyad baan u ledayaa hurdada Naasir Naxarowe Nabdigaan ka soo jeedi jiray noogay oo dhacaye Nasashada darteed baad indhaha nadarka yaabtaaye Naxligii calooshiyo bogsade nabarradeediiye Naxariistu waa naca kufriga nidar galkeediiye Neecaw qaboow iyo dabayl naafac laa timiye Nabad iyo naq roob baa beddelay Naylo Jaliyiiye Nacabkii Ilaah na ga kaxee naaquska ahaaye Nasiib baannu lee nahay haddaan Aadan soo noqone Niistii xareed baa ka timid naannida ahayde Nuuxnuuxsigii Ina Catoosh nugul ka soo doogye Nataaqadi na gaadhiyo lugtii na la ga naafeeyay Wuxu nacallaqabihii na baday waa ka noollahaye Nabsigii wax badan loo dhursugay nacasti soo gaadhye Nooleba mar uun buu samaha nacam yidhaahdaaye Noolaatay yididdiiladii naxashka saarrayde Mar haddii ninkii gayay kursiga nabadgelyo u fuulay Nimcadiyo sow mahadnaq uun la gu negaan maayo Falsafadda Qaasin ee maansadiisa joogtada ku ahi waa in qiimiga iyo macnaha nolosha qofku ay ku xidhan tahay hadba sida uu dadkiisa iyo dalkiisa wax u taro wax u gashado. Tix ay meerisyadan soo socdaa ku jireen oo uu ka ga cabanayo dhega’adaygga dadkiisa iyo sida ay u ga guurtay qiiradii waddaniyadeed ee ay ku horumari lahaayeen, gunaanadkeeda ayaynnu taa ka arkaynnaa. U iirso: Mugdi baan ka gacanhaadiyaa Maxamed-Kaydowe Mus cadaawe la ga teediyaan meerayaa debede Soomaali midab doorsantaan meeday lee yahaye Dad musbaar dhegaha ka ga jiraan maqal ku tuugaaye Noloshuba macaan ma leh ninkaan magac ka reebayne Maan mahadin maantaan dhashay ii mashxaradeene Fikirka caynkaas ahi mar kale waa sidan: Garoo noloshu gebigeedba waa gole cayaareede Go’aankeedu waa sheekadoo gelaysa taariikhe Gardarriyo xumaan iyo samaan gees ay noqotaaba Ninba wuxu dadweynaha gashaday gumaradeed maalye Naiba geedka ay beeratay goosan midhihiise
1 083
13
Gaarnimada Maansada Qaasin ------------------------------- Gabayga Qaasin, sidii Timacade iyo rag kaleba, wax uu la dhashay soomaalinnimada cusub iyo dawladnimada. Sanooyinkii lixdannadii oo dhan gabaygiisu wax uu ka mid ahaa kuwa u gu xooggan u guna tayada wacan ee bulshada u hadla ama la hadla, is la markaa wax ka sheega siyaasaddii dalka. Berigaa gabayga Qaasin wax uu ka mid ahaa codadka u gu kulkulul ee siyaasigu ka baqo dadweynuhuna dhegta la raaco. Tabtii Timacadde xilligaa Qaasin wax uu aad u gu caanbaxay wacyigelinta dadweynaha iyo eedaynta dhaqan xumada siyaasiga. Sidaa darteed gabaygiisii waqtigaasi dhawr tixood mooyee aad buu isu gu wada eg yahay: macnaha, ujeeddada iyo erayada. Gabyaagii maansada waddaniga ah ee berigaa badankoodu haddii ay bulshada iyo siyaasiga is ku si u dhaliili jireen, isagu weligii dhanka bulshada ayuu taagnaa oo afkeeda ku hadlayay, riddadiisuna wax ay ku jeedday oo keliya siyaasiga. Mar walba wax uu ka hadli jiray dulmiga iyo daryeel la’aanta dadweynaha haysta. Gabayga Qaasin wax uu lee yahay laba sifo oo siiyay dhadhan macaan iyo tayo sare dabadeed dadka jeclaysiiyay. Midda kowaad waa xoogga af soomaaligiisa oo leh sawracii gabayga hiddaha la gu yaqaannay. Midda labaadna waa aqoonta iyo ilbaxnnimada cusub ee maansadiisa ku dheehan kol haddii uu ka mid ahaa dadkii waxbartay ee magaaloobay. Sida la og yahay noloshii cusbayd ee magaaladu maansada soomaaliyeed wax ay ku samaysay isbeddel dhanka luqadda iyo ikirkaba ah, hayeeshee haddana la ga ma bixin ama la ga ma go’in afkii iyo ikirkii hiddaha, Qaasin ayaana taa tusaale wanaagsan u ah. Sawirrada uu wax innagu tusayo wax aad mooddaa geeljire geelii dhex jooga. Sideedaba arrinta u gu weyn ee maansadiisa quruxda iyo xoogga siisay waa sida uu isu gu dhafay afka miyiga iyo ikirka magaalada. Xeeladdaas baa u gu mudnayd berigaa dhaqaajinta dareenka bulshada oo weli aad u gu xidhnayd hab-nololeedka miyiga. Ku dhegganaantiisa dhaqankii hore, iyo iskudaygiisa ah iswaafajinta dawladnimada iyo qabiilka, Qaasin waa ay la fogaadeen, waxaana la odhan karaa waa tusaalaha kowaad ee gabyaagii waagaas. Isaga oo ahaa ilasoof aad u ikir sarreeya, ahaana nin dadkiisa la doonayay ilbaxnimo fog, haddana ka ma uu waantoobi jirin cidda uu dhaliilayo marka uu doono in uu u qabyaaladeeyo. Maxamed Ibraahin Cigaal, Aadan Cabdulle Cismaan, Cabdirisaaq X Xuseen, iyo Maxamed Siyaad Barre, giddigood siyaasaddooda wuu saluugay una gabyay, qaarkoodna wax uu ku la hadlay af qabyaaladeed oo aan ka duwanayn kii miyiga. Xoogga dhaqanku ku lee yahay maansadiisa waa heerka u gu sarreeya idil ahaan maansada cusub ee soomaalida. Tixo dhan buu bilawga ilaa dhammaadka ka ga hadlayaa geel, iyo sida geelaasi u baylahsan yahay ee u darxumaysan yahay. Ujeedkiisu waa in uu dadweynaha oo geela aad u jecel caloolxumeeyo oo ku abuuro cadho iyo dhiidhi si siyaasiga xun loo gu kaco. Tan soo socotaa wax ay ka mid tahay dhawr isu wada xilli dhowaa aadna isu gu wada eg, oo giddigood si yaab badan isu gu matalaya geela iyo dawladnimada. Qof aan soomaali ahayn, iyo xitaa qof soomaaliyeed oo aan hiddaha aqoon u lahayni, ma garan karo waxa la ga hadlayaa in ay tahay dawladnimada. Run ahaantii qofkii soomaaliyeed ee berigaa noolaa, ee dhaqashada geela yaqaannay, tixdani wax ay ku abuuraysaa caloolxumo gaadhsiisan in uu ooyo marka sidan soo soocta loo tuso darxumada iyo silica hashaa haysta: Irmaanaatay Maandeeqe waad ibakuryayseene Afarteeda naas baan lahaa ubadka deeqsiiye Ma afurin agoontii waddiyo kii usha u sidaye Nimaan aabbihii maali jirin loo ma aammino’e Innamada dhowaan ii kacow waydin eersadaye Waa taad abaar iyo dhul baas u ambaqaaddeene Ololkeedu waa ii baxaa oogta waabberiye Oon iyo harraad waa waxay la alwanaysaaye Ergin iyo aroor qocondhalay adhi la daaqdaaye Waataa ilmaha loo gu xidhay geed adaahiye’e Goortaan hadhuubkow aslaa Ula qalwayseene Iyo meerisyadan ku jira tix kale: Hashaan gaaxinayaan lahaa gorofka way buuxin Gaaroodi iyo Hawd hashii labagardaaqaysay Wax la yidhi haddaa goodirtii la gu gabraartaaye Wax la yidhi golbaa la gu dabraa geed-waraabe lehe
1 070
14
Waa inaan iibsado labo dibi oo qoda oo aan kiraystaa labo xoogsade oo ku shaqeeya. Haa waxaan beerayaa ilaa boqol iyo konton aykar, inta kalana lo’daan daaqsanayaa. Baakom labo indhood isuma keenin habeenkaa, in yar uun buu qac ka siiyay soo dhowaadkii waaberiga. Markuu indhaha isku qabtayba riyo ayuu galay. Wuxuu jiifaa teendhadii bannaankana qof baa ka qoslaya. Wuu kacay isagoo isleh cidda qoslaysa soo eeg. Wuxuu arkay duqii Baashkirka oo teendhada hor fadhiya oo kelyaha haysta qosolna la rafanaya. Markuu u dhowaaday duqii, Baakom wuxuu weydiiyay, “Maxaad ku qoslaysaa?” Laakiin wuxuu arkay inaan qofku duqii ahayn—waaba ganacsadihii dhowaan gurigiisa yimid ee dhulkan uga warramay. Markuu Baakom damcay in uu weydiiyo, “Ma in badan baad joogtay?” ayuu arkay inuusan ahayn ganacsadihii, ee uu yahay ninkii beeraleyda ahaa ee ka yimid Folga, ee soo maray gurigii hore ee Baakom mar aan sii fogayn. Haddana wuxuu arkay inuusan kaas ahayne, uu yahay Shaydaankii oo geeso iyo qoobab leh oo meesha fadhiya qosolna indhihii la casaadeen, uuna hor yaallo nin cagacad oo dhulka ku sujuudsan oo xidhan surwaal iyo shaadh keli ah. Markuu Baakom ninkii u fiirsaday, wuxuu arkay in ninku mayd yahay, uuna isaga yahay! Argaggax buu la booday. “Balaayada lagu riyoonayo!” ayuu isyidhi. Hareerihiisuu eegay wuxuuna kadinka furan ka arkay in waagii baryay. “Waa inaan toosiyaa,” ayuu ku fekeray. “Waa inaan dhaqaaqnaa.” Wuu kacay, gacanyarihiisii oo gaadhi-faraska dhex hurdayna wuu toosiyay wuxuuna amray in uu heenseeyo faraska, isna wuxuu aaday in uu Baashkirkii kiciyo. “Waa xilligii aynu banka aadi lahayn si aan dhulkii u cabbirno.” Ayuu yidhi. Baashkirkii way tooseen isna urursadeen, duqiina wuu yimid oo ku biiray. Waxay bilaabeen inay mar kale kumis cabbaan, Baakomna shaah bay siiyeen, laakiin ma uu sugi karin oo inuu dhaqaaquu rabay. “Haddaan baxayno, inna dhaqaajiya waqtigii waa la joogaaye.” Ayuu yidhi. *** -8-
1 331
15
kelyaha haysta qosolna la rafanaya. Markuu u dhowaaday duqii, Baakom wuxuu weydiiyay, “Maxaad ku qoslaysaa?” Laakiin wuxuu arkay inaan qofku duqii ahayn—waaba ganacsadihii dhowaan gurigiisa yimid ee dhulkan uga warramay. Markuu Baakom damcay in uu weydiiyo, “Ma in badan baad joogtay?” ayuu arkay inuusan ahayn ganacsadihii, ee uu yahay ninkii beeraleyda ahaa ee ka yimid Folga, ee soo maray gurigii hore ee Baakom mar aan sii fogayn. Haddana wuxuu arkay inuusan kaas ahayne, uu yahay Shaydaankii oo geeso iyo qoobab leh oo meesha fadhiya qosolna indhihii la casaadeen, uuna hor yaallo nin cagacad oo dhulka ku sujuudsan oo xidhan surwaal iyo shaadh keli ah. Markuu Baakom ninkii u fiirsaday, wuxuu arkay in ninku mayd yahay, uuna isaga yahay! Argaggax buu la booday. “Balaayada lagu riyoonayo!” ayuu isyidhi. Hareerihiisuu eegay wuxuuna kadinka furan ka arkay in waagii baryay. “Waa inaan toosiyaa,” ayuu ku fekeray. “Waa inaan dhaqaaqnaa.” Wuu kacay, gacanyarihiisii oo gaadhi-faraska dhex hurdayna wuu toosiyay wuxuuna amray in uu heenseeyo faraska, isna wuxuu aaday in uu Baashkirkii kiciyo. “Waa xilligii aynu banka aadi lahayn si aan dhulkii u cabbirno.” Ayuu yidhi. Baashkirkii way tooseen isna urursadeen, duqiina wuu yimid oo ku biiray. Waxay bilaabeen inay mar kale kumis cabbaan, Baakomna shaah bay siiyeen, laakiin ma uu sugi karin oo inuu dhaqaaquu rabay. “Haddaan baxayno, inna dhaqaajiya waqtigii waa la joogaaye.” Ayuu yidhi. *** -8- inaan hubsado meesha aan anigu yeelanayo. Miyaan la cabbiri karin oo la igu soo wareejin karin? Nolol iyo geeri gacanta Alle ayay ku jiraan. Dadkiinnan fiican haddaad immika i siisaan, waxaa dhici karta in ilmihiinnu ay hadhow iga la noqdaan.” “Waa runtaa.” Ayuu yidhi duqii. “Heshiis ayaan kuu qoraynaa.” “Waxaan maqlay in ganacsade idiin yimid xilli aan fogeyn, oo aad siiseen dhul waraaqihiisii wata. Inaad sidaas oo kale ii samaysaan ayaan jeclaan lahaa.” Duqii wuu fahmay. “Dhib ma laha si fudud baa loo samayn karaa.” Ayuu yidhi. “Waxaa noo jooga karraani, magaalka ayaynu aadi karnaa oo aynu waraaqaha oo markhaati leh saxiixi karnaa.” “Qiimuhu immisuu noqonayaa?” Ayuu Baakom weydiiyay. “Qiime go’an baanu leennahay—kun ruubal maalintii.” Baakom ma fahmin. “Maalintii? Cabbir sidee ah weeyaan? Immisa aykar bay noqonaysaa?” “Sidaada uma cabbirno,” ayuu yidhi duqii. “Waxaan ku iibinnaa maalintii—intii aad maalintii cagahaaga ku mari kartid ayaad leedahay, qiimuhuna waa kun ruubal maalintii.” Baakom wuu fajacay. “Gartay. Dhul aad u ballaadhan ayuu ninku mari karaa maalintii.” Ayuu yidhi Baakom. Duqii wuu qoslay. “Kulligii adigaa wada yeelanaya!” ayuu yidhi. “Laakiin hal shardi baa jira: haddii aad isla maalintii ku soo laaban waydid meeshaad ka bilowday, lacagtaadii way gubanaysaa.” “Laakiin sidee ayaan u calaamadinayaa meeshaan maray?” “Meeshaad dooratid baan wada tagaynaa oo aan kugu sugaynaa. Waa inaad halkaa ka bilowdaa oo aad soo wareegtaa. Majarafad/ badeel qaado oo meeshaad ka leexatidba god ka qod carradana toomi. Ka dib ayaan godadkaa la maraynaa marashi/ cagaf (plough). Wareegga aad samaynaysid ballaadhkiisu adiguu kugu xidhan yahay, waxa keliyee lagaa rabaa waa inaad qorraxdhaca ku soo noqotid meeshaad ka bilowday. Dhulkaa aad martay oo dhan adigaa yeelanaya.” Baakom aad buu ugu khushuucay arrintaa. Waxaa la go’aamiyay in aroortii la kallaho. Xoogaa baa la sheekeeyay, markii kumistii la sii cabbay, hilib kalana la sii cunay, ayaa haddana shaah la cabbay, dabadeedna habeen bay noqotay. Waxay Baakom u diyaariyeen sariir baal ka samaysan oo uu ku seexdo, wayna kala dareereen iyagoo ballanqaaday in waaberiga loo dhaqaaqo meeshii laga bilaabi lahaa intaan qorraxdu soo bixin. *** -7- Baakom wuxuu saarnaa sariirtii, laakiin dhulkii uu ka fekerayay baa hurdadii u diiday. “Dhul aad u ballaadhan waa inaan calaamadiyaa,” ayuu ku fekeray. “Soddon iyo shan mayl inaan socdaa waxba iguma aha hal maalin. Hadda maalmuhu way dheer yihiin. Suurayso dhulka aan helayo markaan intaa socdo! Dhulka inta tayada liidata waan iibanayaa ama beeraley baan ka kiraynayaa. Inta ugu fiicanna anigaa qaadanaya oo beeranaya.
1 119
16
Intii ay Baashkirku murmayeen ayaa waxaa teendhadii soo galay nin gashan koofiyad dhogor dawaco ka samaysan. Hal mar bay aamuseen oo ay wada istaageen. Turjumaankii ayaa yidhi, “Waa kan duqayagii.” Baakom wuxuu markiiba soo bixiyay ‘go’ii’ ugu wacnaa iyo shan rodol oo caleen shaah ah wuxuuna u dhiibay duqii, oo isna ka guddoomay hadyaddii ka dibna fadhiistay majlis sharafeedkiisii. Baashkirkii ayaa markiiba bilaabay inay wax u sheegaan. Duqii xoogaa buu dhegaystay ka dibna maduxuu ugu ishaaray inay aamusaan, ka dibna Baakom ayuu af Ruush kula hadlay. “Waa hagaag,” ayuu yidhi, “dooro dhulka aad rabtid; dhul badan baanu leennahay.” “Sidee ayaan u qaadan karaa inta aan rabo?” ayuu ku fekeray Baakom. “Waa inaan helaa warqado caddaynaya, haddii kale waxay dhihi karaan ‘Adigaa leh’ hadhowna way la noqon karaan.” “Waad ku mahadsan tihiin ereyadiinna wanaagsan.” ayuu kor u yidhi. “Dhul badan baad leedihiin, aniguna wax yar uun baan rabaa. Laakiin waxaan rabaa inaan hubsado meesha aan anigu yeelanayo. Miyaan la cabbiri karin oo la igu soo wareejin karin? Nolol iyo geeri gacanta Alle ayay ku jiraan. Dadkiinnan fiican haddaad immika i siisaan, waxaa dhici karta in ilmihiinnu ay hadhow iga la noqdaan.” “Waa runtaa.” Ayuu yidhi duqii. “Heshiis ayaan kuu qoraynaa.” “Waxaan maqlay in ganacsade idiin yimid xilli aan fogeyn, oo aad siiseen dhul waraaqihiisii wata. Inaad sidaas oo kale ii samaysaan ayaan jeclaan lahaa.” Duqii wuu fahmay. “Dhib ma laha si fudud baa loo samayn karaa.” Ayuu yidhi. “Waxaa noo jooga karraani, magaalka ayaynu aadi karnaa oo aynu waraaqaha oo markhaati leh saxiixi karnaa.” “Qiimuhu immisuu noqonayaa?” Ayuu Baakom weydiiyay. “Qiime go’an baanu leennahay—kun ruubal maalintii.” Baakom ma fahmin. “Maalintii? Cabbir sidee ah weeyaan? Immisa aykar bay noqonaysaa?” “Sidaada uma cabbirno,” ayuu yidhi duqii. “Waxaan ku iibinnaa maalintii—intii aad maalintii cagahaaga ku mari kartid ayaad leedahay, qiimuhuna waa kun ruubal maalintii.” Baakom wuu fajacay. “Gartay. Dhul aad u ballaadhan ayuu ninku mari karaa maalintii.” Ayuu yidhi Baakom. Duqii wuu qoslay. “Kulligii adigaa wada yeelanaya!” ayuu yidhi. “Laakiin hal shardi baa jira: haddii aad isla maalintii ku soo laaban waydid meeshaad ka bilowday, lacagtaadii way gubanaysaa.” “Laakiin sidee ayaan u calaamadinayaa meeshaan maray?” “Meeshaad dooratid baan wada tagaynaa oo aan kugu sugaynaa. Waa inaad halkaa ka bilowdaa oo aad soo wareegtaa. Majarafad/ badeel qaado oo meeshaad ka leexatidba god ka qod carradana toomi. Ka dib ayaan godadkaa la maraynaa marashi/ cagaf (plough). Wareegga aad samaynaysid ballaadhkiisu adiguu kugu xidhan yahay, waxa keliyee lagaa rabaa waa inaad qorraxdhaca ku soo noqotid meeshaad ka bilowday. Dhulkaa aad martay oo dhan adigaa yeelanaya.” Baakom aad buu ugu khushuucay arrintaa. Waxaa la go’aamiyay in aroortii la kallaho. Xoogaa baa la sheekeeyay, markii kumistii la sii cabbay, hilib kalana la sii cunay, ayaa haddana shaah la cabbay, dabadeedna habeen bay noqotay. Waxay Baakom u diyaariyeen sariir baal ka samaysan oo uu ku seexdo, wayna kala dareereen iyagoo ballanqaaday in waaberiga loo dhaqaaqo meeshii laga bilaabi lahaa intaan qorraxdu soo bixin. *** -7- Baakom wuxuu saarnaa sariirtii, laakiin dhulkii uu ka fekerayay baa hurdadii u diiday. “Dhul aad u ballaadhan waa inaan calaamadiyaa,” ayuu ku fekeray. “Soddon iyo shan mayl inaan socdaa waxba iguma aha hal maalin. Hadda maalmuhu way dheer yihiin. Suurayso dhulka aan helayo markaan intaa socdo! Dhulka inta tayada liidata waan iibanayaa ama beeraley baan ka kiraynayaa. Inta ugu fiicanna anigaa qaadanaya oo beeranaya. Waa inaan iibsado labo dibi oo qoda oo aan kiraystaa labo xoogsade oo ku shaqeeya. Haa waxaan beerayaa ilaa boqol iyo konton aykar, inta kalana lo’daan daaqsanayaa. Baakom labo indhood isuma keenin habeenkaa, in yar uun buu qac ka siiyay soo dhowaadkii waaberiga. Markuu indhaha isku qabtayba riyo ayuu galay. Wuxuu jiifaa teendhadii bannaankana qof baa ka qoslaya. Wuu kacay isagoo isleh cidda qoslaysa soo eeg. Wuxuu arkay duqii Baashkirka oo teendhada hor fadhiya oo
1 131
17
❓❓Most Respected SomaliChannels
1 371
18
ruubal u dhigma oo ah maryo xariir ah, roogag, sanduuq caleen shaah ah, kuwa cabbana khamri, dhulkiina waxaan ku helay halkii aykar labaatan kobek.” Intuu Baakom tusay waraaqihii dhulka ayuu yidhi, “Dhulku wuxuu u dhow yahay webi, waana ban-cawseed heer sare ah.” Bookom su’aalihii qodqodka ahaa buu ku waday ninkii, isna wuxuu yidhi, “Dhulka badnaantiisa haddii aad sannad socotid ma wada gaadhi kartid, kulligiina waxaa iska leh Baashkirka, oo aan doqonnimada waxba dhaamin idaha, dhulkana wax aan bilaash dhaamin baa lagaga qaadan karaa.” “Gartay,” ayuu Baakom ku fekeray, “kunkayga ruubal maxaan ugu gadanayaa kun iyo saddex boqol oo aykar oo aan weliba daynta isu saarayaa anigoo waxaasoo dhan halkaa kaga iibsan kara!”
1 355
19
Hadduu urursaday xogtii uu sahanka ugu yimid, Baakom wuxuu laabtay markii dayrtu curatay, wuxuuna bilaabay in uu hantidiisii iibiyo. Dhulkii faa’iiduu ku gaday, aqalkii iyo lo’dii wuu iibiyay, xubinnimadii iskaashatadana wuu ka baxay, wuxuuna sugay ilaa guga, ka dibna waxay isaga iyo reerkiisii u hayaameen degmadii cusbayd. *** -4- Isla markii Baakom iyo qoyskiisii ay gaadheen degaankoodii cusbaa, wuxuu ku biiray iskaashato tuulada ah oo ballaadhan, ka dib markii uu odayadii afka wax u galiyay. Shan saami ayaa laga siiyay dhulkii wadaagga ahaa (iskumana xigine meelo kala duwan ayay ku yaalleen), waxaana loo oggolaaday in uu xoolaha daaqsan karo dhul daaqsimeedka la wadaago. Sidaasaana waraaqihii loogu saxiixay. Baakom dhismayaashii uu u baahnaa ayuu taagay, lo’na wuu iibsaday. Dhulka la siiyay saddex-jibbaar ayuu ka weynaa dhulkiisii hore, wuxuuna ahaa dhul aad ugu wanaagsan beerashada galleyda. Toban-jibbaar ayuu ka hodansanaa noloshii hore, wuxuuna haystay dhul beereed iyo daaqsin badan, lo’ inta uu rabana wuu dhaqan karayay. Bilowgii intii uu dhismaha iyo xoolo gadashada ku jiray, Baakom aad buu u faraxsanaa, wax kastaana heer sare ayay la ahaayeen. Laakiin markii uu xasilay ee uu la qabsaday noloshii cusbayd, halkanna wuxuu ku dareemay cidhiidhi iyo inaan dhulku ku filnayn. Sannadkii koowaad dhulkiisii wuxuu ku beeray qamaddi waxaana uga soo go’ay dalag wanaagsan. Wuxuu doonay inuu qamaddi dheeraad ah beero, laakiin dhulkiisii oo dhan wuu beeray. Dhulkan qamaddida waxaa lagu beeraa carro aan hore wax loogu beerin ama dhul gafe ah. Waxaa la beertaa sannad ama labo ka dib dhulka oo gafe ah ayaa la daayaa ilaa caws qabsado. Dhulka jaadkan ah aad baa loo raadinayay, wax dadka oo dhan deeqana lagama hayn, taasina waxay dhalisay in la isku qabsado. Kuwa hantileyda ahi waxay rabeen inay beertaan, kuwa kalana inay ka kireeyaan ganacsato si ay cashuurta isagaga bixiyaan. Baakom wuxuu rabay inuu beerto qamaddi dheeraad ah. Sannadkii xigay wuxuu dhul hal sano ka kiraystay ganacsade. Qamaddi aad u badan buu beertay dalag wanaagsanna wuu uga soo go’ay. Laakiin dhulku aad buu tuulada uga fogaa, qamaddidiina waxay noqotay in la soo raro in ka badan toban mayl. Muddo ka dib Baakom wuxuu arkay beeraleydii qaar guryo waaweyn dhistay oo hanti badan yeeshay. Wuxuu isyidhi, “Haddaan iibsan lahaa dhul aan guryahaasoo kale ka dhisto wax kastaa way ii fududaan lahaayeen.” Sidii uu dhul noocaas ah u iibsan lahaa buu aad uga fekeray. Saddex sano ayuu Baakom sidaa u noolaa oo uu dhul kiraysanayay ka dibna qamaddi ku beeranayay. Xilli fiican bay ahayd, dalag wanaagsanna wuu u go’ayay, taas oo u suuragalisay in uu lacag meel dhigto. Noloshaa wuu ku qanci karayay, laakiin wuxuu ka daalay in uu sannad kasta dad kale dhul ka kiraysto iyo waqtiga kaga lumaya raadintiisa. Mar kastoo dhul fiican oo iib ahi soo baxo, beeraleyda ayaa ku yaacayay islamarkiina waa lala haadayay, haddii aadan dhakhso badnaynna waxba heli ka maysid. Sannadkii saddexaad ayay isaga iyo ganacsade beeraley dhul ka qaateen. Dhulkii oo ay carragaddiyeen ayaa la isku qabsaday oo maxkamad la isla tagay. Sidaas ayaa tacabkay galiyeen ku khasaaray. “Hadduu dhulkaygii ahaan lahaa,” ayuu ku fekeray, “xor baan ahaan lahaa dhibtanina ima soo gaadheen.” Markaasuu Baakom bilaabay inuu raadiyo dhul uu iibsado. Wuxuu la kulmay nin beeraley ah oo intuu kun iyo saddex boqol oo aykar gatay, dhibaato dhaqaale la kulmay, oo dhulkiisii rakhiis ku iibinaya. Baakom ninkii buu gorgoriyay oo la baayactamay ilaa ay ku heshiiyeen 1500 oo ruubal—qayb kaash ah iyo qayb dib laga bixinayo. Heshiiskii oo in qalin lagu duugaa u dhiman tahay, ayaa waxaa Baakom maalin soo maray ganacsade fardihiisa calaf u raadinaya. Shaah iyo sheekaa dhex maray, ganacsadihiina wuxuu u sheegay Baakom in uu ka soo laabtay dhulka fog ee Baashkirka oo uu saddex iyo toban kun oo aykar kaga iibsaday kun ruubal oo keli ah. Markii Baakom su’aalo sii weydiiyay, ninkii wuxuu yidhi, “Waxa keliyee loo baahan yahay waa in odayada lala saaxiibo. Waxaan u hadyeeyay wax boqol
1 126
20
Tukubada bal ii qabo (part one) Waa maxay gaadhiga cambaro ahaan aad moodayso inuu iila ficiltamayo bal muu ku hakado degaan xasuuseedkayga,sidee baan ugu sheega in aanan jeclayn in sanaag wadooyinkeeda si degdeg ah lagu dhaafo,yaan uga waramaa afartan sano ka hor inaan halkan maray anoo caruusada ,tollow sheeko wayeelnimo ma isaga bilaaba rakaabka gaadhiga saaran waaya-arragnimo ha u qataan ana aan xasuusahaygii beri beri dhex muquurtee,anoon cidba uga sheekayn sow ma xasuusan karo,anigoo lix toban sano jirsaday qurux iyo gaarinimo laygu soo gardaadiyey naag weyn oo kaalin gala baa judhiiba layga dhigay,buurta degaanka qaboob ee yufle ka saraysa baan tirooyin adhi ah Mayricin jirey ,qoys hantiyeed aan hilib bini,aadan wax aan ahayn gurigooda laga waayin baanu ahayn,aabahay wuxu ahaa maalqabeenka iyo ragga ugu tunka weyn intaa markaa degaanka deganayd,ragg ujeedo guur wada leh baa igu gaaf wareega ,nina kuma haminayo inuu si yar oo fudud igu kaxaysto,oo intii dhabeel laga bixin jirey iyo ka badan bay diyaar u yihiin ,hadalka uma kala furo waayo ilaa hada maan arrag ninka humaaga qalbigayga ka dhex muuqda mid in yar u dhow xataa ,soo doonis lagu heshiin waayo iyo odayaal baan maalin kasta u qado karinaa,bartii yaqaan bari uma korodhee, aroorya hore baan usoo safarnay aniga iyo aabe magaladii markaa noo xigtay magalooyinka ee yufle eecowda yar ee qabow baa timahaygii haldhaa ahaa hadba dheeg u jeedisay, dukaankii adeero xuseen ee xariirta iyo baatiga dumarka iibin jirey baanu ugu soo horaynay suqii ,safar baa la rogayaa samxad badan baa ka jirta dukaanka hareerihiisa in mudo ah ka dib baanu dukaankii hore u galnay qalbigaygii oo humagisii sheeda ka arkay,waa nin dheer oo mariin madow u badan weeye midabkiiisu,buug iyo qalin buu gacanta ku sitaa ,waxay u badan tahay inuu yahay xisaabiyaha alaabta la rogaya,naa cambaro aabe xagaad ku maqan tahay buu igaga nixiyey aabe? meelna meelna anigoo u muuqda sidii qof hurdo kasoo hambabaray,dhowr sed oo xarago dumar ah baan dookhday,xuseenow waan dhamaynay safarkii maanta,anigoon weli jaleecin qof hadlay baan naxdin dareemay, haye haybe waynu xisaabtamaynaaye ii sug , in mudo ah baanu iska eego boganay ,boholyowga keliya ii hadhsan waa inuu hadlo bal odaygani muu debeda isaga baxo ,maxaa soo taagay, adeer cambarow meesha sii ilaali raggan baan lasoo xisaabtamayaaye, haye adeer ,haybe ha kaxaysane keligaa soo xisaabtan armaan dhehaa ,siday doonta ha ahaate wayahay bal , indha deeq iyo qof i ag taagan baan ku war helay qosol yar oo farxad iyo farxad gariir ah baan qoslay, hadalkii buu sii watay maanta dhan waxan ku howlanaa inaan helo jaanis aan kugu hadlo indha deeqiii qacdii u horaysayba aragtidaa ii saaqday,magaca aan kuula baxay waa aniga kuu sheegi magacii qoysku kula jeclaadeena ii sheeg, anoo xishoodsan baan ugu war celiyay cambaro,hadalka intii kalena waa isoo dhaafi weyday ,ilaa waa ninkii riyadaydee hadal buu halkan iyo halkaaba iigu dhuftay,iyo aamaan aan kala joogi lahayn, degaan kee baad ka timaaday baan si hal haleel ah hadalkiisii u dhex raaciyay magaalo xebeedka laas qoray baan ka Imaaday, qalbigaa iga kala dilaacay maxaad uga soo jeeda meesha saas oo dhan iiga fog ,maalin danbe armaan ku arki waaya ninkii riyadow ,adeer xuseen baa soo galayba haybe xisaabtii way inoo dhan tahay, casar liiq baan kasoo carownay yufle iyadoo caraf gooni ah galabta iiga soo carfayso ,dee waa caraftii haybe fiid cowl baanu xafadii gaadhnay hooyo oo ragg u casho karinaysa ,markaas niyad ka dhehay nimanka xun xun baan nacay maalin kasta maxay naga soo doonaan ma anigaa ku dhehay nin baan rabaa horta,?intaa huruuf indhaha wax kaga jaray baan ardaaga kusoo dhaafay ragii waan daalnaaye habeenkii waan seexday,subaxnimadkii buu aabe ii sheegay inuu markan go,aankiisu shaqaynayo ninkani waa nin masuula oo tolka ah aabe 75 geel ah bay wadaan dhul fogna way ka yimadeen waana reerkii eedadaa xaawo qabay ma celin karo, degaan fog markaan maqlay baa qalbigu ku ducaystay illahow haybe ka dhig ,oo aabe xagay ka yimadeen? Gebilay bay ka yimaadeen W/Q Isma lura hiraad
1 125