9 534
Obunachilar
-724 soatlar
-837 kunlar
-34330 kunlar
Postlar arxiv
9 534
Goortu waa 19/11/2018,goobtu waa magaalada Godey ee Soomaaligalbeed.
Waa 8 sano ka hor.
Qisada sawirka
Sawirkan waxa la iga qaaday aniga oo muuqaal ka duubaya dadka reer Godey ee Soomaaligalbeed oo ka warramaya dhibta ay ka soo mareen taliskii hore ee Itoobiya .
Waxa dareenkayga taabtay ka warranka ay ka warramayeen dhibaatooyinkii iyo dulmigii lagu hayey iyo maanta sida ay u xorriyad warramayaan .
9 534
Ugaandhiiska bakhtigooda koonfur lagu wadho ayaa leh 2 todobaad baanu ku qabsanaynaa Dahraan.Way maadaynayaan e kuwooda la wadhwawdho ha u taliyaan.
9 534
Ibraahiimiydda iyo dabadhilifnimada ay sexeexeen ganataalada Eeraan ka celin wayday,yuhuud iyo nasaaro na wax ka celin waaye.
Sawirku waa waa 2020 iyo “aqalka cad” waa sexeexii heshiiska ay Imaartka iyo Baxrayn la galeen yuhuudda.
9 534
Cashuurta waxa laga qaadaa saboolka waxaana lagu celiyaa maalqabeenada.
Sakada waxa lga qaadaa maalqabeenada waxaana lagu celiyaa saboolka.
9 534
Dadka leh cashuurta waxa lagu dhisaa dugsiyo (iskuullo) iyo Dhakhtarro (hospital ) xagaad ku aragteen iskuul iyo dhakhtarro bilaash ah?! Oo dadka loogu adeegayo si lacag la’aan ah?!
Soo sheega dugsiga ama cisbitaalka ay dhiseen-cashuurqaadayaaahu ee bilaashka ah?!
Cashuur-qaadayaaahu adeeg bilsah ah ma bixiyaan walaalayaal.
9 534
Baadda lagaa qaado (cashuurta )haddii la siiyo oo mushahar looga dhigo garsoore ku xukumaya wax aanu Ilaahay soo dejin, sida xeerka ciqaabta guud, maxaad dareemooysaa?
9 534
Itoobiya haddii aan badda Saylac iyo Lughaya xeelad lagu siin xoog bay ku rabtaaye maxaa idiinka meel yaal?ku darsda oo Itoobiya waxa ay xoog ku haystaa dhulka soomaaligalbeed iminkana waxa ay u soo dhigatay intii kale ee ka hadhay Dalweynaha soomaaliyeed.
9 534
Lacagta Qassa lagu dhiso waxa laga baadaa talisyo islaam sheegta.Hubka Qassa lagu duqeeyo na waxa laga baadaa isla talisyada islaamka sheegta.
9 534
Cali-wajiisow Qaanuunkaasi waa gaalnimo e ha khiyaamin ammaanada aad xambaarsantahay,Aakhiradaada ha ku gadan raaxo-adduun oo dhammaanaysa, aayaatka Allaah na ha qarin, xaq iyo baadilka na ha is ku darin.
Waxaaba gaalnimo ah in xeer-gaaleed laga dhaqangaliyo gudaha umadda islaamka ah ee soomaaliyeed.
ama 5 qodob ka saara am qodob qudha soo reeba “Axdiga afrika ee xuquuda iyo badhaadhaha carruurta” waa gaalnimo waa gaalnimo waa gaalnimo,islaam na ku noqonmaayo haddii aad ku hadasho afka iyo magaca basharka adduunka saaran oo idil.
