Somali Tech
channelka aynu filesha iyo appska ku wadaagno, sido kale discussionka ku samayno
Show more📈 Analytical overview of Telegram channel Somali Tech
Channel Somali Tech (@somalitech0) in the Somali language segment is an active participant. Currently, the community unites 10 476 subscribers, ranking 11 651 in the Technologies & Applications category and 658 in the Somalia region.
📊 Audience metrics and dynamics
Since its creation on невідомо, the project has demonstrated rapid growth, gathering an audience of 10 476 subscribers.
According to the latest data from 03 November, 2026, the channel demonstrates stable activity. Although there has been a change in the number of participants by -76 over the last 30 days and by 1 over the last 24 hours, overall reach remains high.
- Verification status: Not verified
- Engagement rate (ER): The average audience engagement rate is 7.06%. Within the first 24 hours after publication, content typically collects 2.36% reactions from the total number of subscribers.
- Post reach: On average, each post receives 740 views. Within the first day, a publication typically gains 247 views.
- Reactions and interaction: The audience actively supports content: the average number of reactions per post is 2.
📝 Description and content policy
The author describes the resource as a platform for expressing subjective opinions:
“channelka aynu filesha iyo appska ku wadaagno, sido kale discussionka ku samayno”
Thanks to the high frequency of updates (latest data received on 04 November, 2026), the channel maintains relevance and a high level of publication reach. Analytics show that the audience actively interacts with content, making it an important point of influence in the Technologies & Applications category.
Loading data
| Date | Subscriber Growth | Mentions | Channels | |
| 03 November | +3 | |||
| 02 November | +1 | |||
| 01 November | 0 |
| 2 | No text... | 106 |
| 3 | Wll, hal su’aal:
Haddii aad maanta haysato AI caqli badan oo kaa caawin kara hal arrin oo noloshaada ka mid ah, maxaad ka codsan lahayd?
Waxbarasho, shaqo, ganacsi mise wax kale? 🤔
Jawaabtaada noogu soo dir WhatsApp-ka.
💬 WhatsApp: +252657917414 | 268 |
| 4 | 5 SIYAABOOD OO CHATGPT NOLOSHAADA KUU FUDUDAYN KARO
Wll, ChatGPT ma aha oo keliya meel su’aalo lagu weydiiyo. Waxaad u isticmaali kartaa hawlo badan oo nolol maalmeedkaaga iyo shaqadaada kuu fududayn kara.
Kuwaan waa 5 hab oo aad uga faa’iidaysan karto:
1. BARASHADA: Weydii inuu kuu sharaxo cashar adag si fudud oo tallaabo-tallaabo ah.
2. QORAALKA: Ka caawi qorista emails, warbixinno iyo qoraallo kala duwan.
3. QORSHEYNTA: U isticmaal samaynta jadwal waxbarasho iyo qorshaha shaqadaada.
4. FIKRADAHA: Weydii fikrado cusub oo ku saabsan ganacsi, content iyo mashaariic.
5. XALLINTA DHIBAATOOYINKA: U sharax dhibaatada ku haysata, kana codso inuu kuu soo jeediyo xalal.
Talo: Si aad jawaab fiican u hesho, ChatGPT sii faahfaahin ku filan oo ku saabsan waxa aad rabto.
Haddii aad rabto inaad barato ChatGPT iyo qalabka kale ee AI, laga bilaabo aasaaska ilaa heer sare, waxaad ka baran kartaa SomaliTech AI Course.
🌐 somalitech.net
#ChatGPT #ArtificialIntelligence #AITips #SomaliTech | 295 |
| 5 | No text... | 249 |
| 6 | 5 XIRFADOOD OO INTERNET-KA LACAG LAGAGA SHAQAYSAN KARO
Wll, maanta qofku wuxuu adeegsan karaa xirfado kala duwan si uu internet-ka uga helo shaqo iyo macaamiil.
Kuwaan waa shan xirfadood oo aad baran karto:
1. Graphic Design: Naqshadaynta posters, logos iyo xayeysiisyada.
2. Video Editing: Tafatirka muuqaallada YouTube, TikTok iyo baraha bulshada.
3. Digital Marketing: Maamulka iyo suuq-geynta ganacsiyada internetka.
4. Web Development: Samaynta websites ay ganacsiyada iyo shirkaduhu isticmaalaan.
5. Content Writing: Qorista maqaalada, qoraallada xayeysiiska iyo content-ka websites-ka.
Xaggee ka bilaabaysaa?
• Dooro hal xirfad oo aad xiisaynayso.
• Baro aasaaskeeda.
• Samee mashruucyo yar-yar oo aad ku tababarto.
• Dhis portfolio aad ku tusi karto macaamiisha.
• Si tartiib ah u raadi fursado shaqo.
Xusuusnow: Xirfaddu waa bilowga, laakiin tababarka iyo khibraddu waxay kaa caawinayaan inaad horumar samayso.
SomaliTech waxaad ka heli kartaa koorsooyin Af-Soomaali ah oo kaa caawinaya barashada xirfado kala duwan.
🌐 somalitech.net
#OnlineSkills #Freelancing #DigitalSkills #SomaliTech | 378 |
| 7 | No text... | 317 |
| 8 | AI-GA WAX KASTA OO UU KUU SHEEGO MA RUN BAA?
Wll, qalabka AI-ga sida ChatGPT wuxuu ku siin karaa jawaabo aad u qurux badan oo kalsooni leh, laakiin mararka qaarkood jawaabahaasi way khaldan yihiin.
Saddex arrimood samee ka hor intaadan rumaysan xogta AI:
1. Hubi xogta muhiimka ah: Ha ku tiirsanaan hal jawaab oo AI ku siiyay.
2. Raadi ilo lagu kalsoon yahay: Isbarbar dhig xogta iyo website-yo rasmi ah.
3. Weydii su’aalo dheeraad ah: Haddii jawaabtu shaki leedahay, weydii inuu sharaxo ama keeno tixraacyo.
Xusuusnow: AI waa qalab kaa caawin kara shaqadaada iyo waxbarashadaada, laakiin fikirkaaga iyo hubinta xogtu weli waa muhiim.
Haddii aad rabto inaad barato sida AI loo isticmaalo, laga bilaabo aasaaska ilaa heer sare, waxaad ka baran kartaa SomaliTech AI Course.
🌐 https://somalitech.net/courses/the-complete-somali-ai-course-from-0-to-mastery/
#ArtificialIntelligence #ChatGPT #AI #SomaliTech | 426 |
| 9 | MA HAL PASSWORD AYAAD U ISTICMAASHAA DHAMMAAN AKOONNADAADA?
Wll, haddii aad hal password u isticmaasho Gmail, Facebook, TikTok iyo akoonnada kale, waxaad halis gelin kartaa dhammaantood.
Bal qiyaas: haddii hal website oo aad isticmaasho xogtiisa la xado, weeraryahannadu waxay isku dayi karaan password-kaas akoonnadaada kale.
Maxaad samayn kartaa?
Akoon kasta u samee password u gaar ah.
Isticmaal password dheer oo adag.
Daaro ama Furo xaqiijinta laba-tallaabo (2FA).
Isticmaal password manager si aad si ammaan ah ugu kaydiso furayaashaada.
Xusuusnow: Password adag oo keliya kuma filna haddii aad meel kasta ku isticmaasho.
Ilaalinta akoonnadaadu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah amnigaaga internetka.
#CyberSecurity #OnlineSafety #SomaliTech | 418 |
| 10 | Wll, waa saacadaha ugu dambeeya ee qiimo dhimista 10% ee dhammaan koorsooyinka SomaliTech. Haddii aad qorshaynaysay inaad koorso bilowdo, caawa ka faa’iidayso fursaddan ka hor inta aanu dalabku dhammaan. ❤️
🌐 somalitech.net
📲 +252657917414 | 433 |
| 11 | BINANCE OO WEERAR LAGU QAADAY: $6.3 BILLION OO CRYPTO AH AYAA LA XADAY!
Saxbayaal, Binance ayaa 29-kii October la kulmay weerar havking ah oo weyn, kaas oo saameeyay hanti lacagaha crypto ah oo qiimaheedu gaarayo qiyaastii $6.3 billion.
Maxaa dhacay?
◈ Baaritaanka hordhaca ah ee Binance wuxuu tilmaamayaa in kombiyuutarka mid ka mid ah shaqaalaheeda binance la jabsaday, taas oo hackerska u sahashay inay lacag si sharci-darro ah uga xado nidaamka shirkadda.
◈ Qiyaastii $3 billion oo hantida lacagaha crypto ee la ladhacay ah ayaa ilaa hadda la Freeze gareeyay ana la xanibay.
◈ Binance waxay sheegtay in khasaaraha oo dhan ay shirkaddu bixin doonto, lacagaha macaamiishuna ammaan yihiin. Micnaha dadka lacagtooda laxaday shirkadi siin doonto lacagtooda.
Maxaan ka baran karnaa?
1. Ha u qaadan in shirkad weyn aysan weerar la kulmi karin.
2. Baro farqiga u dhexeeya lacagta ku jirta Exchange iyo Wallet-kaaga gaarka ah.
3. Ilaali akoonkaaga, isticmaal 2FA, hana furin links aanad hubin.
Xusuusnow: Fahamka crypto iyo ilaalinta hantidaadu waa muhiim.
Haddii aad rabto inaad barato Trust Wallet, MEXC, dirista crypto iyo aasaaska cryptocurrency, waxaad ka baran kartaa SomaliTech Crypto Course.
🌐 somalitech.net
#Binance #Crypto #CyberSecurity #SomaliTech | 449 |
| 12 | No text... | 388 |
| 13 | Wll, ma jirtaa xirfad aad muddo qorshaynaysay inaad barato?
Haddii aad xiisaynaysay inaad barato AI, Video Editing, Crypto, Affiliate Marketing, Computer Skills ama xirfad kale, maanta fursad fiican ayaad haysataa.
SomaliTech waxay maanta oo Jimce ah dhammaan koorsooyinka ku samaynaysaa 10% qiimo dhimis. ❤️
Haddii aad qorshaynaysay inaad bilowdo, ka faa’iidayso qiimo dhimistan inta Jimcuhu socdo.
🌐 somalitech.net
📲 +252657917414
#SomaliTech #JimceWanaagsan #OnlineLearning | 425 |
| 14 | Jimce Wanaagsan, Saxibayaal! ❤️
Maanta oo Jimce ah, ka faa’iidayso 10% qiimo dhimis ah dhammaan koorsooyinka SomaliTech!
◈ AI & ChatGPT
◈ Crypto
◈ Affiliate Marketing
◈ Video Editing
◈ Computer Skills iyo koorsooyin kale.
⚠️ Qiimo dhimistu waa Jimcaha oo keliya!
Haddii aad qorshaynaysay inaad xirfad cusub barato, maanta waa fursaddaadii.
🌐 Ka eeg dhammaan koorsooyinka: somalitech.net
📲 Wixii faahfaahin ah: +252657917414
#SomaliTech #JimceWanaagsan #Discount | 416 |
| 15 | Sxb, ka hor intaadan cryptocurrency iibsan, is weydii 3-dan su’aalood.
Dad badan waxay maqlaan in coin gaar ah uu qiimihiisu kacayo, dabadeedna lacag ayay geliyaan iyaga oo aan wax badan ka ogayn. Taasi waxay kordhin kartaa khatarta khasaaraha.
◈ 1. Ma fahamsanahay waxa aan iibsanayo?
Baro mashruuca, waxa uu qabto iyo sababta uu u jiro. Ha iibsan coin kaliya sababtoo ah dad kale ayaa ka hadlaya.
◈ 2. Ma awoodaa inaan lumiyo lacagtaas?
Qiimaha crypto aad ayuu isu beddeli karaa. Ha gelin lacag aad ugu baahan tahay kirada, cuntada ama kharashaadka kale ee muhiimka ah.
◈ 3. Ma garanayaa sida aan hantidayda u ilaalinayo?
Baro wallet-yada, seed phrase-ka iyo khiyaanooyinka internetka. Waligaa ha la wadaagin qofna seed phrase-kaaga.
Xusuusnow: Inaad crypto isticmaasho iyo inaad fahanto crypto waa laba arrimood oo kala duwan.
Haddii aad rabto inaad barato aasaaska cryptocurrency, isticmaalka Trust Wallet iyo MEXC, iyo dirista crypto, waxaad ka baran kartaa SomaliTech Crypto Course, oo Af-Soomaali lagu diyaariyey.
🌐 https://somalitech.net
#Crypto #CryptoEducation #TrustWallet #MEXC #SomaliTech | 407 |
| 16 | No text... | 335 |
| 17 | Sxb, haddii aad rabto inaad barato Crypto, ha ku bilaabin inaad lacag geliso adigoon fahmin waxa aad samaynayso.
Waxyaabahan waa muhiim inaad marka hore barato:
◈ Wallet waa maxay? Waa halka aad ku maamusho hantidaada crypto. Waxaa jira wallet-yo kala duwan, sida Trust Wallet.
◈ Exchange waa maxay? Waa madal aad ku iibsan karto, ku iibin karto ama ku beddeli karto cryptocurrency, sida MEXC.
◈ Seed phrase-kaaga ilaali. Waa erayo kuu muhiim ah markaad dib u soo ceshanayso wallet-kaaga. Qofkii hela wuxuu halis gelin karaa hantidaada. Ha la wadaagin qofna, hana ku kaydin meel aan ammaan ahayn.
◈ Ka digtoonow khiyaanooyinka. Ha rumaysan qof kuu ballanqaadaya faa’iido la hubo ama lacag degdeg ah. Qiimaha crypto aad ayuu isu beddeli karaa, waxaadna waayi kartaa lacagta aad geliso.
Xusuusnow: Barashada aasaaska iyo ilaalinta hantidaada waa tallaabooyinka ugu horreeya ka hor intaadan go’aan dhaqaale qaadan.
Haddii aad rabto inaad arrimahan ka barato bilow ilaa heer aad fahanto isticmaalka wallet-yada, exchanges-ka iyo dirista crypto, SomaliTech Crypto Course wuxuu casharrada kuugu sharxayaa Af-Soomaali, tallaabo-tallaabo.
📲 Wixii faahfaahin ah: +252657917414
🌐 somalitech.net
#Crypto #TrustWallet #MEXC #CryptoSafety #SomaliTech | 493 |
| 18 | No text... | 380 |
| 19 | Sxb, ma ogtahay in AI uu kaa caawin karo inaad shaqadaada ku qabato waqti ka yar kii hore?
Tusaale ahaan, haddii aad tahay arday, macallin ama qof ganacsi online ah, waxaad AI u adeegsan kartaa inaad:
◈ Casharrada iyo fikradaha adag si fudud u fahanto.
◈ Qoraallo iyo content u diyaariso si dhakhso leh.
◈ Qorshe shaqo ama ganacsi samaysato.
◈ Fikradahaaga ugu beddesho sawirro iyo muuqaallo.
Laakiin waxaa jira hal arrin muhiim ah: qalabka AI oo aad taqaan keliya kuma filna; waa inaad taqaan sida saxda ah ee loo isticmaalo.
Koorsada SomaliTech AI Course, waxaad Af-Soomaali ugu baran kartaa AI tallaabo-tallaabo, laga bilaabo aasaaska ilaa adeegsiyo kala duwan oo shaqo iyo wax-soo-saar ah.
Haddii aad diyaar u tahay inaad xirfaddaada horumariso, halkan ka eeg koorsada:
🌐 https://somalitech.net/courses/the-complete-somali-ai-course-from-0-to-mastery/
#AI #ChatGPT #Aqoon #SomaliTech | 477 |
| 20 | Sxb, AI jawaabtiisa mar walba ma lagu kalsoonaan karaa?
Maya. ChatGPT, Claude iyo aaladaga kale ee AI mararka qaarkood waxay ku siin karaan jawaab khaldan, inkasta oo ay u muuqato mid sax ah oo kalsooni leh.
Si aad AI uga faa’iidaysato, xasuuso saddexdan qodob:
◈ Hubi xogta muhiimka ah: Gaar ahaan marka ay khusayso lacag, caafimaad, sharci ama go’aan muhiim ah.
◈ Weydii inuu caddeeyo: Haddii jawaabtu kuu muuqato mid aan caddayn, weydii inuu tallaabo-tallaabo kuu sharaxo.
◈ Adigu fikirkaaga isticmaal: AI ha kuu fududeeyo shaqada, laakiin ha ka tegin hubinta iyo go’aan qaadashadaada.
Ujeeddadu ma aha inaad AI isticmaasho oo keliya, ee waa inaad barato sida saxda ah ee looga faa’iidaysto.
Haddii aad rabto inaad AI ka barato aasaaska ilaa adeegsigiisa shaqo iyo ganacsi, SomaliTech AI Course waxaad ku baran kartaa Af-Soomaali, tallaabo-tallaabo.
🌐 https://somalitech.net/courses/the-complete-somali-ai-course-from-0-to-mastery/
#AI #ChatGPT #ClaudeAI #SomaliTech | 500 |
