HINDISE
Kanalga Telegram’da o‘tish
ALLE S.W.T Wuxuu yidhi (فاقصص القصص لعلهم يتفكرون). Umad aan garanayn taariikhdeeda ma Ma wanaajiso qaabaynta mustaqbalkeeda. Qofka Taariikhda Akhriya ma galo qalbigiisa quusasho waligii! Aduunkana wuxuu u arkayaa in ay tahay maalmo kaliya.
Ko'proq ko'rsatish2 807
Obunachilar
-324 soatlar
-187 kunlar
-4630 kunlar
Postlar arxiv
2 806
Sidaas darteed waxay go'aansadeen inay ka cararaan dhulka Muslimiinta oo si degdeg ah ugu noqdaan dalkooda oo aad u fog. Waxayna ku noqdeen iyagoo jab iyo guuldarro la hoyday.
Markii warkaas soo gaaray Boqor Toqaan Khaan, wuxuu go'aansaday inuusan ku ekaan difaac oo uu daba galo ilaa dalkooda. Wuu eryaday, iyadoo masaafada u dhexaysay ay ahayd safar saddex bilood ah.
Markii uu soo gaaray, waxay ciidankii Shiinuhu u maleeyeen inay ammaan joogaan maadaama masaafadu dheerayd. Markaas ayay Muslimiintu weerar lama filaan ah ku qaadeen, dagaal culusna way la galeen.
Dagaalkaas waxaa lagu dilay 200,000 oo ka mid ahaa ciidankii Shiinaha, waxaana maxaabiis ahaan loo qabtay 100,000 kale.
Boqorku wuxuu soo laabtay isagoo dib u soo celiyey haybaddii iyo sharaftii Islaamka ee gobolkaas, wuxuuna watay qaniimo aan la soo koobi karin ilaa magaalada Balasaghun (بلاساغون).
Laakiin markii uu magaalada soo galay, xanuunkiisii ayaa dib ugu soo noqday. Dhowr maalmood kaddibna Alle ayaa oofsaday.
Boqor Toqaan Khaan wuxuu ahaa boqor wanaagsan, caddaalad badan, geesi ah oo difaacay Islaamka. Alle ha u naxariisto.
Xigasho:
الكامل في التاريخ
سير أعلام النبلاء
2 806
Markii uu Boqor Toqaan Khaan (طغان خان) ogaaday duullaanka cadowga, wuxuu Alle weydiistay inuu ka bogsiiyo xanuunkiisa si uu ugu jihaado ugana aarguto cadowga Islaamka. Wuxuu yiri:
"Alloow i caafimaadi si aan ula dagaallamo, dabadeedna haddii aad doonto iga qaad nafta."
Alle SWT wuu ka aqbalay ducadiisii, wuuna bogsiiyey.
Boqorku wuxuu ururiyey 120,000 oo askari, wuxuuna ula baxay inay la kulmaan ciidankii Shiinaha.
Markii ciidankii Shiinuhu maqleen imaatinka Boqor Toqaan Khaan, cabsi ayaa gashay. Inkastoo ciidanka Shiinuhu ay laba jibbaar ka badnaayeen ciidanka Muslimiinta, haddana waxay ka baqeen la kulanka Muslimiinta tawxiidka ku dhisan. Alle ayaana quluubtooda geliyey cabsi iyo argagax, sida uu Nebigu ﷺ yiri:
"Waxaa la igu gargaaray cabsi lagu rido quluubta cadowga, iyagoo hal bil oo safar ah iga jira."
Alle wuxuu cabsi ku riday quluubta gaalada inkastoo ay tiro badnaayeen.
2 806
Sidaas darteed waxay go'aansadeen inay ka cararaan dhulka Muslimiinta oo si degdeg ah ugu noqdaan dalkooda oo aad u fog. Waxayna ku noqdeen iyagoo jab iyo guuldarro la hoyday.
Markii warkaas soo gaaray Boqor Toqaan Khaan, wuxuu go'aansaday inuusan ku ekaan difaac oo uu daba galo ilaa dalkooda. Wuu eryaday, iyadoo masaafada u dhexaysay ay ahayd safar saddex bilood ah.
Markii uu soo gaaray, waxay ciidankii Shiinuhu u maleeyeen inay ammaan joogaan maadaama masaafadu dheerayd. Markaas ayay Muslimiintu weerar lama filaan ah ku qaadeen, dagaal culusna way la galeen.
Dagaalkaas waxaa lagu dilay 200,000 oo ka mid ahaa ciidankii Shiinaha, waxaana maxaabiis ahaan loo qabtay 100,000 kale.
Boqorku wuxuu soo laabtay isagoo dib u soo celiyey haybaddii iyo sharaftii Islaamka ee gobolkaas, wuxuuna watay qaniimo aan la soo koobi karin ilaa magaalada Balasaghun (بلاساغون).
Laakiin markii uu magaalada soo galay, xanuunkiisii ayaa dib ugu soo noqday. Dhowr maalmood kaddibna Alle ayaa oofsaday.
Boqor Toqaan Khaan wuxuu ahaa boqor wanaagsan, caddaalad badan, geesi ah oo difaacay Islaamka. Alle ha u naxariisto.
Xigasho:
الكامل في التاريخ
سير أعلام النبلاء
2 806
Daarta laylaan ka baadhaa
Daarahaan marayee
Darbigaan kolba dhunkashiyo laabta galiyaaye
Qalbigeygu daartiyo musan dagin bogaygee
Ase cida daarta dagan baa dagtay laabtaydii
2 806
"Hadda way dhammaadeen Dagaalladii Saliibiyiinta ee macatablayda."
Iyagu ma aysan illoobin, annaguna nasiib darro waan illoownay!
Xigasho: Buugga Xusuusaha Suldaan Cabdulxamiid II ee uu qoray Murad Doman.
2 806
Iyagu ma aysan illoobin, annaguna nasiib darro waan illoownay!
Markii ciidamadii Giriigga ee Masiixiyiinta ahaa intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka galeen magaalada Bursa ee Turkiga Caasimadna u ahayd dawladii Faca weyneyd ee Cuthmaaniyiinta;
Taliyihii ciidanka Giriigga ayaa galay qabriga Suldaan Cusmaan Gaazi, aasaasihii Dawladdii Cusmaaniyiinta, dabadeedna laag ayuu ku dhuftay qabriga isagoo ku qaylinaya:
"Kac, kaagan cimaamada waynoow ! Kac, Cusmaankii weynaayoow! Kac si aad u aragto xaaladda ay ku sugan yihiin tafiirtaadu. Waxaan burburinnay dawladdii aad aasaastay, waxaan u imid inaan ku dilo!"
Markii ciidamadii Faransiiska ay galeen Shaam intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Adduunka, Janaraal Gouraud wuxuu si toos ah u aaday qabriga Salaaxudiin Al-Ayuubi, laad ayuuna ku dhuftay isagoo yiri:
"Salaaxudiinow, waanu soo laabannay ."
Sidoo kale, markii ciidamadii Ingiriisku galeen Qudus, Janaraal Allenby wuxuu yiri:
2 806
Soomaalidii, culimo iyo caamoba, way jahawareereen. Xitaa hadalkii Nebiga (NNKH) iyo xadiisyadiisii ayay si khaldan u fahmeen. 🤔
Sababtoo ah xayawaanka loo yaqaan ورل oo sun leh ayay u maleeyeen inuu Nebigu (NNKH) fasaxay in hilibkiisa la cuno.🤣Nasiib darro, wey marinhabaabeen.
xayawaanka Nebigu (NNKH) fasaxay cunistiisa waa الضب, waayo bahalkaasi sun ma laha, geedaha oo keliya ayuu daaqaa, hilibkiisana waxaa lagu yaqaannaa inuu daawo iyo nafaqo yahay. Fiiro gaar ah: Midka hilibkiisa la cuni karo waxaa loo yaqaan #Dabasaqaf, #Dabaxanaf, waxaana magaciisa Carabiga ah la yiraahdaa #الضب.
Midka hilibkiisu xaaraanta yahayna waxaa loo yaqaan #Masocagaleey, #Maso, #Riyonuug, #Abeesocagaleey, #Gaannuug, #Abeesojilfaxley iyo #Afar_iyo_adinley, waxaana magaciisa Carabiga ah la yiraahdaa #ورل.
Labadoodu iskuma eka, maxaa yeelay mid wuxuu u eg yahay yaxaas, waana bahal sun leh; kan kalena waa bahal qurux badan oo muuqaal wanaagsan leh. Hadalkayga ma fahamteen❓
