cookie

Utilizamos cookies para mejorar tu experiencia de navegación. Al hacer clic en "Aceptar todo", aceptas el uso de cookies.

avatar

Iman Jama

Journalist

Mostrar más
Finlandia316El idioma no está especificadoNoticias y medios8 839
Publicaciones publicitarias
16 610
Suscriptores
+19324 horas
+6057 días
+1 42730 días

Carga de datos en curso...

Tasa de crecimiento de suscriptores

Carga de datos en curso...

UPDATE: Golaha Baarlamaanka ee uu kala diray Amiirka Kuwait, ayaa taageerro weyn ka helay baraha bulshada, kaddib markii dib loo baahiyay hadallada guddoomiyihii Baarlamaanka iyo xubnihii kale ee Baarlamaanka oo si adag uga hadlaya xaaladda Falastiiniyiinta oo ay ku dhaliilayaan dalalka islaamka sida ay uga aamuseen, waxaa kalo si dhiirran ay u cambaareyn jireen Israa’iil, taa oo qasabtay in la is waydiiyo suurtagalnimada kala daristooda inay ka qayb ka tahay cadaadis ka yimid dibadda.
Mostrar todo...
👍 26 20
UPDATE: Ruushka ayaa horumar ka sameynaya dagaalka Ukraine, iyadoo warbixinnadii u dambeeyay ay soo muujiyeen ciidanka Ruushka inay kaliya 20 km u jiraan magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ee Kharkiv, kaddib markii ciidanka Ruushka ay la wareegeen inta badan magaalooyinka ku hareeraysan Kharkiv oo waqooyiga Ukraine ku taalla. Fiiro gaar ah; Ruushka haddii uu gaaro Kharkiv, waxay xaaladda ku xumaysanaysa ciidanka Ukraine , sababo la xiriira furimaha dagaalka ee Ruushka uu ballaariyay, halkaa oo uu u adeegsan karo Ruushka , saldhig weerar oo dhibaato u geysanaya ciidanka Ukraine ee dib u gurashada ku jira, xilli Ukraine ay ka cabanayso inaysan wali soo gaarin taageerrada militari ee Mareykanka oo si dhammeystiran aan u gayn dalkaa hubkii ay u baahnaayeen.
Mostrar todo...
👍 22
Laakin ma aha kaliya Falastiiniyiinta ee cadowga kale kala kulmaya cadaalad darrada cidda wajahaysa, xata dalkeenna ayay ka jirta in la fiirsado dhacdooyin xun oo hadda gaarsiisan nacayb bulsheedana dhex taal oo aysan jirin cid ka hadlaysa ama tallaabo lagu joojinaya qaadaysa, ma aragtay maanta kaliya inay Soomaaliya ka soo muuqdeen labo dhacdo oo inooga filan inan nahay dad ka gudbay xadka bani’aadamka, waxaan ka hadlaya dilal si foolkun loo soo gudbiyay! Maanta dadkeenna waxay joogaan heerkii u hooseeyay ee dadnimo xumada, ka warran qofka ajanabiga wuxuu awoodda si dhibyar gees ka gees inuu dalkeenna ku socdo, tusaale ma aragtay beddel beddelka ajanabiga ah cid xata la hadasha? laakin meelaha qaar waxaa ka dhacday sida Mudug in dad walaal ah aysan isku tallaabi karin oo kaliya masaafo 1 km aan dhammeyn aysan isaga gudbi karin, tani ma aragtay cid ka hadashay hoggaamiyayaasheenna illaa bulshada waxay noqdeen dad xun , oo kuli wada danaystayaal ah oo waliba xaaran iyo dhac u carara , haddii aysan Dadka Soomaaliyeed dib isku eegin, oo sida ay u noolyihiin toobad iyo isbeddel u rogin, dhabtii si xun ayay meeraha uga tirmi doonaan!
Mostrar todo...
23👍 14😢 2
🎥Tababaraha kubadda cagta ee u dhashay Spain, Pep Guardiola oo u muuqda inuu ka hadlayo xasuuqa ay dunidda daawanayso ee Falastiiniyiinta , wuxuu sheegay inay dunidda buuxisay ‘cadaalad darro’, ka hor hadalkan wuxuu yiri; "Qof walba wuxuu daneeyaa gurigiisa, ma aha deriskiisa… Eeg waxa dhacaya maanta, adduunka oo dhan— Annaguna halkan ayaanu iska fadhinaa. Waa halkan! Waad ogtahay, maalin maalmaha ka mid ah ayay halkan iman doonta.“
Mostrar todo...
👍 24 2
UPDATE: Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa lagu warramaya inuu ku soo daray la-taliyayaashiisa aqalka Kremlin-ka , Sergei Karaganov, oo ah 71 jir ku xaal-dheer siyaasadda iyo sayniska, ninkan wuxuu caan ku yahay magaca Professor Doomsday, ujeeddada hadda uu ugu biiray aqalka looga arrimiyo Ruushka , waxaa lagu sheegay si uu u bixiyo tallooyin la xiriira habka uu Ruushka sare ugu qaadi karo carqaladeynta reer galbeedka oo ay ugu horreeyaan reer Yurub, sida ay sheegtay jariirada Mirror ee Ingiriiska. Professor Doomsday, wuxuu dunidda ku qabsaday inuu marar badan ku celceliyay, haddii uu ka mid noqon lahaa la-taliyayaasha Putin inuu u sheegi lahaa waddamada Yurub inuu ku dhufto nukliyeer , si loo jabiyo isla waynidooda,loona tijaabiyo ballanqaadka Mareykanka ee difaaca xulafadiisa, waxayna ku biiristiisa Kremlin-ka ku soo aaday xilli ay sare u kacday xiisadda u dhaxaysa Ruushka iyo reer galbeedka.
Mostrar todo...
👍 36 5
UPDATE: Telefishinka Dawladda Masar ee Alqahera News, ayaa shaaciyay inay Masar joojisay wada-shaqeyntii ay la lahayd Israa’iil ee dhinaca gudbinta gargaarka, taa oo ka dhigan inuu gabi ahaanba istaagay gargaarkii la geyn jiray Qasa, iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay Masar uga jawaabayso qabsashada Israa’iil ee xadka Qasa iyo Masar. Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay inay Masar ka caraysantahay xaaladda sii xumaanaysa ee ku dhacaya sababta Israa’iil. Dhinaca Israa’iil, telefishinka Channel 12 ayaa ku warramay go’aanka Masar ay ku joojisay isku-dubaridka iyo soo gudbinta gargaarka la gayn jiray Qasa inay caqabad ku noqonayso howlgalka Israa’iil ee Rafah,sababo la xiriira inay cadaadis caalami ah ka dhalanayso joojinta gargaarka gaadiidka lagu geyn jiray Qasa.
Mostrar todo...
22👍 5😁 1
Qorshaha Trump ee Ukraine haddii uu madaxweyne noqdo; •Maraykanku waxa uu raadin doonaa xabbad joojin la dhagax-dhigo Ukraine iyo Ruushka. •Haddii Ukraine iyo Ruushka wadahadlaan,Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa bixinta hubka iyo xoojinta difaaciisa. •Xubinnimada Ukraine ee NATO ayaa dib loo dhigi doonaa. •Ruushka waxaa laga yaabaa in loo soo bandhigo fududeynta cunaqabateynta saaran. •Ukraine waxaa loo ogolaan doonaa in ay ku adkeysato soo celinta dhammaan dhulalka ka maqan. •Waxa suurtagal noqon doonta in gebi ahaanba laga qaado cunaqabataynta Ruushka,kaddib marka uu saxiixo heshiis nabadeed oo ay si buuxda u aqbali karto Ukraine. Xigasho: Buugga siyaasadeed ee Trump; America First.
Mostrar todo...
👍 23 3🗿 3😁 2😈 1
UPDATE: Wargeyska Washington Post, ayaa isagoo xiganaya ilo sirdoon, wuxuu soo bandhigay warbixin uu ku sheegay inuu Mareykanka usoo bandhigay Israa’iil inay siin doonaan xog sir ah oo la xiriira hoggaamiyayaasha Xamaas ee ku sugan Qasa iyo gododka muhiimka ah haddii ay Israa’iil ka laabato howlgalkeeda Rafah. Warbixinta ayaa intaa ku dartay inuu sidoo kale Mareykanka u sheegay Israa’iil inuu ka caawin doono dhismaha magaalo teendho ah oo qalabaysan oo loo daad-gureeyo dadka rayidka ah ee deggan Rafah. Sidoo kale , warbixinta ayaa soo muujiysay sida ay Masar diyaar ugu tahay soo afjarida gododka, iyadoo Mareykanka uu sheegay inay Masar si dhow uga wada-shaqeyn doonaan sidii loo heli lahaa marinnada dhulka hoostiisa mara ee xadka u dhexeeya Masar iyo Rafah.
Mostrar todo...
😭 26👍 4😁 1💔 1
UPDATE: Afhayeenka guutooyinka hubaysan ee Xamaas, Abu Cubayda ayaa horraantii caawa sheegay in mid ka mid ah maxaabiista Israa’iil oo haysta dhalashada Ingiriiska uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray duqeymaha diyaaradaha Israa’iil. Nadav Bublabil, oo 51 ah ayaa warbixinta lagu sheegay inuu u geeriyooday daryeel xumo, sababo la xiriira go’doominta iyo beegsiga goobaha caafimaadka ee Israa’iil.
Mostrar todo...
26 8
UPDATE: Telefishinka CNN ayaa soo bandhigay warbixin naxdin leh oo ay ku jireen sawirro si qarsoodi ah loo soo qaaday oo soo muujiyay xabsi ay Israa’iil ka hirgelisay saxaraha dulleedka Qasa, halkaa oo lagu xiray maxaabiista ragga ah ee Qasa ay ka soo qabteen tan iyo 7 October. Maxaabiista Falastiiniyiinta ayaa loo ciqaabay si darran oo naxariis darro ah , waxaa laga jaray xubnaha jirkooda, waxaana loo ciqaabay iyadoo aan laga rabin in laga hadalsiiyo ee ciqaabka looga aargudanayo weerarkii Xamaas. Kuwa dhaawaca daran loo gaysto waxaa laga xiraya gacmaha iyo lugaha intii sariirta la dulsaaro, iyagoo xiran xafaayad, cuno ahaanna maxaabiista oo dhan waxaa la siinaya cows , warbixintana waxay sheegtay in goobta ay tahay mid aad usoo uraysa oo kaliya dhawaqa ciqaabka ay la kulmayaan maxaabiista laga maqlayo, loomana oggala inay maxaabiista hadlaan.
Mostrar todo...
😭 40😢 32 5👍 2