Abdi'rizaak ALI🦁
Open in Telegram
6 920
Subscribers
+324 hours
+287 days
+20630 days
Posts Archive
6 920
Taliyihii Hore Ee Guutada 28-aad Ee Abuu Cubeyda G/le Sare Macalin Nuur Ayaa Xilka Ku wareejiyey Taliyaha Cusub Ee Guutada 28-aad G/le Cali Xuseen Kuusoow Waxaana Goob Joog Ka ahaa Taliyaha Gudiga Xil Wareejinta G/le Aadan Siyaad
6 920
Tayada Iyo Tababarka Wanaagsan Ee Ciidankeenna Waa Wadada Ugu Qiimaha Badan Ee Shacabkeennu Ay Ku Heli Karaan Xasilooni Waarta .
6 920
Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Somaaliyed S/guuto Zakia Hussein Ayaa Kormeertay Akademiyada Gen Kahiye iyo ciidanka Dhibowga loo diyaariyay suggidda amniga caasimadda ee bisha Ramadan. Balanta waa shaqo iyo sharafeyn bulsho
Sidoo Kale Jeneraal Zakia Ayaa wakhti la qaataday Kooxda Fanaaninta Boliiska ee Heegan oo dhawaan uu geeriyoday Taliyahooda hore Capt Sheikhnuur.
6 920
Foolxumada kaliya ay raggu leeyihin waa lacag la’aanta io busaarada😂
Wasiirka Gaashaandhiga DFS Cabduqaadir Maxamed nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka XDS wafdiga ka socday Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga.
Saraakiisha ka socday Dalka Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada Ciidamada Badda,Dhulka iyo Masuuliyiin ka Socotay Wasaarada Difaaca Dalka Turkiga.
Ujeedada safarkooda ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ah dhismaha iyo Qalabeynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo Heshiiskii dhawaan ay wada galeen Dalalka Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ahaa Heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha.
Shirkaan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Badda ee XDS Admiral Cabdi Warsame, Taliyaha Ciidamada dhulka Gen Dayax Cabdi cabdulle iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya.
6 920
DEG DEG Macawisleyda deegaanka ayaa weerar dhaliyey Qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ku qaaday fariisin ay kooxda AS ku laheyd deegaanka BAALAL-DHEERE oo hoostag magalada Qaayib ee Gobolka Galgaduud
Labo dhagar-qabe ayaa dhimatay waxaana ku dhaawacmay ku fhawaad 5 kale waxaana Taliskii la wareegay ciidamada deegaanka
Saraakiisha ciidamada deegaanka ayaa sheegay in guul weyn ay ka gaareen weerarka ay ku qaadeen saldhigii ay kooxda Qawaarijta ku weerareen
6 920
Buuga The Art of war "Loollan/Xeeladaya Dagaalka" waxaa qoray maanmaal shiines ahaa oo la oran jiray Sun Tzu(soon Tisuu)
Sun Tzu waxa uu qabaa in dalka la difaaco iyada oo dhaqaalaha lagu ilaalinayo heerkiisu, in ay u baahan tahay basaasiin iyo sirdoon joogto ah oo dhaqdhaqaaqa iyo firfircoonida cadaawaha si joogto ah u la socda.
Mar uu sirdoonka ka hadlayay waxa uu sheegay in Sirdoonnimaduna tahay shaqo sharfan oo mudan , sidoo kalena ay lagama maarmaan tahay in sirdoonka iyo hoggaamiyayaasha sarsare ay xidhiidh toos ah lahaadaan.
Ciidankii mareekanka ee weeraray Fiidnaam mid kasta oo kamid ah waxa boorsadiisa ugu jiray buugan oo hage u haa, xeelada buuga ka buuxa waxaa kamid ah in guusha la helo iyadoo qasaraha laga fogaanayo.
6 920
Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo maalintii Afaraad kasocda deegaanada waqooyi ee gobolka Jubbada hoose.
6 920
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamadda Jubbaland ayaa howlgal ay afar maalin kawadaan degaano katirsan gobolka Jubaddanhoose ku guuleeystay inay soo saaraan islamarkaasna fashiliyaan miino khawaarijta ku aaseen wadooyinka si ay ugu dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
Howlgalada ayaa ka socdo nawaaxiga Baar-sanguuni iyo dhinaca kale ee wabiga gaar ahaan tuulooyin hoostaga degmada Jamaame.
6 920
Taliyaha Guutada 18aad Kumaandooska Xds Goror G/le Xasan Aadan Maxamed Xasan Ciraaqi Ayaa qudbad kajeediyey Munaasabadda Xil Wareejinta Taliyaasha Xilka Isku Badalaya Ee Guutada 17aad Kom Gorgor Isagoo Ku Booriyey In Ee Siilaba Jibaaraan Howsha Adag Ay Hayaan
6 920
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ah wehliyaan Saraakiil ka tirsan CXDS ayaa kulan la qaatay Agaasimaha UNSOS Qurat-Ul-Ain iyo Madaxds kale ee UNSOS
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo Agaasimaha UNSOS ayaa ka wada hadlay Sidii loo kordhin lahaa loona Joogteen lahaa taageerada dhanka Saadka iyo Tababarada ay UNSOS siiso Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaana uga mahadceliyay Taageeridda Joogtada ah ee ay UNSOS siiso CXDS.
6 920
Waxaa maalintii sedexaad howgal lagu bacsanayo khawaarijta uu ka socdaa gobolka jubbada hose.
Ciidanka kumaandooska Danab gaar ahaan ururka 162aad guutada 16 aad iyo Ciidanka Jubbaland oo bacsanayo maleeshiyaadka khawaarijta Ayaa godadkooda ugu daatay.
Howlgalo ay si wadajir ah ufuliyeen Ciidamadda Ayaa kadhacay gediga shishe ee webiga jubba sidaa tuuloiyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo degaano kale.
Ciidanka ayaa udaatay godad ay Ku dhuumaaleysanayeen Maleeshiyaadka khawaarijta
Waxaana socdo duqeymo dhanka cirka ah oo lagu beegsanaayo goobaha ay gabaadka ka dhiganayaan khawaarijta.
Howlgalka ayaa lagu dilay 35 Horjoogayaal iyo maleeshiyaadk khawarij ah OK ay kamid yihiin Ajaaniib iyo Soomaali horjooge Jaabir dhalashadiisa tahay Kenya horjoogihii sirdoobka Saadiq iyo horjoogihii qaraxyada uqaabilsanaa oo lagu magacaabo Cabdiqani.
Sidookale Ciidamadda ayaa nolosha ku qabtay 7 dhagar qabe.
Inta uu howlgalku socdo SNA RADIO kala soco faah faahino dheeraad ah.
6 920
Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyey Magaalada Xudur Ee Xaruunta Gobolka Bakool Howlgalkan oo ahaa mid lagu sugaayey Amiga guud Ee Magaalada ayaa Ciidamada ka fuliyeen kontoroolada laga soo Gala Magaalada.
Waxaana inta Howlglka Socday Ciidanka ay baarayeen gawaarida ka imaada banaanka Magaalada Saraakiisha hogaaminaysay howgalka ayaa sheegay inay sii Wadi doonaan Howlagalada Noocan ah
6 920
Deg Deg: Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta ayaa hadda lagu qabtay tuulada Soomarey oo hoos tagta Degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose.
Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Kuwa Nabadsugida Jubbaland ee Gurmad Qaran ayaa Jubbada hoose ka wada howlgalka ballaaran oo lagu sifeynayo cadowga Khawaarijta ah ee caadeystay dhibaateynta Shacabka.
6 920
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamadda Jubbaland ayaa howlgal ay shalay ka sameeyeen nawaaxiga degmada Jamaame gaar ahaan tuulooyinka Muuse Xaaji, Turnhouse, Malaayleey ku dilay maleeshiyaad khawaarijta katirsan iyagoona nolosha ku qabtay 7 kale faah faahin dheeraad ah halkaan kala soco
