fa
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

رفتن به کانال در Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

نمایش بیشتر
کشور مشخص نشده استدسته بندی مشخص نشده است
245
مشترکین
اطلاعاتی وجود ندارد24 ساعت
اطلاعاتی وجود ندارد7 روز
اطلاعاتی وجود ندارد30 روز
آرشیو پست ها
Xukuumadda Suudaan ayaa lagu eedeeyay iney duqeyn ku burburisay buundo muhiim ah oo ku taalla gobol katirsan dalkaas.
Xukuumadda Suudaan ayaa lagu eedeeyay iney duqeyn ku burburisay buundo muhiim ah oo ku taalla gobol katirsan dalkaas.

Dowladda Hindiya ayaa burburisay mid kamid ah masaajidda ku yaalla dalkeeda, iyadoo beegsatay dad Muslimiin ah oo muujiyay sh
Dowladda Hindiya ayaa burburisay mid kamid ah masaajidda ku yaalla dalkeeda, iyadoo beegsatay dad Muslimiin ah oo muujiyay shacaa'irta Diinta Islaamka.

Mid kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa ka hadlay kaalinta ay culimadu ku leedahay badbaadinta umadda Muslimka ah xilli dalka lagu soo qaaday duullaan caqiido oo ay kaniisaduhu hogaaminayaan.

Maamulka la baxay Puntland ayaa kahor yimid qorshe ay DF ku dooneyso iney ciidan uga qorato degaanada uu ka arrimiyo.

Dawooyin qiimo badan ku fadhiya ayaa ku dhacay bakhaarrada Dowladda Kenya taasoo khasaare ku ah Dalkaas.

Cudurka Ebola ayaa wali saameyn ku haya Uganda iyadoo ciidamo ka socda dalkaas ay Soomaaliya ku sugan yihiin.

Dood xooggan ayaa ka taagan qorshe dhaqaale oo ay sameysay dowladda Kenya.

Dowladda Fedaraalka ayaa dib usoo celisay dhulboobkii ay ka wadday Muqdisho, iyadoo saakay burburin hor leh ka billowday xaafado hor leh oo ka tirsan caasimadda.

Maanta waa maalin Khamiis ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 24-12-1447 oo waafaqsan 11-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Ciise.

Dowladda Fedaraalka ayaa dib usoo celisay dhulboobkii ay ka wadday Muqdisho, iyadoo saakay burburin hor leh ka billowday xaaf
Dowladda Fedaraalka ayaa dib usoo celisay dhulboobkii ay ka wadday Muqdisho, iyadoo saakay burburin hor leh ka billowday xaafado hor leh oo ka tirsan caasimadda. Xukuumadda uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud ee muddo xileedkeedu dhamaaday ayaa saakay dhulboob ka billowday xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada C/Casiis ee magaalada Muqdisho. Dadka shacabka ah ee dhulboobka lagu hayo ayaa iska caabin aan tabar badneyn kala horyimid ciidamada Booliska Dowladda Fedaraalka ee dhulka wada iyagoo adeegsaya dhagax ay ku tuurayaan, halka Boolikuna ay ugu jawaabayeen rasaas tiro beel ah. Xaafadaha ka tirsan degmada ee si gaar ah ay dhulboobka iyo duminta uga waddo Dowladda Fedaraalka ayaa kala ah Buulo Goley iyo Onodka.

Dood xooggan ayaa ka taagan qorshe dhaqaale oo ay sameysay Dowladda Kenya. Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay miisaaniyad uu
Dood xooggan ayaa ka taagan qorshe dhaqaale oo ay sameysay Dowladda Kenya. Dowladda Kenya ayaa soo bandhigtay miisaaniyad uu qiimaheedu gaarayo 4.7 tiriliyan oo shilin Kenyan ah, taas oo falanqeeyayaal badan ku tilmaameen qorshe dhaqaale oo si weyn loogu wajahayo doorashada guud ee la filayo sannadka 2027. Xukuumadda Madaxweyne William Ruto ayaa sheegtay in miisaaniyaddan lagu kordhinayo maalgelinta dhalinyarada, ganacsiyada yaryar iyo dowladaha hoose, iyadoo ujeeddadu tahay kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista shaqooyin cusub. Hase yeeshee, qorshahan ayaa wajahaya dhaliilo xooggan. Madaxa Xafiiska Kormeerka Miisaaniyadda Kenya, Margaret Nayakango, ayaa ka digtay in inkasta oo xasilinta dhaqaaluhu muhiim tahay, haddana inaan la dayicin adeegyada bulshada. Waxay sheegtay in siyaasadaha lagu dhimayo kharashaadka dowladda ay tahay inay noqdaan kuwo caddaalad ah oo danaha shacabka ilaalinaya. Sidoo kale Machadka Maaliyadda Dadweynaha ee Kenya (IPF) ayaa sheegay in inkastoo dowladda ay saadaalisay koboc dhaqaale,

Cudurka Ebola ayaa wali saameyn ku haya Uganda iyadoo ciidamo ka socda dalkaas ay Soomaaliya ku sugan yihiin. Inkastoo mas’uu
Cudurka Ebola ayaa wali saameyn ku haya Uganda iyadoo ciidamo ka socda dalkaas ay Soomaaliya ku sugan yihiin. Inkastoo mas’uuliyiinta Uganda ay sheegayaan in xaaladda Ebola ay soo hagaagayso isla markaana bukaanno badan ay ka bogsadeen cudurka, haddana saameynta dhaqaale, bulsho iyo midda caafimaad ee fayrasku ku yeeshay dalka ayaa weli si weyn loo dareemayaa. Madaxweyne Yoweri Museveni ayaa toddobaadkan sheegay in Uganda aysan diiwaangelin kiisas cusub muddo shan maalmood ah, taasoo uu ku tilmaamay calaamad muujinaysa in cudurka la xakameynayo. Si kastaba ha ahaatee, shacabka ku nool deegaannada xadka la leh Jamhuuriyadda Congo DRC ayaa cabasho ka muujiyay xayiraadaha socdaalka, xiritaanka suuqyo xuduudeed iyo hakadka ku yimid ganacsiga maalinlaha ah. Dowladda ayaa qaaday tallaabooyin adag oo ay ku jiraan karantiil, baaritaanno xuduudeed iyo xaddidaadyo lagu sameeyay isu socodka dadka si looga hortago faafitaanka cudurka.

Maamulka la baxay Puntland ayaa kahor yimid qorshe ay DF ku dooneyso iney ciidan uga qorato degaanada uu ka arrimiyo. Maamulk
Maamulka la baxay Puntland ayaa kahor yimid qorshe ay DF ku dooneyso iney ciidan uga qorato degaanada uu ka arrimiyo. Maamulka xaruntiisu tahay magaalada Garowe ayaa si rasmi ah uga hor yimid qorshe ay Dowladda Federaalka ku doonayso in ciidamo cusub looga qoro deegaannada Puntland, arrintaas oo sii muujinaysa khilaafka siyaasadeed iyo kan amni ee u dhexeeya labada dhinac. War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Saciid Dani ayaa lagu sheegay in maamulka uusan aqbali doonin in gudaha deegaannada uu ka arrimiyo laga fuliyo qorshayaal ciidan-qoris ah oo aan lagala tashan hay’adaha ku shaqada leh sida ay yiraahdeen. Mas’uuliyiinta Garowe ayaa ku dooday in amniga iyo maamulka ciidamada ka howlgala dhulkaas ay ka mid yihiin arrimaha ay sida gaarka ay iyaga masuulka uga yihiin. Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabooyinka noocan ah ay sii adkayn karaan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Garowe iyo Muqdisho, xilli xiriirka labada dhinac uu muddooyinkii dambe wajahayay muranno la xiriira arrimaha dastuurka.

Weeraro ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen, xerada askarta Xabashida Itoobiya ee degmada Garbahaarrey oo katirsan gobolka Gedo, iyo saldhigyada askarta Dowladda Fedaraalka ee degmooyinka Luuq iyo Buurdhuubo ee isla gobolkaas.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday, saldhigga askarta Dowladda Fedaraalka ay ku eelyihiin Buundada deegaanka Sabiid ee hoostaga degmada Afgooye oo katirsan gobolka Sh/hoose.

Barnaamijka Islaamka iyo Bulshada-42.mp366.73 MB

Dhageyso: Barnaamijka Islaamka iyo Bulshada.[42] Ciwaanka xalqdaan waa Kaalinta Culimada ee Badbaadinta Umadda Muslimka, waxaana marti inoogu ah Fadiilatu Sheykh Sheekh Aadan Sunne oo kamid ah culimada Diinta Islaamka.

Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxa ay idiin soo gudbineysaa barnaamij ciwaankiisu yahay Islaamka iyo Bulshada, kaas oo ah baarnaamij tarbiyo & towjiih ah, laguna qaadaa dhigayo mawaadiic xiriir la leh jawaanibta kala duwan ee nolosha qofka muslimka ah, iyadoo mar weliba lagu jaan goynayo waxay Shareecada Islaamku ka qabto. Wuxuu barnaamijku xooga saarayaa arimaha xiriirka la leh mucaamalaatka, cilaaqaatka & dhaqanka toosan ee looga baahanyahay qofka muslimk ah, wuxuuna qeyb ka yahay dadaallada wacygelineed ee ay warbaahinta Islaamiga oo ay Al-Furqaan kamid tahay wadaan laguna dooanyo in lgau soo saaro bulsho Islaami ah oo badqab ah, kana fiyow hagardaamooyinka cadowgeedu ku doonayo inuu ku burburiyo. Ciwaanka xalqdaan waa Kaalinta Culimada ee Badbaadinta Umadda Muslimka, waxaana marti inoogu ah Fadiilatu Sheykh Sheekh Aadan Sunne oo kamid ah culimada Diinta Islaamka.

Waaliga Hiiraan ayaa booqasho ku tagay mid kamid ah xarumaha waxbarasahda magaalada ee Buq-aqable.

Madaxweynaha Uganda ayaa la filayaa inuu ka hadlo cudurka Ebola oo kusii fidaya wadankaas.