️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Ir al canal en Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Mostrar másEl país no está especificadoLa categoría no está especificada
251
Suscriptores
-424 horas
-67 días
+1530 días
Archivo de publicaciones
Dhageyso: Barnaamijka Islaamka iyo Bulshada.[44]
Ciwaanka xalqdaan waa Kaalinta Culimada ee Badbaadinta Umadda Muslimka, waxaana marti inoogu ah Fadiilatu Sheykh Sheekh Aadan Sunne oo kamid ah culimada Diinta Islaamka.
Mid kamid ah wadaadaha gobollada waqooyi bari ayaa ka hadlay heshiiska hiilka ku dhisan ee dhex maray Yahuudda iyo maamulka la baxay Soomaaliland.
Daawo: Dhalinyarada Dalka Kenya ayaa Saakay Qorshaynaya in ay Magaalooyinka Waaweyn ee Dalkaas Ka Dhigaan Kacdoon Sanadle ah oo Looga soo Horjeedo Xukumadda Dalkaas.
Qaybo Kamida Gobalada Waqooyi Bari ayaa Saaka Laga Dareemay Dhulgariir Ka Dhacay Badda Gacanka Cadmeed.
Wararka ina soo gaaraya ayaa tibaaxaya, in dhul-gariir cabirkiisu gaarayo 5.1 uu saaka aroortii hore ka dhacay badda Gacanka Cadmeed, gaar ahaan meel qiyaastii 152 kiiloomitir waqooyi ka xigta degmada Caluula ee gobolka Bari.
Dhul-gariirkan ayaa dhacay saacadu markay ahayd 6:53 subaxnimo, iyadoo xogta hordhaca ah ay muujinayso in xuddunta gariirku ay ku aadan tahay badda hoosteeda. inkastoo qoto-dheeraantiisa si rasmi ah aan weli loo xaqiijin, khubaradu waxay tilmaamayaan in ay ahayd mid ku dhow oogada dhulka, taas oo mararka qaar kordhin karta suurtagalnimada in la dareemo dhulgariiro kale.
Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale, tilmaamaya, in ilaa hadda aan la soo sheegin wax khasaare nafeed ah ama mid hantiyeed ah, mana jirto burbur la xiriira dhul-gariirka oo laga soo sheegay deegaanada xeebaha ah ee Soomaaliya.
Siyaasiga Xasan Shire Abgaal ayaa weerar afka ah ku qaaday hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland.
Xasan Shire Abgaal oo horay usoo noqday Wasiirkii Maaliyadda ee maamulka la baxay Puntland, haatanna ah Siyaasi taageersan Dowladda Fedaraalka oo ka soo horjeda Siciid Deni, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan maamulkaas laga jartay mushaarkii ay qaadanayeen iyo raashinkii intaba.
Wuxuu arrintaasi ku eedeeyay Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu sheegay inuu isagu ciidanka ka joojiyay mushaarka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaasi raaciyay in shaqaalaha maamulka la baxay Puntland laftoodu aysan qaadan wax myshaar ah.
Wuxuu dhanka kalen xusay iney jiraan ciidamo ay mushaar siiso Dowladda Fedaraalka oo muddo bilooyin ah lacagtaas qaadanaya.
Dhageyso: Barnaamijka Islaamka iyo Bulshada.[44]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxa ay idiin soo gudbineysaa barnaamij ciwaankiisu yahay Islaamka iyo Bulshada, kaas oo ah baarnaamij tarbiyo & towjiih ah, laguna qaadaa dhigayo mawaadiic xiriir la leh jawaanibta kala duwan ee nolosha qofka muslimka ah, iyadoo mar weliba lagu jaan goynayo waxay Shareecada Islaamku ka qabto.
Wuxuu barnaamijku xooga saarayaa arimaha xiriirka la leh mucaamalaatka, cilaaqaatka & dhaqanka toosan ee looga baahanyahay qofka muslimk ah, wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada wacygelineed ee ay warbaahinta Islaamiga oo ay Al-Furqaan kamid tahay wadaan laguna dooanyo in lgau soo saaro bulsho Islaami ah oo badqab ah, kana fiyow hagardaamooyinka cadowgeedu ku doonayo inuu ku burburiyo.
Ciwaanka xalqdaan waa Kaalinta Culimada ee Badbaadinta Umadda Muslimka, waxaana marti inoogu ah Fadiilatu Sheykh Sheekh Aadan Sunne oo kamid ah culimada Diinta Islaamka.
Ciidamo Taabacsan Dowladda Fedaraalka ayaa La Sheegay iney La Wareegeen, Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Goldogob eee Gobolka Mudug.
Maamulka La Baxay Puntland ayaa Sheegay, in Cir iyo Dhul Deegaannada uu ka Arrimo Aysan Soo Gali Karin Dowladda Fedaraalka.
Mid kamid ah wadaadaha gobollada waqooyi bari ayaa ka hadlay heshiiska hiilka ku dhisan ee dhex maray Yahuudda iyo maamulka la baxay Soomaaliland.
Dhalinyarada Dalka Kenya ayaa Saakay Qorshaynaya in ay Magaalooyinka Waaweyn ee Dalkaas Ka Dhigaan Kacdoon Sanadle ah oo Looga soo Horjeedo Xukumadda Dalkaas.
Maanta waa maalin Khamiis ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 10-01-1448 oo waafaqsan 25-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[249]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
Maxaad Kala Socotaa in Dowlado Shisheeye ay Maamulka Puntland Ku Riixayaan Iney Yahuudda Xiriir La Sameeyaan Sida Soomaliland oo Kale, Maxaadse Ka Ogtahay Heerka uu Gaarsiisan Yahay Damaca Madaxwaynaha Dawladda Fadaraalka ee ah inuu lasaaxiibo Yahuudda?
Muxuu C/Maalik Muuse Coldoon Ka yiri Sheegashada Maamaulka Soomaaliland ee ah in Xiriirka Yahuudda ay La Yeesheen uu Kaliya Yahay Mucaamalo, Maxaase Loo Yaqaanaa Mucaamalada?
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
¡Ya disponible! Investigación de Telegram 2025 — los principales insights del año 
