en
Feedback
Dunida Suugaanta✨🥰

Dunida Suugaanta✨🥰

Open in Telegram

"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh" ~Hazrat Ali

Show more

📈 Analytical overview of Telegram channel Dunida Suugaanta✨🥰

Channel Dunida Suugaanta✨🥰 (@dunnidasuugaanta) in the Somali language segment is an active participant. Currently, the community unites 19 017 subscribers, ranking 1 358 in the Motivation & Quotes category and 464 in the Somalia region.

📊 Audience metrics and dynamics

Since its creation on невідомо, the project has demonstrated rapid growth, gathering an audience of 19 017 subscribers.

According to the latest data from 22 June, 2026, the channel demonstrates stable activity. Although there has been a change in the number of participants by -164 over the last 30 days and by -11 over the last 24 hours, overall reach remains high.

  • Verification status: Not verified
  • Engagement rate (ER): The average audience engagement rate is 6.56%. Within the first 24 hours after publication, content typically collects 1.41% reactions from the total number of subscribers.
  • Post reach: On average, each post receives 1 248 views. Within the first day, a publication typically gains 269 views.
  • Reactions and interaction: The audience actively supports content: the average number of reactions per post is 8.

📝 Description and content policy

The author describes the resource as a platform for expressing subjective opinions:
"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh" ~Hazrat Ali

Thanks to the high frequency of updates (latest data received on 23 June, 2026), the channel maintains relevance and a high level of publication reach. Analytics show that the audience actively interacts with content, making it an important point of influence in the Motivation & Quotes category.

19 017
Subscribers
-1124 hours
-367 days
-16430 days
Posts Archive
“Early to bed, Early to rise makes a man young, wealthy and wise.” – Benjamin Franklin
“Early to bed, Early to rise makes a man young, wealthy and wise.” – Benjamin Franklin

…2.. Experience ma bedeli kartaa sawirka aad ka haysatay Naftaada.?

“Your habits shape your identity, and your identity shapes your habits.” “Caadooyinkaaga ayaa qaabeeya aqoonsigaaga, aqoonsigaaguna waxa uu qaabeeyaa caadooyinkaaga.” – Book Atomic Habits

“Don’t walk behind me; I may not lead. Don’t walk in front of me; I may not follow. Just walk beside me and be my friend.” – Albert Camus

“Good decision comes from experience. Experience comes from making bad decisions.” – Mark Twain

Kulankii caawa aniga oo daawanaya waxan jsweydiiyay maxa Qaranka Switzerland loogu soo gaabiyay Xarfaha”Sui” Hadii magacoodu yahay Switzerland, Baadhis yar ayaan ku sameeyay waxa iga soo baxayba Cashar kooban oo ku saabsan wadankan. Dhibaatadu waxay tahay in "Switzerland" uusan ahayn magaca ay dadka reer Swissku u adeegsadaan inay ku ugu yeedhaan dalkooda. Dhab ahaantii, xitaa ma jiro hal magac oo dalku isku raacsan yahay asalkaba. Switzrland waa dal ku dhismay afar gobol oo luuqado kala duwan loogu hadlo; dadka Jarmalka ku hadla waxay u yaqaannaan "Schweiz", kuwa Faransiiska ku hadla waxay u yaqaannaan "Suisse", kuwa Talyaaniga ku hadlana waxay dhihi jireen "Svizzera", halka luuqada Romansh-ka loogu yaqaanno "Svizra". Magacyadani ma aha kuwo si fudud la isugu turjumay, balse waa qayb ka mid ah aqoonsi dhaqameed iyo taariikheed oo kala duwan. Sababtan darteed, dawladda Switzerland waxay tan iyo aasaaskeeda wajahaysay mushkilad gaar ah: Waa kee magaca matali kara qof kasta iyadoo aan cidna dareemin inay dalkooda lagaga tiro badan yahay ? In la doorto magac Jarmal ah waxay la macno ahayd in mudnaanta la siiyo aqlabiyadda ku hadasha Jarmalka, doorashada magaca Faransiiska ama Talyaanigana waxay xambaarsanaan lahayd isla macnihii oo kale uun. Sidaa darteed, dawladdu waxay u weecatay xal aan caadi ahayn; waxay dukumentiyadeeda rasmiga ah ku qaadatay magaca Laatiinka ee "Confoederatio Helvetica", oo la macno ah "Xiriirka Helvetia", kaas oo loola jeedo qabiilooyinkii Helvetii ee deganaan lahaa dhulkan kumanyaal sano ka hor. Halkaan ayayna ka yimaadeen waxyaabo badan oo aan maanta aragno iyadoo aynaan fiiro gaar ah u yeelan. Tusaale ahaan, gaabinta gawaarida Swisar waa CH, lacagta dalkuna waa CHF, fogaanta internetka ee Swisarna waa .ch, dhamaantoodna waxay dib ugu laabanayaan isku magaca Laatiinka ee ma aha erayga Switzerland. Laakiin dhinaca ciyaaraha, adeegsiga caalamiga ah wuxuu ku istaagay gaabinta SUI oo laga qaatay "Suisse", oo ah magaca Faransiiska ee dalka. Tani waxay timi maadaama luuqada Faransiisku ay sanado badan ahayd luuqadda diblomaasiyadda iyo luuqadda ugu muuqata ee dhexdeeda hay'adaha isboortiga caalamiga ah, kuwaas oo intooda badan ku dhashay Galbeedka Yurub. Muddo ka dibna, gaabintani waxay noqotay qayb adag oo ka mid ah aqoonsiga isboortiga ee swisska, xitaa markii ay Ingiriisidu noqotay luuqadda ugu faafidda badan adduunka. W/Q Abdirahman Taatikada

..1.. Caadooyinka yaryar ayaa isu beddela guulo waaweyn marka si joogto ah loo sameeyo.

Maanta oo jimce ah buugee Akhrinaysaa.
Maanta oo jimce ah buugee Akhrinaysaa.

🌙☪️ Hambalyo! Team Somali 🧕🌙 ━━━━━ 1️⃣ 🌙 Diinta & Duunyada 🌙 15k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 16k 👉
🌙☪️ Hambalyo! Team Somali 🧕🌙 ━━━━━ 1️⃣ 🌙 Diinta & Duunyada 🌙 15k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 16k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 18k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 20k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 19k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 17k 👉 👉 Taabo halkan 🌙 26k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━ 2️⃣ ✨ Aqoon & Xikmado 🚺🅰️ ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 26k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 18k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 42k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 16k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 20k 👉 👉 Taabo halkan ✨ 19k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━ 3️⃣ 📚 Buugaag & Akhris 📖 76k 👉 👉 Taabo halkan 📖 160k 👉 👉 Taabo halkan ━━━━━━━━━━━━━ 🎯 13k 👉 👉 Taabo halkan 🛠 27k 👉 👉 Taabo halkan 🇬🇧 15k 👉 👉 Taabo halkan 🎓 28k 👉 👉 Taabo halkan 🇸🇦 11k 👉 👉 Taabo halkan ❓❓❓❓ 📭 Powered by: 👉 Taabo halkan 📵ku hel Buugaagta Emailkaaga

Dareen intee le’eg ayuu dareemayay Aabihii suugaanta & falsafadda Ruushka Fyodor Dostoyevsky markii uu lahaa, madalban gacan
Dareen intee le’eg ayuu dareemayay Aabihii suugaanta & falsafadda Ruushka Fyodor Dostoyevsky markii uu lahaa, madalban gacan iga tirta ilmada, mana aanan toosin ruux laabta i galiya si aan ugu dego, dhab ahaantii xilliyadii ugu adkaa noloshayda waxaan ku qaatay kalinimo. cajiib !!

“Ninku wuxuu u baahanyahay lacag si uu u noqdo xubin kamid ah family-giisa.” Maahmaah African ah Yacni si loo qadariyo loo maamuuso ninku wuxuu u baahanyahay lacag, in uu tabcado si tiisu u socoto😁

“Keliya waxa sharciga ahi Waa jacaylka, Wixii kale waa wajibaad uun.” - Mirabai

Carrigii dagaal baa ka dhacay. Dadkii baa is laayay. Reerihii walaalaha ahaa ee is wada dhalay baa is laayay. Maatadii waa ay qaxday oo dhul shisheeye ayay magansatay. Aad bay maatadu u gaajaysan tahay oo u liidataa. Aabbuhu xilkiisii wuu gudan kari la yahay, hooyaduna ka liidatee. Waa la silicsan yahay oo la saxariirsan yahay. Waa dad leh dhaqan iyo diin kale. Hay’adaha qaxootiga caawiyaa waa wada shisheeye. Diin kale ayaa meesha la gu faafiyaa, siyaalo iyo xeelado ka la duwan baana la adeegsadaa. Cuntada ayaa se maatada dan u ah. Haa, maatadii waxaa la siiyay cunto (buskud, caanaboodhe, biyo iyo qamaddi qeedhin iyo bisayl u dhexaysa). Dabadeed waa ay wada seexatay maatadii. Hurdana ma ahayn ee dhimasho ayay u dhowayd. Qof walba waxaa qalbiga u ga buuxay argagax iyo murugo. Goortii la toostoosay waxaa loo ga sheekeeyay qiso naxariis badan oo aad u macaan. Cuntadii, biyihii, hurdadii, qisadii naxariista badnayd …. Kitaabka Qudduuska ayaa la tusay maatadii. Haa, waxaas oo khayr ah ee cadaabtii Soomaaliyeed ka wacan baa la tusay. Baybalka ayaa la gu heesaa. Qofka aan ku heesini wax badan buu ka qadaa, qofka ku heesaana wax badan buu helaa. Maato badan baa dooratay in ay heesto, si ay wax badan u hesho. Jesus halleluja… Jesus halleluja… Jesus halleluja. Kuwii heesay mushahar baa loo qoray, waxaana madax loo ga dhigay kuwii heesi waayay. Xeradii qaxootiga oo dhan waxaa ka yeedhay Jesus halleluja… Carruurtu wax ay hubaan cuntada iyo dharka iyo farxaddu in ay ku yimaaddaan heesta Jesus halleluja… Saleebaan, oo magaciisa dahsooni yahay Solomo, waa labaatan jir. Waa barbaar gob ah oo isu han weyn oo xarragooda. Ingiriisida wuu shubay, Baybalkana wuu daadiyay, waayo xeradan qaxootiga ayuu ku dhashay. Carruur badan iyo qoysas badan ayuu xukumaa oo mushahar ku qaataa. Odaygii caddaa isaga ayuu hawsha ka ga nastay. Qoysaska uu la dhaqmo badankoodu waa u xigto, xidid iyo aqoonnin. Taliyihiisa cad wax uu ku yidhaahdaa: this is very esay job, father. Don’t worry, father. Hooyadii shanta agoon ee ay korsatay isaga ayaa curad u ah. Aabbahood oo Soomaaliya la gu soo dhaawacay halkan buu ku dhintay. Kolkii uu dhimanayay ma uu ogayn ilmihiisa oo dhami in ay masiixiyoobeen. Aad buu siyaasadda u ga sheekayn jiray, isaga oo weliba aad u dhaawacan, wuuna ku dagaallami jiray golaha fadhi ku dirirka. Taa darteed, ma uu ogayn marwadiisu in ay masiixiyowday iyo in ay shantooda ilmoodba masiixiyaysay. Solomo wuu ooyaa kolka uu kiniisadda yar ee xerada ku dhex taalla dadka u gu heesayo Jesus halleluja… Jesus halleluja… Jesus halleluja. Marka aadaanku masaajidka ka baxo isaguna wax uu ku dheeraystaa Jesus halleluja… Jesus halleluja… Jesus. WQ: Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed

Filasoof fikir fog buu ahaa baynu soo nidhi, waana run oo gabaygiisa ayay taasi ka buuxdaa. Had iyo goor wax uu hilaadin jiray ama eegi jiray meel fog oo ka ilbaxnimo sarraysa halkii maalintaa dadkiisu yaalleen. Taa tusaalaheedu iyada oo aan tix iyo laba ahayn oo ay gabaygiisa ka buuxdo, aynnu ka aragno meerisyadan hoose. Waa nuskii dambe ee sannadihii lixdannadii. Niyadsamida dunida iyo saadaasha horumarka aadamigu dardar buu yeeshay ka dib markii quwado cusubi soo baxeen, is la markaa samada loo baxay oo Dayaxa guudkiisa la gu tallaabsaday. Iyada oo ay sidaa tahay ayay madaxdii soomaalidu meesha is ka taagtaagan yihiin oo aanay umaddoodii waxba u soo kordhin, ayuu lee yahay. Dayaxaa la ka la boobayaa Dirirki Cawleede Xiddigtii Dagaar iyo la dhaaf Diillintii Guraye Dib baa Laxaha loo eegayaa Sacana waa daafe Duqii samada la gu sheegayiyo dide Cirjiidhiiye Dabaylaha rag baa ka la yaqaan dawga loo maro’e Hadba waqalka dihin Ruushku waw doogsin cararaaye Daruuraha la weeraray nin ogi dan u ga faallooye Nin da’dii halkaa gaadhay oo daallan baan ahaye Ha yeeshee dabkeedu ha ba ee doqoni waa mooge Daab gudimo weli soo ma jarin wiilashaan diraye Meelo badan oo ka mid ah maansada Qaasin, gaar ahaan tixda ”Cirsankayeedh”, waxaa la ga dhex arkaa saadaal joogto ah oo ku saabsan ciidanka qalabka sidaa in uu talada dalka qabsan doono, oo siyaasiga rayidka ah ee musuqmaasuqa iyo qabyaaladda la gu ibtileeyay la ridi doono. Sidii bay noqotay oo sannadkii 1969 ayay askartii dalka qabsatay. Laakiin isbeddelkii uu saadiyay kolkii uu dhacay qudhiisi u ma aayin, ciddii kowaad ee eeddayna isaga ayay noqotay oo juuqba waa loo diiday. Maya, bilawgii askarta wax uu ku qaaday dagaal aad u kulul, oo weliba qabyaaladaysan, laakiin beryihii dambe oo dhan wax uu ku jiray aamus iyo maqnaan la ga garanayo quus iyo niyadjab weyn. Quusta iyo niyadjabka uu qabay waxaa tusaale loo ga dhigan karaa in aanu waxba ku darsan dagaalkii weynaa ee Soomaali Galbeed, taas oo ahayd qaddiyaddii uu halgankeeda weligii ku taamayay. Abwaankii weynaa ee Xaaji Afqallooc baa ka mid ah gabyaaga ay xilligaa ku bilaabatay quusta ku saabsan cusboonaynta soomaalida iyo taabbagelinta dawladnimo hagaagsan. Qaasin weligii niyadjabkaa ka ma soo kaban, oo xitaa halgankii dambe ee askarta la gu ridayay tixaha uu ku darsaday waa cagajiid. WQ: Ibraahin-Hawd Yuusuf Axmed https://t.me/ErayiyoAragti https://t.me/Waarsiino

Wax la yidhi gal daayeer cabbay habari geysaaye Gobaad wax ay la daaqdaa sagaal gorayocawloode Wax la yidhi gomode naasihii giigsanaan jiraye Wax la yidhi gujaa la gu lisaa labada gooroode Golqaniinna waa loo gu daraa yaanay gaagixine Meerisyada soo socda oo ku jiray tix ka mid ah kuwiisii lixdannadii, wax ay tusaale u yihiin gabaygiisa ku dhisan af soomaaliga reer guuraaga. Waa xeeladdii kicinta waddaniyadda ee xilligaa ee dadka la gu la hadlayay af ay garanayaan oo dareenkooda taabanaya: Geeddiga la raray meel fog baa loo gol lee yahaye Gaadiidka waxaa loo hor marin ka u gadhqaad dheere Gaargaarrin maayee askari giigsan baa wadiye Gudoodiyo mir baa loo lallabi guure bahallayne Gabbal dhiciyo waabberi jidkaa la gu galoollaane Gaajiyo harraad iyo surmaa guudka loo dhigiye Gocondhiyo cagaag baa lugaha gaar ka soo bixiye Garbo iyo jar baa layska shubi gootin iyo laage Guryasamo ilaa la gu furay gibishu saarraane Aadan Cabdulle Cismaan, oo ahaa madaxweynihii u gu horreeyay Jamhuuriyadd Soomaaliya midowgii ka dib, Qaasin ma uu jeclayn. Dabcan taa sababteeda waa la garan karaa, waayo madaxweynahaasi si eex ah ayuu xukuumaddiisii u gu badiyay Gobolka Koonfureed ee uu isaga u dhashay, gaar ahaan wax uu urursaday niman ay gobollada dhexe ka wada yimaaddeen, xidid iyo xigaalna ahaayeen. Kursigii labaad ee dawladdaa midowday u gu awood badnaa Aadan-Cadde wax uu u ka la dambaysiiyay Cabdirashiid Cali Sharma’arke iyo Cabdirisaaq X Xuseen ”Ina Catoosh”, kuwaas oo qudhoodu reer koonfureed ahaa, gaar ahaan Cabdirisaaq reer waqooyiga waa ay is ku xumaadeen. Dhibsashada iyo dhaleecaynta xukuumadda Aadan-Cadde reer waqooyigu waa ay ka sinnaayeen, waayo waalli ayaa loo arkay in koonfurtu labada xil ee u gu sarreeya dalka is ku darsato, sidaa darteed tixdani ma aha tii kowaad ee Qaasin maamulkaa ku dhaliilay. Kolkii Aadan-Cadde dhacay sannadkii 1967 waxaa madaxweyne iyo Raysalwasaare isu noqday Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo koonfur ah, iyo Maxamed Ibraahin Cigaal oo reer waqooyi ah. Dabadeed waxaa markii kowaad la dareemay dawladnimo dhanka caddaaladda u socota. Dhicista Aadan-Cadde iyo raysalwasaarannimada Cigaal ayuu Qaasin ka tiriyay gabaygan soo socda oo ah kii u gu qallafsanaa ee uu weligii cid u tiriyay. Wax uu yidhi: Niyad baan u ledayaa hurdada Naasir Naxarowe Nabdigaan ka soo jeedi jiray noogay oo dhacaye Nasashada darteed baad indhaha nadarka yaabtaaye Naxligii calooshiyo bogsade nabarradeediiye Naxariistu waa naca kufriga nidar galkeediiye Neecaw qaboow iyo dabayl naafac laa timiye Nabad iyo naq roob baa beddelay Naylo Jaliyiiye Nacabkii Ilaah na ga kaxee naaquska ahaaye Nasiib baannu lee nahay haddaan Aadan soo noqone Niistii xareed baa ka timid naannida ahayde Nuuxnuuxsigii Ina Catoosh nugul ka soo doogye Nataaqadi na gaadhiyo lugtii na la ga naafeeyay Wuxu nacallaqabihii na baday waa ka noollahaye Nabsigii wax badan loo dhursugay nacasti soo gaadhye Nooleba mar uun buu samaha nacam yidhaahdaaye Noolaatay yididdiiladii naxashka saarrayde Mar haddii ninkii gayay kursiga nabadgelyo u fuulay Nimcadiyo sow mahadnaq uun la gu negaan maayo Falsafadda Qaasin ee maansadiisa joogtada ku ahi waa in qiimiga iyo macnaha nolosha qofku ay ku xidhan tahay hadba sida uu dadkiisa iyo dalkiisa wax u taro wax u gashado. Tix ay meerisyadan soo socdaa ku jireen oo uu ka ga cabanayo dhega’adaygga dadkiisa iyo sida ay u ga guurtay qiiradii waddaniyadeed ee ay ku horumari lahaayeen, gunaanadkeeda ayaynnu taa ka arkaynnaa. U iirso: Mugdi baan ka gacanhaadiyaa Maxamed-Kaydowe Mus cadaawe la ga teediyaan meerayaa debede Soomaali midab doorsantaan meeday lee yahaye Dad musbaar dhegaha ka ga jiraan maqal ku tuugaaye Noloshuba macaan ma leh ninkaan magac ka reebayne Maan mahadin maantaan dhashay ii mashxaradeene Fikirka caynkaas ahi mar kale waa sidan: Garoo noloshu gebigeedba waa gole cayaareede Go’aankeedu waa sheekadoo gelaysa taariikhe Gardarriyo xumaan iyo samaan gees ay noqotaaba Ninba wuxu dadweynaha gashaday gumaradeed maalye Naiba geedka ay beeratay goosan midhihiise

Gaarnimada Maansada Qaasin ------------------------------- Gabayga Qaasin, sidii Timacade iyo rag kaleba, wax uu la dhashay soomaalinnimada cusub iyo dawladnimada. Sanooyinkii lixdannadii oo dhan gabaygiisu wax uu ka mid ahaa kuwa u gu xooggan u guna tayada wacan ee bulshada u hadla ama la hadla, is la markaa wax ka sheega siyaasaddii dalka. Berigaa gabayga Qaasin wax uu ka mid ahaa codadka u gu kulkulul ee siyaasigu ka baqo dadweynuhuna dhegta la raaco. Tabtii Timacadde xilligaa Qaasin wax uu aad u gu caanbaxay wacyigelinta dadweynaha iyo eedaynta dhaqan xumada siyaasiga. Sidaa darteed gabaygiisii waqtigaasi dhawr tixood mooyee aad buu isu gu wada eg yahay: macnaha, ujeeddada iyo erayada. Gabyaagii maansada waddaniga ah ee berigaa badankoodu haddii ay bulshada iyo siyaasiga is ku si u dhaliili jireen, isagu weligii dhanka bulshada ayuu taagnaa oo afkeeda ku hadlayay, riddadiisuna wax ay ku jeedday oo keliya siyaasiga. Mar walba wax uu ka hadli jiray dulmiga iyo daryeel la’aanta dadweynaha haysta. Gabayga Qaasin wax uu lee yahay laba sifo oo siiyay dhadhan macaan iyo tayo sare dabadeed dadka jeclaysiiyay. Midda kowaad waa xoogga af soomaaligiisa oo leh sawracii gabayga hiddaha la gu yaqaannay. Midda labaadna waa aqoonta iyo ilbaxnnimada cusub ee maansadiisa ku dheehan kol haddii uu ka mid ahaa dadkii waxbartay ee magaaloobay. Sida la og yahay noloshii cusbayd ee magaaladu maansada soomaaliyeed wax ay ku samaysay isbeddel dhanka luqadda iyo ikirkaba ah, hayeeshee haddana la ga ma bixin ama la ga ma go’in afkii iyo ikirkii hiddaha, Qaasin ayaana taa tusaale wanaagsan u ah. Sawirrada uu wax innagu tusayo wax aad mooddaa geeljire geelii dhex jooga. Sideedaba arrinta u gu weyn ee maansadiisa quruxda iyo xoogga siisay waa sida uu isu gu dhafay afka miyiga iyo ikirka magaalada. Xeeladdaas baa u gu mudnayd berigaa dhaqaajinta dareenka bulshada oo weli aad u gu xidhnayd hab-nololeedka miyiga. Ku dhegganaantiisa dhaqankii hore, iyo iskudaygiisa ah iswaafajinta dawladnimada iyo qabiilka, Qaasin waa ay la fogaadeen, waxaana la odhan karaa waa tusaalaha kowaad ee gabyaagii waagaas. Isaga oo ahaa ilasoof aad u ikir sarreeya, ahaana nin dadkiisa la doonayay ilbaxnimo fog, haddana ka ma uu waantoobi jirin cidda uu dhaliilayo marka uu doono in uu u qabyaaladeeyo. Maxamed Ibraahin Cigaal, Aadan Cabdulle Cismaan, Cabdirisaaq X Xuseen, iyo Maxamed Siyaad Barre, giddigood siyaasaddooda wuu saluugay una gabyay, qaarkoodna wax uu ku la hadlay af qabyaaladeed oo aan ka duwanayn kii miyiga. Xoogga dhaqanku ku lee yahay maansadiisa waa heerka u gu sarreeya idil ahaan maansada cusub ee soomaalida. Tixo dhan buu bilawga ilaa dhammaadka ka ga hadlayaa geel, iyo sida geelaasi u baylahsan yahay ee u darxumaysan yahay. Ujeedkiisu waa in uu dadweynaha oo geela aad u jecel caloolxumeeyo oo ku abuuro cadho iyo dhiidhi si siyaasiga xun loo gu kaco. Tan soo socotaa wax ay ka mid tahay dhawr isu wada xilli dhowaa aadna isu gu wada eg, oo giddigood si yaab badan isu gu matalaya geela iyo dawladnimada. Qof aan soomaali ahayn, iyo xitaa qof soomaaliyeed oo aan hiddaha aqoon u lahayni, ma garan karo waxa la ga hadlayaa in ay tahay dawladnimada. Run ahaantii qofkii soomaaliyeed ee berigaa noolaa, ee dhaqashada geela yaqaannay, tixdani wax ay ku abuuraysaa caloolxumo gaadhsiisan in uu ooyo marka sidan soo soocta loo tuso darxumada iyo silica hashaa haysta: Irmaanaatay Maandeeqe waad ibakuryayseene Afarteeda naas baan lahaa ubadka deeqsiiye Ma afurin agoontii waddiyo kii usha u sidaye Nimaan aabbihii maali jirin loo ma aammino’e Innamada dhowaan ii kacow waydin eersadaye Waa taad abaar iyo dhul baas u ambaqaaddeene Ololkeedu waa ii baxaa oogta waabberiye Oon iyo harraad waa waxay la alwanaysaaye Ergin iyo aroor qocondhalay adhi la daaqdaaye Waataa ilmaha loo gu xidhay geed adaahiye’e Goortaan hadhuubkow aslaa Ula qalwayseene Iyo meerisyadan ku jira tix kale: Hashaan gaaxinayaan lahaa gorofka way buuxin Gaaroodi iyo Hawd hashii labagardaaqaysay Wax la yidhi haddaa goodirtii la gu gabraartaaye Wax la yidhi golbaa la gu dabraa geed-waraabe lehe

Waa inaan iibsado labo dibi oo qoda oo aan kiraystaa labo xoogsade oo ku shaqeeya. Haa waxaan beerayaa ilaa boqol iyo konton aykar, inta kalana lo’daan daaqsanayaa. Baakom labo indhood isuma keenin habeenkaa, in yar uun buu qac ka siiyay soo dhowaadkii waaberiga. Markuu indhaha isku qabtayba riyo ayuu galay. Wuxuu jiifaa teendhadii bannaankana qof baa ka qoslaya. Wuu kacay isagoo isleh cidda qoslaysa soo eeg. Wuxuu arkay duqii Baashkirka oo teendhada hor fadhiya oo kelyaha haysta qosolna la rafanaya. Markuu u dhowaaday duqii, Baakom wuxuu weydiiyay, “Maxaad ku qoslaysaa?” Laakiin wuxuu arkay inaan qofku duqii ahayn—waaba ganacsadihii dhowaan gurigiisa yimid ee dhulkan uga warramay. Markuu Baakom damcay in uu weydiiyo, “Ma in badan baad joogtay?” ayuu arkay inuusan ahayn ganacsadihii, ee uu yahay ninkii beeraleyda ahaa ee ka yimid Folga, ee soo maray gurigii hore ee Baakom mar aan sii fogayn. Haddana wuxuu arkay inuusan kaas ahayne, uu yahay Shaydaankii oo geeso iyo qoobab leh oo meesha fadhiya qosolna indhihii la casaadeen, uuna hor yaallo nin cagacad oo dhulka ku sujuudsan oo xidhan surwaal iyo shaadh keli ah. Markuu Baakom ninkii u fiirsaday, wuxuu arkay in ninku mayd yahay, uuna isaga yahay! Argaggax buu la booday. “Balaayada lagu riyoonayo!” ayuu isyidhi. Hareerihiisuu eegay wuxuuna kadinka furan ka arkay in waagii baryay. “Waa inaan toosiyaa,” ayuu ku fekeray. “Waa inaan dhaqaaqnaa.” Wuu kacay, gacanyarihiisii oo gaadhi-faraska dhex hurdayna wuu toosiyay wuxuuna amray in uu heenseeyo faraska, isna wuxuu aaday in uu Baashkirkii kiciyo. “Waa xilligii aynu banka aadi lahayn si aan dhulkii u cabbirno.” Ayuu yidhi. Baashkirkii way tooseen isna urursadeen, duqiina wuu yimid oo ku biiray. Waxay bilaabeen inay mar kale kumis cabbaan, Baakomna shaah bay siiyeen, laakiin ma uu sugi karin oo inuu dhaqaaquu rabay. “Haddaan baxayno, inna dhaqaajiya waqtigii waa la joogaaye.” Ayuu yidhi. *** -8-

kelyaha haysta qosolna la rafanaya. Markuu u dhowaaday duqii, Baakom wuxuu weydiiyay, “Maxaad ku qoslaysaa?” Laakiin wuxuu arkay inaan qofku duqii ahayn—waaba ganacsadihii dhowaan gurigiisa yimid ee dhulkan uga warramay. Markuu Baakom damcay in uu weydiiyo, “Ma in badan baad joogtay?” ayuu arkay inuusan ahayn ganacsadihii, ee uu yahay ninkii beeraleyda ahaa ee ka yimid Folga, ee soo maray gurigii hore ee Baakom mar aan sii fogayn. Haddana wuxuu arkay inuusan kaas ahayne, uu yahay Shaydaankii oo geeso iyo qoobab leh oo meesha fadhiya qosolna indhihii la casaadeen, uuna hor yaallo nin cagacad oo dhulka ku sujuudsan oo xidhan surwaal iyo shaadh keli ah. Markuu Baakom ninkii u fiirsaday, wuxuu arkay in ninku mayd yahay, uuna isaga yahay! Argaggax buu la booday. “Balaayada lagu riyoonayo!” ayuu isyidhi. Hareerihiisuu eegay wuxuuna kadinka furan ka arkay in waagii baryay. “Waa inaan toosiyaa,” ayuu ku fekeray. “Waa inaan dhaqaaqnaa.” Wuu kacay, gacanyarihiisii oo gaadhi-faraska dhex hurdayna wuu toosiyay wuxuuna amray in uu heenseeyo faraska, isna wuxuu aaday in uu Baashkirkii kiciyo. “Waa xilligii aynu banka aadi lahayn si aan dhulkii u cabbirno.” Ayuu yidhi. Baashkirkii way tooseen isna urursadeen, duqiina wuu yimid oo ku biiray. Waxay bilaabeen inay mar kale kumis cabbaan, Baakomna shaah bay siiyeen, laakiin ma uu sugi karin oo inuu dhaqaaquu rabay. “Haddaan baxayno, inna dhaqaajiya waqtigii waa la joogaaye.” Ayuu yidhi. *** -8- inaan hubsado meesha aan anigu yeelanayo. Miyaan la cabbiri karin oo la igu soo wareejin karin? Nolol iyo geeri gacanta Alle ayay ku jiraan. Dadkiinnan fiican haddaad immika i siisaan, waxaa dhici karta in ilmihiinnu ay hadhow iga la noqdaan.” “Waa runtaa.” Ayuu yidhi duqii. “Heshiis ayaan kuu qoraynaa.” “Waxaan maqlay in ganacsade idiin yimid xilli aan fogeyn, oo aad siiseen dhul waraaqihiisii wata. Inaad sidaas oo kale ii samaysaan ayaan jeclaan lahaa.” Duqii wuu fahmay. “Dhib ma laha si fudud baa loo samayn karaa.” Ayuu yidhi. “Waxaa noo jooga karraani, magaalka ayaynu aadi karnaa oo aynu waraaqaha oo markhaati leh saxiixi karnaa.” “Qiimuhu immisuu noqonayaa?” Ayuu Baakom weydiiyay. “Qiime go’an baanu leennahay—kun ruubal maalintii.” Baakom ma fahmin. “Maalintii? Cabbir sidee ah weeyaan? Immisa aykar bay noqonaysaa?” “Sidaada uma cabbirno,” ayuu yidhi duqii. “Waxaan ku iibinnaa maalintii—intii aad maalintii cagahaaga ku mari kartid ayaad leedahay, qiimuhuna waa kun ruubal maalintii.” Baakom wuu fajacay. “Gartay. Dhul aad u ballaadhan ayuu ninku mari karaa maalintii.” Ayuu yidhi Baakom. Duqii wuu qoslay. “Kulligii adigaa wada yeelanaya!” ayuu yidhi. “Laakiin hal shardi baa jira: haddii aad isla maalintii ku soo laaban waydid meeshaad ka bilowday, lacagtaadii way gubanaysaa.” “Laakiin sidee ayaan u calaamadinayaa meeshaan maray?” “Meeshaad dooratid baan wada tagaynaa oo aan kugu sugaynaa. Waa inaad halkaa ka bilowdaa oo aad soo wareegtaa. Majarafad/ badeel qaado oo meeshaad ka leexatidba god ka qod carradana toomi. Ka dib ayaan godadkaa la maraynaa marashi/ cagaf (plough). Wareegga aad samaynaysid ballaadhkiisu adiguu kugu xidhan yahay, waxa keliyee lagaa rabaa waa inaad qorraxdhaca ku soo noqotid meeshaad ka bilowday. Dhulkaa aad martay oo dhan adigaa yeelanaya.” Baakom aad buu ugu khushuucay arrintaa. Waxaa la go’aamiyay in aroortii la kallaho. Xoogaa baa la sheekeeyay, markii kumistii la sii cabbay, hilib kalana la sii cunay, ayaa haddana shaah la cabbay, dabadeedna habeen bay noqotay. Waxay Baakom u diyaariyeen sariir baal ka samaysan oo uu ku seexdo, wayna kala dareereen iyagoo ballanqaaday in waaberiga loo dhaqaaqo meeshii laga bilaabi lahaa intaan qorraxdu soo bixin. *** -7- Baakom wuxuu saarnaa sariirtii, laakiin dhulkii uu ka fekerayay baa hurdadii u diiday. “Dhul aad u ballaadhan waa inaan calaamadiyaa,” ayuu ku fekeray. “Soddon iyo shan mayl inaan socdaa waxba iguma aha hal maalin. Hadda maalmuhu way dheer yihiin. Suurayso dhulka aan helayo markaan intaa socdo! Dhulka inta tayada liidata waan iibanayaa ama beeraley baan ka kiraynayaa. Inta ugu fiicanna anigaa qaadanaya oo beeranaya.

Intii ay Baashkirku murmayeen ayaa waxaa teendhadii soo galay nin gashan koofiyad dhogor dawaco ka samaysan. Hal mar bay aamuseen oo ay wada istaageen. Turjumaankii ayaa yidhi, “Waa kan duqayagii.” Baakom wuxuu markiiba soo bixiyay ‘go’ii’ ugu wacnaa iyo shan rodol oo caleen shaah ah wuxuuna u dhiibay duqii, oo isna ka guddoomay hadyaddii ka dibna fadhiistay majlis sharafeedkiisii. Baashkirkii ayaa markiiba bilaabay inay wax u sheegaan. Duqii xoogaa buu dhegaystay ka dibna maduxuu ugu ishaaray inay aamusaan, ka dibna Baakom ayuu af Ruush kula hadlay. “Waa hagaag,” ayuu yidhi, “dooro dhulka aad rabtid; dhul badan baanu leennahay.” “Sidee ayaan u qaadan karaa inta aan rabo?” ayuu ku fekeray Baakom. “Waa inaan helaa warqado caddaynaya, haddii kale waxay dhihi karaan ‘Adigaa leh’ hadhowna way la noqon karaan.” “Waad ku mahadsan tihiin ereyadiinna wanaagsan.” ayuu kor u yidhi. “Dhul badan baad leedihiin, aniguna wax yar uun baan rabaa. Laakiin waxaan rabaa inaan hubsado meesha aan anigu yeelanayo. Miyaan la cabbiri karin oo la igu soo wareejin karin? Nolol iyo geeri gacanta Alle ayay ku jiraan. Dadkiinnan fiican haddaad immika i siisaan, waxaa dhici karta in ilmihiinnu ay hadhow iga la noqdaan.” “Waa runtaa.” Ayuu yidhi duqii. “Heshiis ayaan kuu qoraynaa.” “Waxaan maqlay in ganacsade idiin yimid xilli aan fogeyn, oo aad siiseen dhul waraaqihiisii wata. Inaad sidaas oo kale ii samaysaan ayaan jeclaan lahaa.” Duqii wuu fahmay. “Dhib ma laha si fudud baa loo samayn karaa.” Ayuu yidhi. “Waxaa noo jooga karraani, magaalka ayaynu aadi karnaa oo aynu waraaqaha oo markhaati leh saxiixi karnaa.” “Qiimuhu immisuu noqonayaa?” Ayuu Baakom weydiiyay. “Qiime go’an baanu leennahay—kun ruubal maalintii.” Baakom ma fahmin. “Maalintii? Cabbir sidee ah weeyaan? Immisa aykar bay noqonaysaa?” “Sidaada uma cabbirno,” ayuu yidhi duqii. “Waxaan ku iibinnaa maalintii—intii aad maalintii cagahaaga ku mari kartid ayaad leedahay, qiimuhuna waa kun ruubal maalintii.” Baakom wuu fajacay. “Gartay. Dhul aad u ballaadhan ayuu ninku mari karaa maalintii.” Ayuu yidhi Baakom. Duqii wuu qoslay. “Kulligii adigaa wada yeelanaya!” ayuu yidhi. “Laakiin hal shardi baa jira: haddii aad isla maalintii ku soo laaban waydid meeshaad ka bilowday, lacagtaadii way gubanaysaa.” “Laakiin sidee ayaan u calaamadinayaa meeshaan maray?” “Meeshaad dooratid baan wada tagaynaa oo aan kugu sugaynaa. Waa inaad halkaa ka bilowdaa oo aad soo wareegtaa. Majarafad/ badeel qaado oo meeshaad ka leexatidba god ka qod carradana toomi. Ka dib ayaan godadkaa la maraynaa marashi/ cagaf (plough). Wareegga aad samaynaysid ballaadhkiisu adiguu kugu xidhan yahay, waxa keliyee lagaa rabaa waa inaad qorraxdhaca ku soo noqotid meeshaad ka bilowday. Dhulkaa aad martay oo dhan adigaa yeelanaya.” Baakom aad buu ugu khushuucay arrintaa. Waxaa la go’aamiyay in aroortii la kallaho. Xoogaa baa la sheekeeyay, markii kumistii la sii cabbay, hilib kalana la sii cunay, ayaa haddana shaah la cabbay, dabadeedna habeen bay noqotay. Waxay Baakom u diyaariyeen sariir baal ka samaysan oo uu ku seexdo, wayna kala dareereen iyagoo ballanqaaday in waaberiga loo dhaqaaqo meeshii laga bilaabi lahaa intaan qorraxdu soo bixin. *** -7- Baakom wuxuu saarnaa sariirtii, laakiin dhulkii uu ka fekerayay baa hurdadii u diiday. “Dhul aad u ballaadhan waa inaan calaamadiyaa,” ayuu ku fekeray. “Soddon iyo shan mayl inaan socdaa waxba iguma aha hal maalin. Hadda maalmuhu way dheer yihiin. Suurayso dhulka aan helayo markaan intaa socdo! Dhulka inta tayada liidata waan iibanayaa ama beeraley baan ka kiraynayaa. Inta ugu fiicanna anigaa qaadanaya oo beeranaya. Waa inaan iibsado labo dibi oo qoda oo aan kiraystaa labo xoogsade oo ku shaqeeya. Haa waxaan beerayaa ilaa boqol iyo konton aykar, inta kalana lo’daan daaqsanayaa. Baakom labo indhood isuma keenin habeenkaa, in yar uun buu qac ka siiyay soo dhowaadkii waaberiga. Markuu indhaha isku qabtayba riyo ayuu galay. Wuxuu jiifaa teendhadii bannaankana qof baa ka qoslaya. Wuu kacay isagoo isleh cidda qoslaysa soo eeg. Wuxuu arkay duqii Baashkirka oo teendhada hor fadhiya oo

❓❓Most Respected SomaliChannels