️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Відкрити в Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Показати більшеКраїна не вказанаКатегорія не вказана
248
Підписники
+524 години
-127 днів
+730 день
Архів дописів
Dawo: Meydka qof aan la aqoonsan ayaa laga soo saaray mid kamid ah wara-biyoodyada ku yaalla magaalada Muqdisho.
Maqaal Lagu Daabacay Majallada Sadal-Malaaxim ee ay Soo Saaraan Mujaahidiinta Jaziiratul-Carab oo Looga Hadlay Jihaadka Bariga Afrika, Marxaladihii uu Soo Maray, Halka uu Maanta Marayo iyo Ifafaalaha Mustaqbalka.
In ka badan 10 qof oo Falastiiniyiin ah oo ku shahiiday Marinka Qaza, in ka badan 30 qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Duqaymo Ruushka ku qaaday Dalka Ukraine, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Daawo: Maamulka Aala-Sacuud ayaa xukun dil ah ku fuliyay dad Soomaali ah oo horay ugu xirnaa xabsiyada ku yaalla Sacuudiga.
Dowro diini ah ayaa loosoo xiray haweenka ganacsatada ah ee ku nool deegaan hoostaga degmada Kurtunwaarrey ee Wilaayada Islaamiga ah ee Sh/hoose.
Dibadbaxyo Ka Dhacay Dalka Koonfur Afrika ayaa Lagu Burburiyay Xarumo Ganacsi oo ay Dad Soomaali ah Ku Leeyihiin Wadankaas.
Maanta waa maalin Talaado ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 15-01-1448 oo waafaqsan 30-06-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Amiin.
Qarax khasaare dhaliyay oo ka dhacay xaafadda Towfiiq ee magaalada Baydhabo, ayaa waxaa lala beegsaday ciidamo ka tirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa xaafaddaas, waxaana fuliyay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa waxaa lagu dhaawacay Sarkaal lagu magacaabo Nuurow oo ah Taliyaha saldhigga xaafadda Towfiiq ee magaaladaas.
Daawo: Xildhibaan Ka tirsan Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in Safarrada dibadda ee uu galo Xasan Sheekh ay ku baxaan lacago boqolaal kun oo dolllar ah.
Maamulka Aala-Sacuud ayaa xukun dil ah ku fuliyay dad Soomaali ah oo horay ugu xornaa.
Dhawaan waxaa dhulka Xarameynka ee uu ka arrimyo maamulka Aala-Sacuud, gaar ahaa gobolka Najraan ee dhaca xuduud beenaadka uu dalkaasi la wadaago wadanka Yaman ka dhacay, xukun dil ah oo lagu fuliyay seddax ruux oo Soomaali ah, sida lagu sheegay bayaan soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha ee maamulkaas.
Dadka Soomaalida ah ee la dilay ayaa dhamaantood rag ahaa, waxaana magacadooda lagu kala sheegay, Axmad Aadan Cabdi Ibraahim, Axmad Maxamuud Ismaaciil C/raxmaan, Maxamuud Cabdiraxmaan Ibraahim Xasan, sida lagu xusay bayaanka ka soo baxay wasaaradda.
Maamulka Aala Sacuud ayaa dadkan Soomaalida ah ee uu dilay ku eedeeyay iney mukhaadaraad geliyeen dalkaas, wuxuuna xukunkan dilka ah dhacay maalin kahor oo ah Aaxaddii la soo dhaafay.
Dibadbaxyo Ka Dhacay Dalka Koonfur Afrika ayaa Lagu Burburiyay Xarumo Ganacsi oo ay Dad Soomaali ah Ku Leeyihiin Wadankaas.
Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya, in xaalad adag ay dadka soo galootiga ah oo ay Soomaalidu ku jiraan ay ka taagan tahay gobolka Limpopo, halkaas oo dibadbaxyo ka billowday ay isu beddeleen falal lagu beegsanayo goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka ajaanibta ah. Wararka hordhaca ah waxay tilmaamayaan in dukaamada ugu badan ee la bartilmaameedsanayo ay yihiin kuwa ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah iyo kuwo Itoobiyaan ah.
Goobjoogayaal ku sugan magaalada ay wax ka dhaceen ayaa sheegay, in kooxo dibadbaxayaal ah ay weerareen qaar ka mid ah dukaamada oo xilligaas furnaa, isla markaana ay ka dhaceen falal isugu jira boob iyo burbur hantiyeed. Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo caddeynaya tirada guud ee dukaamada waxyeelladu gaartay, iyadoo xaaladdu weli tahay mid cakiran.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weeraray, saldhiyada askarta Dowladda Fedaraalka iyo shisheeyaha ee magaalooyinka Baydhabo iyo Jannaale oo ka tirsan gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay.
Magaalada Baydhabo waxaa weerarro lagu qaaday labo xero oo xaafadda Towfiiq ee magaaladaasi ku leeyihiin ciidanka Dowladda Fedaraalka, halka Jannaale la weeraray saldhig ay shisheeyaha Uganda ku leeyihiin degmadaas iyo xero ciidamada Dowladda Fedaraalka ugu taal halkaas.
Meydka qof aan la aqoonsan ayaa laga soo saaray mid kamid ah wara-biyoodyada ku yaalla magaalada Muqdisho.
Saacadihii la soo dhaafay, waxaa warta KM4 ee ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaalida laga soo saaray meydka qof doorsamooy jir ahaan oo la sheegay inuu muddo todobaad ah ku jiray halkaas.
Qofkan dhintay ayaa meydkiisa waxaa biyaha ka soo bixiyay maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka oo ay dul hoganayaan eedeymo badan oo la xiriira halisyada meelah biyo fadhiisadka ah ee muqdisho, burburka wadooyinka caasimadda iyo biyaha roobabka ee fadhiistay.
Maamulka uu Gudoomiyaha ka yahay Muungaab, ayaa la sheegay in meydka warta laga soo saaray aysan ka bxiin wax faahfaahin ah, waxaana isa soo tareysa cabashada reer Muqdisho ee la xiriirta saameyntii ka dhalatay roobabkii da'ay iyo dayaca ka muuqda jidadka halbowlayaasha ah ee magaalada.
Dowladda Kenya ayaa Lagu Eedeeyay Tacadiyo Ka Dhan ah Boqolaal Dibadbaxayaal ah oo ay Dhawaan Ku Qabatay Mudaharaadyadii Ka Dhacay Dalkaas.
Hay’adaha sheegta inay u doodaan xuquuqda aadanaha ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay inay tacaddiyo u geysatay qaar ka mid ah boqolaalkii qof ee lagu qabtay dibadbaxyadii dhawaan ka dhacay dalkaas.
Hay’adda loogu yeero Amnisti Intaranashnaal qeybteeda ka hawlgasha Kenya ayaa sheegtay in tobanaan dad ah la helay iyagoo dhaawacyo qaba, kadib markii la waayay tan iyo xilligii ay ciidamada booliisku xireen intii lagu guda jiray dibadbaxyadii dhacaysay 25-kii Bishan Juun.
Warbixinnada hay’adaas ayaa tilmaamaya, in tiro badan oo dibadbaxayaal ah wali lagu la’yahay gacmaha Booliiska, kuwaaas oo loo badinayo in lagu dilay gudaha xabsiyada Booliiska ee kenya, maadaama marar badan tiro meydad ah laga helay saldhigyaada ciidamadda Dowladda.
Вже доступно! Дослідження Telegram за 2025 — головні інсайти року 
