cookie

Sizning foydalanuvchi tajribangizni yaxshilash uchun cookie-lardan foydalanamiz. Barchasini qabul qiling», bosing, cookie-lardan foydalanilishiga rozilik bildirishingiz talab qilinadi.

avatar

QURAANKA IYO SAYNISKA

Ma ogtahay in kanaalkan yahay kanaalka kaliya ee ka hadla xidhiidhka wayn ee ka dhexeeya sayniska iyo quraanka. Kuso biir kanaalkan. MAWDUUCYADA OO muuqaal ah waxaad kasoo daawan kartaa halkan. https://www.facebook.com/profile.php?id=100086491036194

Ko'proq ko'rsatish
Reklama postlari
15 274
Obunachilar
-1124 soatlar
-137 kunlar
-330 kunlar

Ma'lumot yuklanmoqda...

Obunachilar o'sish tezligi

Ma'lumot yuklanmoqda...

Xaqiiqada dhabta ah ee dhulka Qaybtii 3aad ARAGTIDA  SAYNISKA Saynisku waxa uu dhulka ku sheegayaa  kuna sifaynayaa  inuu yahay  mid ka mid ah meereyaasha   Ku darsoo saynisku waxa uu dhulka ku sifaynayaa mid wareeg sameeya kaas oo ay ka dhashaan habeenka, maalinka iyo sanaduhuba, Intaa waxa dheer sayniskan cusubi waxa uu qoroxda u magacabayaa inay tahay xudunta dhaamaan meerayasha taas oo aan iyadu dhaaqaaqin marka laga reebo isku wareega ay iyadu isku wareegto. QURAANKU MAXA  UU  KA YIdhi DHULKA. Quraanka marna Alle kumuu sheegin in dhulku meere yahay waayo meerayasha Alle weyne waxa uu ugu talagalay ujeedooyin ay ka mid yihiin: In lagu soo gano (tuuro) shayaadiinta iyo in ay qurux iyo ifiin unoqoto samada aduunyada. Bal ufiirso waatan aayaduye إِنَّا زَيَّنَّا السَّمَاءَ الدُّنْيَا بِزِينَةٍ الْكَوَاكِبِ ۝ وَحِفْظًا مِنْ كُلِّ شَيْطَانٍ مَارِدٍ ۝ Hadaba akhriste dhulka ma la odhan karayaa waa meere kaas oo isna sida meeerayaasha kale  loogu talagay in shayaadiinta lagu soo gano. Jawaabtu waa maya. Dhinaca kale quraanka marna Alle kuma uu sheegin in dhulku uu socdo lknse waxa uu sheegay inbadana ku sheegay in ay qoraxdu socoto. Fadlan ufiirso aayadan. ...قَالَ إِبْرَاهِيمُ فَإِنَّ اللَّهَ يَأْتِي بِالشَّمْسِ مِنَ الْمَشْرِقِ فَأْتِ بِهَا مِنَ الْمَغْرِبِ فَبُهِتَ الَّذِي كَفَرَ ۗ وَاللَّهُ لَا يَهْدِي الْقَوْمَ الظَّالِمِينَ (258)  Sida aayada sare ku suntan kuna xusan nabi ibraahim(CSW) waxa uu boqorkii  gaalka ahaa ee la doodayey ku yidhi Alle waa Allaha ka keena cadceeda bari ee adigu ma ka keeni karta galbeed . Ufiirso aayada fahanka ku jira  kaas oo ah in Alle cadceeda socod siiyo isagoo ka soo saara bariga kana rida si ay uga dhacdo galbeedka. Hadaba akhristee iyadoo aayado badan oo kale oo qadiyad ka warmaya ay jiraan hadana halkaa aan ku gaansanee, ma mudan tahay oo ma inoo fiicanthay inaynu rumaysano Allihii abuurtay dhulkan iyo cadceedaba siiyayna sifo kasta oo makhluuq uga baahnaa. Mise waxaynu rumaysana saynis ku dhisan qaacidada ah "The science come the science go "
Hammasini ko'rsatish...
3
Fursadii Qarniga BUSHAARO BUSHAARO BUSHAARO Dhammaan bulshowaynta soomaaliyeed ee ku dhaqan dunida daafaheeda, waxa kuliyada wayn ee ALFURQAN ONLINE SCHOOL idinku war galinaysa inay qaadanayso fasalo cusub bishan 7aad ee sanadka 2024 oo kala ah. 1) Quraanka iyo axkaamtiisa. 2) Barashada carabiga. 3) Barashada Englishka. 4) Barashada combuterka iyo isticmalkiisa oo bilow ah . ♨️ computerka waa bilaash kaliya diwan galinta ayaad 6 dollar bixinaysaa. 5) xisaabta( dadka wawayn ) 6) Higaadda  oo bilow ah 7) cv writing 8) pharmacology(barashada daawoyinka) Dhamaan courseskan waxad qaadanaysa markaad dhamayso shahaado  dilloma ah cadaynaysa inaad dhamaysay cilmigaas. Ku baro cilmiga adoo # Gurigaaga jooga # Adoo shaqadaada jooga # Adooo ciyaalkaga dhex jooga # Adoon daal iyo tacab iyo bas fuulid umarin aqoonta. # Adoo shaqynaya baro cilmiga . Halkan hoose  iska diwaan gali:👇👇 @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq
Hammasini ko'rsatish...
Xaqiiqada nolosha
Maalinkasta qof ayaa dhimanaya, halka qof kale dhalanayo. Maalin kasta qof ayaa dhimanaya halka qof kale aroosanayo. Maalin kasta qof ayaa sakarad la xanuusanaya oo la ooyaya halka qof kale farxad la qoslayo isagoon garanayn waxa ka danbeya. Maalin kasta qof ayaa wax dulminaya halka mid kale la dulminayo. Maalin kasta qof ayaa xanuusanaya halka qof kale ciyaar ubaxayo. Maalin kasta gabadh ayaa la il daran xanuunka foosha ee dhalmada halka hablo badan ay tick tick isaga duubayan fiidyawyo  ay qaawan yihin iyaga  oofarxad  wajiguun ah oon qalbiga ahayn ay muujinayan. Maalin kasta dad ayaa gaajo kusoo toosa halka kuwo kalana ay dharag cuntada uso daadiyaan. Kuwan iyo kuwo kale oo badan waxay ka dhacaan dunida aynu ku noolnahay.
Hammasini ko'rsatish...
👍 2 1
MAWDUUC : Dareemayasha  xanuunka iyo taabashada. Waxay ahayd 1906 (1 qarni ka hor )markii aadamahu ogaaday in dareemayasha dareema xanuunka inay ku yaalaan diirka (skin),hayeshe, intii waqtiga ka horaysay reer yurubta iyo dadkii kale aqoon isku tuhmayay ee gaaleed waxay aamin sanayeen in maskaxdu dareento shay kasta oo ina taabta ama waxay aamin sanayeen in dareemayasha taabashada iyo xanuunkuba ku yaalaan maskaxda .si kastooy ahaato aragtidaasi waxay ahayd qalad gadaalna tii saxa ahayd ayay gaaladii ogaatay markii nin lagu magacaabi jiray  Charles Scott Sherrington kaas oo aha nin udhashay wadanka Ingiriiska ahaana dhakhtar  takhasuskiisu yahay (neurology) .Hadaba aragtida uu ninkaasi sheegay noqotayna ta saxa ah waxa ay tahay in dareemayasha xanuunka iyo damqashadu ay ku yaalaan diirka(skin) ama dubka . Hadaba Quraan ka rabi waxa uu ku xusay in gaalada maalinka qiyaame la dhan dhansiinayo cadab markasta oo uu jidhkoodu gubto oo uu baaba'ana jidh kale ama diir kale uu usamaynayo si ay udareemaan una dhadhamiyaan cadaabka waxaana uu rabi yidhi  : إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِـَٔايَٰتِنَا سَوْفَ نُصْلِيهِمْ نَارًا كُلَّمَا نَضِجَتْ جُلُودُهُم بَدَّلْنَٰهُمْ جُلُودًا غَيْرَهَا لِيَذُوقُواْ ٱلْعَذَابَ ۗ إِنَّ ٱللَّهَ كَانَ عَزِيزًا حَكِيمًا  Ayada waxaad ka fahmaysaa in dareemayasha xanuunku ay ku yalaan diirka kuwaas oo qaada geeyana habdhiska Dhexe ee dareen wadka ka dibna gaadhsiiya jidhkoo dhan kuna baraarujiya in meesha xanuun jiro.
وصدق الله في قوله:أَفَلا يَتَدَبَّرُونَ الْقُرْآنَ أَمْ عَلَى قُلُوبٍ أَقْفَالُهَا 
(Miyanay dadku ufiirsanhayn quraanka oo aanay ka fikirayn mise waxay leeyihiin qalbiyo xidhan oo qufulan)
Hammasini ko'rsatish...
👍 6 2
🔴🔴
KULMIS
🔴🔴 Linkigan hoose  waxa ku jira 96 channel oo ka mida chanalada kooxda kulmis taasoo  kooxda u baladhan ee aalada telegramka somaalida . Qaybta hoose taabo si aad ugu soo biirto. Hadii aad rabtid in chanalkaga laguugu daro la xidhidh ciwaankan . 👉👉@Abdirahmanmohamed1 @Abdirahmanmohamed1
Part one.
🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕 Fursad Qaali ah: Barashada Quraanka kariimka. 👇👇👇👇👇 Ma joogtaa wadamada Europeanka ama amerika ama wadamada carabta. Kuliyada Alfurqan online academy waxay ku diyarisay fasalo online ah . Oo barashaada Quraanka ah Halkan hoose iska diwaan gali 👇👇👇👇👇👇 @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq https://t.me/addlist/h3vQESiP3J02Yjc0
Hammasini ko'rsatish...
KULMIS 1AAD

A/rahman Mohamed invites you to add the folder “KULMIS 1AAD”, which includes 96 chats.

XOG AANAD OGAYN! .Ruuxda bani aadamka waxa la wada abuuray mar ! .marka laga reebo ruuxda aabaheen Aadam. Balse Alle wayne qofkasta jidhkiisa waxa uu abuura waqtiyo kala duwan kuna haboon qofkasta . Taasina waa sababta qofkasta loo soo saaro saman iyo xilli gooni ah si uu u qaato intii Alle u cayimay ee uu ku noolaan lahaa dhulka . Sidaa si lamid ah qofka waxa la oofsada xiligii ku haboona oo la duugaa jidhkiisa ruuxdu se Alle wayne ayaa og meesha ay tagto marka uu jidhkeedii dhinto oo uu shaqada joojiyo Isku soo wada duuboo , mar dadku way is wada leeg yihiin oo waa marka laga eego ruuxda marna waa ay kala wayn yihiin oo waa marka laga eego xilliga la abuuro jidhkooda ee ay dhulkan imaaadaan. 🤔🤔🤔 Waxay si gooni ah uuga hadli doonaa xalqadan ta xigta ruuxda iyo xog ku saabsan intii Alle wayne uu inaga baray uun . Kolba intaad like saarto ayaa noo turjimaysa baahida aad u qabto barnaamijyadayada.👍 Quraanka iyo sayniska
Hammasini ko'rsatish...
QURAANKA IYO SAYNISKA

Ma ogtahay in kanaalkan yahay kanaalka kaliya ee ka hadla xidhiidhka wayn ee ka dhexeeya sayniska iyo quraanka. Kuso biir kanaalkan. MAWDUUCYADA OO muuqaal ah waxaad kasoo daawan kartaa halkan.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100086491036194

23👍 7🤔 1
Waxaynu ognahay Dhulka aynu ku noolnahay in 71%ay yihiin biyo halka 29% uu yahay qalayl . Hadaba 14 qarni ka hor qur'aanka ayaa xusay dhacdadan waayo rabi waa kii kawnkan abuuray quraankuna waa kitabkisi. Haye aynu   guda galne erayga bad (بحر)quraanka Alle waxa uu ku sheegay 32 goor halka erayga BARI(بر)oo ah qaybta aan biya lahyn uu Alle xusay 13 jeer hadaba waa marka koowaade Alle quranka waa uu ku kala badiyay xusidooda quraanka dhexdiisa waayo waa sidii ay ukala badanayeen hayeeshee ta mucjisada ah ayaa waxa ay tahay aynu xisabino percentage ka midkastaba uu noqonayo . Aynu ku horayno  biyaha 32/45*💯=71.111=71(2significant figure) Qaybta qalylka ahna aynu soo qadano 13/45*100%=28.8=29%( 2 significant figure) Hadaba waxaan filayaa inaad garanaysaan sida loo xisaabiyo percentage ka marka koowaad waxaynu samynay labada shay eed percentage kooda raadinayso isku dar (13+32=45) Ka dibna marba mid soo qaado una qaybi tiradii kuso baxaday markaad isku gaysay (45) boqolna ku dhufo. Hadal iyo dhamaanteed Alle jalla wa cala waxa uu qurankisa ku leeyahay ( كتاب مرقوم) waa kitaab xisaab iyo tiro ku Dhisan .shaykastana rabi waa uu ku xusay ha yeeshee kolba saman kii yimaada ayuu uu rabi awoodiisa ku tusaa . Guntii iyo gabagabadii aragtidii u horaysay ee aynu xusno weyaan tani lkn inshlh kuwo badana waynu soo wadi . والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Waxa diyariyay:C.M.Y
Hammasini ko'rsatish...
10👍 1
Barnaamijyadi , qoraaladii iyo warbixinihii mar la aragaa ahaa eed iiga barateen ayaan dib ubilaabaya . Mashquulka igu badnaa maalmihii hore idinkuna share ta ku caawiya chanelka hore usocodkiisa wuu yaryahay .
Hammasini ko'rsatish...
👍 5 1
Asalamu calaykum. Dadka marba waxa lagula hadlaa inta karaankooga ahee. Maalinba nin ayaa waydiiyay saxaabigii waynaa ee cabdulahi ibnu cabaas fasirka ayaadan .
  : ( اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ يَتَنَزَّلُ الْأَمْرُ بَيْنَهُنَّ لِتَعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ وَأَنَّ اللَّهَ قَدْ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيْءٍ عِلْمًا )
Isaga oo ninku waydiinaya cabdilahi ;kun leh : cabdilahow garanay todobada cir oo waa kuwaa kala sareeya kuna yaala dusheena ,ee todobadan dhul xagay ku yaalaan ee Alle quraankii ku xusay. Cabdilahi waxa uu ugu jawabay ninkii  kuuuma sheegayo! Waayo ayuu waydiiyay ninkii cabdilahi. Cabdilahi waxa uu ku yidhi hadaan kuu sheego ma rumaysanysid waayo waxan soo wado ayaa wayn hadii aanad rumaysana quraanka ayaad beenisay hadii aad quraanka beenisana Alle ayaad beenisay hadaad Alle beenisana gaal ayaad noqanaysaa. Sidaa laa jigeed inaad gaal noqoto ayaan ku  diidayaa. Ninki waxa uu ugu dhaartay abdulahi inaanu diidahayn wax kasta oo usheego . Hadaba cabdulahi ibnu cabaas waxa kaga jawaabay su aasha sare jawaabtan . "Dhulalku waa 7 sida cirka oo kale  dhulkastana waxa ku nool aadan sidaa aadan keena oo kale ah ibraahiim sida ibraahiimkeena oo kale ah muxamed sida muxamed keena oo kale ah " Hadaba hadalka abdulahi waxaan ka dhandhansanaynaa in ay jiraan makhluuqyo kale oo bani aadam ah oo ku nool dhulalka oo shabaha ama u eeg dadkeena oo kale . Waxa la odhan karaa waxa uu cabdilahai ka hadlayay waa qaacidadan hada ay aamin san yihiin reer galbeedku taaas oo sheegaysa in uu jiro wax la dhaho parrallel universe. Arigtadan waxaam kaga hadli doona xalqad kale iyadoo faahfaahsan . Hadaba saxaabadi rasuulku waxay ahaayeen kuwo fahansan quraanka macne kasta oo uu kusoo arooarayo . Balse in aduunka ay horumariyaan waxay ka door bideen aaakhirada inay xooga saaraan iyaga oo awooda horumarinta aduunka iyo kusoo kordhinta cilmi iyo aragtiyo cusub. Share samee .
Hammasini ko'rsatish...
👍 11😢 1
Asalamu calaykum. Dadka marba waxa lagula hadlaa inta karaankooga ahee. Maalinba nin ayaa waydiiyay saxaabigii waynaa ee cabdulahi ibnu cabaas fasirka ayaadan .
  : ( اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ وَمِنَ الْأَرْضِ مِثْلَهُنَّ يَتَنَزَّلُ الْأَمْرُ بَيْنَهُنَّ لِتَعْلَمُوا أَنَّ اللَّهَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ وَأَنَّ اللَّهَ قَدْ أَحَاطَ بِكُلِّ شَيْءٍ عِلْمًا )
Isaga oo ninku waydiinaya cabdilahi ;kun leh : cabdilahow garanay todobada cir oo waa kuwaa kala sareeya kuna yaala dusheena ,ee todobadan dhul xagay ku yaalaan ee Alle quraankii ku xusay. Cabdilahi waxa uu ugu jawabay ninkii kuuuma sheegayo! Waayo ayuu waydiiyay ninkii cabdilahi. Cabdilahi waxa uu ku yidhi hadaan kuu sheego ma rumaysanysid waayo waxan soo wado ayaa wayn hadii aanad rumaysana quraanka ayaad beenisay hadii aad quraanka beenisana Alle ayaad beenisay hadaad Alle beenisana gaal ayaad noqanaysaa. Sidaa laa jigeed inaad gaal noqoto ayaan ku diidayaa.
Hammasini ko'rsatish...
Boshqa reja tanlang

Joriy rejangiz faqat 5 ta kanal uchun analitika imkoniyatini beradi. Ko'proq olish uchun, iltimos, boshqa reja tanlang.