SNA RADIO
前往频道在 Telegram
📈 Telegram 频道 SNA RADIO 的分析概览
频道 SNA RADIO (@codkacqs) 索马里语 语言赛道中的 是活跃参与者。目前社区聚集了 18 560 名订阅者,在 新闻与媒体 类别中位列第 12 166,并在 索马里 地区排名第 467 位。
📊 受众指标与增长动态
自 невідомо 创建以来,项目保持高速增长,吸引了 18 560 名订阅者。
根据 27 六月, 2026 的最新数据,频道保持稳定运转。过去 30 天订阅人数变化为 -482,过去 24 小时变化为 -16,整体触达仍然可观。
- 认证状态: 未认证
- 互动率 (ER): 平均受众互动率为 9.72%。内容发布后 24 小时内通常能获得 N/A% 的反应,占订阅者总量。
- 帖子覆盖: 每篇帖子平均可获得 1 804 次浏览,首日通常累积 0 次浏览。
- 互动与反馈: 受众积极参与,单帖平均反应数为 24。
📝 描述与内容策略
作者将该频道定位为表达主观观点的平台:
“Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida”
凭借高频更新(最新数据采集于 28 六月, 2026),频道始终保持新鲜度与高覆盖。分析显示受众积极互动,使其成为 新闻与媒体 类别中的关键影响点。
18 560
订阅者
-1624 小时
-1127 天
-48230 天
帖子存档
18 560
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya walaalahooda Ciidamada Difaaca Uganda (UPF) ayaa galabta si buuxda gacanta ugu dhigay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib dagaal culus oo socday muddo toddobaad ah.
Howlgalka oo qayb ka ah dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay in ka badan 100 maleeshiyaad oo ka tirsan kooxda, halka tiro kale oo argagixis ah lagu qabtay gacanta iyagoo nool.
Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay hadda ka wadaan magaalada iyo deegaannada ku xeeran hawlgallo nadiifin ah, si loo xaqiijiyo amniga iyo in dib loogu soo celiyo xasilloonida dadka deegaanka.
Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay hub iyo saanad ciidan oo aad u fara badan, kuwaas oo kooxda Khawaarijta ay u adeegsan jireen falalka amni-darrada ah.
Hawlgalka lagu xoreeyay Bariire ayaa calaamad u ah guul weyn oo ciidamada qaranku ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxaana la filayaa in dhowaan shacabka magaalada iyo tuulooyinka ku dhow ay dib ugu laabtaan guryahooda iyagoo ka nabad-helaya khatarta argagixisada.
18 560
Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Durduro ee gobolka Baay, kaasoo hoos yimaada degmada Buurhakaba.
Howlgalkaasi oo si xirfadeysan loo fuliyey, waxaa lagu dilay horjooge sare oo katirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, laguna magacaabi jiray Axmed Maxamed, balse gudaha kooxda looga yaqaanay magaca (Mascuud)
Horjoogahaan ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa sameynta iyo aasidda miinooyinka qarxa, kuwaas oo lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed iyo Sidoo kale, waxaa lala dilay ilaaladiisii.
18 560
Ciidamada deegaanka ee Daaru-nimco ayaa saaka fuliyay howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday kooxaha Khawaarijta ah, kaasoo lagu dilay horjooge sare iyo maleeshiyaad la socday.
Howlgalkaan oo si taxaddar leh loo diyaariyay ayaa si gaar ah loogu beegsaday horjooge Xamse Faracadde, oo ka mid ahaa horjoogayaasha Khawaarijta u qaabilsanaa gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
Xamse Faracadde waxaa sidoo kale la rumeysan yahay inuu door weyn ku lahaa abaabulka qaraxyada iyo dhagarta kale ee lagu beegsaday shacabka ku dhaqan gobolladaasi.
Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in howlgalka uu kusoo dhammaaday guul buuxda, iyadoo lagu dilay horjoogaha iyo tiro maleeshiyaad ah oo la socday.
18 560
Horjooge Culus oo Khawaarijta Ka Tirsanaa oo Lagu Khaarijiyay Howlgal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose
18 560
+5
Ciidanka gaarka ah ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay saqdii dhexe si qorsheysan u fuliyay howlgal ka dhacay Tuulada Yuumbis, oo 7km waqooyi-galbeed kaga beegan deegaanka Barriire ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalkaas ayaa lagu dilay 8 xubnood oo ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa xarumo ay ku diyaarinayeen falal amni darro.
Waxaa sidoo kale howlgalka lagu khaarijiyay horjooge sare oo lagu magacaabo Cabdi Jabbaar, laguna naaneyso "Jaabir", kaas oo ahaa masuulka qaraxyada ee kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa gobolka Shabeellaha Hoose.
Horjoogahan ayaa ahaa shakhsi muhiim u ah khawaarijta, waxaana dhimashadiisa loo arkaa dhirbaaxo culus oo gaaray shabakadda qaraxyada ee cadowga.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dilka horjoogahan kala soco Snaradio.
18 560
Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Jubbaland ayaa muddo seddex maalmood ah howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Maqooqaha iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Howlgalladan oo si gaar ah loogu beegsaday saldhigyada iyo gododka Khawaarijta ay ku dhuumaaleysanayeen ayaa lagu dilay in ka badan 50 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen horjoogayaal muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen ajaaniib u dhashay dalal shisheeye kana tirsanaa kooxda Khawaarijta. Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo saanad ciidan oo faro badan, waxaana gabi ahaanba la burburiyay xarumo iyo godod ay cadowgu ku qarsanayeen.
Intii uu socday howlgalka, Ciidanka Danab ayaa sidoo kale fashiliyay gaari ay Khawaarijtu kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa, kaas oo loogu talagalay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed. Gaarigaas ayaa si farsamaysan loo fashiliyay, waxaana sidaas lagu badbaadiyay nolosha dad rayid ah.
Waxaa xusid mudan in saaxiibada ciidanka xoogga dalka katgeera dhanka cirka ay door weyn ka qaateen howlgalkan, iyagoo duqeeymo la beegsaday bartilmaameedyo muhiim ah, taas oo gacan ka geysatay guusha laga gaaray howlgalka.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si xawli ah u wadda hawlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, waxaana shacabka Soomaaliyeed lagu dhiirrigelinayaa in ay la shaqeeyaan ciidamada si dalka looga xoreeyo cadowga ummadda.
Waa howlgal guul weyn laga gaaray, waana dhabar-jab horleh oo ku dhacay Khawaarijta ku dhuumaaleysanaya gobollada dalka.
18 560
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Jubbaland oo Howlgal Qorsheysan Ka Fuliyay Jiinka Wabiga Jubba
18 560
Howlgallo Qorshaysan oo Ka Dhan ah Khawaarijta oo ka Dhacay Gobolka Bakool
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan cutubyo ka tirsan Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad, ayaa howlgallo qorshaysan ka fuliyay deegaanka Dhaji, oo qiyaastii 40km u jirta degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Howlgalladan oo ujeedkoodu ahaa ciribtirka khawaarijta ku dhuumaaleysaneeysay tuulooyinka miyiga ah, ayaa lagu gaaray guulo muhiim ah, sida uu warbaahinta Ciidanka u xaqiijiyay Taliyaha Guutada 9-aad, Kornayl Yoonis Aadan Xasan.
Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay maleeshiyaad badan oo ka tirsan kooxda Khawaarijta, ayna ku jiraan horjoogayaal muhiim ah. Waxaa sidoo kale laga furtay hub iyo saanad ciidan oo ay ku kaydsanayeen deegaankaasi.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa si joogto ah u sii wadda howlgalka lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ee naf-lacaariga ah, iyadoo talisku uu adkeeyay in la dar-dargelinayo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud ee gobolka Bakool iyo dalka intiisa kale.
现已上线!2025 年 Telegram 研究 — 年度关键洞察 
