en
Feedback
Abdi'rizaak ALI🦁

Abdi'rizaak ALI🦁

Open in Telegram

Geesiga Dhulkiisa Guusha U Horseeda

Show more
6 920
Subscribers
+324 hours
+287 days
+20630 days
Posts Archive
photo content

Ciidanka Booliska Jubbaland oo gacanta ku dhigay shabakad dad ka tahriibinaysay Gudaha magaalada Kismaayo Ciidanka Booliska J
+7
Ciidanka Booliska Jubbaland oo gacanta ku dhigay shabakad dad ka tahriibinaysay Gudaha magaalada Kismaayo Ciidanka Booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose ayaa howlgal uu sameeyey 24 saac ugu danbeyey waxaa uu gacanta ku soo dhigay shabakad ka shaqaynaysay tahriibinta dhalinyarada Jubbaland ee ku nool gudaha magaalada Kismaayo iyo waliba deegaanada kale ee Jubbaland. Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa sheegay in ay howlgalkaan ku soo xidheen 13 qof oo afar ka mida ay yihiin kuwii dhalinyarada tahriibinaayey halka sagaalka ay yihiin dhalinyaro dalka laga tahriibinaayey. Laba ka mida dadkii la tahriibinaayey ayaa ku xidhan deegaanka Bilis Qooqaani oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose sida uu sheegay Taliye kuxigenka qaybta danbi Baadhista ee ciidanka booliska Jubbaland qaybta gobolka Jubbada hoose laba xidigle Muxiyadiin Maxamed Cumar.

Maxamad Xasan cali iyo Xasan cali xusen oo ka tirsanaa Maleyshiyaadka Jabhada Khawaarijta ayaa Goor dhaw isu dhiibay Ciidanka
+1
Maxamad Xasan cali iyo Xasan cali xusen oo ka tirsanaa Maleyshiyaadka Jabhada Khawaarijta ayaa Goor dhaw isu dhiibay Ciidanka Kumaandooska Danab ee XDS Maleyshiyaadkaan ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen Nolosha Daruufta ah ee ku heysatay Duurka Howdka ah

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibrahim Sheikh Muhudin ''Markii ugu Horeysay ayaa ka Qeyb Galeynaa Carbis Military oo ka dhacayo Dalka Dibadiisa''

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY HESHIISKA ISKAASHIGA DIFAACA IYO DHAQAALAHA EE SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO UU BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA ANSIXIYEY “Waxaan saxiixay Heshiiska Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ay ansixiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo qayb ka ah dadaalada aan ku bixinayno dhowrista amniga, khayraadka, gobonimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee JFS Soomaaliya. Heshiiskani oo mudadiisu tahay 10 sano waa mid taageeraya hurumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor taga wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato Ciidan Badeed oo ku filnaada difaaca baddeenna. Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed, waxaana heshiiskan uu qeyb ka qaadanayaa nabadda iyo xasilloonida gobolka.”

photo content

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Eng Cabdi Warsame Ismaan ayaa Dalka Hindiya kaga qeybgalay S
+4
Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Eng Cabdi Warsame Ismaan ayaa Dalka Hindiya kaga qeybgalay Shirweeynaha Milano 2024 kaasi oo ay ka qeybgaleen in ka badan 50 Doowladood. Admiral Cabdi Warsame Ismaan ayaa la kulmay dhigiisa dalka Hindiya oo ay kawada hadleen iskaashiga Ciidamadda Badda Soomaaliya iyo Hindiya wada shaqeeyntooda.

S/Guuto Ibraahim Yuusuf

DEG-DEG: Golaha Wasiirada XFS ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya l
DEG-DEG: Golaha Wasiirada XFS ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga. Shirka Golaha wasiirada oo uu guddoomiyey Ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa goluhu ku ansixiyey heshiiskaas oo uu dhawaan dowladda Soomaaliyeed u saxiixay Wasiirka Difaaca dalku. Goordhow la soco faah faahinta Heshiiska.

photo content
+4

Halkaan quruxda iyo nimcadu ka muuqato oo ay Cadaanku ku dalxiisayaan meel kale maahan ee waa dalka Hooyo gaar ahaan Magaalad
+9
Halkaan quruxda iyo nimcadu ka muuqato oo ay Cadaanku ku dalxiisayaan meel kale maahan ee waa dalka Hooyo gaar ahaan Magaalada Goobweyn , Jubbaland . Adoo Goobweyn heesta , Nevasha maxaa ka dooni ?!

Macawisleyda Saleebaan iyo xooga dalka ayaa shaqo la mahdiyey ka qabtay meel aan sidaasi uga fogeyn Buurta YACGOOS ka dib wee
+5
Macawisleyda Saleebaan iyo xooga dalka ayaa shaqo la mahdiyey ka qabtay meel aan sidaasi uga fogeyn Buurta YACGOOS ka dib weerar ay ku qaadeen koox dhowr hoobiye ku garaacday Camaara Saraakiisha ciidamada waxay sheegeen in jab xoogleh ay Kooxda AS ku gaarsiyeen aagaasi isla markaana ay guuleysteen

photo content
+5

Wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Uganda oo magaalada Muqdisho ku kala saxiixday dhammaystirka heshiis is afgarad (MOU) dhanka difaaca ah oo ay labada Wasaaradood horay u kala saxiixdeen. Muqdisho, 20 Febraayo, 2024 — Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Uganda, Mudane Vincent B. Ssempijja iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku yimi magaalada Muqdisho, iyada oo uu Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde kusoo dhoweeyeey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Cabdifataax Qaasim. Wafdiga Wasiirka Difaaca dalka Uganda oo soo dhoweynta ka dib loo soo galbiyay Xarunta Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa halkaasi waxa ay kulamo kula qaateen Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur, madaxda kale ee Wasaaradda iyo Taliye Ku-xigeenka Ciidanka XDS Janaraal Maadeey Nuureey Shiikheey, iyaga oo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal ee dhanka difaaca. Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Vincent B. Ssempijja ayaa kala saxiixday dhammeystirka heshiis is afgarad (MOU) dhanka difaaca ah, kaas oo labada dowladood ay 8-dii bisha Agoosto 2022-kii ku kala saxiixdeen magaalada Entebbe ee dalka Uganda.

Ciidanka Xoogga dalka ayaa magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay 2-dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta. Ibra
+1
Ciidanka Xoogga dalka ayaa magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay 2-dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta. Ibraahim Cali Suleymaan iyo Idiris Cabdi Shabeelow ayay Ciidanku gacanta ku dhigeen iyagoo si dhuumaaleysi ah kusoo galay magaalada Marka, sidoo kalana qorsheynayay falal Amni darro.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Howlgal Ka Sameyay Deegaanka Cali Yabaal HOWLGALKAN Ayaa Ciidanku Uga Hortageen Weer
+9
Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ayaa Howlgal Ka Sameyay Deegaanka Cali Yabaal HOWLGALKAN Ayaa Ciidanku Uga Hortageen Weerar Ay Qorsheyneyeen Koox Argagixisada Ka Tirsan waxaana Halkaas lagu fashiliyay duulaankii khawaarijta Maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan khawaarijta ayaa lagu dilay howlgalkaas

photo content

Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheekh Mohamud
Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheekh Mohamud

Madaxweyne Xasan Sheikh oo faray Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ilaalinta sharciyada dalka ivo ladagaallanka Musuqa Iyo Maandooriyaha.

Gudoomiyaha Dagmada Ceel-Buur Waa Halyeey Geesi Ah Una Istaagay Xoreynta Deegaanada Dadkiisa Ay Khawaarijta Xooga Ku Haysato
Gudoomiyaha Dagmada Ceel-Buur Waa Halyeey Geesi Ah Una Istaagay Xoreynta Deegaanada Dadkiisa Ay Khawaarijta Xooga Ku Haysato