ch
Feedback
Xikmado️ 💎

Xikmado️ 💎

前往频道在 Telegram

Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

显示更多

📈 Telegram 频道 Xikmado️ 💎 的分析概览

频道 Xikmado️ 💎 (@xikmadosom) 索马里语 语言赛道中的 是活跃参与者。目前社区聚集了 39 512 名订阅者,在 动机与名言 类别中位列第 588,并在 索马里 地区排名第 269

📊 受众指标与增长动态

невідомо 创建以来,项目保持高速增长,吸引了 39 512 名订阅者。

根据 29 七月, 2026 的最新数据,频道保持稳定运转。过去 30 天订阅人数变化为 2,过去 24 小时变化为 3,整体触达仍然可观。

  • 认证状态: 未认证
  • 互动率 (ER): 平均受众互动率为 5.94%。内容发布后 24 小时内通常能获得 1.58% 的反应,占订阅者总量。
  • 帖子覆盖: 每篇帖子平均可获得 2 348 次浏览,首日通常累积 624 次浏览。
  • 互动与反馈: 受众积极参与,单帖平均反应数为 15

📝 描述与内容策略

作者将该频道定位为表达主观观点的平台:
Kala soco Xikmad iyo Qormooyin Markasta Io Meelkasta.

凭借高频更新(最新数据采集于 30 七月, 2026),频道始终保持新鲜度与高覆盖。分析显示受众积极互动,使其成为 动机与名言 类别中的关键影响点。

39 505
订阅者
+324 小时
-437
+230
帖子存档
Sawirkani Waa Barack Obama Iyo Ooridiisa Michelle Obama, Haddii aynu sawirkaas fasirno, kollay dhawr daqiiqo ka hor waxa ay ku tidhi "shaqo tan dhaanta raadso, sidani nolol ma aha e, xilkasnimadii iyo dareenkii baa lagaa qaaday oo ilama dareemaysid waayaha iyo inantaada yar e!" Isna joornaalkaas ayuu indhaha ka galiyay isaga oo leh: "Halkey shaqadu iska taallaa oo aayar uun laga doontaa?! Doqonniimada ayaan kugu nacay e!" "Asaaggaaba way shaqaystaan oo reerahoodu nolol caadi ah ayay ku nool yihiin e adigaa xaalwaa ah" ayay ku tidhi, iyada oo hadalka sii dallacday, isna sameecad ka sii dheer ayaa uu ugu celiyay "Waannaga hadh iyo habeen shaqaynna ee waxii aannu helna keenna e iimaanka asaaggaa leeyahay ayaa kaa maqan". Hadalkaa ka xumaaday markaas ayaa ay cadho la kala jeedsadeen oo midba wax isku mashquuliyay. Amintaa ay ciilka iyo niyad xumada la kala jeedsadeen, iyadu waxa ay iska dhigaysaa in ay inanteeda eegayso, isna in uu wax akhriyayo lkn mid kaste waxa uu ku fikirayaa 'Iska fur qofkan' iyo 'Ka dibna?' ......Noloshan! Shidh.

photo content

Ilaa 20 ciyaaryahan oo da’ yar u badan iyo masuuliyiin kooxeed oo ka socday Itoobiya, kuwaas oo ka qayb galay tartan kubbadee
Ilaa 20 ciyaaryahan oo da’ yar u badan iyo masuuliyiin kooxeed oo ka socday Itoobiya, kuwaas oo ka qayb galay tartan kubbadeed ka socday dalka Sweden ayaa mar kaliya laga waayay goobtii ay ka deganaayeen magaalada Gothenburg. Kooxdan ayaa ka baxsatay goob iskuul ahayd oo la dejiyey, ka hor safarkoodii qorshaysnaa ee ay Itoobiya ugu laaban lahaayeen. Qaar ka mid ah dadkii baxsaday ayaa markii dambe la soo xidhiidhay qoysaskoodii, waxayn u sheegeen inay bad qabaan oo ay kaliya ka baxsadeen inay mar 2aaad hanfiga Afrika ku soo noqdaan kkkkkk. Allaylahee go,aan saxay qaateen kkkkk Sultan Sitiin

fariintaan iska kaftan ayay ahayd ma ahan fariin sax ah 😂😂😂

Ku soo dhawaada taxanaha cusub ee Lama Filaan. Waa sheeko xambaarsan jacayl, saaxiibtinimo, rajo, guul, khiyaano iyo dhacdooyin lama filaan ah oo is beddelaya mar kasta. Qeyb kasta waxay kuu furaysaa bog cusub oo ay ka buuxaan dhacdooyin xiiso leh, kuwaas oo akhristaha ku reebaya su'aalo iyo xiise uu ku sugo qeybta xigta. Sheekadan waxaa loo diyaariyey qaab taxane ah si aad ula socdaan safarka jilayaasha iyo isbeddellada ku yimaada noloshooda. Qeyb walba waxaad ka heli doontaa dhacdooyin cusub, dareenno kala duwan, iyo qisooyin nolosha ka turjumaya oo si qurux badan loo tebiyey. Waxaan si maalinle ah idiinku soo gudbin doonaa qeybaha cusub ee Lama Filaan. Kala soco Uukow.com iyo application-ka Uukow Media, si aad uga mid noqoto akhristayaasha ugu horreeya ee la socda sheekadan xiisaha badan. Akhris wacan! https://www.uukow.com/2026/07/30/sheekadii-lama-filaan-qeybta-1aad/ 📲 Soo dejiso hadda adigoo gujinaya link-ga hoose https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia

Waxay ahaayeen laba qalbi oo jacaylku isu keenay balse muran yar ayaa dhex maray. Cadho darteed ayay gabadhii ninkii block saartay, iyada oo u malaynaysa in wakhtigu wax walba dajin doono. Laakiin qalbigiisii dhaawacmay ma uusan qaadan karin kala fogaanshaha. quus ayuu galay, ilaa uu gaadhay go'aan naxdin leh. Shidaal ayuu isku shubay, dabadeedna wuu isku qabadsiiyey. Intii uu ololku cunayay ayuu gabadhii laabta ku qabtay isagoo ilmeynaya, wuxuuna ku celcelinayay: “Waxa ku jeclaa qalbi dhan, laakiin jacaylkaygii wuxuu isu badalay xanuun aan qaadi kari waayey...” Jacaylku waa inuu noqdaa naxariis iyo isfahan ee ma aha inuu noqdo sabab naf lagu waayo ama naf kale lagu dhaawaco.

📢 Is-xaadirin! Maadaama ay Saaxiibadayda Channelkeena gaareen 39500 oo Saaxiib, Waxaan bilaabayaa nadiifinta liiska saaxiibbada. Qof kasta oo weli raba inuu halkaan ku sii jiro, ha isa soo xaadiriyo comment-ka isagoo leh “Waan joogaa” ama ✔️. Qofkii aan isa soo xaadirinna… waa la tirayaa markii adiga lagaa reebo. 😂😂

Appka Uukow Media inaad qormooyin aad hore u qortay ama aad qori doonto inaad kuso gudbiso ma jeceshahay haday jawaabtaadu Haa Tahay igala soo xiriir @hagad magacaaga dhamaystiran iyo waxyaabaha aad xiiseyso inaad qorto isoo sheeg

Haku soo biirin dunideyda, ha isku dayin inaad i jeclaato hana raboonin inaad nolosheyda kamid noqoto. mararka qaar waad igu caajisi doontaa, mararka qaar qaad igu daali doontaa, mararka qaar waad caroon doontaa, mararka qaar waad wareeri doontaa, wey kugu adkaan dooontaa inaad jadwaladeyda la qabsato. Waxaan jeclahay isbadalka, kor ahaanshaha, waxyaabaha saafiga ah, qeexitaanada cadcad, hagaagsanaanta. Ima xiiso geliyaan waxyaabaha liita, ku daahidda hurdada oo aan sabab lahayn, kala daadsanaanta, waxyaabaha aan qorsheysneen, camal la’aanta, waxyaabaha aan micnaha lahayn. Waad igu rafaadi doontaa sababtoo ah waan ku dhiiro gelin doonaa, hormarkaaga ayaan ka shaqeyn doonaa, jacayl kaa tan badan ayaan ku siin doonaa, si xad dhaaf ah ayaan kuu daneyn doonaa, jadwalkeyga ayaad kamid noqon dontaa. waan xanaaqi doonaa hadaad maalintaada dayacdo, waan ku canaan doonaa, jadwalkaaga ayaan sixi doonaa, dhabbada toosan ayaan kugu hagi doonaa. Waad igu caajisi doontaa oo aad daali doontaa waan ogahay, in badan ayaan soo arkay waxyaabaha aan kaala hadlaayo, mana jiro qof maalmo ila sii jiri kara! Wax kaa maqan ayaad weyn doontaa, waan ku xiriirin doonaa, waan kaa farxin doonaa, dhinac walba ayaan kaa kaabi doonaa, gacal ayaan kuu noqon doonaa, waan kusoo dhaweyn doonaa, waan ku difaaci doonaa, guulahaaga ayaan ka sheekeyn doonaa, wanaagaga keliya ayaan dadka bari doonaa, ceebahaaga waan qarin doonaa, madaxa ayaan ku saaran doonaa, kadibna noloshaas bilaa fowdada ah ayaad ku caajisi doontaa, waadna is badali doontaa! Waan adkahay weliba aad ayaan u adkahahay, hadaan ku jeclaado waan kugu madax adeygi doonaa, cudurdaaro ayaan u sameyn doonaa gefafkaaga xitaa kuwa sida ula kaca ah aad u sameysay, waxaan ku gaarsiin doonaa heer uu cudurdaar oo dhan ka dhamaado, waad ka xishoon doontaa inaad cudur daar dhiibato, waxaan kuu ogolaanayaa inaad aad ii dhaawacdo, qabkeyga inaad hoos u dhigto kadibna waan ku deyn doonaa dibna kuuma xusi doono, taariikhdaada oo dhan ayaan nolosheyda ka masixi doonaa, kuma adki keliya heysasha qof i dhaawacaya, sidoo kale hadaan daayana qofkaas nolosheyda kuma soo laaban doono, fursadda labaad lagama helo qaamuuskeyga! Waad ila yaabi doontaa, waxba ima yeelaan dadka nolosheyda ka baxa, uma sii dhaawacnaado, kama sii fikiro, xusuustooda wey i dhaaftaa keliya ma noqoto wax aan la fariisto ama waqti igu qaadata inaan soo kabto, waad yaabi doontaa waayo waxaan awood u leeyahay inaan dareenkeyga maamulo waan tababaray sida askari loogu tala galay inuu halista ka digigixan!!

🚀 Uukow Media App – Update Cusub oo Cajiib ah! Waxaan soo saarnay Update-kii ugu dambeeyey ee Uukow Media, anagoo ku soo kordhinay astaamo cusub oo faa'iido badan: ✨ AI kula falgasha qormooyinka iyo sheekooyinka. 🔥 Streak iyo Points aad ku kasbanayso akhriska joogtada ah. 💬 Qeybaha Comments iyo Reactions. 📝 Notes gaar kuu ah oo aad ku qoran karto xogtaada. 🎯 AI Roadmap – geli cinwaanka waxaad rabto inaad barato, AI ayaana kuu diyaarinaysa qorshe waxbarasho oo dhammaystiran oo aad soo dejisan karto. 📲 Soo dejiso hadda adigoo gujinaya link-ga hoose https://play.google.com/store/apps/details?id=com.uukowtech.uukowmedia ama ka raadi Play Store adigoo ku qoraya Uukow Media.

Wuxuu u soo maray saxare, bad iyo waddamo badan isagoo qalbigiisa ku sida hal rajo oo kaliya. inuu mar uun gacanteeda qabto. Wax walba oo uu u adkaystay. Maalintii uu dalka ay joogtay cagta soo dhigay, wuxuu u arkay in riyadiisii rumoowday. Bilowgii waxay wada qaateen maalmo qurux badan, balse noloshu mar walba ma raacdo sida qalbigu sawirto. Isfaham la'aan yar ayaa dhex martay. Ereyo kulul ayaa la is dhaafsaday. Gabadhii waxay filaysay inuu u soo noqon doono, inankuna wuxuu sugayay inay iyadu raalligalin doonto. Kibirkii iyo aamusnaantii ayaa noqday darbigii kala fogeeyay. inankiina wuu ka aamusay. Farriimihii wuu joojiyey, wicitaannadiina kama jawaabin. Ma ahayn inuusan jeclayn ee wuxuu ka baqay inuu hadal kasta dhaawac cusub noqdo. Mar kasta oo uu daaqada ka eego magaalada uu iyada darteed ugu soo tahriibay, wuxuu is waydiiyaa: "Waxaan u malaynayay in masaafadu tahay caqabada ugu wayn ee ina soo wajahday, balse maanta waxaan ogaaday in aamusnaantu ay ka dheer tahay bad kasta oo aan ka soo gudbay."

Marka uu qalbigaaga burburiyo, marka uu ku jeclaado heer aad garan waydo wax aad ku qiyaasto lakin uu kaliya jecel yahay naftiisa. Marka uu caqligaaga caayo ee uu dareenkaaga iyo damiirkaagaba ku tunto. Marka uu kuu khiyaano si walba oo macquul ah, marka uu ku siiyo kumanaan cudurdaar oo uu isku bari yeelayo. Marka uu habeen iyo maalinba ku dareensiiyo in aadan agtiisa qiimo ka lahayn. Marka aad saqda dhexe wacdo ee uu mashquul yahay, marka aadan waydiin sababta ee aad kibirkaaga ilaashato. Marka xasuus walba oo qurux badnayd ay shallayto foolxun noqoto. Marka wajigiisu noqdo wixii ugu foosha xumaa ee aad aragtay, marka aad isku canaanato sidee baan bahalkaan ku jeclaaday. Marka aad wax walba oo agtaada ku wayn siiso, marka uu ku dareensiiyo in aysan wax macno ah u lahayn. Marka uu ku tuso in uu leeyahay shaqooyin adiga kaa muhiimsan. Marka uu kuu arko caqabad horumarkiisa hor taagan. Marka uu isu sawiro in aad adigu la'aantiis nolol aadan wadan karin. Marka ay dhacaaan waxa sare ku qoran oo dhan, marka aad sawirato sida ugu xun ee qof loola dhaqmo, marka aad garwaaqsato in sidaas adiga laguula dhaqmay. Markaas ayay mudan tahay in aad ka kacdid kobta lagugu bahdilay. Abdulkadir Uukow

Gabadhan yar waxaa la yidhaa Elisabeth Desta, waxay ku nooshahay miyiga dalka Itoobiya. Maalmihii u dambeeyay waxay si weyn c
Gabadhan yar waxaa la yidhaa Elisabeth Desta, waxay ku nooshahay miyiga dalka Itoobiya. Maalmihii u dambeeyay waxay si weyn caan uga noqotay baraha bulshada, kaddib markii sawirro iyo muuqaallo ay leedahay oo laga soo qaaday lagu baahiyay Internet-ka Quruxdeeda dabiiciga ah, degganaanteeda iyo kalsoonideeda ayaa soo jiitay indhaha malaayiin qof oo dunida dacalladeeda ku nool. Sawirradan iyo muuqaalladeeda ayaa si xawli ah u faafay, taas oo keentay dhowr shirkadood oo ka shaqeeya moodeellada (modeling), ay muujiyaan xiisaha ay u qabaan inay qayb kaga noqoto shirkadahooda si ay dharka iyo alaabaha qurxinta ee ay soo saaraan ugu xayaysiiso. Nasiibka iyo calafka kuu qorani mararka qaar wuxuu u yimaad siyaabo badan oo aanad filayn, xataa adoo xoolahaaga iskala joogaa ayuu albaabbadaada soo qaraacaa. Sultan Sitiin

Ma rabo jacayl dusha sare ka qurux badan balse gudaha ka madhan. Ma rabo erayo macaan oo waqtigaas keliya jira, balse baaba’a marka xaaladdu adkaato. Waxaan rabaa jacayl leh miisaan, leh macno, leh joogitaan la dareemi karo xitaa marka aan aamusanahay. Waxaan rabaa inaad ii jeceshahay si aanan marna isu weydiin meesha aan kaa taaganahay. Jacayl iga saara shaki, iga saara sugitaan aan dhammaad lahayn. Jacayl ii keena deganaan, ii noqda meel aan ku nasto marka noloshu igu adkaato. Ma rabo inaan noqdo qof aad ku xasuusato marka aad cidlo dareento. Waxaan rabaa inaan noqdo qofka aad si buuxda u doorato, si ula kac ah, si joogto ah. Qofka aad la joogto adigoo hubinaya in qalbigiisu yahay meesha aad rabto inaad joogto. Waxaan rabaa qof fahma in jacaylku uusan ahayn dareen kaliya, balse uu yahay go’aan maalin kasta la qaato. Maalin walba inaad ii istaagto, inaad i fahamto, inaad ii joogto xitaa marka ay sahlanayn. Taasi waa jacaylka aan raadinayo. Ii jeclow si aan u noqdo naftayda oo dhan. Si aanan u qarin waxa aan ahay. Si aan u ogaado in qalbigaygu ku jiro gacmo aamin ah, oo aan laga ciyaarayn, aan la tijaabinayn. Jacayl qoto dheer waa mid aan ka baqin runta, aan ka cararin masuuliyadda, aan ka daalin dadaalka. Waa mid sii jooga marka wax walba ay noqdaan adag, ma aha mid baaba’a marka ay sahlanayn. Haddii aad ii imanayso, ii imow adigoo dhab ah. Ha ii imaan si aad u aragto waxa dhici kara, ee ii imow adigoo og waxa aad rabto. Qalbigan ma aha meel lagu ciyaaro, waa meel u baahan qof fahmaya qiimaha uu leeyahay. Waxaan rabaa jacayl aan iga dhigin mid wareersan, balse iga dhiga mid huban. Ma rabo wax yar oo aan ku qanco, waxaan rabaa wax qoto dheer oo aan ku noolaado. Sababtoo ah qalbi sidaan u qoto dheer, jacayl caadi ah kuma filna.

Wuxuu ahaa arday dhigta fasalka 4-aad. Galab maalin ka mid ah, isagoo kubbad ku ciyaaraya afaafka gurigooda, ayuu indhihiisu qabteen gabadh aad u qurux badan oo uu ka jeesan waayey. Gabadhaasi waxay ka timid UK, da'dooduna way isu dhaweyd. Dhibaatada kaliya waxay ahayd in ay laba adduun oo kala af ah ka yimaaddeen. Gabadhu Af-Soomaali ma aqoon, isaguna Ingiriisi kuma hadli jirin, maadaama Ingiriisiga dugsigooda laga bilaabi jiray fasalka 5-aad. Maalmo badan waxay isku dhaafsan jireen eegmooyin dheer. Indhahoodu waxay isu sheegi jireen wax aanu afkoodu odhan karin. Halkaas ayay jacayl isku qaadeen, balse su'aashu waxay ahayd: yaa isu turjumaya laba qalbi oo is jecel? Maalin ayay gabadhii warqad ugu soo qortay Ingiriisi. Isaguna wuxuu u geeyey ina-abtidiis oo dhiganaysay fasalka 8-aad, isagoo filayay inay u turjunto. Nasiib darro, iyaduna si fiican uma fahmin. Markii uu warqaddii gabadhii u celiyey, ayuu gacmihiisa ku muujiyey inuu fahmi waayey. Gabadhii markaas ayay sawir fudud ku beddeshay ereyadii. Waxay ku sawirtay qalbi (❤️) iyo laba qof oo gacmaha is haysta. Halkaas ayuu ku fahmay waxa ay doonaysay inay u sheegto. Farxaddiisu se ma sii waarin. Ayeeyadii ayaa qurbaha ka timi, waxayna u sheegtay in qoysku ka guurayaan guriga oo ay u wareegayaan xaafad kale oo fog. Wuxuu is yidhi, "Intaanan bixin, mar kale ayaan arki doonaa." Laakiin nasiibku sidaas muu noqon. Subaxdii xigtay gabadhii waxay u baxday Hargeysa, waxaana la sheegay inay bil kadib soo laaban doonto. Isaguna wuu guuray. Inkastoo uu xaafaddii hore marar badan dib ugu soo laaban jiray, haddana bil dhan mar kasta wuu waayi jiray. Bil kadib markay gabadhii soo noqotay, waxay carruurtii xaafadda waydiisay: Hebel mee? Waxay ugu jawaabeen: War uma hayno. Maalmo kadib waxay dib ugu noqotay UK. Muddo yar ka dibna ina'abtigeed ayaa guursaday. Isaguna waligiis war uma helin inay guursatay, waayo noloshu dhinaceeda ayay ula carartay. Sannadkii 2020, saaxiibkiis oo ay gabadhu ina-abti u ahayd ayaa ku daray group ay wada joogeen. Markii ay gabadhii aragtay sawirkiisa, isla markiiba way garatay. Iyadaa fariin u dirtay. Toddoba saacadood ayay wada sheekaysanayeen, iyagoo xusuusanaya maalmahaas carruurnimada. Intii sheekadu socotay ayay u sheegtay inay guursatay, haddana la furay, Ilaahayna hal wiil ku arsaaqay. Warkaasi qalbigiisa wuu gilgilay. Way kulmeen! waxay isla xusuusteen maalintii warqadda, sawirkii qalbiga, iyo indhihii hadalka ka badnaa. Waxay garteen in wakhtigu sugayn cidna. Ugu dambayn way is macasalaameeyeen. Qalbigiisana wuxuu ka dhex lahaa: "Waxay ahayd gabadhii ugu horraysay ee aan si dhab ah u jeclaado. Balse xilligii aan is calfan lahayn wuu dhaafay." 💔

Mobile dhanka kale u gadi oo u qabso ʎɐʎıısɟǝǝן ı ɔɐɯɐɥp ǝןɐʞɹɐɯ ɐɐq ʎǝʇsʎɐʍɐɥp uɐɐʞɟob ɐɯ

Sawirkani waa mid laga qaaday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo ku heshay mudo sannad ah maalgelin shisheeye oo dhan 4.32
Sawirkani waa mid laga qaaday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa oo ku heshay mudo sannad ah maalgelin shisheeye oo dhan 4.32 bilyan oo dollor (2025/2026), waana korodh 8% ah marka loo eego sannadkii ka horreeyay. Sidoo kale Itoobiya waxay sheegtay in ay bixisay 528 ruqsadood oo maalgashi ah, halka in ka badan 260 mashruuc ay si rasmiya u galeen wejigii hirgalinta. Dhanka kale Special Economic Zones "SEZs" oo ah Aagga Dhaqaalaha Gaarka ee dalkani ayaa isna diwaan galiyay inuu dhoofiyay badeecooyin qiimahoodu gaadhayo $225 milyan, taasoo ka dhigan korodh 80% ah, marka loo eegi sannadkii hore. Itoobiya waa waddan deris la ah guud ahaan dhulka Soomaalida, haddana maalgalintaas uu muddada sannadka ah ku helay, ayaa ka badan isku dar dakhliga sannadka laha ee ay dhammaan Soomaalidu hesho. La kala tag orod se maaha! ~Sultan Sitiin

Ballan ay lahayd bay Ka timi, daal badanna way dareemaysay. Waysoo maydhatay, cadar ay xoog u jeclaydna way isku jabisay. Kor iyo kal udgoonkeeda waa lagu sakhraamayay. Xilligii ay seexan rabtay buu taleefankeedu yeedhay, giig... giig... May rabin inay qabato, balse way Ka tirsan wayday oo way qabatay. Is waraysi kadib, kaftan aan xuduud lahayn baa bilaabmay. "Haddii aan ku guursado, ilmo sidaada oo kale qurux badan oo aftahamiin ah baad ii dhali lahayd, Magooleey." Ayuu ku cod shaxshax ka muuqato u gu dhahay. " Dabcan, haa adna qaybta shaxaari-nnimada taban bay kaa raaci lahaayeen!". Ayay Magool hadal turxaan ugu calisay. "Waan Ku caawin lahaa xiliga aad kijada Ku jirto." Isaga oo hadalka kadafaya, ayuu ku dhahay. "Sidee macnhii?". "Waad daalantay, xiliga aad jikada iigu jirto aniga. Waan soo dhuuman lahaa, kadib baan gadaal hab Ka siin lahaa, anoo kuu muujinaya inaad daalkan badan Ku Qurux badnayn." " Ooh! Jacaylkaagu xad maleh gacaliye." "Xili walba anaa kuu maydhi lahaa; illayn adiga oo dhan anaa Ku leh ee!". Dhinacii bidix ee sariirta ay ku jiiftay bay eegtay, "soo durug oo hayga fogaan, ila joog, anigu adiga ayaan Ku rabaa e; illaa abid aan Kula jiree. Xoog ii hab sii! Adigaan ku jeclahay uun." Goor ay marxaladaas dhex jibaaxday bay soo baraarugtay, mise gogol cidlo ah bay Ka soo kacday, intay isku qososhay bay tiri: "Lagdan uun dheh!".

Waa caalam galinka hore lagu faano galinka danbana laga faano . barkiin dabaaldag ayay idiinla tahay barkeena dabar go'a nagu socda Shanta somali way kala tagtay dabkana kalama qadato ismana bariidiyaan nin walba sero ayuu ootay iska dhaaf shanta somaliye shan qof ayaan manta heshiis ahayn. calankii mar dunida maamuska kalahaa manta wuu mansab beelay Nin walba wuxuu samaystay maro uu midabo kala duwan ku xardhay ,waxaan dhexdeena samaysanaynay xuduudo dhexdeena ah. Waxaan samaysanay madaxwaynayaal dhawr ah shacabkiina waxaa helay dhiig miirato ,madaxdeenii waxaa lagu aaminay shacab colaaduhu ragaadiyeen ee wax ka nooli yaryihiin hadana in lagu sii tunto mahee waxba loo reeban. Dhalinyaradeenii waxay noqdeen kuwo lagu huriyo colaadaha qabiilada iyo is af-garanwaaga siyaasadeed , bar iyagaoo raadinaya nolol tan dhaanta ayay baduhu qabuuro u noqodeen , bar waxbay barteen balse wax ku waaye oo waxaa u raacay xanuuno maskaxeed oo uu ugu yaryahay isla hadalku ,barkii is yiri muruqiina mala oo xogiina ku shaqastay waxaad ugu yeerteen midgaan iyo tumaal oo aan ahayn qabiil magacii ee ah naynaas aad u samayseen saad u curyaamisaan dadkii so saari lahaa diyaadaha iyo agabyada manta dunidu ku hormartay. meelaha fadhi ku dirirka waxaan uga hadalnaa qabyaaladii mesha na dhigtay waqtigeena waxaan ku dhamaynaa reer hebel waxaa ka landheeraysan reer hebel asbuuca xoriyada ayaan xusnaa anagoon wali xor ka noqonin qabyaalada iyo qurunkeeda.

- Iyada "Halkee ayaynu degi doonnaa? = isaga "Waxaynu yeelan doonnaa guri inoo gaar ah" - iyada "Sidee buu u eekaan doonaa? = isaga "Guri yaroo nadiif ah, oo isugu jira diirimaad iyo qabow xilliyada oo dhan" - iyada "Ka warran hadduu khilaaf inasoo kala dhex galo? = isaga "weynu iska dhameysan khilafkeena, marleyba debada usoo saari mayno, Kawaran Haddaan qalbigaaga jebiyo ma i cafinaysaa? = iyada "waan ku cafinayaa si bilaa shuruud ah, adiga ka waran haddan saa sameeyo anigu? -isaga "Waan ku cafiyi doonaa, laakiin ha iga jebin qalbigayga hana iga dheeran goor walba garabkayga ahow.