uk
Feedback

Не попадись на ботовода! Telemetrio знаходить і позначає такі канали мітками 👉 Хочеш бачити мітку, оформляй підписку 👈

Xadiiska Maanta

Xadiiska Maanta

Відкрити в Telegram

ساهم في نشر الحديث طاعةً للنبيِّ ﷺ: نضَّرَ اللهُ امرأً سَمِعَ مقالتي فوَعَاها وحَفِظَها وبَلَّغَها. التواصل: https://t.me/Axmeddawlad

Показати більше
3 643
Підписники
Немає даних24 години
+67 днів
+2930 днів
Архів дописів
Xadiiskani waxa uu inoo caddaynayaa sida uu Nebigu SCW asxaabtiisa u bari jiray arrimaha diintooda khuseeya, Abu Hurayra RC waxa laga weriyay in Nebiga SCW la waydiiyay biyaha badda, maxaa yeelay asxaabta qaar ayaa badda ku safri jiray iyaga oo sita biyo yar. Waxa ay yidhaahdeen: Ma ku waysaysannaa biyaha badda? Nebigu SCW waxa uu kaga jawaabay su'aasha la waydiiyay jawaab waafi ah. Waxa uu yidhi: “Waa kuwo lagu dahaaro qaadanayo biyaheedu, bakhtigeeduna waa xalaal.” Biyaha baddu waa daahir waana lagu dahaara qaadan karaa, waxaana bannaan in lagu wayso qaato, iyo in lagu maydhaba. Waxa kale oo xadiisku inoo tilmaamayaa waxa badda ku dhex dhinta ee ah xayawaanka badda ku dhex nool in ay xalaal yihiin . Nebigu SCW kuma gaabsan 'Haa' keliya markii la waydiiyay biyaha badda balse waxa uu adeegsaday weedh ka macno ballaadhan si uu u caddeeyo biyaha baddu in ay daahir yihiin laguna dahaaro qaadan karo wixii ku dhacaana aanay wax-yeelaynayn oo nijaasaynayn. #BuluuqulMaraam01 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

Abii Hurayra RC waxa uu yidhi: Nebigu SCW badda waxa uu ka yidhi: “Waa kuwo lagu dahaaro qaadanayo biyaheedu, bakhtigeeduna w
Abii Hurayra RC waxa uu yidhi: Nebigu SCW badda waxa uu ka yidhi: “Waa kuwo lagu dahaaro qaadanayo biyaheedu, bakhtigeeduna waa xalaal.”

Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “ILAAHAY ayaan ku dhaartaye in Alle hal qof dartaa ku soo hanuuniyo ayaa kaaga khayr badan geela ki
Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “ILAAHAY ayaan ku dhaartaye in Alle hal qof dartaa ku soo hanuuniyo ayaa kaaga khayr badan geela kiisa cas cas”.  –Bukhaari iyo Muslim. Xadiisku waxa uu tilmaamayaa ruuxu in uu sabab u noqdo hunuunka cid kale in ay wax wayn tahay oo fadli badan ku suganyahay Carabtu geela cas cas ayaa ay aad u jeclaayeen, sidaas darteed ayaa geelii ay jeclaayeen loogu tusaaleeyay si fahanka loogu soo dhaweeyo. Xadiiska waxa laga qaadanayaa boorin la innagu boorrinayo in dadka khayrka loogu yeedho laguna dedaalo hanuunintooda. Ruuxa sababtaada ku hanuuna, Ilaahay dartiina aad uga jeeday wixii khayr ah ee uu sameeyo in lamid ah ayaa adigana laguu qorayaa. Markaa wax aanad camalkaaga ku gaadhi karin ayaad dadka wax sheegooda ku gaadhi kartaa, haddii aad Ilaahay dartii wax ugu sheegayso. Qofka dadka wanaagga tusinayaana waxa uu la ajar yahay midka wanaaggaa sameeya, sida uu sheegay Nebigu SCW. 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

photo content

Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Qofka Mu'minka ahi waxa uu ku gaadhayaa akhlaaqdiisa wanaageeda darteed, darajada kii soomanaa e
Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Qofka Mu'minka ahi waxa uu ku gaadhayaa akhlaaqdiisa wanaageeda darteed, darajada kii soomanaa ee taagnaa (ee tukanayay habeenkii).” –Abu Da'ud. Xadiisku waxa uu inoo tilmaamayaa qofka mu'minka ahi akhlaaqdiisa wanaaga ay wanaagsantahay darteed waxa uu ku gaadhayaa darajada kii soomanaa maalintii oo dhan ee habeenkiina salaatu laylka u taagnaa. Xadiiska waxa laga qaadanayaa akhlaaqda wanaagsani fadliga ay leedahay in lagu gaadhayo darajada qofkii soomanaa maalintii oo dhan habeenkiina salaatu laylka u taagnaa. Waxa kale oo xadiiska ku sugan boorrin la innagu boorrinayo dhaqanka iyo akhlaaqda wanaagsan. ☜الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

اللهم صلِّ وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.
اللهم صلِّ وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.

اللهم صلِّ وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.
اللهم صلِّ وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.

Xadiisku waxa uu inoo tilmaamayaa qofka Muslimka ah in la xaqiro ama la liido in ay tahay arrin aad u weyn. Qofku haddii aanu shar kaleba la iman ee uu liido oo keliya walaalkiisa Muslimka ah, intaas ayaa dambi ugu filan. Shar waxa kuugu filan in aad xaqirto ama liido walaalkaaga Muslimka ah. Ha ku xaqirin walaalkaaga Muslimka ah dhaqankiisa, dharkiisa, hadalkiisa, abuurkiisa iyo wax kale toona ha ku xaqirin. Qofka Muslimka ah dhiigiisu waa xaaraan; ma bannaana in xaqdarro lagu daadiyo, oo dil loo geysto, ama dhaawac iyo wax kale toona. Qofka Muslimka ah xoolihiisa in xaqdarro lagu qaato iyaduna ma bannaana; in qasab lagu qaato, in la dhaco, in la xado iyo in la khiyaameeyo toona. Qofka Muslimka ah sharaftiisu waa mid dhawran. In la xanto, in la ceebeeyo iyo in wax laga sheego toona ma bannaana. Waxa aad ka sheegayso wax run ah ha noqdo ama been ha noqoto'e, wax farqi ah ma kala laha. ☜الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Qofka waxa shar ugu filan in uu liido/xaqiro walaalkiisa Muslimka ah, qof kasta oo Muslim ah waa
Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Qofka waxa shar ugu filan in uu liido/xaqiro walaalkiisa Muslimka ah, qof kasta oo Muslim ah waa ka xaaraan qofka kale ee Muslimka ah dhiigiisu, xoolihiisu iyo sharaftiisuba.” –Muslim.

اللهم صلِّ وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.
اللهم صلِّ وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.

Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Anaa u damaanad qaaday guri jannada dacalladeeda ku sugan ciddii muranka iyo asaraarka ka tagtay
Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Anaa u damaanad qaaday guri jannada dacalladeeda ku sugan ciddii muranka iyo asaraarka ka tagtay haba ahaado mid isagu gar leh oo xaq ku sugane. Guri jannada dhexdeeda ku sugan ayaan u damaanad qaaday ruuxa ka tagay beenta haba ahaado mid kaftamayee. Guri jannada xaggeeda sare ku sugan ayaan u damaanad qaaday ruuxa dhaqankiisu wanaagsanaado.” Xadiiskani waxa uu inoo tilmaamayaa saddex arrimood:- Arrinka 1aad Ruuxa iska daaya muranka iyo asaraarka ee Ilaahay dartii uga taga isagu mid xaq ku suganba ha ahaadee in loo damaanad qaaday guri jannada dacalladeeda ku sugan. Arrinka 2aad waxa kale oo xadiisku tilmaamayaa in Nebigu SCW u damaanad qaaday guri jannada dhexdeeda ku sugan cidda beenta iska daysa ee aan la imanin xattaa haddii ay kaftamayso. Arrinka 3aad ee Xadiisku sheegayaa waxa ay tahay in Nebigu SCW u damaanad qaaday guri jannada xaggeeda sare ku sugan ciddii akhlaaqdiisu ay wanaagsanaato. 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂 Maanta.
https://t.me/XadiiskaMaanta

اللهم صلِّ وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.
اللهم صلِّ وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.

‘Rabbigayoow, agtaada naga sii naxariis, arrinkayagana sida san nooga yeel.’
‘Rabbigayoow, agtaada naga sii naxariis, arrinkayagana sida san nooga yeel.’

Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “Qofka Qur’aanka akhriya isaga oo xifdisan oo xariif ku ah, waxa uu la jiraa malaa’igta sharafta le
Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “Qofka Qur’aanka akhriya isaga oo xifdisan oo xariif ku ah, waxa uu la jiraa malaa’igta sharafta leh, midka akhrinaya ee la rafanaya, uuna ku adag yahayna waxa uu leeyahay labo ajar.” –Muslim ☜الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

Maantaa ugu dambysa ama berri 📅 Ha laga faa'idaysto Barnaamijka oo la is diiwaangeliyo, hana la sii faafiyo oo walaalaha kale khayrka ha la wada gaadhsiiyo Insha Allaah. 📌𝗤𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝗮 (برنامج قراء). https://t.me/XadiiskaMaanta/3484 🔗𝐋𝐢𝐧𝐤-𝐠𝐚 𝐥𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐝𝐢𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨: https://qorra-org.com/ConditionsRegistration ☜الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaadhsiiso. https://t.me/XadiiskaMaanta

اللهم صلِّ وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.
اللهم صلِّ وسلم وبارك على سيدنا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.

عطّرْ لسَانَك بالصّلاةِ على الذي أحيَا الليالي بالصَّلاةِ وقامَا وسَرَى إلى الأقصَى الشريفِ بليلةٍ ثمّ التقى بالمرسَلينَ إِما
عطّرْ لسَانَك بالصّلاةِ على الذي أحيَا الليالي بالصَّلاةِ وقامَا وسَرَى إلى الأقصَى الشريفِ بليلةٍ ثمّ التقى بالمرسَلينَ إِمامَا إن الكريمَ إذا ذَكرتَ مُحَمَّداً يَكفي الهُمُومَ ويَغفِرُ الآثامَا

Diiwaangelintii Barnaamijka Qorraa muddo kooban ayaa ka hadhsan intii uu xidhmi lahaa! 09-Rabiicul Awal-1448 oo ku beegan 22-
Diiwaangelintii Barnaamijka Qorraa muddo kooban ayaa ka hadhsan intii uu xidhmi lahaa! 09-Rabiicul Awal-1448 oo ku beegan 22-August-2026 ayaa ugu dambaysa diiwaangelinta Insha Allaah. Ha laga faa'idaysto Barnaamijka oo la is diiwaangeliyo, hana la sii faafiyo oo walaalaha kale khayrka ha la wada gaadhsiiyo Insha Allaah. 📌𝗤𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝗮 (برنامج قراء). https://t.me/XadiiskaMaanta/3484 🔗𝐋𝐢𝐧𝐤-𝐠𝐚 𝐥𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐝𝐢𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨: https://qorra-org.com/ConditionsRegistration ☜الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaadhsiiso. https://t.me/XadiiskaMaanta

Rasuulku SCW waxa uu yidhi: Ka warrama haddii midkiin gurigiisa hortiisa uu maro webi uu maalintii shan jeer ku qubeysto, wax uskag ahi ma ku hadhayaan? Waxa ay ku jawaabeen waxba kuma hadhayaan. Nebigu SCW waxa uu yidhi: shanta salaadoodna waa sidaa oo kale oo Alle gefafka ayaa uu ku dhaafaa. Nebigu SCW waxa uu ahaa dadka ka ugu waxbarida wanaagsan, uguna hadalka cad ee ugu aftahansan. Hababkii wanaagsanaa ee uu dadka wax ku bari jiray waxa kamid ahaa; in uu cilmiga u soo dhaweeyo isaga oo adeegsanaya tusaalooyin la taaban karo, si ay ugu noqdaan kuwo si fiican loo fahmi karo oo cad. Xadiiskan Nebigu SCW waxa uu tusaale u soo qaadanayaa sida ay salaaduhu dambiyada u tirtiraan ee ay u maydhaan. Waxa uu salaadaha shanta ah ku tusaalaynayaa webi hormara mid innaga mid ah gurigiisa hortiisa, oo uu maalintii shan jeer ku maydhanayo. Sida uskaga iyo wasakhda jidhkiisa ay uga maydhayaan ee aanay waxba ugu hadhayn si lamid ah ayaa ay salaadaha shanta ahina qofka maalintii uga tirtirayaan oo uga maydhayaan dambiyada. Dambiyada ay tirtirayaan salaadaha shanta ahi waa dambiyada yar yar sida uu tilmaamayo xadiiska kale oo Nebiga SCW ka sugan, Nebigu SCW waxa uu yidhi: «Salaadaha shanta ah, Jimce ka Jimce, iyo Ramadaan ka Ramadaan waa kuwo lagu dhaafo [dambiyada yar yar ee qofka ka dhaca,] haddii uu ka fogaado dembiyada waaweyn». –Muslim Culimadu waxa ay tilmaameen dambiyada ay tirtirayaan salaaduhu in ay yihiin dambiyada yar yar haddii aan la joogtayn! Oo haddii dambiyada yar yar la joogteeyo waxa ay kamid noqdaan dambiyada waawayn, dambiyada waawayna waxa ay u baahanyihiin tawbad dhab ah oo shuruuddeeda dhammaystiratay. ☜الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

Rasuulku SCW waxa uu yidhi: Ka warrama haddii midkiin gurigiisa hortiisa uu maro webi uu maalintii shan jeer ku qubeysto, wax
Rasuulku SCW waxa uu yidhi: Ka warrama haddii midkiin gurigiisa hortiisa uu maro webi uu maalintii shan jeer ku qubeysto, wax uskag ahi ma ku hadhayaan? Waxa ay ku jawaabeen waxba kuma hadhayaan. Nebigu SCW waxa uu yidhi: shanta salaadoodna waa sidaa oo kale oo Alle gefafka ayaa uu ku dhaafaa.