uk
Feedback
SNA RADIO

SNA RADIO

Відкрити в Telegram

Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida

Показати більше

📈 Аналітичний огляд Telegram-каналу SNA RADIO

Канал SNA RADIO (@codkacqs) у мовному сегменті Сомалійська є активним учасником. На даний момент спільнота об'єднує 18 563 підписників, посідаючи 12 166 місце в категорії Новини і ЗМІ та 467 місце у регіоні Сомалі.

📊 Показники аудиторії та динаміка

З моменту свого створення невідомо, проект продемонстрував стрімке зростання, зібравши аудиторію у 18 563 підписників.

За останніми даними від 27 червня, 2026, канал демонструє стабільну активність. Хоча за останні 30 днів спостерігається зміна кількості учасників на -482, а за останні 24 години на -16, загальне охоплення залишається високим.

  • Статус верифікації: Не верифікований
  • Рівень залученості (ER): Середній показник залученості аудиторії становить 9.72%. Протягом перших 24 годин після публікації контент зазвичай збирає N/A% реакцій від загальної кількості підписників.
  • Охоплення публікацій: В середньому кожен допис отримує 1 804 переглядів. Протягом першої доби публікація в середньому набирає 0 переглядів.
  • Реакції та взаємодія: Аудиторія активно підтримує контент: середня кількість реакцій на один пост – 24.

📝 Опис та контентна політика

Автор описує ресурс як майданчик для висловлення суб'єктивної думки:
Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida

Завдяки високій частоті оновлень (останні дані отримано 28 червня, 2026), канал підтримує актуальність та високий рівень охоплення публікацій. Аналітика показує, що аудиторія активно взаємодіє з контентом, що робить його важливою точкою впливу в категорії Новини і ЗМІ.

18 563
Підписники
-1624 години
-1127 днів
-48230 день
Архів дописів
SNA RADIO
18 560
photo content
+2

SNA RADIO
18 560
photo content
+9

SNA RADIO
18 560
+4

SNA RADIO
18 560
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya walaalahooda Ciidamada Difaaca Uganda (UPF) ayaa galabta si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaal culus oo socday muddo toddobaad ah. Howlgalka oo qayb ka ah dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay in ka badan 100 maleeshiyaad oo ka tirsan kooxda, halka tiro kale oo argagixis ah lagu qabtay gacanta iyagoo nool. Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay hadda ka wadaan magaalada iyo deegaannada ku xeeran hawlgallo nadiifin ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo in dib loogu soo celiyo xasilloonida dadka deegaanka. Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay hub iyo saanad ciidan oo aad u fara badan, kuwaas oo kooxda Khawaarijta ay u adeegsan jireen falalka amni-darrada ah. Hawlgalka lagu xoreeyay Bariire ayaa calaamad u ah guul weyn oo ciidamada qaranku ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana la filayaa in dhowaan shacabka magaalada iyo tuulooyinka ku dhow ay dib ugu laabtaan guryahooda iyagoo ka nabad-helaya khatarta argagixisada.

SNA RADIO
18 560
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Durduro ee gobolka Baay, kaasoo hoos yimaada degmada Buurhakaba. Howlgalkaasi oo si xirfadeysan loo fuliyey, waxaa lagu dilay horjooge sare oo katirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, laguna magacaabi jiray Axmed Maxamed, balse gudaha kooxda looga yaqaanay magaca (Mascuud) Horjoogahaan ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa sameynta iyo aasidda miinooyinka qarxa, kuwaas oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed iyo Sidoo kale, waxaa lala dilay ilaaladiisii.

SNA RADIO
18 560
photo content
+1

SNA RADIO
18 560
Ciidamada deegaanka ee Daaru-nimco ayaa saaka fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Khawaarijta ah, kaasoo lagu dilay horjooge sare iyo maleeshiyaad la socday. Howlgalkaan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa si gaar ah loogu beegsaday horjooge Xamse Faracadde, oo ka mid ahaa horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsanaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Xamse Faracadde waxaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxyada iyo dhagarta kale ee lagu beegsaday shacabka ku dhaqan gobolladaasi. Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in howlgalka uu kusoo dhammaaday guul buuxda, iyadoo lagu dilay horjoogaha iyo tiro maleeshiyaad ah oo la socday.

SNA RADIO
18 560
Horjooge Culus oo Khawaarijta Ka Tirsanaa oo Lagu Khaarijiyay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

SNA RADIO
18 560
Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe si qorsheysan u fuliyay howlgal
+5
Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe si qorsheysan u fuliyay howlgal ka dhacay Tuulada Yuumbis, oo 7km waqooyi-galbeed kaga beegan deegaanka Barriire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Howlgalkaas ayaa lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa xarumo ay ku diyaarinayeen falal amni darro. Waxaa sidoo kale howlgalka lagu khaarijiyay horjooge sare oo lagu magacaabo Cabdi Jabbaar, laguna naaneyso "Jaabir", kaas oo ahaa masuulka qaraxyada ee kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose. Horjoogahan ayaa ahaa shakhsi muhiim u ah khawaarijta, waxaana dhimashadiisa loo arkaa dhirbaaxo culus oo gaaray shabakadda qaraxyada ee cadowga. Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dilka horjoogahan kala soco Snaradio.

SNA RADIO
18 560
photo content
+2

SNA RADIO
18 560
+2

SNA RADIO
18 560
+9

SNA RADIO
18 560
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Jubbaland ayaa muddo seddex maalmood ah howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Maqooqaha iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose. Howlgalladan oo si gaar ah loogu beegsaday saldhigyada iyo gododka Khawaarijta ay ku dhuumaaleysanayeen ayaa lagu dilay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen ajaaniib u dhashay dalal shisheeye kana tirsanaa kooxda Khawaarijta. Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan oo faro badan, waxaana gabi ahaanba la burburiyay xarumo iyo godod ay cadowgu ku qarsanayeen. Intii uu socday howlgalka, Ciidanka Danab ayaa sidoo kale fashiliyay gaari ay Khawaarijtu kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa, kaas oo loogu talagalay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Gaarigaas ayaa si farsamaysan loo fashiliyay, waxaana sidaas lagu badbaadiyay nolosha dad rayid ah. Waxaa xusid mudan in saaxiibada ciidanka xoogga dalka katgeera dhanka cirka ay door weyn ka qaateen howlgalkan, iyagoo duqeeymo la beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah, taas oo gacan ka geysatay guusha laga gaaray howlgalka. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si xawli ah u wadda hawlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxaana shacabka Soomaaliyeed lagu dhiirrigelinayaa in ay la shaqeeyaan ciidamada si dalka looga xoreeyo cadowga ummadda. Waa howlgal guul weyn laga gaaray, waana dhabar-jab horleh oo ku dhacay Khawaarijta ku dhuumaaleysanaya gobollada dalka.

SNA RADIO
18 560
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Jubbaland oo Howlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Jiinka Wabiga Jubba

SNA RADIO
18 560
Gododkii Khawaarijta laga Sifeeyay Degaanada Sabiid iyo Caanoole

SNA RADIO
18 560
WARBIXIN: Ciidanka Xoogga Dalka oo Dib Ula Wareegay Deegaanada Sabiid iyo Caanoole

SNA RADIO
18 560
Howlgallo Qorshaysan oo Ka Dhan ah Khawaarijta oo ka Dhacay Gobolka Bakool Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgallo qorshaysan ka fuliyay deegaanka Dhaji, oo qiyaastii 40km u jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Howlgalladan oo ujeedkoodu ahaa ciribtirka khawaarijta ku dhuumaaleysaneeysay tuulooyinka miyiga ah, ayaa lagu gaaray guulo muhiim ah, sida uu warbaahinta Ciidanka u xaqiijiyay Taliyaha Guutada 9-aad, Kornayl Yoonis Aadan Xasan. Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, ayna ku jiraan horjoogayaal muhiim ah. Waxaa sidoo kale laga furtay hub iyo saanad ciidan oo ay ku kaydsanayeen deegaankaasi. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si joogto ah u sii wadda howlgalka lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ee naf-lacaariga ah, iyadoo talisku uu adkeeyay in la dar-dargelinayo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka Bakool iyo dalka intiisa kale.

SNA RADIO
18 560
photo content
+2

SNA RADIO
18 560
photo content
+9

SNA RADIO
18 560
photo content
+2