Sheekadii Lama Filaan Qeybta 23aad
Adna waxaa soo dhawaaday Xillii Umusha, Bishii 9aad ayey gashay, Alxamdulilaah Caafimaadkeedu waa Heer Sare, Ninkeeda Cimran iyo iyadana wey Heshiiyeen, noloshooda iyo farxadooda ayaa dib ugu soo noqotay, Nabaradii iyo Boogihii ay Warda gaarsisayna wey ka soo Bogsadeen, hadda waxa ay ku jiraan Nolol Deggen oo ay Farxadi u dheer tahay.
Cimran hooyadiis aad ayey ugu faraxdaa markey aragto Wiilkeeda Cimran iyo Adna oo wada qoslaayo, ama ay wada kaftamaayaan, Adna riyadeeda ayaa u rumowday, Cadowgii ay iyada jaceylka u keensatay haddey guriga ka baxday, waxey go’aansatay iney mar dambe Bini’aadan aysan aminin, isla markaana ay Reerkeeda cid kale soo dhex gelin.
Cimran hooyadiis oo qolka ku jirta ayaa waxey u yeertay Wiilkeda si ay ugala tashato Arrinta doonashada Asma yareey, waxey Tel ku wacday Adeerka, una sheegtay sida ay wax u jiraan iyo iney rabto Wiilkeda Caadil in loo doono gabadha Asma ah, iyadoo u sheegtay gabadhaasi iney aad u jeceshahay oo ay aad uga heshay Dhaqankeeda iyo Dad la dhaqankeeda.
Adeerka markey u sheegeen aad ayuu ugu farxay arintaas wuxuuna ku yiri: Waa wax fiican Insha Allaah maalinta jimcaha ayaan idiin imaanaa, galabtii jimcahana reerkeeda anaa u aadaayo, Insha Allah wax kasto wey hagaagayan, ilaaheey hana waafajiyo kheerka.
Dhanka kale Warda waxaa u dambeeyay inuu Weerweer ku dhaco oo ay ku dhawaato iney isla hadasho, sababtoo ah waxey aragtay iney ku soo dhacday Hog cidlo ah, waxaa kaloo u muuqda mar walba godobtii ay ka gashay Saaxiibadeed Adna.
Waa Xilli subaxnimo Asma waxey ka soo baxday jikada iyadoo ay soo diyaarisay Quraadii, Qolkii fadhiga ayey ku soo diyaarisay si wadajir loo wada fariisto, waxna loo wada cuno, kolkii la wada yimid ayaa si Heer Sare ah oo deggenaansho laga dareemaayo ayaa loo wada quraacday, waxaa halkaasi laga dareemaayay in Warda laga nastay dhibkeeda isla markaasna ay hadda reerku Xasilooni heleen.
Kolkii la wada Quraaxday ayey Maamada Adna waxey ku tiri Reerkiina u sii sheeg Maalinta Jimcaha in Odayo imaan doonaan, ayna u socdaan Arrintii Asma, ilaaheey Kheyr haku soo dhameeyo Insha Allaah.
Asna waxey tiri Waa yahay Maama, Insha Allah Kheyr ayey noqoneysaa.
Waa qeybtii ugu dambeysey ee taxanihii “
Lama Filaan” ee inoo socdey. Qeybtan ayaa ah gabagabadii sheekada, waxaana rajeynayaa in intii aad nala socotay aad ka heshay dhacdooyinkii, casharradii iyo fariimihii ay xambaarsaneyd.
Intii sheekadu socotay,
maxaad ka faa’iidey? Sidee ayay kula ahayd guud ahaan sheekadu? Maxay kula tahay fariintii ugu weynayd ee ay xambaarsaneyd?
Halkaan hoose
comment-ka nagula wadaag fikirkaaga iyo aragtidaada. 💬❤️
Haddii aad sheekada ka aqrisanaysid
Uukow Media App, account sameyso si aad faallo uga qorto. Faallooyinka iyo fikirrada aad nala wadaagtaan waxay nagu dhiirrigelinayaan inaan bilowno
taxane kale oo cusub. 🙏
📖
Qeybtan oo dhammeystiran ka akhri link-ga hoose.
https://www.uukow.com/2026/08/27/sheekadii-lama-filaan-qeybta-23aad/
ama lasoo dag Appka
Uukow Media oo halkaas kaa caawinayso in ai kula falgalo oo uu kusoo koobo ama kusii faahfaahiyo halkaan kala dag si aad aqrisato dhammaan Qormooyinka iyo sheekooyinkii hore
https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia
Mahadsanidiin dhammaantiin sida aad ula socoteen taxanahan. ❤️
Uukow Media — Sheekooyin, Qormooyin & Wax Akhris Soomaaliyeed.