cookie

ما از کوکی‌ها برای بهبود تجربه مرور شما استفاده می‌کنیم. با کلیک کردن بر روی «پذیرش همه»، شما با استفاده از کوکی‌ها موافقت می‌کنید.

avatar

Dunida Suugaanta✨🥰

"Sida jidhkaaga oo kale ayay maskaxdaaduna u daasha, ee ku nasi odhaahyada xikmada leh" ~Hazrat Ali

نمایش بیشتر
فنلندة329زبان مشخص نشده استکتب1 443
پست‌های تبلیغاتی
16 849
مشترکین
+1424 ساعت
+807 روز
+35330 روز

در حال بارگیری داده...

معدل نمو المشتركين

در حال بارگیری داده...

Photo unavailableShow in Telegram
❤️
نمایش همه...
19👍 1
Haddii lagu doorad siiyo inaad xidhato hal midab inta noloshaada ka hadhay, midabkee ayaad xidhan lahayd?
نمایش همه...
8
Photo unavailableShow in Telegram
“Jacaylku waa is fahan waa dhex mara laba shakhsi, markay is fahmaana way kala haraan.”
نمایش همه...
😁 17👍 5 4🤷‍♂ 2💔 1
Photo unavailableShow in Telegram
💔
نمایش همه...
😭 37😢 8👍 1
Waa maansadii “وعدتك أن لا أحبك” ee Nisaar Qabbaani oo qaab tiraabaysan loo turjumay. *** Wacad waxaan kuugu maray in aanan ku jeclaan. Dabadeed markay runi run noqotay baan go’aankaa ka maagay. Wacad waxaan kuugu maray in aanan soo laaban. Dabadeed waan soo noqday. Iyo in aanan boholyow u go'in, laakiin waan u dhintay. Marar badan baan sidaa wacad ku maray, oo aan goostay in aan gooni u baxo. Ma se xasuusto mar aan maarmay. Waxaan wacad ku maray waxyaabo iga waaweyn, ee bal maxay wargeysyadu berri iga odhan doonaan? Waan hubaa in ay qori doonaan in aan waashay. Waan hubaa in ay qori doonaan in aan is dilay. Wacad waxaan kuugu maray in aanan nuglaan doonin. Waan se nuglaaday. Waxaan wacad kale ku maray in aanan indhahaaga oo shan ah gabay kuu marin. Waan se yeelay. Wacad waxaan kuugu maray in aanan yeelin, oo aanan yeelin, oo aanan yeelin. Markii se doqonnimadu iga soo daahirtay, waan isku qoslay. Wacad waxaan kuugu maray in aanan timahaaga sii raacraacin kolka ay i hor walhadaan. Markii se ay isu gogleen sidii habeen jidadka is dul wadhay, waan is hayn waayay oo af labadii baan yeedhay. Wacad waxaan kuugu maray in aan indhahaaga is moogaysiiyo, si kasta oo gacaltooyadu iigu gacan-haadiso. Kolkii se aan arkay iyaga oo xiddigo hooraya, ayaan beerqaadmay. Wacad waxaan kuugu maray in aanan dhambaal caashaq kuu soo dirin. Hasayeeshee goor aan qorayba! Wacad waxaan kuugu maray in aanan ka soo ag dhawaanin meel aad joogto. Kolkii se aan ka warhelay in aad cashada ku casuuman tahay, ayaan goobtii iska xaadiriyay. Wacad waxaan kuugu maray in aanan ku jeclaan. Sidee, goorma, maalinma ayuu ballankaasi igu dhashay? Runta oo iga tan badatay baa been iga keentay. Waana mahad Alle in ay beentay ahayd! Wacad waxaan kuugu maray in aanan habeenna ku soo wicin, oo aanan kaa fekerin haddii aad bukooto, oo aanan kuu cabsanin, oo aanan ubaxyo kuu soo dirin, gacantaadana aanan dhunkanin. Sidaas oo ay tahayna, waan ku soo wacay. Sidaas oo ay tahayna, ubaxyo ayaan kuu soo dhiibay. Labada indhood dhexdooda ayaanan kaa dhunkaday ilaa aan haakah nidhi. Oo dhegaha gadaashooda ayaan kaa dhunkaday ilaa aan haakah nidhi. Wacad waxaan ku maray gawracaaga, konton goor. Kolkii se aan arkay dhiigga maradayda qooyay ayaan yaqiinsaday in cidda la bireeyayba ay aniga ahayd! Dhab ha iga moodin waxaas aan shubayey. Si kasta oo aan u cadhooday, oo u ficilooday, oo u gubtay, una demay; runta oo iga tanbadatay baa been iga keentay. Waana Alle mahaddii in ay beentay ahayd! Wacad waxaan kuugu maray in aanan halkaa imanin shan daqiiqadood ka dib. Halkee kale ayaan se tegi karaa?
نمایش همه...
10👍 3😭 1
Maxay faa’ido oy leedahay in aad i dhahdo garabkaaga ayaan ahay, kaddib markaan ka bogsaday xanuunkii. Maxay faa’ido ay leedahay in aad i dhahdo waan ku jecelahay, adiga oon ceebahayga aqbalayn. Maxay faa’ido leedahay in aad i dhahdo waan ka xumahay, kaddib markaad week dhan iga aamusnayd. Maxay faa’ido leedahay in aad i dhahdo waan kugu faanaa, adiga oo aan dhibka aan maray ila qaybsan. Maxay faa’ido leedahay in aad i dhahdo ha murugoon, adiga oo ah qofka igu sababay murugada iguna daawaday. Wax Faa’ido ah oo ay leeyihiin ma jiraan kelmado bilaa dareen ah oo wakhtigoodii iyada oo la dhaafay aad tiraahdo. – Dr Ahmed khaled tawfiq
نمایش همه...
8😭 3
█▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀█         🫧 Community ++ 🌪 █▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄█ Join 👉 @somali_admins ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ 📮Somali Free Books ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮Somali Librarians   ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮Xikmado iyo murti ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮Kobciye Books        ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Mucaashaq Jacayl↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮Dhiirigaliye nolol   ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮Hoyga Farsamda    ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Aqoon Kobciye      ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Hidaayatu Rabbi   ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Dunida suugaanta ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮Quruxda islaamka   ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 jacaylside channel ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 alxakiim channel    ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮xaqiiqada Nolosha  ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮Dareen Side channel↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Som Motivation       ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Hassan Caashaq       ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮Qalbi Dhaye               ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Qalbiyadeena          ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Guulaayso bet         ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Kalimat Kariim        ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Aisha bin Ahmed    ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Faiido Channel       ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮Hogaan Dumar       ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 albaani channel      ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Dhaqan Wanaag     ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Dinteena suuban   ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Qoraalo kooban    ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Nuxur Side FXV      ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Kaydka Qormo     ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 Ruuxda channel    ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ 📮 MaanHage School ↩️ ❯❯❯ █░JOIN NOW░█ █▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀█ 🎯Presented by @zomalibot █▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄█ anti-delete 🔝12hrs in channel
نمایش همه...
3
Meerisyadii caloolyowga - Pablo Neruda WT–Guryasame Cabdi Caawa waxaan qorayaa meerisyadii ugu caloolyowga badnaa– masalan, waxaan dhahayaa; caawa waa habeen gudcur ah oo ay cirka ku xardhan yihiin xiddigo meel fog ka soo birbiraya. Neecawda habeennimo oo heesaysa ayaa hawada sare leexaysanaysa! Caawa waxaan qorayaa meerisyadii ugu caloolyowga badnaa– waa aan jeclaay anigu, iyaduna sidoo kale xilliyada qaar waa ay i jeclayd! Cawaysyo badan oo habeenkaan oo kale ah ayaynnu wada caddalooli jirnay; oo ay boggayga ku jiifi jirtay! Allahayoow maxaan cirkaan jiidan hoostiisa marar badan ku hoos dhunkaday! Way i jeclayd, aniguna sidoo kale waan jeclaay xilliyada qaar! Ma nin indhadeeralaydaas arkay oo aan caashaqayn ayaa jira! Caawa waxaan qorayaa meerisyadii ugu caloolyowga badnaa– oo ay kamid yihiin–sida aan uga murugaysanahay; in aysan haatan i hareer joogin, sida aan u goconayo in aan lumiyay, iyo sida aan u xammili la’ahay habeenkaan i dhibay, ee uu maqnaanshaheedu igu sii dheeraynayo! Tixdu waxay ruuxdayda uga soo maaxanayaan sidii dharab ka da’aya caleemaha dhirta! Maxay ka macno leedahay haddii jaceylkii aan u qabay ku filnaan waayay in uu baajiyo tegitaankeeda! Waa habeen madoow, ma na ay ila joogto! Warku waa intaas! Qof baa dhul fog ka heesaya, naftaydu u ma riyaaqin in ay lumisay ruuxdaas! Indhahaygu waxay u basaaseen aragtideeda, qalbigayguna wuxuu u boholyoobay lajirkeeda, inkastoo ay fogaatay! Habeenku waa isla kii, geeduhuna waa isla geedihii, balse innagu ma nihin isla innagii! Hadda, jaceylkeeda waan dhigay, waa hubaal taasi! Alla maxaan jeclaaday! Codkaygu wuxuu gaclooday in ay dabayshu xambaarto si uu maqalkeeda ugu dhaco! Nin kale ayay tiisa noqon doontaa. Geddii ay dhunkashooyinkayga ka horba u ahayd.Codkeeda debecsan, jirkeeda bilicsan iyo indhaheeda dhugashada u roonba waxaa hantiyi doona qof kale! Ma jecli anigu hadda, waa xaqiiqo taasi, waa se laga yaabaa in aan weli jacelahay! Jaceylku aad buu u gaaban yahay, se in la hilmaamo wakhti dheer ayay qaadataa! Maadaama ay caawa oo kale laabtayda ku jiri jirtay, naftaydu u ma riyaaqin in ay lumisay ruuxdaas,tiiyoo ay jirto in xanuunkaan hadda i damqaya uu noqonayo rafaadkii u danbeeyay ee ay i dhadhansiiso, meerisyadanina ay noqonayaan kuwii u danbeeyay ee aan iyada darteed u qoro!
نمایش همه...
8👍 6😢 1
"Maanigaa nasiibkiyo Qaddar qoran nageyn kara" - Weedhsame.
نمایش همه...
29👍 1
“Inkastoo indhuhu doonayaan inan ku deymoodo Qalbigaygu wuxu diidayaa inan ku doondoono” - Weedhsame
نمایش همه...
43👍 2