uk
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Відкрити в Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Показати більше
Країна не вказанаКатегорія не вказана
262
Підписники
+224 години
+127 днів
+2230 день
Архів дописів
Maamulka La baxay Puntland ayaa deegaannada uu ka arrimiyo ka mamnuucay ciidanka Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleed
Maamulka La baxay Puntland ayaa deegaannada uu ka arrimiyo ka mamnuucay ciidanka Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul goboleedyada ka jira dalka. Golaha wasiirada ee maamulka la baxay Puntland ayaa maanta yeeshay kulan uu shir gudoomiyay Siciid Deni Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland iyo ku xigeenkiisa. Kulan ayaa golaha maamulkaas kasoo saareen war-saxaafadeed ay si toos ah ugu cadeeyeen, inuusan qeyb ka ahayn ciidankoodu kuwa Millatariga Dowladda Fedaraalka, illaa ay ka heshiinayaan khilaafka kala dhaxeeya Dowladda Fedaraalka. Waxay ku amreen dhamaan dhinacyada u qaabilsan amaanka iney tallaabo ka qaadaan, ciidan kasta oo ku sugan deegaannada uu ka arrimiyo gaadiidkooda isaga kala gooshaya, iyagoo si cad sheegay, inaan loo ogoleyn iney sii joogaan dhulka ka taliyo maamulkaas.

Ciidamada Maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali Galbeed ayaa tacadi iyo jir dil u geystay shacabka ku dhaqan gobol
Ciidamada Maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali Galbeed ayaa tacadi iyo jir dil u geystay shacabka ku dhaqan gobolka Jarar ee ka tirsan dhulkaas. Saacadihii la soo dhaafay ciidamada maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali Galbeed ee uu hogaamiyo Mustafe Cajar, ayaa xadgudub iyo jir dil kula kacay dadka ku dhaqan tuulooyin hoostaga degmada Birqod ee ka tirsan gobolka Jarar. meelaha ay tacadiyadan iyo jirdilka ka dhaceen waxaa kamid ah Tuulooyinka Hiilay, gabra-Dheer, Kanburaale oo dhamaantoos ka tirsan gobolkaasi. Askartan ayaa dhibaateynayay dadka shacabka ah ee guryahooda ku sugan iyo gaadiidka dadweynaha, waxayna si wayn u beegsanayeen dadka ku shaqeysta gaadiidka Bajaajta. Ciidankan ayaa caan ku ah tacdiyaadka ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed, halka dhanka kale ay ka badbaadeen dadka Xabashida ee lagu deegaameynayo dhulkaasi gumeysiga Itoobiya ku hoosjira.

Dadka Danyarta ee Reer Muqdisho ayaa waxaa Saamayn Xooggan ku Yeeshay Waayitaanka Shilinka Soomaaliga. Qeybaha kala duwan ee
Dadka Danyarta ee Reer Muqdisho ayaa waxaa Saamayn Xooggan ku Yeeshay Waayitaanka Shilinka Soomaaliga. Qeybaha kala duwan ee bulshada danyarta ah ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxaa hawlmaalmoodkooda caadiga ah saamayn xooggan ku yeeshay diidmada lacagta shilin Soomaaliga. Saameyntan waxaa si gaar ah u dareemay dadka ku dhaqan deegaanka Garasbaaeey ee magaalada Muqdisho oo u badan dad dan yar ah, waxeyna sheegeen, inay ku adkaatay maciishada islamarkaana uu sicir barar xooggan ku yeeshay shaqayn la,aanta lacagta Shilinka Soomaaliga, gaar ahaan inay kordheen qiimaha adeegyada yaryar ee ay suuqyada uga baahan yihiin. Sidoo kale, waxey tilmaameen, in ay caqabad xooggan ka haysata isticmaalka lacagaha Ilaktarooniga, iyagoo xusay, in ganacsatada ay lacago badan oo dheeraad ah kusoo rogeen bulshada kadib markii uu meesha ka baxay isticmaalka Shilinka Soomaaliga.

Mareykanka ayaa Sheegay, inuu Xayiraado kusoo Rogtay Xubno ka Tirsan Hogaamiyaasha TPLF. Xukuumadda Washington ayaa walaac ka
Mareykanka ayaa Sheegay, inuu Xayiraado kusoo Rogtay Xubno ka Tirsan Hogaamiyaasha TPLF. Xukuumadda Washington ayaa walaac ka muujisay xaaladda waqooyiga Itoobiya, iyadoo sheegtay, inay culayso saarayso kooxda TPLF si ay u ilaaliso amaanka Xabashida Itoobiya. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay, in Washington ay xayiraad dhinaca fiisaha ah ku soo rogtay xubno ka tirsan garabka fog ee TPLF iyo qoysaskooda. Mareykanka ma uusan shaacin xubnaha TPLF ee uu xayiraadda kusoo rogay, balse waxa u ragaasi ku eedeeyay, inay carqaladeynayaan dadaallada nabadda ee gobolka Tigray ee Waqooyiga dalkaas, sida hadalka loo dhigay. Bayaanka Mareykanka ayaa sidoo kale lagu xusay, in xiisadihii ugu dambeeyay ee u dhaxeeyay (TPLF) iyo Dowladda Federaalka Itoobiya ay abuurayaan halista ah in ay dib usoo noolaato colaadda waqooyiga Itoobiya, islamarkaana ay wiiqayaan nabadda iyo amniga gobolka oo dhan.

Waa Habeennimo Jimco ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 04-01-1448 oo ku beegan 18-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Mubaarak Cumar.

Hogaamiyaha maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegay in Yahuudu ka shaqeeyaan badbaadinta caruurta caalamka ku nool xilli maalin walba Yahuudu gumaadayaan caruurta Muslimiinta ee Qaza ku nool.

Mid Kamid ah Jamaacadaha ka Jihaada Dalka Paakistaan oo Baahisay Mucaskar ay Ka Qalin Jabiyeeen Ciidamo Cusub.

Maxay Tahay Sababta ay Bagiyada Dhexe Caalamku u Kordhinayaan Keydkooda Dahabka?[WARBIXIN]

Ku Dhawaad 10 Askari oo Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Qarax Lagula Eegtay Koonfurta Lubnaan, Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa Walaac Xooggan ka Muujiyay, Awoodda Sii Xoogaysanaysa ee Mujaahidiinta Jmaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.

Hogaamiyaha maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegay in Yahuudu ka shaqeeyaan badbaadinta caruurta caalamka ku nool xilli maalin walba Yahuudu gumaadayaan caruurta Muslimiinta ee Qaza ku nool.

Mid kamid ah culimada diinta Islaamka ayaa ka hadlay fasaadka iyo kala qeybinta lagu hayo umadda Muslimka ah ee Soomaaliyeed.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa gaari safar oo ay saarnaayeen dad shacab ah ku rasaaseeyay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan.

Cirro ayaa Waraysi uu Bixiyay Ku Sheegay, Suurtagalnimada in Yahuuddu ay Saldhiyo Milatari Ka Furan Karto Gobalada Waqooyi ee Soomaali.

Ciidamada Koonfurta Yemen Iyo Maleeshiyaaka Xuutiyiintu ayaa Ku Dagaalamay Goballo Dhaca Dalkaas.

Maanta waa maalin Khamiis ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 03-01-1448 oo waafaqsan 18-06-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Cali Aadan.

Weerar qarax loo adeegsaday ayaa lagu qaaday saldhig ay ciidamada Dowladda Fedaraalku ku leeyihiin degaanka Weydow ee duleedka Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay hal askari.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa Walaac Xooggan ka Muujiyay, Awoodda Sii Xoogaysanaysa ee Mujaahidiinta Jmaacada Nusratul I
Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa Walaac Xooggan ka Muujiyay, Awoodda Sii Xoogaysanaysa ee Mujaahidiinta Jmaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.

Khilaaf Cusub oo u Dhaxeeya Hogaamiyaasha Maleeshyaadka RSF ee Suudaan oo Soo Shaac Baxay, Iyadoo Hogaamiye Sare uu Isaga Bax
Khilaaf Cusub oo u Dhaxeeya Hogaamiyaasha Maleeshyaadka RSF ee Suudaan oo Soo Shaac Baxay, Iyadoo Hogaamiye Sare uu Isaga Baxay Safka Maleeshiyaadkaas.

Ruushka ayaa Weeraro Xooggan Saaki ku Garaacay Magaalo Madaxda Ukraine ee Kyiv
Ruushka ayaa Weeraro Xooggan Saaki ku Garaacay Magaalo Madaxda Ukraine ee Kyiv