Abdi'rizaak ALI🦁
Open in Telegram
6 920
Subscribers
+324 hours
+287 days
+20630 days
Posts Archive
6 920
Saldhigii ugu waynaa Khawaariijta ee Deegaanka Cali Yabaal oo la burburiyay iyo Dagaal ka socda.
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka ayaa Weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig kooxda khawaariijta ah ku laheed dhul howd ah oo u dhaw Deegaanka Cali Yabaal oo hoostago Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.
Dagaal xoogan ayaa ka socday Deegaanka Cali Yabaal waxaana Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobahii khawaariijta saldhiga u aheed.
Sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta deegaanka dagaalka oo bilaawday saakay aroortii ayaa ilaa iyo hadda socda,waxaana khawaariijta lagu gaarsiiyay jab xoogan.
Kooxda Khawaariijta ah oo isku day-day in ay difaacdo saldhiggaas oo muhiim u ahaa ayaa ugu dambeeyn cagta la mariyay oo laga saaray,waxaana hadda xabadu kasii dhaceeysaa dhulka howdka ah ee u dhaxeeyo Cali Yabaal iyo Cowswayne.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa maalin walba baadi-gooba xubnaha ka tirsan Khawaariijta eek u dhuumaaleeysanaayo dhulka howdka ah,kuwaas oo hadda noqday qaar la dilay iyo kuwa nolosha lagusoo qabtay.
6 920
DEDG DEG: Maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu laayay Howlgal ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka kaasi oo goor dhow ka dhacay deegaanka Buulo-warbo oo hoos tagta degmada Kuntuwaareey ee gobalka shabeellaha Hoose
Waxaa jira Khasaaro badan oo la gaarsiiyay Cadowga goor dhow la soco faah faahin dheeraad ah.
6 920
Saraakiisha Guutooyinka Kumaamdooska Gorgor 18-Aad Iyo 17-Aad Ee Qeybta 15 May CXDS
6 920
Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka ayaa so afjaray Koox Khawaarij ah oo doonayay weeraro arbushaad ah iney ku so qaadan Dagmada Ceeldheer
Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka oo helay Xogta dhagarta Argagixiso dooneysay iney weeraro Arbushaada ku qaadan Dagmada Ceeldheer ayaa looga hortagay Nawaaxiga Haanta Cagadheere,
Guutada 24aad Khaalid Bin Walid CXD & kuwa Deegaanka ayaa Dagaal kooban ka dib so afjaray Khawaariijta dooneysay iney dhibaateyan Shacabka ku dhaqan Ceeldheer
Taliye Guutada 24aad Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa Xaqiijiyay in Khawaariijta Jab culus la gaarsiiyay Dhagartoodana laga War hayay walina ey Ciidanku sii Baacsanayaan tirada yar ee naf la caariga ah .
6 920
Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud ayaa isaga tagay Stage-ka kadib markii Ay dhamaatay Heesta qaranka Soomaaliya Sidoo Kalana la Daaray Heesta qaranka Ethiopia
Talaabadan geesinimada leh ayaa madaxweynaha JFS Fariin ugu diray r/wasaaraha Ethiopia iyo dhamaan Ethiopianka iyo Caalamka
6 920
Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Saldhigga Boliiska Yaaqshiid waxa ay soo qabteen haweney gubtay Ninkeeda 16/2/2024 baadigoob dheer kadib waxaa Gacanta lagusoo dhigay.
Eedeysanada lagu magacaabo, MUNO AWSAME XUSSEN 21 jir ah, Waxaana la horgeydoonaa Maxakamadda Awooda u leh.
Muwaadin hadii aad la kulanto fal danbiyeey nuucaan oo kala ah adigoo Mahadsan la xariir Ciidamadda Amaanka ee kuugu dhaw ama wac Xafiiska Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee 991.
6 920
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 85-aad ee guutada 77 ayaa gacanta ku soo dhigay Siciid Cali Gacamey oo Argagixisada ka tirsanaa.
Siid Cali Gacameey ayaa laga soo qabtay inta u dhaxaysa degmada ceel dheer iyo deegaanka messagawaay ee Gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo qabtay qori AK 47 ah oo uu watay.
Siid cali ayaa hadda waxaa gacanta ku haaya ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed isagoo nabad qaba oo aan wax dhiba la gaarsiin taasoo ah sida ciidanka ula dhaqmaan cidkasta oo is dhiibta doontana nabad gelyo.
6 920
DEGDEG: Ciidanka NISA ayaa Fashiliyay Boorso lagu soo qaaday waxyaabaha Qarxa, kaasi oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Degmada Cabdicasiis ee gobalka Banaadir.
Ciidanka NISA ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Ninkii waday Boorsada ay ku jireen waxyaabaha Qarxa.
Naftiis halligaha ayaa yiri "Boorsooyin badan ayaa nala soo dhiibay".
6 920
Howlgal ay si wadajir u fulinayeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ciidanka Hayadda Nabadsugida iyo Sirdoonka ee Nisa iyo Ciidanka Booliiska Sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa mudo Isbuuc ah wuxuu ka socday inta u dhexeeysa degaanada Gensershe iyo Arbacoow ee gobolka Shabeelada hoose.
Ujeedka howlgalka ayaa ahaa kahortaga dhagarta khawaarijta iyo burburinta meelaha gabaadka u ah iyo maxkamada beenaadkooda.
Intii uu howlgalka socday ayay Ciidanka ku guuleeysteen inay burburiyaan maxkamad beenaadkii khawaarijta iyo gabaadkooda.
Degaanada sida gaarka ah howlgalka looga sameeyey ayaa kala ah Godka Kubash, Galka geeriyaan, Galka saalimow iyo Mara cade .
6 920
Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca Bariga Galgaduud
Howlgalada ayaa si gaara Kaga dhacay Deegnada Cali Candhoole , Shikh Cabdullahi, Baraag Xaaji Dhagax iyo Deegaano kale oo dhowra
Ciidamada ayaa inta ey howlgalka ku jireen waxay so saareen tiro Miinooyin ah oo ey Khawaarijta dooneysay iney ku dhibaateyso dadka rayidka sido kale Ciidamada ayaa burburiyay fariisimo Khawaarijta ey ku dhuumaaleysan jireen
Taliyaha Guutada 24 ee Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa Xaqiijiyay in Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka ay Wali dhulka Howdka ah ku sii baacsanayaan Firxadka Khawaariijta Gablkoodu dhacay
Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Xaq u dirirka deegaanka ayaa Mudooyinka dambe kordhiyay howlgalada lagu baacsanayo Khawaarijta
6 920
Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhaca Bariga Galgaduud
Howlgalada ayaa si gaara Kaga dhacay Deegnada Cali Candhoole , Shikh Cabdullahi, Baraag Xaaji Dhagax iyo Deegaano kale oo dhowra
Ciidamada ayaa inta ey howlgalka ku jireen waxay so saareen tiro Miinooyin ah oo ey Khawaarijta dooneysay iney ku dhibaateyso dadka rayidka sido kale Ciidamada ayaa burburiyay fariisimo Khawaarijta ey ku dhuumaaleysan jireen
Taliyaha Guutada 24 ee Khaalid Bin Walid Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa Xaqiijiyay in Ciidanka Xooga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka ay Wali dhulka Howdka ah ku sii baacsanayaan Firxadka Khawaariijta Gablkoodu dhacay
Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa Xaq u dirirka deegaanka ayaa Mudooyinka dambe kordhiyay howlgalada lagu baacsanayo Khawaarijta
6 920
WAREYSIGA GEN XASAN JAAMICI Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Xaalada Magaalada Camaaro Ee Gobolka Mudug
6 920
Shacabka kudhaqan deegaano hoos yimaado degmada walaweyn ee katirsan gobalka shabelaha hoose ayaa waxaa adeegyo caafimaad oo bilaash ah iyo cuntata fudud gaarsiiyay ururka 161-aad ee guutada kumaandooska Danab Ee CXDS.
6 920
Duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashaadeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Saaxiibadood Caalamiga ah, ayaa lala beegsaday dhagarqabeyaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayey deegaano hoos-yimaada degmadda Jammaame ee gobolka jubbada hoose, gaar ahaan dhanka jiinka wabiga.
Duqeyntaan, ayaa cadowga waxaa lagu gaarsiiyey khasaaro culus, waxaana looga dilay in kabadan 20 dhagarqabe oo ay ku jireen horjoogeyaal ajaanib ah.
6 920
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 85-aad ee guutada 77 iyo Ciidanka Deeganka ayaa Howlgal qorsheeysan oo ay ka fuliyeen inta u dhaxeeysa Deeganada Masagawaa & Waniinle kusoo qabtay horjooge Mowlid Cali dhuxuloow oo in mudo ah ka mid ahaa kooxda Khawaariijta ah gaar ahaan kuwa ay ugu yeeraan Jabhadaha .
Mowlid Cali Dhuxuloow oo si dhuumaaleeysi ah ku yimid Deeganka Waniinle ayeey Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Deeganka heleen xogtiisa ka dibna gacanta ayaa lagusoo dhigay
Waxaa uu hogaaminaayay koox nafla-caari ah oo ku dhuumaaleeysaneeyso dhulka howdka ah.
6 920
Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Xaq dirirka deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ku so qabtay Mowlid Cali Dhuxulow oo ka tirsanaa Khawaariijta.
Howlgalka ayaa si gaara uga dhacay Baadiyaha Di-Biriq Deegaanka Waniile oo qiyaastii 20KM u jira Dagmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud .
Ciidanka oo ku howlgalyo Xuuraansi iyo xogo sir doon ayaa usuura gashay iney Gacanta ku so dhigaan Mowliid oo Khawaariijta ugu Magacaabnaa waxa ay ugu yeeraan jabhadaha.
Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Xaq u dirirka Deegaanka ayaa kordhiyay Mudooyinka Dambe howlgalada gaarka ah ee laga fulinayo Goobaha ey ku sugan yihiin maleeshiyaadka gabalkoodu sii dhacaya ee Argagixisada.
6 920
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed OO KA TACSIYEEYEY GEERIDA -ALLE HA U NAXARIISTEE- General MAXAMUUD GEELLE YUUSUF.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay -Alle ha u naxariistee General MAXAMUUD GEELLE YUUSUF oo Xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho
“Alle ha u naxariistee Marxuum MAXAMUUD GEELLE YUUSUF waxa uu door weyn kasoo qaatay bilowgii dowladnimadeena. Waxa uu soo noqday Taliye Xigeenka CXDS Taliyihii Ciidanka Bada XDS Guddoomiyihii MAXKAMADDA BADBAADADA QARANKA. Waxaan xasuusannahay sida uu dadaalka ugu bixiyay in Qaranka Soomaaliyeed uu si mugleh uga dhex muuqdo saaxada siyaasadeed ee caalamka”.
