5-ta website ee bixiyo Waxbarasho iyo Shahaado lacag la'aan ah kuwaas oo dunida daafaheeda laga aqoonsan yahay.
1. Alison waa website (mareeg) bixisa free courses kala duwan oo gaaraya 4K+ (4,000) sida Information Technology (IT), caafimaadka, ganacsiga, iibinta iyo suuqgaynta, luuqada english-ka, maadooyinka dhismaha la xariiro, maamulka, hormarinta shaqsiga iyo waxbarida, waxeena bixisaa shahaado lacag la'aan ah.
Waxaana maanta wax ka barta dad gaaraayo 259, 035 ku kala nool 195 wadan oo caalamka ku kala yaalo, horayna waxaa wax ugu bartay dad gaaraayo 30M.
Link:
https://alison.com
2. Young African Leaders Initiative (YALI NETWORK) waa shabakad aad ka heleeso courses iyo shahaado lacag la'aan ah sida hogaaminta iyo maamulka guud (leadership and public management), ganacsiga iyo hal abuurka (business and entrepreneurship) iyo iibka iyo suuqgeynta casriga ah (sales and digital marketing) iyo kuwa kale oo badan.
Luuqadaha aad ku baran karto waa English, French iyo Portuguese mida aad taqaano ayaad ka dooran kartaa laakiin default waxaa ah luuqadda english-ka.
YALI waxaa maalgaliyo USA qeybo kala duwan ayeyna ka kooban tahay.
Link:
https://yali.state.gov/courses/#more
3. Mind Luster waxee bixisaa courses kala duwan oo gaaraayo 30K (30,000), waana shabakadda ugu weyn ee online wax ku bixiso caalamka sidoo kale shahaadadeedana waa free.
Courses-ka ay bixiso waxaa ka kid ah culuumta computer-ka (Computer Science/IT), Ganacsiga (Business), culuumta Caafimaadka (Health Science), Luuqadaha (Languages), Xirfadaha jilicsan (Soft Skills), Xisaabta (Mathematics), Engineering, Wax karinta (Cooking), Quruxda Dumarka (Woman Beauty) iyo kuwa kale.
Hadda waxaa wax ka barato dad gaaraayo 3M+ dunida dhaafaheeda ku kala sugan.
Mind Luster course- ka ay bixiso mid ka mid ah hadaad bilowdo waajib kaama dhigeeso cashirada inaad wada dhameeso tusaale 10 mowduuc haddii ay tahay course-da 50% waa inaad dhameesaa micnaha 5% noqoneeso.
Link:
https://www.mindluster.com/
4. Classcentral waa mareeg (website) bixisa courses badan 150k+ (150,000), waxana ku jira cashirada jaamacadaha ugu waa weyn uguna tayada fiican caalamka sida (Harford University, Staford University, Colombia University IWM), waxa aadna ka heli kartaa markaad cashirada dhameesato shahaado free ah sida Culuumta Computer-ka (Computer Sceince), Culuumta Caafimaadka (Health Science), Ganacsiga (Business), Cilmiga Bulshada (Social Science), IWM).
Link:
https://www.classcentral.com/
5. Coursera waa platform-ka ugu waa weyn waxbarasho online wax ku bixiya, waxaa ku jiro courses badan gaaraya 5,800+ waana lacag la'aan inta badan laakiin shahaadada waa lacag.
Waxaana jirto qeyb financial aid laga codsado lagaana rabo 150 kalimood inaad qorto, sidoo kale Bachelor iyo Master degree ayaad ka diyaarin kartaa ay bixiyaan jaamacadaha ugu waaweyn caalamka iyo shirkado (companies), jaamacadaha waxaa ka mid ah London University, Washington University, University of California, IWM sidoo kale companies-ka waxaa ka mid ah Google, Meta (Facebook), IBM (International Business Machine), IWM sidoo kale iskuulo waa weyn ayaa wax ka bixiya sida Georgia Institute of Technology, Institute of Future, IWM.
Sidoo kale course-da markaad dhameeso waxaa jiro imtixaan tijaabo ah 15 su'aal oo doorasho ah (multiple choices) haddii 80% ka hoos marto waxaad dib ugu laabaneesaa cashiradii markaas uu kuu tilmaamo inaad dib u barato. sidoo kale Alison waa la mid.
Link:
https://www.coursera.org/
Ugu dambeyntii talada muhiimka ah aan kuu soo jeedinaayo kalii yeysan noqon shahaado ee aqoonta iyo xirfadda aad ka baraneeso inaad sii joogteesid isku day barashadeeda si aad ugu noqoto qof expert ah.
W/Q: Liban Mohamed Hashi ✍️