fa
Feedback
Xikmado️ 💎

Xikmado️ 💎

رفتن به کانال در Telegram

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

نمایش بیشتر

📈 تحلیل کانال تلگرام Xikmado️ 💎

کانال Xikmado️ 💎 (@xikmadosom) در بخش زبانی سومالی بازیگری فعال است. در حال حاضر جامعه شامل 39 521 مشترک است و جایگاه 579 را در دسته انگیزه و نقل قول‌ها و رتبه 268 را در منطقه الصومال دارد.

📊 شاخص‌های مخاطب و پویایی

از زمان ایجاد در невідомо، پروژه رشد سریعی داشته و 39 521 مشترک جذب کرده است.

بر اساس آخرین داده‌ها در تاریخ 28 ژوئیه, 2026، کانال فعالیت پایداری دارد. در ۳۰ روز گذشته تغییر اعضا برابر -20 و در ۲۴ ساعت گذشته برابر -1 بوده و همچنان دسترسی گسترده‌ای حفظ شده است.

  • وضعیت تأیید: تأیید نشده
  • نرخ تعامل (ER): میانگین تعامل مخاطب 5.84% است و در ۲۴ ساعت نخست پس از انتشار، محتوا معمولاً 1.64% واکنش نسبت به کل مشترکان کسب می‌کند.
  • دسترسی پست‌ها: هر پست به طور میانگین 2 307 بازدید دریافت می‌کند. در اولین روز معمولاً 647 بازدید جمع‌آوری می‌شود.
  • واکنش‌ها و تعامل: مخاطبان به‌طور فعال حمایت می‌کنند؛ میانگین واکنش به هر پست 15 است.

📝 توضیح و سیاست محتوایی

نویسنده این فضا را محل بیان دیدگاه‌های شخصی توصیف می‌کند:
Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

به لطف به‌روزرسانی‌های پرتکرار (آخرین داده در تاریخ 29 ژوئیه, 2026)، کانال همواره به‌روز و دارای دسترسی بالاست. تحلیل‌ها نشان می‌دهد مخاطبان به‌طور فعال با محتوا تعامل دارند و آن را به نقطه اثرگذاری مهم در دسته انگیزه و نقل قول‌ها تبدیل کرده‌اند.

39 521
مشترکین
-124 ساعت
-337 روز
-2030 روز
آرشیو پست ها
📢 Is-xaadirin! Maadaama ay Saaxiibadayda Channelkeena gaareen 39500 oo Saaxiib, Waxaan bilaabayaa nadiifinta liiska saaxiibbada. Qof kasta oo weli raba inuu halkaan ku sii jiro, ha isa soo xaadiriyo comment-ka isagoo leh “Waan joogaa” ama ✔️. Qofkii aan isa soo xaadirinna… waa la tirayaa markii adiga lagaa reebo. 😂😂

Appka Uukow Media inaad qormooyin aad hore u qortay ama aad qori doonto inaad kuso gudbiso ma jeceshahay haday jawaabtaadu Haa Tahay igala soo xiriir @hagad magacaaga dhamaystiran iyo waxyaabaha aad xiiseyso inaad qorto isoo sheeg

Haku soo biirin dunideyda, ha isku dayin inaad i jeclaato hana raboonin inaad nolosheyda kamid noqoto. mararka qaar waad igu caajisi doontaa, mararka qaar qaad igu daali doontaa, mararka qaar waad caroon doontaa, mararka qaar waad wareeri doontaa, wey kugu adkaan dooontaa inaad jadwaladeyda la qabsato. Waxaan jeclahay isbadalka, kor ahaanshaha, waxyaabaha saafiga ah, qeexitaanada cadcad, hagaagsanaanta. Ima xiiso geliyaan waxyaabaha liita, ku daahidda hurdada oo aan sabab lahayn, kala daadsanaanta, waxyaabaha aan qorsheysneen, camal la’aanta, waxyaabaha aan micnaha lahayn. Waad igu rafaadi doontaa sababtoo ah waan ku dhiiro gelin doonaa, hormarkaaga ayaan ka shaqeyn doonaa, jacayl kaa tan badan ayaan ku siin doonaa, si xad dhaaf ah ayaan kuu daneyn doonaa, jadwalkeyga ayaad kamid noqon dontaa. waan xanaaqi doonaa hadaad maalintaada dayacdo, waan ku canaan doonaa, jadwalkaaga ayaan sixi doonaa, dhabbada toosan ayaan kugu hagi doonaa. Waad igu caajisi doontaa oo aad daali doontaa waan ogahay, in badan ayaan soo arkay waxyaabaha aan kaala hadlaayo, mana jiro qof maalmo ila sii jiri kara! Wax kaa maqan ayaad weyn doontaa, waan ku xiriirin doonaa, waan kaa farxin doonaa, dhinac walba ayaan kaa kaabi doonaa, gacal ayaan kuu noqon doonaa, waan kusoo dhaweyn doonaa, waan ku difaaci doonaa, guulahaaga ayaan ka sheekeyn doonaa, wanaagaga keliya ayaan dadka bari doonaa, ceebahaaga waan qarin doonaa, madaxa ayaan ku saaran doonaa, kadibna noloshaas bilaa fowdada ah ayaad ku caajisi doontaa, waadna is badali doontaa! Waan adkahay weliba aad ayaan u adkahahay, hadaan ku jeclaado waan kugu madax adeygi doonaa, cudurdaaro ayaan u sameyn doonaa gefafkaaga xitaa kuwa sida ula kaca ah aad u sameysay, waxaan ku gaarsiin doonaa heer uu cudurdaar oo dhan ka dhamaado, waad ka xishoon doontaa inaad cudur daar dhiibato, waxaan kuu ogolaanayaa inaad aad ii dhaawacdo, qabkeyga inaad hoos u dhigto kadibna waan ku deyn doonaa dibna kuuma xusi doono, taariikhdaada oo dhan ayaan nolosheyda ka masixi doonaa, kuma adki keliya heysasha qof i dhaawacaya, sidoo kale hadaan daayana qofkaas nolosheyda kuma soo laaban doono, fursadda labaad lagama helo qaamuuskeyga! Waad ila yaabi doontaa, waxba ima yeelaan dadka nolosheyda ka baxa, uma sii dhaawacnaado, kama sii fikiro, xusuustooda wey i dhaaftaa keliya ma noqoto wax aan la fariisto ama waqti igu qaadata inaan soo kabto, waad yaabi doontaa waayo waxaan awood u leeyahay inaan dareenkeyga maamulo waan tababaray sida askari loogu tala galay inuu halista ka digigixan!!

🚀 Uukow Media App – Update Cusub oo Cajiib ah! Waxaan soo saarnay Update-kii ugu dambeeyey ee Uukow Media, anagoo ku soo kordhinay astaamo cusub oo faa'iido badan: ✨ AI kula falgasha qormooyinka iyo sheekooyinka. 🔥 Streak iyo Points aad ku kasbanayso akhriska joogtada ah. 💬 Qeybaha Comments iyo Reactions. 📝 Notes gaar kuu ah oo aad ku qoran karto xogtaada. 🎯 AI Roadmap – geli cinwaanka waxaad rabto inaad barato, AI ayaana kuu diyaarinaysa qorshe waxbarasho oo dhammaystiran oo aad soo dejisan karto. 📲 Soo dejiso hadda adigoo gujinaya link-ga hoose https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia ama ka raadi Play Store adigoo ku qoraya Uukow Media.

Wuxuu u soo maray saxare, bad iyo waddamo badan isagoo qalbigiisa ku sida hal rajo oo kaliya. inuu mar uun gacanteeda qabto. Wax walba oo uu u adkaystay. Maalintii uu dalka ay joogtay cagta soo dhigay, wuxuu u arkay in riyadiisii rumoowday. Bilowgii waxay wada qaateen maalmo qurux badan, balse noloshu mar walba ma raacdo sida qalbigu sawirto. Isfaham la'aan yar ayaa dhex martay. Ereyo kulul ayaa la is dhaafsaday. Gabadhii waxay filaysay inuu u soo noqon doono, inankuna wuxuu sugayay inay iyadu raalligalin doonto. Kibirkii iyo aamusnaantii ayaa noqday darbigii kala fogeeyay. inankiina wuu ka aamusay. Farriimihii wuu joojiyey, wicitaannadiina kama jawaabin. Ma ahayn inuusan jeclayn ee wuxuu ka baqay inuu hadal kasta dhaawac cusub noqdo. Mar kasta oo uu daaqada ka eego magaalada uu iyada darteed ugu soo tahriibay, wuxuu is waydiiyaa: "Waxaan u malaynayay in masaafadu tahay caqabada ugu wayn ee ina soo wajahday, balse maanta waxaan ogaaday in aamusnaantu ay ka dheer tahay bad kasta oo aan ka soo gudbay."

Marka uu qalbigaaga burburiyo, marka uu ku jeclaado heer aad garan waydo wax aad ku qiyaasto lakin uu kaliya jecel yahay naftiisa. Marka uu caqligaaga caayo ee uu dareenkaaga iyo damiirkaagaba ku tunto. Marka uu kuu khiyaano si walba oo macquul ah, marka uu ku siiyo kumanaan cudurdaar oo uu isku bari yeelayo. Marka uu habeen iyo maalinba ku dareensiiyo in aadan agtiisa qiimo ka lahayn. Marka aad saqda dhexe wacdo ee uu mashquul yahay, marka aadan waydiin sababta ee aad kibirkaaga ilaashato. Marka xasuus walba oo qurux badnayd ay shallayto foolxun noqoto. Marka wajigiisu noqdo wixii ugu foosha xumaa ee aad aragtay, marka aad isku canaanato sidee baan bahalkaan ku jeclaaday. Marka aad wax walba oo agtaada ku wayn siiso, marka uu ku dareensiiyo in aysan wax macno ah u lahayn. Marka uu ku tuso in uu leeyahay shaqooyin adiga kaa muhiimsan. Marka uu kuu arko caqabad horumarkiisa hor taagan. Marka uu isu sawiro in aad adigu la'aantiis nolol aadan wadan karin. Marka ay dhacaaan waxa sare ku qoran oo dhan, marka aad sawirato sida ugu xun ee qof loola dhaqmo, marka aad garwaaqsato in sidaas adiga laguula dhaqmay. Markaas ayay mudan tahay in aad ka kacdid kobta lagugu bahdilay. Abdulkadir Uukow

Gabadhan yar waxaa la yidhaa Elisabeth Desta, waxay ku nooshahay miyiga dalka Itoobiya. Maalmihii u dambeeyay waxay si weyn c
Gabadhan yar waxaa la yidhaa Elisabeth Desta, waxay ku nooshahay miyiga dalka Itoobiya. Maalmihii u dambeeyay waxay si weyn caan uga noqotay baraha bulshada, kaddib markii sawirro iyo muuqaallo ay leedahay oo laga soo qaaday lagu baahiyay Internet-ka Quruxdeeda dabiiciga ah, degganaanteeda iyo kalsoonideeda ayaa soo jiitay indhaha malaayiin qof oo dunida dacalladeeda ku nool. Sawirradan iyo muuqaalladeeda ayaa si xawli ah u faafay, taas oo keentay dhowr shirkadood oo ka shaqeeya moodeellada (modeling), ay muujiyaan xiisaha ay u qabaan inay qayb kaga noqoto shirkadahooda si ay dharka iyo alaabaha qurxinta ee ay soo saaraan ugu xayaysiiso. Nasiibka iyo calafka kuu qorani mararka qaar wuxuu u yimaad siyaabo badan oo aanad filayn, xataa adoo xoolahaaga iskala joogaa ayuu albaabbadaada soo qaraacaa. Sultan Sitiin

Ma rabo jacayl dusha sare ka qurux badan balse gudaha ka madhan. Ma rabo erayo macaan oo waqtigaas keliya jira, balse baaba’a marka xaaladdu adkaato. Waxaan rabaa jacayl leh miisaan, leh macno, leh joogitaan la dareemi karo xitaa marka aan aamusanahay. Waxaan rabaa inaad ii jeceshahay si aanan marna isu weydiin meesha aan kaa taaganahay. Jacayl iga saara shaki, iga saara sugitaan aan dhammaad lahayn. Jacayl ii keena deganaan, ii noqda meel aan ku nasto marka noloshu igu adkaato. Ma rabo inaan noqdo qof aad ku xasuusato marka aad cidlo dareento. Waxaan rabaa inaan noqdo qofka aad si buuxda u doorato, si ula kac ah, si joogto ah. Qofka aad la joogto adigoo hubinaya in qalbigiisu yahay meesha aad rabto inaad joogto. Waxaan rabaa qof fahma in jacaylku uusan ahayn dareen kaliya, balse uu yahay go’aan maalin kasta la qaato. Maalin walba inaad ii istaagto, inaad i fahamto, inaad ii joogto xitaa marka ay sahlanayn. Taasi waa jacaylka aan raadinayo. Ii jeclow si aan u noqdo naftayda oo dhan. Si aanan u qarin waxa aan ahay. Si aan u ogaado in qalbigaygu ku jiro gacmo aamin ah, oo aan laga ciyaarayn, aan la tijaabinayn. Jacayl qoto dheer waa mid aan ka baqin runta, aan ka cararin masuuliyadda, aan ka daalin dadaalka. Waa mid sii jooga marka wax walba ay noqdaan adag, ma aha mid baaba’a marka ay sahlanayn. Haddii aad ii imanayso, ii imow adigoo dhab ah. Ha ii imaan si aad u aragto waxa dhici kara, ee ii imow adigoo og waxa aad rabto. Qalbigan ma aha meel lagu ciyaaro, waa meel u baahan qof fahmaya qiimaha uu leeyahay. Waxaan rabaa jacayl aan iga dhigin mid wareersan, balse iga dhiga mid huban. Ma rabo wax yar oo aan ku qanco, waxaan rabaa wax qoto dheer oo aan ku noolaado. Sababtoo ah qalbi sidaan u qoto dheer, jacayl caadi ah kuma filna.

Wuxuu ahaa arday dhigta fasalka 4-aad. Galab maalin ka mid ah, isagoo kubbad ku ciyaaraya afaafka gurigooda, ayuu indhihiisu qabteen gabadh aad u qurux badan oo uu ka jeesan waayey. Gabadhaasi waxay ka timid UK, da'dooduna way isu dhaweyd. Dhibaatada kaliya waxay ahayd in ay laba adduun oo kala af ah ka yimaaddeen. Gabadhu Af-Soomaali ma aqoon, isaguna Ingiriisi kuma hadli jirin, maadaama Ingiriisiga dugsigooda laga bilaabi jiray fasalka 5-aad. Maalmo badan waxay isku dhaafsan jireen eegmooyin dheer. Indhahoodu waxay isu sheegi jireen wax aanu afkoodu odhan karin. Halkaas ayay jacayl isku qaadeen, balse su'aashu waxay ahayd: yaa isu turjumaya laba qalbi oo is jecel? Maalin ayay gabadhii warqad ugu soo qortay Ingiriisi. Isaguna wuxuu u geeyey ina-abtidiis oo dhiganaysay fasalka 8-aad, isagoo filayay inay u turjunto. Nasiib darro, iyaduna si fiican uma fahmin. Markii uu warqaddii gabadhii u celiyey, ayuu gacmihiisa ku muujiyey inuu fahmi waayey. Gabadhii markaas ayay sawir fudud ku beddeshay ereyadii. Waxay ku sawirtay qalbi (❤️) iyo laba qof oo gacmaha is haysta. Halkaas ayuu ku fahmay waxa ay doonaysay inay u sheegto. Farxaddiisu se ma sii waarin. Ayeeyadii ayaa qurbaha ka timi, waxayna u sheegtay in qoysku ka guurayaan guriga oo ay u wareegayaan xaafad kale oo fog. Wuxuu is yidhi, "Intaanan bixin, mar kale ayaan arki doonaa." Laakiin nasiibku sidaas muu noqon. Subaxdii xigtay gabadhii waxay u baxday Hargeysa, waxaana la sheegay inay bil kadib soo laaban doonto. Isaguna wuu guuray. Inkastoo uu xaafaddii hore marar badan dib ugu soo laaban jiray, haddana bil dhan mar kasta wuu waayi jiray. Bil kadib markay gabadhii soo noqotay, waxay carruurtii xaafadda waydiisay: Hebel mee? Waxay ugu jawaabeen: War uma hayno. Maalmo kadib waxay dib ugu noqotay UK. Muddo yar ka dibna ina'abtigeed ayaa guursaday. Isaguna waligiis war uma helin inay guursatay, waayo noloshu dhinaceeda ayay ula carartay. Sannadkii 2020, saaxiibkiis oo ay gabadhu ina-abti u ahayd ayaa ku daray group ay wada joogeen. Markii ay gabadhii aragtay sawirkiisa, isla markiiba way garatay. Iyadaa fariin u dirtay. Toddoba saacadood ayay wada sheekaysanayeen, iyagoo xusuusanaya maalmahaas carruurnimada. Intii sheekadu socotay ayay u sheegtay inay guursatay, haddana la furay, Ilaahayna hal wiil ku arsaaqay. Warkaasi qalbigiisa wuu gilgilay. Way kulmeen! waxay isla xusuusteen maalintii warqadda, sawirkii qalbiga, iyo indhihii hadalka ka badnaa. Waxay garteen in wakhtigu sugayn cidna. Ugu dambayn way is macasalaameeyeen. Qalbigiisana wuxuu ka dhex lahaa: "Waxay ahayd gabadhii ugu horraysay ee aan si dhab ah u jeclaado. Balse xilligii aan is calfan lahayn wuu dhaafay." 💔

Mobile dhanka kale u gadi oo u qabso ʎɐʎıısɟǝǝן ı ɔɐɯɐɥp ǝןɐʞɹɐɯ ɐɐq ʎǝʇsʎɐʍɐɥp uɐɐʞɟob ɐɯ

Sawirkani waa mid laga qaaday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo ku heshay mudo sannad ah maalgelin shisheeye oo dhan 4.32
Sawirkani waa mid laga qaaday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo ku heshay mudo sannad ah maalgelin shisheeye oo dhan 4.32 bilyan oo dollor (2025/2026), waana korodh 8% ah marka loo eego sannadkii ka horreeyay. Sidoo kale Itoobiya waxay sheegtay in ay bixisay 528 ruqsadood oo maalgashi ah, halka in ka badan 260 mashruuc ay si rasmiya u galeen wejigii hirgalinta. Dhanka kale Special Economic Zones "SEZs" oo ah Aagga Dhaqaalaha Gaarka ee dalkani ayaa isna diwaan galiyay inuu dhoofiyay badeecooyin qiimahoodu gaadhayo $225 milyan, taasoo ka dhigan korodh 80% ah, marka loo eegi sannadkii hore. Itoobiya waa waddan deris la ah guud ahaan dhulka Soomaalida, haddana maalgalintaas uu muddada sannadka ah ku helay, ayaa ka badan isku dar dakhliga sannadka laha ee ay dhammaan Soomaalidu hesho. La kala tag orod se maaha! ~Sultan Sitiin

Ballan ay lahayd bay Ka timi, daal badanna way dareemaysay. Waysoo maydhatay, cadar ay xoog u jeclaydna way isku jabisay. Kor iyo kal udgoonkeeda waa lagu sakhraamayay. Xilligii ay seexan rabtay buu taleefankeedu yeedhay, giig... giig... May rabin inay qabato, balse way Ka tirsan wayday oo way qabatay. Is waraysi kadib, kaftan aan xuduud lahayn baa bilaabmay. "Haddii aan ku guursado, ilmo sidaada oo kale qurux badan oo aftahamiin ah baad ii dhali lahayd, Magooleey." Ayuu ku cod shaxshax ka muuqato u gu dhahay. " Dabcan, haa adna qaybta shaxaari-nnimada taban bay kaa raaci lahaayeen!". Ayay Magool hadal turxaan ugu calisay. "Waan Ku caawin lahaa xiliga aad kijada Ku jirto." Isaga oo hadalka kadafaya, ayuu ku dhahay. "Sidee macnhii?". "Waad daalantay, xiliga aad jikada iigu jirto aniga. Waan soo dhuuman lahaa, kadib baan gadaal hab Ka siin lahaa, anoo kuu muujinaya inaad daalkan badan Ku Qurux badnayn." " Ooh! Jacaylkaagu xad maleh gacaliye." "Xili walba anaa kuu maydhi lahaa; illayn adiga oo dhan anaa Ku leh ee!". Dhinacii bidix ee sariirta ay ku jiiftay bay eegtay, "soo durug oo hayga fogaan, ila joog, anigu adiga ayaan Ku rabaa e; illaa abid aan Kula jiree. Xoog ii hab sii! Adigaan ku jeclahay uun." Goor ay marxaladaas dhex jibaaxday bay soo baraarugtay, mise gogol cidlo ah bay Ka soo kacday, intay isku qososhay bay tiri: "Lagdan uun dheh!".

Waa caalam galinka hore lagu faano galinka danbana laga faano . barkiin dabaaldag ayay idiinla tahay barkeena dabar go'a nagu socda Shanta somali way kala tagtay dabkana kalama qadato ismana bariidiyaan nin walba sero ayuu ootay iska dhaaf shanta somaliye shan qof ayaan manta heshiis ahayn. calankii mar dunida maamuska kalahaa manta wuu mansab beelay Nin walba wuxuu samaystay maro uu midabo kala duwan ku xardhay ,waxaan dhexdeena samaysanaynay xuduudo dhexdeena ah. Waxaan samaysanay madaxwaynayaal dhawr ah shacabkiina waxaa helay dhiig miirato ,madaxdeenii waxaa lagu aaminay shacab colaaduhu ragaadiyeen ee wax ka nooli yaryihiin hadana in lagu sii tunto mahee waxba loo reeban. Dhalinyaradeenii waxay noqdeen kuwo lagu huriyo colaadaha qabiilada iyo is af-garanwaaga siyaasadeed , bar iyagaoo raadinaya nolol tan dhaanta ayay baduhu qabuuro u noqodeen , bar waxbay barteen balse wax ku waaye oo waxaa u raacay xanuuno maskaxeed oo uu ugu yaryahay isla hadalku ,barkii is yiri muruqiina mala oo xogiina ku shaqastay waxaad ugu yeerteen midgaan iyo tumaal oo aan ahayn qabiil magacii ee ah naynaas aad u samayseen saad u curyaamisaan dadkii so saari lahaa diyaadaha iyo agabyada manta dunidu ku hormartay. meelaha fadhi ku dirirka waxaan uga hadalnaa qabyaaladii mesha na dhigtay waqtigeena waxaan ku dhamaynaa reer hebel waxaa ka landheeraysan reer hebel asbuuca xoriyada ayaan xusnaa anagoon wali xor ka noqonin qabyaalada iyo qurunkeeda.

- Iyada "Halkee ayaynu degi doonnaa? = isaga "Waxaynu yeelan doonnaa guri inoo gaar ah" - iyada "Sidee buu u eekaan doonaa? = isaga "Guri yaroo nadiif ah, oo isugu jira diirimaad iyo qabow xilliyada oo dhan" - iyada "Ka warran hadduu khilaaf inasoo kala dhex galo? = isaga "weynu iska dhameysan khilafkeena, marleyba debada usoo saari mayno, Kawaran Haddaan qalbigaaga jebiyo ma i cafinaysaa? = iyada "waan ku cafinayaa si bilaa shuruud ah, adiga ka waran haddan saa sameeyo anigu? -isaga "Waan ku cafiyi doonaa, laakiin ha iga jebin qalbigayga hana iga dheeran goor walba garabkayga ahow.

Niyayso in aad caawa dhimatay. Hooyadaa hadday nooshahay ayadaa noqonaysa qofka ugu muragada badan ee dhimashadaada ka qarracma. Haddii ay carruur kale leedahay suurtagalnimada ah in ay ku illowdo aad bay u badan tahay. Dariska qof u furfuran haddii aad ahayd maalin ama labo murugada waa laga dareemayaa xaafadaha deriska. Haddii aad xiriir ku jirtid qofkii lammaanahaaga ahaa marka uu maqlo dhimashadaada, taleefanka ayuu dhulka ku tuurayaa, haddii aad isku magaalo tihiin dhankaaga ayuu usoo cararayaa. Oohinta ayaa is qabsanaysa. Marka la daalo ayaa la qorshaynayaa qaabkii berri laguu aasi lahaa. Mid kuwa qabuuraha qoda ayaa la sii ballaminayaa. Waa lagu soo aasayaa. Quraac diyaarsan oo Tacsi loogu magac daray ayaa la cunayaa. Waxaas oo dhan waxa ay dhacayaan haddii aad nasiib leedahay oo aad reerkaaga la nooshahay haddiise aad meel ka fog ku nooshahay way ka sii foolxumo wayn tahay. Asbuuca koowaad gurigiinna waa laga dareemayaa murugada. Marwalba oo maro ama shay aad adigu lahayd la arko waa la naxayaa. Xoogaa xasuustaadu way sii jiraysaa. Dadkii aad iska dhisi jirtay, kuwii aad fikirkaaga ku xiri jirtay kuwii go'aan walba oo aad gaaraysid aad is waydiin jirtay maxay ka oranayaan ama sidee ayay ii arkayaan waxa ay u badan tahay in aysan tabin maqnaantaada. Si kasta oo aad isu leedahay saamayn wayn baad dunida uga tagi doontaa way ka yartahay sida caqligaaga ku jirta. Aaskaaga kadib, waa adiga iyo godka hilib qurmay oo aan wax macne ah samaynayn ayaad noqonaysaa aboorka ayaana ka dhargaya. Wixii aad ahayd wax macno ah keeni mayaan, wixii aad rabtay in aad noqotidna ha ba sheegin. Noloshaadu wax macno ah kuma fadhido, haddaa dhimatid iyo haddaa nooshahay dunida wax ka dhumaya ama ku kordhaya ma leh. Haddaba madama ay sidaas tahay maxaad ugu nooshahay danaynta cid kale? Maad waqtigaaga yar ku qaadatid sida adiga ku farax galinaysa?.

Applicationka ugu waxtarka badan ee mobilekaaga ku jiro ee aad isticmaasho noo sheeg si saaxiibada kale uga faaideystaan

Maka mid tahay dadka lasoo dagay Appka Uukow Media
Maka mid tahay dadka lasoo dagay Appka Uukow Media

Caawa wax aan so xariiqo ma haayo ee iska seexda😂😂

Gacaliso, Ma garanayo qofka aad tahay, mana garanayo halka aad maanta joogto. Laakiin haddii uu Alle qaddaro in waddooyinkeennu maalin is galaan, waxaan rajaynayaa inaad noqoto qofka qalbigaygu ku nasto, ee aanan ka baqan inaan naftayda dhab ahaan u tuso. Ma doonayo jacayl ku nool hadallo qurux badan oo keliya. Dunidu waxaa ka buuxa erayo macaan oo aan ficil lahayn. Waxaan rabaa qof marka ay tiraahdo “waan ku jeclahay” ay ficilladeedu ka hor marayaan hadalkeeda. Waxaan rabaa qof joogitaankiisu ii noqdo deganaan, ee aanan ku qasbanaan inaan mar walba ka fikiro meesha aan ka taaganahay qalbigeeda. Ii jeclow si daggan. Si ammaan leh. Si aan maalin walba ugu dareemo inaan haysto qof ii naxariisanaya, ii ducaynaya, oo wanaaggayga jecel. Marka ay noloshu igu adkaato, ha noqon qof kale oo culayskayga ku kordhiya. Noqo qofka aan garabkiisa ku nasto. Qofka aan la wadaago cabsidayda, riyooyinkayga, iyo daalka aan dadka kale tusin. Ma doonayo xiriir lagu tartamayo cidda saxda ah. Waxaan rabaa xiriir lagu ilaalinayo qalbiyada. Haddii aan xanaaqo, ha ii arkin cadow. Haddii aan aamuso, ha u qaadan inaan danayn waayay. Mararka qaar dadka ugu badan ee u baahan jacaylka ayaa ah kuwa ugu adag inay sharxaan waxa qalbigooda ka socda. Waxaan rabaa inaan kula joogo anigoo aan iska dhigayn qof kale. Inaan kula qoslo anigoo xor ah. Inaan kula hadlo anigoo aan ka baqan in la i fahmi waayo. Inaan dareemo in guriga aan ka raadinayo dunida inteeda kale uu adiga qalbigaaga ku jiro. Waxaan rabaa marka aan daalo inaad i xasuusiso inaan kaligay ahayn. Marka ay noloshu igu adkaato, inaanan dareemin inaan dagaalkaas kaligay ku jiro. Sababtoo ah mararka qaar ninku ma raadiyo xalal badan, wuxuu raadiyaa qof garabkiisa istaaga inta uu xalka raadinayo. Gacaliso, haddii maalin aan guuldarraysto, ha i jeclaan oo keliya marka aan guuleysto. I jeclow marka aanan lahayn wax aan ku faano. I jeclow marka aan daalanahay. I jeclow marka aan jahwareersanahay. I jeclow marka aanan ahayn nooca ugu fiican ee naftayda. Sababtoo ah jacaylka dhabta ah laguma tijaabiyo maalmaha quruxda badan. Waxaa lagu tijaabiyaa maalmaha adag. Waxaan rabaa inaan noqdo qofka ugu nabdoon qalbigaaga, sida aan adigana uga rabo inaad noqoto meesha ugu nabdoon ee qalbigaygu ku nasto. Ha ii noqon qof aan la joogo oo keliya marka ay wax walba fiican yihiin. Ii noqo qof aan weli garab ku leeyahay marka ay wax walba qasan yihiin. Waxaan rabaa inaan kula duqoobo anagoo wali saaxiibo ah. Anagoo wali is ixtiraamayna. Anagoo wali isku naxariisanayna sida maalintii ugu horreysay. Sababtoo ah quruxdu way is beddeshaa. Da’du way socotaa. Noloshuna mar walba isku mid ma aha. Laakiin waxa aan rajaynayo inuu weligiis sii jiro waa qalbi laba qalbi u naxariista. Gacaliso, qalbiga bini’aadamku ma adka sida ay dadka badankood muujiyaan. Dhammaanteen waxaan sidnaa dhaawacyo, cabsiyo, iyo xasuuso aan cid walba la wadaagin. Sidaas darteed haddii aan qalbigayga ku siiyo, ha ku ciyaarin. Haddii aan ku aamino, ha jebin kalsoonidaas. Maalinta aan kuu sheego waxyaabaha aan dadka kale ka qariyo, ha uga dhigin meel aan ka shallaayo inaan furfurnaaday. Ka dhig meel aan ku fahmo in qofka saxda ahi uusan dhaawacyadaada kaa xukumin, balse uu si taxaddar leh u ilaaliyo. Waxaan rajaynayaa jacayl aan ku dhisnayn cabsi laga qabo kala tag, balse ku dhisan doorasho maalin kasta la sameeyo. Doorasho aan ku oranayno: “Maanta sidoo kale adiga ayaan ku dooranayaa.” Iyo berri sidoo kale. Iyo sannado badan kadib sidoo kale. Gacaliso, ma doonayo jacayl qumman. Waxaan doonayaa jacayl daacad ah. Jacayl ay ku jirto naxariis, ixtiraam, daryeel, cafis, iyo laba qof oo mar walba xasuusanaya in qalbiga qofka ay jecel yihiin uu yahay ammaan Alle gacantooda geliyay. Haddii uu Alle kuu qoro inaad noqoto qofkaas, waxaan rajaynayaa inaan kuu noqdo isla nabadda, isla daacadnimada, iyo isla daryeelka aan maanta qalbigayga ku hamminayo. Abdulkadir Uukow

Waxa aan wajiga ku hayaa, sariirta qolkayga. Jirkaygu waxa uu dareemayaa xanuun xad dhaaf ah, xanuun jireed iyo mid nafeed. Waan daalay. Waxa aan ka daalay jacaylka, waxa aan ka daalay riyada, waxa aan ka daalay naawilidda in wax khayr lihi dhici doonaan. Waxa aan dareemayaa in wax walba oo aan gacanta u qaadaa kala daadanayaan, in noloshu aysan rabin in aan labo xarig isku xiro. Xubnaha jirkayga xubin xubin kale taageeraysa kuma jirto. Luguhu daal rabbaani ah ayay sariirta labo dhinac oo aan isku jiho ahayn midiba gees bilqan tahay. Gacmuhu ma awoodaan in ay si uun u tiraan illinta dhabankayga. Calooshu way xanuuni oo gaajo ayay la ildaran tahay. Gaajo aysan sababin lacag la'aani, gaajo aysan sababin duruuf kale. Gaajo aan awoodi waayay in aan gacanta galiyo saxanka cuntadu ku jirto ee sariirta dhinaceeda yaal. Indhahaygu waxa ay ku callaqan yihiin oo ay libiqsi la'aan daawanayaan marawaxadda sida xad dhaafka ah u wareegaysa ee aan lambarka u dambeeya geeyay. Marmar waxa aan is oranayaa amay kugu soo dhacdaa oo wajiga kaaga fariisataa, haddana waxa aan gudaha hoose ee qalbigayga ka dareemayaa in aanan awoodin in aan ka leexdo daal nafsaani ah awgiis haddiiba aan jaanis ku helo in aan si uun u ogaado soo dhicideeda. Maskaxdayda waxaa isjiiraya, kumanaan fikradood, kumanaan xasuusood, waxa aan si aan kala joogsi lahayn u daawanayaa khalad walba oo aan noloshayda galay iyo sidii aan ku galay. Waxa aan dib u gocanayaa jacayl walba oo aan ka tagay iyo sababtii aan uga tagay. Kuwii aan jeclaaday ee cidlada iiga dhaqaaqay. Waxa aan la ilmaynayaa waxa culays maskaxdayda saaran. Waxa aan sawiranayaa sida noloshaydu noqon lahayd haddii aanan isaga la kulmi lahayn. Haddii aanan jacayl u sheegan lahayn, haddii aanan anigu bilaabi lahayn isku daygii koowaad ee wax walba. Kahor arkidda in aan si waalli ah u jeclahay, waxay ay i tusi jirtay jacayl iyo danayn xad dhaaf ah. Wax walbaa waxa ay xumaadeen markii aan hubka dhigtay. Markii aan difaacii ka baxay ee aan qalbigayga qalan u furay aniga oo rajaynaya in ay si uun uga duwanaan karto, cid walba oo horay ii soo martay. Nasiib xumo waxa ay iga toogtay halkii aan shiishka kala baqayay. Waxa ay bilowdey in ay i tusto illaa iyo inta ay lama helaan tahay. In ay qiimo qaali ah iiga iibiso jacaylkii ay shalay bilaashka iigu quudinaysay. In hadal naxariis leh marka ay i oranayso ay noqtay mid aan kasbaday, mid aan ku helay heellanaanta jacayl ee aan dhankeeda la taaganahay daqiiqad walba iyo goor kasta. Wax walbaa waxa ay noqdeen baaba' ma aamini doono mardambe in noloshu awood u leedahay in ay iga farxiso. Si kasta oo wax walba oo farxad lihi hortayda u yimaadaan waxa aan ka carari doonaa kumanaan mayl si'aan mardambe kashayda loo dhaawicin. - Jacayl aad bilawgii bilaash ku bixinaysay, ha qaaliyayn marka uu ku jeclaado ciddii aad dabinka u dhigaysay. Abdulkadir Uukow