uz
Feedback
Kalkaal channel

Kalkaal channel

Kanalga Telegram’da o‘tish

Waa channel soo gudbiya aqoon ,xogo daahsoon iyo macluumaad kale oo farabadan kamid noqo asxaabta kuxiran .

Ko'proq ko'rsatish
3 582
Obunachilar
-324 soatlar
-227 kunlar
-3930 kunlar
Postlar arxiv
Itoobiya ayaa sheegtay in sanad miisaaniyadeedka 2018 T.I ay lasoo degtey badeecooyin gaadhaya 15.93 milyan oo tan, sidoo kal
Itoobiya ayaa sheegtay in sanad miisaaniyadeedka 2018 T.I ay lasoo degtey badeecooyin gaadhaya 15.93 milyan oo tan, sidoo kalena ay dhoofisey badeecooyin gaadhaya 1.64 milyan oo tan. Wasaarada Gaadiidka iyo Saadka ee Itoobiya ayaa sheegtay in Itoobiya ay ganacsigaas ay u adeegsatey afar dekadood oo ku yaala gobolka, Dekadahaas oo kala ah. 1. Dekada Jabuuti. 96.71%. 2. Dekada Berbera. 2.74%. 3. Dekada Tajoora 1.23%. 4. Dekada Mombasa. 0.56%.

Waxaa muhiim ah in qofku noqdo concerned citizen—muwaadin damqanaya, baraarugsan oo ka falceliya dhibaatada inta aanay isaga si toos ah u taaban. Mararka qaar rajadu kama horrayso ficilka; ficilka yar ayaa dhaliya rajada. Sidaas darteed, guulaha yaryar waa in la aqoonsadaa oo la xusaa, waayo waxay dib u dhisaan rajada iyo dareenka ah in wax la beddeli karo. Bulsho daashay hal mar rajadeeda dib uma soo laabanayso, balse waxay si tartiib ah uga soo kaban kartaa marka qof walba uu rumaysto in codkiisa, dareenkiisa iyo tallaabadiisa yari ay weli qiimo leeyihiin oo is badal horseedi karo . Ugu dambayntii, haddii danayn la’aantu muddo dheer sii socoto oo ay saamayso nolol maalmeedka qofka, waxaa habboon inuu qofka raadfsado xirfadle caafimaadka maskaxda, maaddaama ay mararka qaar la xiriiri karto niyad jab, dhaawac nafsiyeed ama daal maskaxeed oo daba-dheeraaday.

Daawada Danayn La’aanta (Apathy) Waxa laga yaabaa in marar badan aad isweydiisay: maxaa ku dhacay dareenkeenkii guud ee bulsho? Maxay dadku uga gilgilan la’yihiin dhibaatooyinka hareerahooda ka dhacaya, qof walbana u sugayaa ilaa ay isaga si toos ah u taabtaan? Maxaa keenay in dad badani ka quustaan in dalku hagaago, dawladnimadu shaqayso, hoggaan wanaagsanina yimaaddo? Qof kasta oo aad xaaladda dalka wax ka weydiiso wuxuu kuu sheegayaa in dhibaatada ugu weyn ee maanta jirtaa ay tahay rajo la’aan iyo in la gaaray heer aan waxba la kala jeclayn. Waxaa sii yaraanaysa rumaysnaanta ah in isbeddel dhici karo, dawladnimadu hagaagi karto ama la gaari karo mustaqbal ka wanaagsan kan maanta. Dadka Soomaaliyeed waxay muddo dheer ku soo dhex noolaayeen dagaallo, barakac, faqri, amni darro, hoggaan xumo iyo rajooyin marar badan burburay. Marka dhibaatadu noqoto wax maalinle ah, qofku mar walba si muuqata uma murugoodo ama uma xanaaqo; mararka qaar dareenkiisa ayuu qarsadaa illaa heer dareenkiisu noqdo mid asaga xattaa ka qarsoon. Wuxuu gaaraa heer aanu si weyn uga falcelin dhacdooyinkii markii hore gilgili lahaa. Waxaa laga yaabaa in waayo aragnimadeenna dheer ee dhaawaca nafsiyeed iyo hubanti la’aantu ay ina dhaxalsiisay waxa cilmi nafsigu ugu yeero apathy oo lagu af Soomaaliyeen karo danayn la’aan, dhiirrigelin yaraan iyo dareen ah inaan waxba la kala jeclaanin maaddaama aan waxba la beddeli karin. Apathy gu ma aha caajisnimo keliya, mana aha in qofku aanu garanayn waxa qaldan. Qofku dhibaatada wuu arki karaa, wuuna fahmi karaa, laakiin ma dareemayo tamar, rajo ama awood uu kaga falceliyo. Marka uu qofku marar badan codkiisa dhiibto isaga oo aan wax isbeddel ah arag, ama uu maalin kasta maqlo dhibaatooyin joogto ah sida dhimasho, musuqmaasuq, caddaalad darro iyo masiibooyin, maskaxd oo aan dulqaadan karin dhibaatadaas joogtada, waxay ku maaraynaysaa inay dareenka hoos u dhigto si ay isaga ilaaliso culayska joogtada ah. Waxa maanta ina naxdin geliya ayaa berri isu beddeli kara war caadi ah oo aynu si fudud uga gudubno. Tani waa mid ka mid ah siyaabaha uu dhaawaca iyo mahadhada daba dheeraata u beddelo dareenka qofka iyo guud ahaan bulshada. Saamayntaas waxaa laga dheehan karaa hadallada ay dadku ku celceliyaan: “Waxba isma beddelayaan,” “Soomaaliya sidaas ayay ahaanaysaa,” ama “Aniga maxaa iga khuseeya?”. Hadaladdan waxay noqon karaan calaamado muujinaya daal, quus iyo awood la’aan isku badasha Danayn La’aan. Qofku wuxuu iska indhatiri karaa dhibaatada dadka kale isaga oo isleh: “Aniga weli ima soo gaarin.” Laakiin marka bulshadu ka aamusto dhibaatada ilaa ay qof walba albaabkiisa soo garaacayso, waxaa sii daciifaya isku xirnaanta bulshada iyo awoodda wax wada qabsiga. Khatarta ugu weynina waa in apathy gu abuuro meerto is xoojinaysa: marka aynu rumaysanno inaan waxba beddeli karin, tallaabo ma qaadno; marka aynaan tallaabo qaadina, waxba isma beddelaan; dabadeedna quusteennii ayaa inoogu muuqata xaqiiqo aan laga baxsan karin. Daawaynta danayn la’aantu kuma bilaabato hadallo waaweyn ama in dadka lagu eedeeyo inaanay dalkooda danaynin. Waxay ka bilaabataa in la aqoonsado dhaawaca ina soo maray, lana soo celiyo dareenka ah in aynu weli saamayn yeelan karno. Qof keli ahi ma xallin karo dhibaatooyinka dalka oo dhan, laakiin wuxuu dejisan karaa yoolal yaryar oo la gaari karo, halkii uu sugi lahaa isbeddel weyn oo hal mar yimaaddal qofku wuxuu ka qaybqaadan karaa arrin bulshadiisa khusaysa, garab istaagi karaa qof dhibban, ka hor iman karaa khalad uu arkayo ama h abuuri karaa meel ay dadku si kalsooni leh oo cabsi ku jirin ugu wada hadlaan. Waxaa kale oo muhiim ah inuu la xiriiro dadka rajada qaba ee doodaha waaweyn ee dalka aan ka daalin. Dad badan ayaa culayska iyo danayn la’aanta ku maareeya kaftan iyo majaajillo. Inkasta oo kaftanku nafis kooban keeni karo, haddana xal ma noqon karo haddii uu noqdo hab looga dhuunto xaqiiqada ama dhibaatada loogu beddelo wax lagu qoslo.

photo content

Aan kusalino Nebi muxamed

"Ma garanayo ruux nolosha horumar ka gaadhay oo hurdo ku gaadhay barqo dheerta!" ~Jonasaan Soofiyat Wallee nin hurdoow, hallawday dantaa!

Nolosha dhabta ee loo socdaa waa Technology-yada taas iga qora caawa. Hadii qofnimadaada iyo aqoontaada shaqo ku heli waydo,
Nolosha dhabta ee loo socdaa waa Technology-yada taas iga qora caawa. Hadii qofnimadaada iyo aqoontaada shaqo ku heli waydo, waxaad ku heli doontaa inaad xirfado barato Alle-na aamintid qadartiisa.

biyuhu caqabad kasta oo jidkooda timaada lama dagaallamaan, way fiiriyaan, way la qabsadaan, wayna hareer maraan waxa hortooda yaala, dabadeedna waxay sii wataan jihadii ay u socdeen, marar ka qaar si deggan ayay u qulqulaan, mararka qaarna xoog aad u weyn ayay ku socdaan. Laakiin weligood biyo ayay ahaanayaan, noloshu mar walba ma raaci doonto qorshayaasha aan samaysano, marar qaar dad aad ku kalsoonaatay way ku niyad-jabin karaan, albaabo aad filaysay inay kuu furmaan way xirmi karaan, qorshayaal aad sannado dhisaysay hal mar ayay is beddeli karaan. safar aad u malaynaysay inuu hal meel ku dhammaanayo wuxuu qaadan karaa waddo aanad weligaa filayn Awoodda dhabta ahi waa inaad la qabsan karto isbeddelka , adigoon lumin qofka aad tahay

Hoos u dhac taariikhi ah lacagta iiraan 1$ = 2 milyan oo riyaalka iiraaniga ah .
Hoos u dhac taariikhi ah lacagta iiraan 1$ = 2 milyan oo riyaalka iiraaniga ah .

Alx dheh Saaka adoo caafimaad qaba masoo kacday malugayn kartaa cuno macuni kartaa adoo macaansan mana haysataa meel aad seexato iyo ehelkaaga oo caafimaad qaba haday saas tahay yaa kaa taajirsan oo kaa nasiib badan umahad naq Boqorka wayn 👇✔️ 10 jeer dheh Alx

Siyaasiga Oromada ah ee Jawhar Maxamed ayaa la waydiiyay. "Wadadii Abiy Ahmed uu Ra'iisal Wasaaraha ku noqday hada layaab miy
Siyaasiga Oromada ah ee Jawhar Maxamed ayaa la waydiiyay. "Wadadii Abiy Ahmed uu Ra'iisal Wasaaraha ku noqday hada layaab miyay kula tahay.?" Jawhar ayaa ku jawaabay. "Wuxuu ahaa mid aad xariif u ah, waa inaad libinta u qirto, orodka dheer mararka qaar qof aan la qiyaasayn ayaa xaga dambe ka imanaya oo guuleysanaya." "Abiy fursaduu haystay waxay ahayd inuu kusoo korey gudaha xayndaabka siyaasada, wuxuu kusoo hoos barbaaray Aba-dhuula, wuxuu wax badan kasoo bartey xisbigii EPRDF, waxay ahayd fursad aysan helin annaga iyo kuwa kaleba." "Abiy wuxuuu u dhawaa hogaamintii sare ee TPLF, aad buu ugu soo diyaar garoobay, markii dambena guddihii buu madaxa isku wada geliyay, waa xaasidnimo inaad u riyaaqi weydo qaabkuu u hantey guusha."

Aan kusalino caawa waa jimcee NEBI muxamed dambi dhaaf kurba fayd iyo ajar baa laga helaa kusalintiisa hadib dhigin ee hada k
Aan kusalino caawa waa jimcee NEBI muxamed dambi dhaaf kurba fayd iyo ajar baa laga helaa kusalintiisa hadib dhigin ee hada kusali

Daawada wahsigu waa inaad u istaagtaa isla hawsha markaas kuutaal . Imisaa wax kaaga xumaaday dib dhigasho?
Daawada wahsigu waa inaad u istaagtaa isla hawsha markaas kuutaal . Imisaa wax kaaga xumaaday dib dhigasho?

Waa lahelay Daawadii🤲✔️

walaalkii aan halkaan uga ducaynay jamcihii hore wuu helay muraadki uu radinayay 15 sano waxaana sababtay ducadaas asagoo far
walaalkii aan halkaan uga ducaynay jamcihii hore wuu helay muraadki uu radinayay 15 sano waxaana sababtay ducadaas asagoo faraxsan ayuu fariintaas sawirka kumujisan naso garsiyay 👇markale aan uducayno inuu muraadkaas usiyadiyo yaanaan kala bakhaylin ducada markale " qofkii uduceeya walaalkiis kamaqan asagana malaaigta ayaa uducaysa " wa xadiis malaaigta ducadeedana lama soceliyo .

🤲walaalkii aan halkaan uga ducaynay jamcihii hore wuu helay muraadki uu radinayay 15 sano waxaana sababtay ducadaas asagoo faraxsan ayuu fariintaas sawirka kumujisan naso garsiyay 👇markale aan uducayno inuu muraadkaas usiyadiyo yaanaan kala bakhaylin ducada markale " qofkii uduceeya walaalkiis kamaqan asagana malaaigta ayaa uducaysa " wa xadiis malaaigta ducadeedana lama soceliyo .

Badanaa nimcooyinka uu #ALLAH na siiyay... 🤲❤️ ​Aragti, maqal, caafimaad, iyo kumanaan nimco oo aanan xitaa tirin karin. ​Wax yar u fiirso dadka kelyahoodu istaageen—lacag badan ayaa looga dhaqaa toddobaadkii si loogu dhaqo, waxaana kasii daran in qaar aysan awoodin daaweynta, halka kuwa kalena ay toddobaadyo sugayaan rajo. ​Su'aal Isweydiin Leh: Maanta haddii laguu dhaho: "Taajirka dunida ugu taajirsan noqo, laakiin caafimaadkaaga halkaa ku dhaaf," ma aqbali lahayd? ​Halkaas ayay nimcada caafimaadku ka qiimo badan tahay hantida oo dhan! ❤️ ​Aan dhahno: #ALXAMDULILLAH 🤲 ​Haddii aad maanta 100 jeer tiraahdo Alxamdulillaah, haddana waxaa jiri kara qof xaalad adag ku jira oo jeclaan lahaa oo kaliya hal nimco oo aad adigu maanta iska haysato. ​Alle nimcooyinkiisa aan ku mahadnaqno, hana illoobin qiimahooda inta ay nala jiraan. 🤍 ​

الطموح ليس أن يصبح الإنسان أعلى من غيره، وإنما أن يصبح أعلى من نفسه التي كان عليها. أن يتعلم ما لم يكن يعرف، ويتقن ما لم يكن يتقن، ويقدم للناس شيئًا لم يكن قادرًا على تقديمه. أجمل المنافسات تلك التي يكون خصمك فيها هو نسختك القديمة. د. عبد الكريم بكار

Haddii aad dareemayso jahawareer ha u malayn in aad fursad la’aan tahay, waxa 90% suura gal ah in aadan jihadaada si cad u qe
Haddii aad dareemayso jahawareer ha u malayn in aad fursad la’aan tahay, waxa 90% suura gal ah in aadan jihadaada si cad u qeexanayn Is waydii 3 su’aalood: 1. Maxaan rabaa inaan noqdo? 2. Maxaan maanta sameyn karaa oo iga dhaqaajinaya halkan? 3. Maxaa iga hor taagan? Ma naftayda mise duruufaha? Mar walbana xasuusnow: Qof walba wuxuu leeyahay awood uu ku guuleysto, laakiin kuwa guuleysta waa kuwa ficilka bilaaba xitaa iyagoo aan hubin natiijada. Ha sugin sxb “waqtiga saxda ah” waqtiga saxda ah waa maanta Insha Allaah.

Sawir hoose aqri qoraalka kuqoran intaas oo nicmo ah dad badan oo dunida kunool baa maanta jeclaan lahaa halmid oo kamida ina
Sawir hoose aqri qoraalka kuqoran intaas oo nicmo ah dad badan oo dunida kunool baa maanta jeclaan lahaa halmid oo kamida inay daqiiqad helaan tusaale qof indhoola hadii ladhoho hal saac ayaa laguu furayaa araga kadibna waa lagaa xirayaa farxadiisa inuu dhintaa suurowda qiyaas hadii ladhoho noloshaada inta kadhiman ayaad arag yeelan doontaa waxa uu kucalaacali doonaa ma waxbaan arki doonaa oohin😭farxad😁iyo soodhawayn nimcadaas ah qaarkeen ama badankeen ayaa haysta intaan oo dhan cajiib 🤲ALXAMDULILAAH imisa jeer bay dhahaan ✔️kabax wixii hore hada aan umahad celino BOQORKA kan ugu yar 100 jeer hadhoho hana dib dhigin hada dheh