Dunida wax akhriska
📈 Analytical overview of Telegram channel Dunida wax akhriska
Channel Dunida wax akhriska (@tiitoosfilmshd) in the Somali language segment is an active participant. Currently, the community unites 14 990 subscribers, ranking 6 106 in the Religion & Spirituality category and 687 in the Somalia region.
📊 Audience metrics and dynamics
Since its creation on невідомо, the project has demonstrated rapid growth, gathering an audience of 14 990 subscribers.
According to the latest data from 04 December, 2025, the channel demonstrates stable activity. Although there has been a change in the number of participants by -307 over the last 30 days and by 0 over the last 24 hours, overall reach remains high.
- Verification status: Not verified
- Engagement rate (ER): The average audience engagement rate is 0%. Within the first 24 hours after publication, content typically collects N/A% reactions from the total number of subscribers.
- Post reach: On average, each post receives 0 views. Within the first day, a publication typically gains 0 views.
- Reactions and interaction: The audience actively supports content: the average number of reactions per post is 0.
📝 Description and content policy
The author describes the resource as a platform for expressing subjective opinions:
“https://t.me/+zSQM856v93JjMDM0”
Thanks to the high frequency of updates (latest data received on 05 December, 2025), the channel maintains relevance and a high level of publication reach. Analytics show that the audience actively interacts with content, making it an important point of influence in the Religion & Spirituality category.
Data loading in progress...
| Date | Subscriber Growth | Mentions | Channels | |
| 03 December | 0 | |||
| 02 December | 0 | |||
| 01 December | 0 |
| 2 | Fadliga Tobanka Maalmood ee Ugu Horeeya Bisha Dul-Xijjah
Fadlan qormadan dhameyso 🌙🤲
Alle ayaa mahad leh, kaas oo noo fududeeyey inaan gaarno maalamahaan kheyrka badan, kana dhigay maalmo gaar ah iyo kuwo uu fadli yeelay camalka suuban. Ma jiro waqti kale oo camalka wanaagsan uu ka fadli badan yahay camalka lalayimaado maalmaha ugu horreeya ee bisha Dul-Xijjah.
Waa fursad qaali ah oo qofkii muslimka ahi u baahan yahay inuu si dhab ah uga faa’iidaysto. Qormadan waxaan ku eegaynaa fadliga maalmahan, camallada lagu ay tahay in lagu dadaalo, iyo sida uu qofka muslimka ahi uu uga faa’iidaysan karo.
Dulucda Qormada
Bisha Dul-Xijjah waa bishii laba iyo tobnaad ee sannadka Hijriga, waxayna leedahay fadli weyn gaar ahaan tobanka maalmood ee ugu horreeya. Nabi Maxamed (NNKH) wuxuu yiri:
"Ma jiraan maalmo camalka suuban uu ka fadli badan yahay maalmahaas tobanka ah." Saxaabada ayaa waydiisay, Nabi allow Xattaa ma jihaadkii Ilaahay dartiis?" Wuxuu yiri: "Xattaa jihaadkii Ilaahay dartiis, marka laga reebo nin labaxay naftiisa iyo maalkiisa, markaasna aan waxba kalasoo laaban." (Bukhaari)
Maalmahan waxaa ka mid ah maalinta Carafo – oo ah maalinta ugu fadliga badan sanadka kadib Layllatul Qadr – waxaana maalintaas ilaahay cafiyaa dambiyada sannadkii hore iyo kan dambe, haddii uu qofku soomo. Waxaa sidoo kale lagu gudanayaa mid kamid ah waajibaadka xajka, kaas oo ah tiir kamid ah shanta tiir ee Islaamka.
Camallada lagu dadaalayo maalmahan waxaa ka mid ah:
Soonka (gaar ahaan maalinta Carafo)
Salaadda faralka iyo sunnooyinka
Dikriga badan (Takbiir (الله اكبر), tahmiid, (الحمد لله), tasbiix, (سبحان الله) iyo inta lamid ah oo kujiro saliga Nabiga SCW
Akhrinta Qur’aanka
Sadaqada iyo quudinta kuwa aan waxba haysan
Dadaalka lagu kasbanayo raalli ahaanshaha Ilaahay
Gabagabo
Tobanka maalmood ee ugu horreeya bisha Dul-Xijjah waa hadiyad Rabbi uu siiyey ummadda Nabi Maxamed (NNKH). Waa fursad aan dib loo heli karin ilaa sannadka dambe. Qof kasta oo Muslim ahi waa inuu isudiyaariyaa, niyad wanaagsana la yimaadaa, sidii uu uga faa’iidaysan lahaa waqtigaan barakaysan. Haddii aan la xajineyn, hala soomo, haddii aan la soomi karin, halagu dadaalo ducada, salaadda iyo dikriga. Waa maalmo kooban balse abaalmarintoodu aad bay u weyn tahay.
Ilaahay ha inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta fursadaha mar la’aragga ah ee cimrigooda soo mara.
Amiin, Amiin, Amiin
Xigasho, Rajada Nolosha | 0 |
| 3 | Fadliga Tobanka Maalmood ee Ugu Horeeya Bisha Dul-Xijjah

| 4 | Waxaa la arkaa in aad waydid wax aad muddo badan ku taamaysay sida qof aad jeclayd in aad nolosha wadaagtaan, shaqo aad ku riyoon jirtay, ama fursad mar la,arag ah oo aad islahayd wax wayn ayey noloshaada ka badalaysaa, Sidoo kale waxaa la arkaa in aad la kulantid ama ay kugu dhacaan wax aad ka cararaysay sida in waaridkaa kugu daro gabar/wiil ay wanaag ka dhex arkeen ama aad heshid shaqo aan ahayn middii aad filaysay, balse aan kuu sheego taas micnaheedu kama dhigna in aad nasiib xuntahay ama dadaalka aad bixisay uu yaryahay ee waxaa macquul ah in ilaahay uu kuu diyaarinayo marxaladda xigta ee noloshaada lagaba yaabee waxaad aad jeclayd oo aad wayday in aysan khayr kuu ahayn sidaas si lamid ah waxaas aad necbayd oo kugu dhacay in aysan shar kuu ahayn وَعَسَى أَنْ تَكْرَهُوا شَيْئًا وَهُوَ خَيْرٌ لَكُمْ وَعَسَى أَنْ تُحِبُّوا شَيْئًا وَهُوَ شَرٌّ لَكُمْ وَاللَّهُ يَعْلَمُ وَأَنْتُمْ لَا تَعْلَمُونَ
Marwalba aan aamino midka maamulka dunidaan haya ☝️ | 0 |
| 5 | Waxay tiri 15 sanadood ayaan suurad baqra aqrinteeda wadaa!
Mudo dhan shan iyo toban sano ayaan aqrinayaa suurad baqra maalin kasta, ilaahay noloshayda oo dhan buu ku wanaajiyay oo barako ayaan ka helay bay tiri, caruurtii buu ilaahay baari iiga dhigay, nolol xasiloon oo qabowna waa aan ku noolahay, wax kasta oo aan u baahdana isla goortaas baan helaa Allaahu Akbar!
Suurad baqra waa dawada murugada, albaab kasta oo kaa xidhana waa lagu furtaa, guriga lagu aqriyona shaydaanku ma uu soo galo. Qof kastoow naftaada haka hagran inaad aqriso maalin kasta.
XIGASHO. Tiirka nolosha | 0 |
| 6 | Markii aad aragtid qof xumaan samaynaya kama dhigna in uu yahay qof ay qofnimadiisu liidato, bini aadamka ilaahay abuurtay qofwalba oo kamid ah waxa uu la harjadayaa caqabado u gaar ah waxa uuna kujiraa hardanka nolosha, haddaba erayga wanaagsan waa sadaqo,e dadka u quur, dhiiragali sidoo kalana wanaag u rajee. ❤️ | 0 |
| 7 | Qofkii ilaahay dartiis wax uga taga ilaahay wuxuu ugu badalaa wixii uu ka tagay wax ka khayr badan. waxyaabaha ilaahay kuugu badalayo way kala duwanaan karaan waxaa ka mid ah in alle xasilooni qalbiga uu kuu galiyo, jacaylkiisa in uu kugu irsaaqo, ama firfircooni iyo nasaad aad wax badan kuqabsan kartid in lagu siiyo. khasab ma ahan in wax aad taaban kartid, lacag ama xoolo kale in laguugu badalo. dhinaca kale alle waxa uu kuugu dib dhigi karaa maalinta qiyaamaha oo ilaahay kaaga badbaadin karaa Naarta kulul, Sidoo kalana Janno uu alle kugu siin karaa. Haddaba ha u ogolaan shaydaan in uu ka waswaasiyo asaga oo kuleh wixii aad alle dartiis uga tagtay wali alle wax kuuguma uusan badalin ee hawlahaagii hore iskaga laabo. Ku kalsoonow Eebe wayne balan qaadkiisu waa dhab ان وعد الله حق | 0 |
| 8 | Wakhtigaaga haku lumin ka fakarka arimuhu sida ay ahaan lahaayeen (hadii aan waxaas haysan lahaa, hadii aan, meeshaas joogi lahaa, hadii xiriirkii iga xumaaday uu ii hagaagi lahaa, hadii xaalkaygu sidaas ahaan lahaa, hadii, hadii, hadii.) Ogow hadda meesh aad joogtid iyo sida uu yahay xaalkaagu ayaa ah meesha uu alle SWT kuu qadaray kulana rabay in aad joogtid. Alle aamin, ku kalsoonow horayna u soco. Caqabad kasta oo dhanka alle kaaga timaada waxa ay noqon kartaa fursad uu kugu galadaystay oo aan la qiyaasi karin faa,iidadeeda. go,aankana adigaa iska leh. | 0 |
| 9 | من كان منكم يعبد رمضان فان رمضان قد فات ومن كان منكم يعبد الله فان الله حي لا يموت.
“Qofka idinka mid ah oo caabudi jiray Ramadaan hadaba ha ogaado Ramadaan wuu dhamaaday, balse qofkii caabudi jiray Eebe Wayne, ha ogaado alle waa mid sifada nolosha abadagi ah leh waligiisna ma uu dhimanayo”
Oraahdaan waxaa noo jeediyey habeenadii u dambeeyey ee bishii Ramadaan shiikh kawacdiya misaajid aan kutukan jiray. asaga oo nagu baraarujinaya in aan cibaadada la dayicin lagana tagin marka Ramadaan dhamaado kadib.
Hadaba aaa in aan ku dadaalno in aan cibaadadii sii wadno inta aan awoodno, ilaahay waxa aan ka baryaynaa in uu dhamaanteen wadada saxdaa nagu hanuuniyo naguna sugo.
Intaan ayan jeclaystay in aan idinla wadaago maanta❤️ | 0 |
| 10 | Ciid wanaagsan marlabaad dhamaantiin walaalayaal, si gaar ah Ciid wanaagsan saaxiibada North America aynu kuwada ciidayno hadda waa wakhtigeenii aan Farxi lahayn una dabaal degi lahayn munaasabadda Ciid Al fitri alle hanaga aqbalo dhamaan acmaashii suubanayd ee aan soo samaynay bishii Ramadaan. ❤️ | 0 |
| 11 | Ciid mubaarak dhamaan walaalaha aan bartaan kawada socono, ilaahay hanaga aqbalo acmaashii wanaagsanayd ee aan soo wadnay, ilaahay waxaan ka baryaynaa in uu nagu sugo in aan sii joogteeyno acmaashii wanaagsanayd ee soo bilownay.
CIID MUBAARAK WALAALAYAAL❤️ | 0 |
| 12 | Salaamulahi Saaxiibayaal waxaan rajaynayaa in dhamaantiin aad caafimaad qabtaan, maanta waa maalinkii 21 aad ee bisha barakaysan, taas macnaheedu waa 9 ama 8 maalmood ayaa ka dhiman dhamaadka bishaan barakaysan.
Haddaba waa in aan labo jibaarno dadaalkii aan soo wadnay mudddii 20 maalmood ahayd, khayr kasta oo aan uruursan karnana aynaan ka tagin, runtii waa fursad mar la, arag ah. Ilaahay hanaga dhigo kuwii ka faa,iidaysta wakhtiga kooban ee haray sidoo kalana haleela habeenka barakada badan ee laylatu al qadriga ليلة القدر خير من الف شهر
Ramadaan mubaarak❤️🤲 | 0 |
| 13 | Salaamulahu saaxiibayaal waxaan rajaynayaa in aad fiicanatihiin.
Runtii wakhtigu wuu ordayaa, maanta waa 15 Ramadaan taas oo ka dhigan in kala bar ayna waydaaratay bishii barakaysnayd, wali waa wakhti fiican oo aan alle SWT ugu dhawaan karno. Waa in aan dadaal dheeraad ah bixinaa insha allah. Eebe hana waafajiyo wixii khayr ah amiin❤️🤲 | 0 |
| 14 | Deg deg ayuu runtii ku gudbay soonkii, hadda asbuuc ayaa tagay wali jaanis ayaan haysanaa,
“ilaahow waa jimcadii u horaysay ee bisha Ramadaan, Inooga yeel bilowga guusha iyo liibaanteena aduun, sidoo kale inooga yeel dhamaadka murugadeena iyo walwalkeenan, ilaahow noo dambi dhaaf” aamiin🤲 | 0 |
| 15 | Ramadan maalinkii 3 aad “ilaahow waxaan ku waydiisanynaa Cilmi waxtar leh, Risiq balaaran oo barakaysan, iyo daawo xanuunkasta oo na haleela”
Ducada hala badiyo Ramadaan waxa ka haray baa iska yare | 0 |
| 16 | Ramadaan Mubaarak dhamaan walaalaha halkaan aan ka wada socono waxaan ugu tahniyadaynayaa bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan ilaahay hanooga dhigo kii ugu fiicnaa abid kaas oo nolosheena uu eebe sabab uga dhigo in uu dhanka wanaagsan ugu badalo.
Amiin yaa rabi❤️🤲 | 0 |
| 17 | Jimcaha ama Sabtiga midkood ayaa la aaminsayahay in bisha barakaysan ee Ramadaan ay bilaabanayso, ilaahay waxaan ka baryeynaa in uu nabad iyo caafimaad qab nagu gaarsiiyo annaga iyo inta aan jecelnahay Amiin❣️🤲 | 0 |
| 18 | https://www.samataryare.com/2025/02/ramadaan-inta-uusan-bilaaban-kahor.html | 0 |
| 19 | Akhristoow, alle hakuu barakeeyo maalintaada waa maalin jimco ah waa maalin alle dhexdeeda khayr farabadan dhigay, aan iskudayno in aan ka faa,iidaysano, Saliga Nabiga Scw badisayaa, istiqfaar badan latimaadayaa, ama qur’aanka ku dikrisayaaba waa in aan wax un khayr ah kala harnaa inta aysan dhamaan maalinteenu insha allah❤️🙌 | 0 |
| 20 | Shalay waxaa bilatay bisha shacbaan taas oo kadhigan in hal bil oo kaliya ay ka hartay bishii barakada iyo khayrka ee Ramadaan, Eebow nagaarsii annaga oo caafimaad qabna sidoo kalana noo ogolow in aan khayrka dhexyaal inta ugu badan ka qaadano amiin yaa rabi❤️🤲 | 0 |