en
Feedback
Abdi'rizaak ALI🦁

Abdi'rizaak ALI🦁

Open in Telegram

Geesiga Dhulkiisa Guusha U Horseeda

Show more
6 920
Subscribers
+324 hours
+287 days
+20630 days
Posts Archive
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed
+3
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Ciidanka Boliiska gaarka ah ee Haramcad, Ciidanka Xooga Dalka & Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa si wadajira howlgal qorshaysan ku galay deegaano dhowr ah oo ku yaala dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Deegaanka Jilib Marko iyo Buulo Nagey” Ciidamada ayaa burburiyay fariisimihii ay Al-Shabaabku ku lahaayeen deegaanada ku yaala dhulka Howdka ah ee kala ah macalin Yuusuf Nafaqow” iyo deegaano kale. “Howlgalkaan wuxuu ahaa mid la qorsheeyay ka dib markii la ogaaday in Argagixisadu ay samaysteen baro ay isku qariyaan oo ku yaala dhulka Lama Dagaanka Ah oo dhirtu ku badantahay, Dowladda Somalia ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada Al-shabaab iyadoo maalmihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo is kaashanaya ay la wareegeen in ka badan 20-deegaan oo Argagixisadu ay horay u joogeen. Sidoo kale ciidamada ayaa baaris ka sameeyay baraha koontoroolada, waddooyinka muhiimka ah ee magaalada soo gala iyo howdadka ay ku dhuumaleystaan maleeshiyaadka alshabaab, si aysan shacabka ugu kaadsoomin dhagarta kooxaha Sharwadayaasha ah, ay maleegayaan had iyo goor”

photo content
+6

photo content
+3

Howlgaal lagu baacsanayo maleeshiyaadka khawaarijta Ayaa Ka socdo jiinka wabiga jubba ee gobolka jubbada hosse Howlgaalka Aya
Howlgaal lagu baacsanayo maleeshiyaadka khawaarijta Ayaa Ka socdo jiinka wabiga jubba ee gobolka jubbada hosse Howlgaalka Ayaa Ka socdo Degaana hoos yimaada Tuurdho iyo dagmaada Jamaame ee gobolka jubadda hoose . Sida xogta hordhaca aan ku helayno waxaa jira qasaaro baaxad leh oo cadwga khawaarijta lagu gaarsiiyay howlgalka hadda Ka socdo jiinka wabiga juba. Wixi fahfahiin ah Kala socdo halkan.

Waa Ehelada Labadii Gacasatada aheed ee Ka soo jeeday Cadaado laguna Dilay Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb oo Cadaalad dal
+3
Waa Ehelada Labadii Gacasatada aheed ee Ka soo jeeday Cadaado laguna Dilay Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb oo Cadaalad dalbanaya.

Deg deg Hawlgal Qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidanka Kumandooska Danab XDS Ayaa Jab xoogan lagu gaadhsiiyey maleeshiyad ka tirs
+7
Deg deg Hawlgal Qorshaysan oo ay fuliyeen Ciidanka Kumandooska Danab XDS Ayaa Jab xoogan lagu gaadhsiiyey maleeshiyad ka tirsan khawaarijta Hawlgalkan ayaana ka dhacay dhulka hawdka ah ee ku teedsan jiinka ee wabiga jubba ee Gobolka Jubbada Hoose. Commentiga likinga ka fiiri bakhatigii khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal Ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Cee
+3
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Saxiibada Caalamka Ayaa howlgal Ka sameeyey Deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan à Gobolka Galgaduud. Ciidanka Kumaandooska Ayaa Heley Xogta in Khawaariijta ay isku aruursanayaan Deegaanadaas Howlgalka ayaana lagu laayey horjoogayaal iyo maleeshiyaad. Degaanada howlgalku ka dhacay ayaa ciidanku la wareegay waxaana la burburiyey saldhigyadii Khawaarijta. Sawiro Dheerada Halkan Ka Arag⤵️ https://www.facebook.com/share/p/NNkwGCp3yHLEHcwf/?mibextid=RtaFA8

Afhayeenka Booliska oo caawa wareysi siiyay Telefishinka UNIVERSAL ayaa xaqiijiyay in kiiskii afduubka iyo dilkii Ganacsade A
Afhayeenka Booliska oo caawa wareysi siiyay Telefishinka UNIVERSAL ayaa xaqiijiyay in kiiskii afduubka iyo dilkii Ganacsade Abuukar Axmed Kaabax loo xiran 7 qof oo uu ku jiro Taliyihii Booliska degmada Huriwaa. Waxaa uu sheegay in raggan eedeysanayaasha ah Maxkamadda ku shaqada leh ay sugayaan.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu yiri" Maanta abbaare 9:30 subaxnimo, Ciidanka Boliiska S
Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa lagu yiri" Maanta abbaare 9:30 subaxnimo, Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Yaaqshiid waxa uu soo qabtay Edeysane Naley Maxamuud Saney 26 jir ah oo gubtay Saygeeda" Ninka xaaskiisu gubtay waxaa gargaar u fidiyay Ciidanka Boliiska hadana waxaa lala tacaalayo Xaaladiisa Caafimaad. Naley Waxaa la horgeydoonaa Maxamakada awooda u leh Insh-Allah".

Isticmaalka Tramadol (225) , Isku day Kufsi, Dilka laba ruux iyo dhaawaca mid kale - Garmaqal ilaa Xukun. https://www.facebook.com/share/v/73Giqybgi5J69k9Y/?mibextid=oFDknk

Faah faahin: Hawlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ay ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan Degaanka Cali Yabaal meel 2 Km Kaga Beegan Dhanka Galbeed Howlgalkaan ayaa Lagu dilay in Ka badan 15 Maleyshiyaad ah Halka Dhaawaca uu gaarayo 22 Maleyshiyaad ah oo ka tirsan Khawaarijta Goobta Duqeynta laga Fuliyey ayaa Khawaarijta u eheed Saldhigii Jabhada Nabadiidka Sidoo Kale Duqeynta ayaa lagu BurBuriyey Sanaad ay lahayeen Maleyshiyaadka Khawaarijta ah Degaanka Cali Yabaal ayaa Hoostaga Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud

photo content
+1

photo content
+9

DEG DEG :- Howlgal Qorshaysan oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gaar ahan Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa Caawa ilaa s
+9
DEG DEG :- Howlgal Qorshaysan oo ay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyed Gaar ahan Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ayaa Caawa ilaa saaka laga Fuliyey Degaano maleshiyada Khawaarijta Ay ku dhuumaaleeysanayeen kuwaasi oo ahaa goobo lacago Baad ah Dadka Shacabka Soomaaliyed uga Qaadan jireen . Degaanada Howlgalkaan Qursheysana laga fuliyey Waxaa ka mid ah lawi nasro Bagdaad Day -Gaab labaatan jirow iyo Degaanka Garas Dheere ee Isku Xira Gobalada Baay iyo Bokool. Hool-Gal kan Guuleystey waxaa Hogaaminayey Taliyaha Guutada 8-aad Qeybta 60-aad Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyed G/le Maxamed Nuur Mad- Dheere oo ay qeyb ka ahaayey Saraakisha Taliska Guutada 8-aad iyo Halgamaa ibdow Baare iyo Gudoomiyihii hore Ee Degmada Diinsoor Ee Gobalka Baay Abdi salaan Haaji Siidow . Dhamaan Degaanadan Hool-Galkan laga Fuliyey Waxaa Hada kusugan Gesiyasha Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad CXDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Maanta Xariga ka Jaray Masaajidka Al Xaaji S
+3
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Maanta Xariga ka Jaray Masaajidka Al Xaaji Sheikh Maxamuud oo laga hirgaliyey Xarunta Taliska Guud ee Villa Baydhabo Taliyaha Arurka 38-aad ee Taliska Guud G/Sare Salaad Xasan Jaamac iyo saraakiil kale ayaa goobjoog ka ahaa xarig jarka Masaajidkaan cusub, waxaana Taliyaha uu ku amaanay saraakiisha juhdiga ay galiyeen in xerada ay ka dhisaan Masjid lagu cibaadaysto. Ma jirto meel ka wanaagsan oo dhaqaale lagu bixin lahaa dhismaha guriga ilaahay, waadna ku mahadsantihiin dhismaha masaajidkaan quruxda badan ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin.

Isticmaalka Tramadol (225) , Isku day Kufsi, Dilka laba ruux iyo dhaawaca mid kale - Garmaqal ilaa Xukun. Halkan ka daawo muuqaalka⤵️ https://www.facebook.com/share/v/73Giqybgi5J69k9Y/?mibextid=oFDknk

Labada Dilaa Mukhaadaraadka/ Hubka (maandooriiye iyo Qori) waxaana in badan oo ka mid ah guryaha soomaaliyeed yaalla mid ka mid ah labadan Dilaa. Waayadaan dame waxaa fara ba'an ku haya badqadka Bulshada soomaaliyeed,laba cadow oo iskaashanaaya waxayna bulshada ka dhigeen kuwa aan dhanna u fayoobayn sida akhlaaqda, caafimaadka, Amniga, dhaqaalaha, Aqoonta, arimaha Bulshada iwm. labadaan cadow waxay si wada jir ah Bulshada uga dhigaan kuwa aan lahayn wax Jiritaan mustaqbal ah, mar haddii ay beegsanayaan ama burburinayaa arimaha aas aaska u ah Bulshada jiritaankeeda sida aan kor ku sheegnay. Labadaan Cadow waxay beegsadaan Miraha Bulshada, sida Aqoonyahanka, Ganacsadaha, Dhalinyarada, Haldoorka iwm. Qorigu: waa dilaa toos ah waxa uuna Bulshada soomaaliyeed ka dhigay mid si daran u naafeeyey kaas oo la dhihi karo waxa uu gaaray dhibkiisu Qoys kasta. Maandooriyuhu:- waxa uu bulshada ku reebay Saamayn ka togan midda qori sameeyo, sababtoo ah, waa dilaa togan iyo Dilaa toos ah sidoo kale waa dhiirageliyaha falalka Qori sameeyo. Sidaa darteed, waxaa qof walba is waydiinayaa Su'aalahaan oo mudan in laga jawaabo si furan, jawaabta maaha mid qola ku gaar ah. Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Puntland. 1. Sanadadii ugu dameeyey maxay u noqdeen Falalka ay Geysanayaan Maandooriye iyo Sxbkiis Qori kuwa faraha ka baxa? 2. Qori oo ahaa 30 sano la soo dhaafay mid sxb la ah Soomaaliye masaan buu dadka u laynaayey mise Siyaado kalaa jirta? 3. Qorigu maleeyahay Sharciyo ama Xeerar caalami ah oo ka qaybqaata yaraynta dhibkiisa? 4. Qoriga oo laga heli karo in badan oo ka mid ah guraha soomaaliyeed ma u naqaanaa Cadow mise? 5. Maandooriyuhu ma mid ku cusub baa soomaaliya, waa meeqa nooc maandooriyaha soomaaliya yaalla? 6. in badan oo ka mid ah Umadaha Aduunku waxay haystaan qori sidoo kale maandooriyuhu in badan oo ka mid ah waxa uu ka yahay mid laga isticmaalo, hadaba maxaa keenna ku siyaado ah.? 7. Dowladdu maka adkaanweydey inay la dagaalanto Labadaan Cadow ama ay xakamayso? 8. Bulshadu ma leedahay door ay kula dagaalanto Labadaan Cadow? 9. Majirtaa shuruuc u degan soomaaliya gaar ahaan puntland ee khusayso Labadaan Cadow.. 10. Ilaa goorma iyo xagee buu ka imaanayaa xalka labadaan Cadow.

photo content

Shirka Taliyaasha ciidamada cirka ee Africa oo ay yimideen in kabdan 35 dal oo Somaaliya ay ka Mid tahay ayaa ka Furmay Sanad
+2
Shirka Taliyaasha ciidamada cirka ee Africa oo ay yimideen in kabdan 35 dal oo Somaaliya ay ka Mid tahay ayaa ka Furmay Sanadkaan Dalka Tunisiya. Wafdi uu hogaaminyo Taliyaha Ciidanka Cirka ee xoogga Dalka Janeraal Maxamuud Sheekh Cali (dable beylood) ayaa soomaaliya ku matalaya shirka taliyaasha ciidamada cirka ee Africa. Soomaaliya ayaa sanadkii Sadexaad Xubin buuxda ka noqotey isbaheysiga taliyeyasha ciidamada cirka ee Afrika iyadoo looga hadlayo Hormarinta Ciidamada Cirka Ee Africa iyo Xoojinta Is kaashiga ka dhexe Ciidama Cirka.