️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Kanalga Telegram’da o‘tish
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
Ko'proq ko'rsatishMamlakat belgilanmaganToif belgilanmagan
255
Obunachilar
+124 soatlar
+177 kunlar
+1730 kunlar
Postlar arxiv
Shisheeyaha Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inuu kulan khaas ah ka yeesho mustaqbalka ciidamada Afrikaanta ee ku soo duulay Soomaaliya.
Waxa loogu yeero Golaha Ammaanka Q.Midoobe ayaa kulan aan caadi aheyn ka leh mustaqbalka ciidamada Afrikaanta ah ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhici doona magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa diiradda lagu saarayaa xaaladda guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan hubanti la'aanta maaliyadeed ee ku dul hoganaysa ciidamada Afrikaanta ee dalka duulaanka ku jooga oo magacooda loo soo gaabiyo AUSSOM.
Warbixin uu Golaha ammaanka si hordhac ah usoo saaray ayaa lagu sheegay, in kulanka warbixin looga dhageysan doono Ergayga Qaramada Midoobay uqaabilsan Soomaaliya iyo madaxa guud ee ciidamada Afrikaanta ee xaruntoodu tahay xerada Xalane.
Qaramada Midoobay waxay muujinaysaa walaac ah in aan illaa iyo hadda aan laheyn wax qarash ah oo lagu bixiyo mushaaraadka ciidamada islamarkaana ladhimay wax ka badan 34 Milyan oo Dollar.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa dagaallo culus ku qaaday saldhigyada ay askarta dowladda Kenya ku leeyihiin deegaannada Dhamase iyo Sheekh Barrow oo hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarro isugu jira qarax iyo dagaal toos ah la beegsaday, kolonyo ka tirsan ciidamada Dowladda Fedaraalka oo dhaqdhaqaaqyo ka waday duleedka magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay hal askari halka mid kalena uu ku dhaawacmay, halka dagaalkana ay ku waxyeello kasoo gaartay tiro askar ah oo uu ku jiro sarkaal Abaaduule Horin ah.
Itoobiyaa ayaa la Tilmaamay, inay Duulaan Aamusan oo Dhinacyo Badan Leh ku Hayso Jabhadda Tigreega ee TPLF.
Hogaamiyaha Maamulka la Baxay Puntland ayaa Lagu Eedeeyay inuu Qeyb ka Yahay Kala Goynta Soomaaliya.
Bulshooyinka Ku Dhaqan Bariga Afrika ayaa Si adaga Uga Horyimi Qorshayaal Cusub oo uu Faransiisku Doonayo In uu Ka Hirgaliyo Dalalkaas.
Maanta waa maalin Talaado ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 01-01-1448 oo waafaqsan 16-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[242]
Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan
Hogaamiyaha maamulka la baxay Somaliland ayaa ku faanay inuu safar qarsoodi ah horey ugu tagay halka ay caasimadda ka dhigteen Yahuuda kuna faanay booqashada hadda uu halkaa ku tagay.
Sidee dadka Muqdisho uga falceliyeen booqashadii hogaamiyaha maamulka Labaxay Somaaliland uu ku aaday Yahuuda? Sidoo kale sidee arinkaas u arkaan dadka kaso jeeda magaalada Hargeysa ee ay Cirro is xigaan? [Waraysi]
Hogaamiyaha Maamulka la baxay Puntland Siciid Cabdullaahi Dani ayaa sheegay inuu u dhaqmi doono sida dal ka go'ay Soomaaliya.
Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Talaado ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 01-01-1448 oo waafaqsan 15-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.
Bulshooyinka Ku Dhaqan Bariga Afrika ayaa Si adaga Uga Horyimi Qorshayaal Cusub oo uu Faransiisku Doonayo In uu Ka Hirgaliyo Dalalkaas.
Faransiiska ayaa wajahaya caqabado isa soo taraya oo ku saabsan dadaalladiisa uu ku doonayo inuu dib ugu soo ceshado saameyntii uu ku lahaa qaaradda Afrika, gaar ahaan dalalka Bariga Afrika, kadib markii uu lumiyay xiriirro iyo saameyntii uu ku lahaa dalal badan oo dhaca Galbeedka qaaradda Afrika.
Warbixinno ay daabaceen warbaahino calami ah ayaa tilmaamaya in dowladda Faransiisku ay Kenya u aragto albaabka ugu weyn ee ay uga sii gudbi karto Bariga Afrika, iyadoo sheegaysa in ay xoojinayso iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga. Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa la kulmaya mucaaradad iyo shaki ay muujinayaan qaybo ka mid ah bulshada iyo siyaasiyiinta gobolka.
Muddooyinkii dambe, mudaharaadyo iyo falcelinno siyaasadeed ayaa ka dhacay Kenya xilligii booqashooyinka iyo shirarka uu ka qaybgalay Madaxweynaha Faransiiska, taas oo muujisay in dareenka ka
Itoobiyaa ayaa la Tilmaamay, inay Duulaan Aamusan oo Dhinacyo Badan Leh ku Hayso Jabhadda Tigreega ee TPLF.
Wargeyska Itoobiya ee Addis Standard ayaa maqaal dheer oo uu daabacay waxa uu ka hadlay xaaladda cakiran ee ka aloosan gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya kadib heshiiskii nabadda ee Pretoria ee 2022-kii lagu soo afjaray dagaalkii gobolka Tigrey.
Maqaalkan oo uu qalinka u qaatay Hagos Mezgebe Atsbaha oo ah cilmi-baare ku takhasusay siyaasadda dhaqaalaha ayaa waxaa lagu sheegay, in inkastoo dagaalkii hubaysnaa uu istaagay 2022-kii, haddana Tigrey uu wajahayo cadaadis baahsan oo dhinacyo badan.
Qormada ayaa sidoo kale lagu xusay, in xukuumadda Abiy Axmed ay adeegsanayso xeelado kala duwan oo ay ku doonayso inay ku wiiqdo oo ay kala furfurto Tigray, taasoo ka hor imanaysa ayuu yiri, mabaadi'da dastuuriga ah, xuquuqda aadanaha, iyo dib u dhiska kadib colaadda.
Hogaamiyaha Maamulka la Baxay Puntland ayaa Lagu Eedeeyay inuu Qeyb ka Yahay Kala Goynta Soomaaliya.
Geelle Casayr oo kamid ah xildhibaannada baarlamaanka maamulka la baxay Puntland ayaa eedeeymo kala duwan u jeediyay hogaamiyihiisa Saciid Cabdullaahi Deni.
Xildhibaanka ayaa Saciid Deni ku eedeeyay, inuu qeyb ka yahay kala goynta Soomaaliya, islamarkaana uu la saftay maamulka gooni goosadka ah ee la magacbaxay Soomaaliland.
Khudbad uu Saciid Deni maanta u jeediyay Baarlamaankiisa ayuu xildibaankani ku tilmaami mid khiyaale aheyd.
Maamulka la baxay Puntland ayaa lagu tiriyaa maamullada qarka uu saran gooni goosed si lamid ah maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.
Waa Habeennimo Talaado ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 30-12-1447 oo ku beegan 15-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamed Sheekh Cali.
Sidee ayay Qaaradda Yurub Ugu Diyaar-garoobeysaa Duullaanka Kaga Soo Wajahan Shiinaha?[WARBIXIN]
Endi mavjud! Telegram Tadqiqoti 2025 — yilning asosiy insaytlari 
