cookie

Utilizamos cookies para mejorar tu experiencia de navegación. Al hacer clic en "Aceptar todo", aceptas el uso de cookies.

avatar

Abdi'rizaak ALI🦁

Geesiga Dhulkiisa Guusha U Horseeda

Mostrar más
Finlandia973El idioma no está especificadoNoticias y medios16 302
Publicaciones publicitarias
6 271
Suscriptores
+1724 horas
+1337 días
+56630 días

Carga de datos en curso...

Tasa de crecimiento de suscriptores

Carga de datos en curso...

Taliye ku-xigeenka guutada 14-ka October, Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed G/le Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa kulan lagu dardar gelinayo Amniga iyo dagaalka Khawaarijta la qaatay maamulka deegaanka Janaale iyo Saraakiisha Ciidanka xoogga ee ku sugan deegaankan. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray in lasii xoojiyo wada shaqeynta dhinaca Amniga ah ee ka dhaxeysa guutada 14-ka October iyo maamulka deegaanka Janaale, iyadoo deegaankan ay gacanta ku hayaan Ururada 66-aad iyo 83-aad ee katirsan guutada 14-ka October ee Xoogga Dalka Soomaaliya.
Mostrar todo...
🥰 10
Abaandulaha Ururka 260aad Guutada 9aad Qaybta 60aad CXDS Maxamed Isaaq Basar Ayaa Maanta Lacag Abaalmarin Ku Wareejiyey Geesiyaal katirsan Ururka 260aad Oo Guul Ka Soo Hoyey Dagaal Bishii La Soo Dhafay Ka Dhacay Duleedka Magalada Wajid. Dagaalkaas Oo Lagu Dilay In ka badan 35 katirsan Maleeshiyaadka Khawaarijta oo isugu jiray Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad. Geesiyaasha ayaa Waxaa Lagu Wareejiyey Lacag Dhan 500dollar Si Loogu Dhiira Galiyo Gesiyaasha Ururka 260aad Har iyo Habayn U Taagan Sidii Bulashada Nabad Ugu Noladaan.
Mostrar todo...
🥰 8🙏 1
Maxkamada Ciidamada Jubbaland ayaa maanta Xukun ku riday nin lagu helay inuu la macaamilay Khawaariijta
Mostrar todo...
Tacsi Wasir Abdulahi Ahmed Jamacs (ilkojiir) Wasir dowle Bashir Mohamed Jamaca (bashirgoobe) Major General Dahir Adan Elmi indhoqarsho Major General Ibrahim Shiekh Muhudin Adow Major General Bashir Abdi America S/Guuto Ahmed Mohamed Mohamud (Arab) S/guuto Mohamud Shiekh Dablebilota S/guuto medy nuuro shiekh(ufurow) S/guuto Mohamud Mohamed Hassan (qaafow) S/guuto Mohamed said xirsi (Morgan) S/guuto Cabbas Amiin Aliyo S/guuto Mohamud Mohamed Osman Mudane Mohamed Ahmed Jamac (shaale) S/guuto Ahmed Mohamed shiekh (Ahmed dhere) Mudane salax Fatax S/guuto Abdiraxman shiekh issa S/guuto Ahmed shiekh salax Prof Ibrahim aden Ahmed(Dolaal) S/guuto Saacid Dahir said S/Guuto Maxamuud Cismaan Cabdulaahi (Diyaano) Waxay tacsi u direyaan eheladii iyo qarabadii geeridii naxdinta laheyd ee ku timid GENERAL ABDULAHI ALI OMAR oo ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska waxayna Alle uga baryeen inuu janadii ferdowsa ka waraabiyo eheladiisa samir iyo iiman ka siiyo Waxaan sido kale tacsi u dirayaan dhamaan asxaab Shacab iyo ciidamadda XDS oo u mudo dheer ka soo shaqeeyey. General Abdulahi Ali Omar waxuu ka mid ahaa geesiyaashiii magaca sumcad sharf iyo aqoonsi calami ah u soo hooyey dalkeena Soomaaliya Ilaahay ha u naxaristo Aamiin.
Mostrar todo...
Xukunka Askari dhac geystay uu Abahiis ku soo wareejiyay hay’adaha amniga. Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, Dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, Dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed oo labaduba shacab ah, ayaa si wadajjir ah loogu soo eedeeyey Burcadnimmo hubeysan iyo Dhac ay ka geeysteen degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose. Shantaan eedeysane, ayaa Taleefano iyo lacago ka qaatay dad isugu jira Shacab iyo Askar aan xilligaasi hubeysaneyn oo shaqada fasax ka ahaa, iyaggoo dhaawac u geeystay qaar kamid ah dhibaneyaasha, waxaana eedeysaneyaasha ay falkaan ku geysteen hal qori oo Ak47 ah oo uu lahaa Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed. Dhaca kadib Eedeysaneyaasha ayaa tagay Guriga Eedeysanaha Koowaad Axmed Cali Maxamed, si ay u qeybsadaan Taleefanada iyo Lacagihii ay soo dhaceen, ugu dambeynna waxay isku qabsadeen sida loo kala qaadanayo, halkaasna waxaa ka dhashay buuq ku dhowaaday gacan ka hadal. Intaasi kadib Dable Axmed Aabihiis oo guriga ku sugnaa, ayaa kusoo Baxay buuqa eedeysaneyaasha, markii uu arkay in wiilkiisa iyo saaxiibadiis ay isku heystaan, iskuna dagaaleen Taleefanada iyo lacagtii ay soo dhaceen, ayaa waxa uu qaatay go’aan dhif iyo naadir ah oo ku dayasho mudan, waxa uu wacay Ciidanka Booliska degmadda Afgooye, isaggoo ku war geliyey falka ay ku kaceen. Wiilkiisa iyo saaxiibadiis, halkaasi ayaana lagu soo xiray Eedeysaneyaasha Taariikhdu markii ay aheyd Todobada Bishii labo iyo tobnaad 2023. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labaatan iyo todobadii bishaan. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Shanta eedeysane, waxaa lagu kala xukumay:- 1- Ex Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, ayaa lagu Xukumay 8 sano oo Xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ahaanshiyaha ciidanka xoogga dalka. 2- Ex dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan iyo Ex dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ah ahaanshiyaha Ciidanka xoogga dalka. 3- Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed, ayaa iyagana lagu xukumay min shan sano oo Xabsi ciidan ah. Sidoo kale waxaa lagu xukumay dhammaan inay bixiyaan Taleefanada iyo lacagihii ay dhaceen. Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.
Mostrar todo...
Ismaaciill Ibraahim maxamuud (jundulaa) oo kamid ahaa kooxda Khawaarijta ayaa caawa isu soodhiibay ciidanka maamulka jubaland ee ku sugan degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Mostrar todo...
👌 6
Taliyaha ciidanka dhulka Xds ayaa cutubyo katirsan xoogga dalka oo ku sugan degmada Afgooye ku dhiirigeliyay isu diyaarinta howlgalo Khaawaarijta looga sifeynayo meelaha ay kaga suganyihiin gobolka Sh/hoose.
Mostrar todo...
🤝 9👀 1
WLHI Labaduba waan isku diyaarineynaa Biyo Cab hore Difaac ugu Gal waaye
Mostrar todo...
💯 5🫡 4🕊 2