Tukubada bal ii qabo (part one)
Waa maxay gaadhiga cambaro ahaan aad moodayso inuu iila ficiltamayo bal muu ku hakado degaan xasuuseedkayga,sidee baan ugu sheega in aanan jeclayn in sanaag wadooyinkeeda si degdeg ah lagu dhaafo,yaan uga waramaa afartan sano ka hor inaan halkan maray anoo caruusada ,tollow sheeko wayeelnimo ma isaga bilaaba rakaabka gaadhiga saaran waaya-arragnimo ha u qataan ana aan xasuusahaygii beri beri dhex muquurtee,anoon cidba uga sheekayn sow ma xasuusan karo,anigoo lix toban sano jirsaday qurux iyo gaarinimo laygu soo gardaadiyey naag weyn oo kaalin gala baa judhiiba layga dhigay,buurta degaanka qaboob ee yufle ka saraysa baan tirooyin adhi ah Mayricin jirey ,qoys hantiyeed aan hilib bini,aadan wax aan ahayn gurigooda laga waayin baanu ahayn,aabahay wuxu ahaa maalqabeenka iyo ragga ugu tunka weyn intaa markaa degaanka deganayd,ragg ujeedo guur wada leh baa igu gaaf wareega ,nina kuma haminayo inuu si yar oo fudud igu kaxaysto,oo intii dhabeel laga bixin jirey iyo ka badan bay diyaar u yihiin ,hadalka uma kala furo waayo ilaa hada maan arrag ninka humaaga qalbigayga ka dhex muuqda mid in yar u dhow xataa ,soo doonis lagu heshiin waayo iyo odayaal baan maalin kasta u qado karinaa,bartii yaqaan bari uma korodhee, aroorya hore baan usoo safarnay aniga iyo aabe magaladii markaa noo xigtay magalooyinka ee yufle eecowda yar ee qabow baa timahaygii haldhaa ahaa hadba dheeg u jeedisay,
dukaankii adeero xuseen ee xariirta iyo baatiga dumarka iibin jirey baanu ugu soo horaynay suqii ,safar baa la rogayaa samxad badan baa ka jirta dukaanka hareerihiisa in mudo ah ka dib baanu dukaankii hore u galnay
qalbigaygii oo humagisii sheeda ka arkay,waa nin dheer oo mariin madow u badan weeye midabkiiisu,buug iyo qalin buu gacanta ku sitaa ,waxay u badan tahay inuu yahay xisaabiyaha alaabta la rogaya,naa cambaro aabe xagaad ku maqan tahay buu igaga nixiyey aabe?
meelna meelna anigoo u muuqda sidii qof hurdo kasoo hambabaray,dhowr sed oo xarago dumar ah baan dookhday,xuseenow waan dhamaynay safarkii maanta,anigoon weli jaleecin qof hadlay baan naxdin dareemay,
haye haybe waynu xisaabtamaynaaye ii sug ,
in mudo ah baanu iska eego boganay ,boholyowga keliya ii hadhsan waa inuu hadlo bal odaygani muu debeda isaga baxo ,maxaa soo taagay,
adeer cambarow meesha sii ilaali raggan baan lasoo xisaabtamayaaye,
haye adeer ,haybe ha kaxaysane keligaa soo xisaabtan armaan dhehaa ,siday doonta ha ahaate wayahay bal ,
indha deeq iyo qof i ag taagan baan ku war helay
qosol yar oo farxad iyo farxad gariir ah baan qoslay,
hadalkii buu sii watay maanta dhan waxan ku howlanaa inaan helo jaanis aan kugu hadlo indha deeqiii qacdii u horaysayba aragtidaa ii saaqday,magaca aan kuula baxay waa aniga kuu sheegi magacii qoysku kula jeclaadeena ii sheeg,
anoo xishoodsan baan ugu war celiyay cambaro,hadalka intii kalena waa isoo dhaafi weyday ,ilaa waa ninkii riyadaydee hadal buu halkan iyo halkaaba iigu dhuftay,iyo aamaan aan kala joogi lahayn,
degaan kee baad ka timaaday baan si hal haleel ah hadalkiisii u dhex raaciyay
magaalo xebeedka laas qoray baan ka Imaaday,
qalbigaa iga kala dilaacay maxaad uga soo jeeda meesha saas oo dhan iiga fog ,maalin danbe armaan ku arki waaya ninkii riyadow ,adeer xuseen baa soo galayba haybe xisaabtii way inoo dhan tahay,
casar liiq baan kasoo carownay yufle iyadoo caraf gooni ah galabta iiga soo carfayso ,dee waa caraftii haybe
fiid cowl baanu xafadii gaadhnay hooyo oo ragg u casho karinaysa ,markaas niyad ka dhehay nimanka xun xun baan nacay maalin kasta maxay naga soo doonaan ma anigaa ku dhehay nin baan rabaa horta,?intaa huruuf indhaha wax kaga jaray baan ardaaga kusoo dhaafay ragii
waan daalnaaye habeenkii waan seexday,subaxnimadkii buu aabe ii sheegay inuu markan go,aankiisu shaqaynayo ninkani waa nin masuula oo tolka ah aabe 75 geel ah bay wadaan dhul fogna way ka yimadeen waana reerkii eedadaa xaawo qabay ma celin karo,
degaan fog markaan maqlay baa qalbigu ku ducaystay illahow haybe ka dhig ,oo aabe xagay ka yimadeen? Gebilay bay ka yimaadeen
W/Q Isma lura hiraad