ch
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

前往频道在 Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

显示更多
未指定国家未指定类别
261
订阅者
+224 小时
+197
+1930
帖子存档
Askar ka goostay ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ku biiray safka maleeshiyaadka taabacsan Laftagareen.

Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhibaatada ay ku qabaan biyaha wadooyinka fariista waqti-roobaadka, xilli ay Dowladda Fedaraalku ku fashilantay iney wax ka qabato arrinkaas.

Madaxda Uganda ayaa Bilabay inay Ku Faanaan Xariga ay Kula Kacayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dalkaas.

Maanta waa maalin Arboco ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 02-01-1448 oo waafaqsan 17-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Cali.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday, xerada ay askarta Dowladda Fedaraalka iyo shisheeyaha Uganda ku leeyihiin, magaalada Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Waa Maxay Muhiimadda ay Leedahay Taariikhda Hijriga?, Maxaase La Odrosayaa Sanadkan?

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ayaa war-saxaafadeed ku qoran luuqadda Carabiga kasoo saartay qadiyadda Filistiin, waxaana cinwaan loogu dhigay "Qudus lama Yahuudeynayo"

Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso. Caawa waa habeennimo Arboco ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 02-01-1448 oo waafaqsan 16-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.

Shacabka Muqdisho ayaa ka hadlay dhibaatada ay ku qabaan biyaha wadooyinka fariista waqti-roobaadka, xilli ay Dowladda Fedara
Shacabka Muqdisho ayaa ka hadlay dhibaatada ay ku qabaan biyaha wadooyinka fariista waqti-roobaadka, xilli ay Dowladda Fedaraalku ay ku fashilantay iney wax ka qabato. Qaar kamid ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatooyin ay ku qabaan, biyaha xilli roobaadka fariista wadooyinka aan hagaagsaneyn ee ku yaalla caasimadda. Wadada loo yaqaan Cabdiqaasin, ayey dadkani si gaar ah kaga cabanayaan adeegsigeeda, iyadoo ay jiraan kuwa kale oo ay sidan oo kale biyo fadhiisad u ah. Waxay dadkani sheegeen in dhibaato lagala kulmayo marka la marayo wadadan oo ay biyo wasaq ah dhex ceegaagaan.

Askar ka goostay ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan Baydhabo ayaa ku biiray safka maleeshiyaadka taabacsan Laftagareen
Askar ka goostay ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan Baydhabo ayaa ku biiray safka maleeshiyaadka taabacsan Laftagareen. Tiro askar ah oo ka tirsanaa ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa u goostay dhanka maleeshiyaadka taabacsan cabdicasiis Laftagareen ee ku sugan duleedka magaaladaas, sida ay tabineyso warbaahinta. Askarta goostay ayaa la sheegay iney gaarayaan illaa ku dhawaad afar askari, ciidamadan baxsaday ayaana la soo warinayaa iney istaaf u ahaayeen taliyaha guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Millatariga Dowladda Fedaraalka. Waxaa kasii horreeyay askartan sida wararku tilmaamayaan oo maleeshiyadaasi ku biiray, sarkaal taliye u ahaa ciidamada loo yaqaan Daraawiishta ee maamulka la baxay Koonfur Galbeed oo ku sugan magaalada Dinsoor ee gobolkaas.

Waxaa Isa Soo Taraya Asarta Dowladda Fedaralka ee ka Cabanaya Mushaar La’aanta. Askarigan oo ka tirsan Booliiska Dowladda Fed
Waxaa Isa Soo Taraya Asarta Dowladda Fedaralka ee ka Cabanaya Mushaar La’aanta. Askarigan oo ka tirsan Booliiska Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu sheegay, in muddo Afar Sano ah uusan helin mushaaraatkii iyo xuquuqdii uu kulahaa Dowladda uu ka tirsan yahay.   Waxaa intaasi dheer uu askarigani ka cawday faquuq iyo takoor uu sheegay, inuu kala kulmayo saraakiisha ciidanka isaga xukuma ee Dowladda Fedaraalka.   Sidoo kale, Dowladda Fedaraalka ayuu ku tilmaamay, mid qabyaalad ku dhisan isagoo sheegay, in marar qaar askarta qaab qabiil loo xusho amaba xuquuqaadka loosiiyo.   Waayahan danbe waxaa shaahadaha warbaahinta kasoo muuqanayay askarta Dowladda Fedaraalka ee ka cabanaya mushaar la’aanta, kuwaas oo qaarkood gadood ciidan samaynayay.

Madaxda Uganda ayaa Bilabay inay Ku Faanaan Xariga ay Kula Kacayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dalkaas. Taliyaha ciidamada U
Madaxda Uganda ayaa Bilabay inay Ku Faanaan Xariga ay Kula Kacayaan Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Dalkaas. Taliyaha ciidamada Ugandha ahna wiilka Museveni janaraalka lagu magacaabo Muhoozi ayaa baraha bulshada uga faanay inuu xabsiga dhigay mid kamid ah siyaasiyiinya mucaaradka, taas oo caro ka dhalisay gudaha dalkaas.   Qoraallo taxane ah oo uu taliyaha ciidamada Ugaandha soo dhigay bartiisa xariirka bulshada, ayuu ku lifaaqay sawirro muujinaya siyaasi mucaarad ah oo lagu magacaabo Iryaas Lukwago, kaas oo xabsiga ku jira, wuxuuna wacad ku maray janaraal Muhoozi, inuu "waxyeello iyo dhib" u geysan doono siyaasigaas.   Siyaasigan xiran oo sidoo kale qareen ah ayaa la sheegay, in Isniintii lasoo dhaafay ay ciidamada Ugandha kasoo afduubteen gurigiisa, isagoona lagu eedeeyay, inuu diyaarinayay dacwad ka dhan ah taliyaha ciidamada Ugandha.   Sida laga soo xigtay qaraabadiisa, rag hubaysan ayaa guriga qareenkaas soo galay oo kaxaystay iyagoo aan u sheegin meesha ay u wadaan.

Waa Habeennimo Arboco ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 02-01-1448 oo ku beegan 16-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Mubaarak Cumar.

DHEGYSO: 1448 Sano kahor Sidee Buu udhacay Safarkii Hijrada ee uu Rasuulka صلّى الله عليه وسلّم Kaga Soo Tagay Magaalada Makkah?

Dowladda Hindiya oo Xirtay in ka Badan 10 Masjid oo ay ku Cibaadaysanayeen Muslimiinta Dalkaas, Mid Kamid ah Diyaaradaha Istaraatiijiga ee Mareykanka oo ku Burburtay Gudaha Dalkaas, Iyadoo ay ku Dhinteen Dhamaan Rakaabkii Saarnaa.Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.