ar
Feedback
Xadiiska Maanta

Xadiiska Maanta

الذهاب إلى القناة على Telegram

ساهم في نشر الحديث طاعةً للنبيِّ ﷺ: نضَّرَ اللهُ امرأً سَمِعَ مقالتي فوَعَاها وحَفِظَها وبَلَّغَها. التواصل: https://t.me/Axmeddawlad

إظهار المزيد
3 402
المشتركون
+124 ساعات
+127 أيام
+4430 أيام
أرشيف المشاركات
Nebigu {ﷺ} haddii uu negyahay iyo haddii uu safar yahayba marnaba kama tegi jirin witriga iyo labada rakcadood ee salaadda subax ka horreeya. Salaadda Witriga hal rakcad ayaa ugu yar, saddexna waa la tukan karaa waana laga badin karaa, waa in ay noqoto uun tiro kala dhiman. 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso. https://t.me/XadiiskaMaanta

Abuu Hurayra RC waxa uu yidhi: “Khaliilkaygii {ﷺ} waxa uu ii dardaarmay: in aan bil kasta saddex maalmood ka soomo, labo rakc
Abuu Hurayra RC waxa uu yidhi: “Khaliilkaygii {ﷺ} waxa uu ii dardaarmay: in aan bil kasta saddex maalmood ka soomo, labo rakcadood oo duxa ah, iyo in aan witir tukado inta aanan seexan ka hor”. –Bukhaari iyo Muslim Xadiiska waxa laga qaadanayaa fadliga ay leedahay bil kasta in saddex maalmood laga soomo, waxaana sii fadli badan saddexda maalmood in ay noqdaan Ayaamul Biid. Ayaamul Biid: waa maalmaha dayaxu uu aadka u cadyahay ee uu buuxo, waa maalmaha dayaxu 13aadka, 14aadka iyo 15aadka uu yahay. Waxa kale oo xadiiska laga qaadanayaa labada rakcadood ee salaadda duxada ah in aan laga tegin ee la tukado. Salaadda duxadu: waa salaad barqada la tukado oo sunne ah. Laba rakcadood ayaa ugu yar siddeed rakcadood ayaana ugu fadli badan, waana laga badin karaa oo ilaa 12 ayaa la gaadhsiin karaa. Waxa kale oo Nebigu {ﷺ} kula dardaarmay in uu witriyaysto inta aannu seexan ka hor. Witriga iyo labada rakcadood ee salaadda subax ka horreeya waa sunnayaasha ugu fadliga badan.

Xadiiskan waxa laga qaadanaynaa shareecadu siday caddaaladda u farayso dulmigana u reebayso iyo inay tahay mid dhammaystiran. Waxa kale oo laga qaadanayaa ubadka in loo caddaalad sameeyaa inay waajib tahay. Waxa kale oo laga qaadanayaa wixii caddaaladda khilaafsan ee dulmi ah in aan laga markhaati noqonin. Waxa kale oo laga qaadanayaa ubadka qaarkood in wax la siiyo, oo lagu gaar yeelo kuwa kalena aan lala siinin, inay noqonayso mid caddaaladda khilaafsan oo ay dulmi tahay. Waxa laga qaadanayaa in wax walba loogu caddaalad sameeyo ubadka. Xadiisku maalka iyo xoolaha in loogu caddaalad sameeyo ayaa uu ku soo arooray, laakiin waxyaabaha kale ee aan xoolaha ahayna in loogu caddaalad sameeyaa way soo guda galaysaa. 📌https://t.me/XadiiskaMaanta

Xadiiskan waxa laga qaadanaynaa shareecadu siday caddaaladda u farayso dulmigana u reebayso iyo inay tahay mid dhammaystiran. Waxa kale oo laga qaadanayaa ubadka in loo caddaalad sameeyaa inay waajib tahay. Waxa kale oo laga qaadanayaa wixii caddaaladda khilaafsan ee dulmi ah in aan laga markhaati noqonin. Waxa kale oo laga qaadanayaa ubadka qaarkood in wax la siiyo, oo lagu gaar yeelo kuwa kalena aan lala siinin, inay noqonayso mid caddaaladda khilaafsan oo ay dulmi tahay. Waxa laga qaadanayaa in wax walba loogu caddaalad sameeyo ubadka. Xadiisku maalka iyo xoolaha in loogu caddaalad sameeyo ayaa uu ku soo arooray, laakiin waxyaabaha kale ee aan xoolaha ahayna in loogu caddaalad sameeyaa way soo guda galaysaa. 📌https://t.me/XadiiskaMaanta

Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ilaahay ka baqa oo ubadkiina u caddaalad sameeya”. –Bukhaari. Xadiisku waxa uu leeyahay Qiso! Sa
Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ilaahay ka baqa oo ubadkiina u caddaalad sameeya”. –Bukhaari. Xadiisku waxa uu leeyahay Qiso! Saxaaxbiga Nucmaan ibnu Bashiir RC waxa uu yidhi: Aabbahay ayaa xoolihiisa wax kamid ah igu sadaqadaystay oo isiiyay. Hooyaday Camra bintu Rawaaxah ayaa waxa ay ku tidhi: “Ma raalli noqonayo ilaa aad markhaati geliso Rasuulka Ilaahay waxa aad siisay Nucmaan”. Aabbahay ayaa i kaxeeyay oo Rasuulka {ﷺ} ii geeyay si uu u markhaati geliyo waxa uu isiiyay. Rasuulku {ﷺ} waxa uu ku yidhi: “Miyaad ku samaysay sidaas ubadkaaga oo dhan”? Aabbahay waxa uu ku yidhi: maya Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ilaahay ka baqa oo ubadkiina u caddaalad sameeya”. Lafdi kale waxa ku sugnaa in Nebigu {ﷺ} uu ku yidhi: “Ha i markhaati gelinin haddii ay sidaas tahay, waayo anigu kama markhaati kacayo dulmi”. 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

Nabigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ha caayina oo wax ha ka sheegina asxaabteyda, haddii midkiin uu bixiyo buurta Uxud oo dahab ah, ma
Nabigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ha caayina oo wax ha ka sheegina asxaabteyda, haddii midkiin uu bixiyo buurta Uxud oo dahab ah, ma gaadhayo midkood mud uu bixiyay ama badhkii”. –Bukhaari iyo Muslim. 𝐌𝐮𝐝𝐤𝐮 (مد): waa qofka labadiisa sacab oo la isu geeyay mugood, qofka ay waliba gacmihiisu dhexdhexaadka yihiin. Xadiisku waxa uu inoo tilmaamayaa haddii midkiin uu bixiyo buurta Uxud oo dahab ah, in aanu gaadhayn ajarkiisu ajarka mud ama mud badhkii oo uu bixiyay mid kamid ah asxaabtii Nebiga {ﷺ}. Qofka caaya ama wax ka sheega saxaabada fadligoodu sidaa yahay, Alle iyo Rasuulkiisuna ay sidaa u ammaaneen, waxaan shaki ku jirin in uu Ilaahay iyo Rasuulkiisa ku been abuuranayo, aayadaha iyo axaadiista suganna inkirayo. Saxaabada Nebiga {ﷺ} in wax laga sheego ama la duro, oo la caayo wax sahlan ma aha, waayo qofka saxaabada duraya ee wax ka sheegayaa waa qof diinta duraya oo wax ka sheegaya! 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

Suuradda Al-Kahfi waxaa Nebigu (ﷺ) innoo sunneeyay Jimce kasta in aynu akhrino oo ay nuur iyo ilays innoo ahaanayso ilaa Jimc
Suuradda Al-Kahfi waxaa Nebigu (ﷺ) innoo sunneeyay Jimce kasta in aynu akhrino oo ay nuur iyo ilays innoo ahaanayso ilaa Jimcaha xiga.

Rasuulku (ﷺ) waxa uu yidhi: “Bakhaylku waa qofka agtiisa la iga xuso ee aan igu sallin”. Xadiiskan waxa laga qaadanayaa in sa
Rasuulku (ﷺ) waxa uu yidhi: “Bakhaylku waa qofka agtiisa la iga xuso ee aan igu sallin”. Xadiiskan waxa laga qaadanayaa in salliga Nebiga (ﷺ) lagu dedaalo, gaar ahaan mar kasta oo Nebiga (ﷺ) la xuso ama la soo hadal qaado ama sifadiisa ama magaciisa la sheego. Culimada qaar waxay ka daliishadeen xadiiska mar kasta oo Nebiga (ﷺ) la xuso ama la soo hadal qaado in lagu salliyaa inay waajib tahay. صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا تَسْلِيمَا... اللَّهُــمَّ صَلِّ وَسَـــلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَـــا مُحمَّد ﷺ . الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ruuxa tukada labada qab-qabaw jannada ayuu galayaa.”. –Bukhaari iyo Muslim. Labada qab-qabaw waa
Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Ruuxa tukada labada qab-qabaw jannada ayuu galayaa.”. –Bukhaari iyo Muslim. Labada qab-qabaw waa Salaadda Subax iyo Salaadda Casar. Xadiiska kale Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “Naar ma galaayo ruux tukaday cadceedu intaanay soo bixin ka hor iyo intaanay dhicin ka hor.” –Muslim. Xadiiskan waxa aynu ka qaadanaynaa fadliga Salaadda Subax iyo Casar. Labadan salaadood waxa fadliga gaar ah loogu tilmaamay in wakhtiga Salaadda Subax badanaa qofku waxa uu ku jiraa hurdo macaan. Wakhtiga Casarkiina waa wakhti badanaa dadku ay ku mashquulsanyihiin dhammaystirka shaqadii maalinnimo. Sidaas daraadeed qofka ilaaliyay labadan salaadood waa qof ilaaliyay salaadihii kalena. الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

Sharaxa Xadiiska (سبق المفرّدون).mp3

Sharaxa Xadiiska (سبق الفردون).mp3

Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Mufarridiintu waa hormareen oo waa dheereeyeen”. Waxay yidhaahdeen: Rasuulkii Ilaahayow Mufarrid
Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Mufarridiintu waa hormareen oo waa dheereeyeen”. Waxay yidhaahdeen: Rasuulkii Ilaahayow Mufarridiintu waa maxay? Waxa uu yidhi: “Waa kuwa Ilaahay in farabadan xusaaya ee lab iyo kuwa Ilaahay in farabadan xusaaya ee dhedig”. –Bukhaari. الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Mufarridiintu waa hormareen oo waa dheereeyeen”. Waxay yidhaahdeen: Rasuulkii Ilaahayow Mufarrid
Rasuulku {ﷺ} waxa uu yidhi: “Mufarridiintu waa hormareen oo waa dheereeyeen”. Waxay yidhaahdeen: Rasuulkii Ilaahayow Mufarridiintu waa maxay? Waxa uu yidhi: “Waa kuwa Ilaahay in farabadan xusaaya ee lab iyo kuwa Ilaahay in farabadan xusaaya ee dhedig”. –Bukhaari. الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

قال رسول الله ﷺ : «بَلِّغوا عنّي ولو آيةً». رواه البخاري Nebigu {ﷺ} waxa uu yidhi: “Iga gaadhsiiya dadka aayadna ha noqoto e.” –Bukhaari. Xadiiskan waxa aynu ka qaadanaynaa in dadka la baro oo la gaadhsiiyo wax kasta oo Nebigu {ﷺ} uu la yimid Qur'aan ama Xadiis midkii ay noqotaba. 'Aayadna ha noqoto e.' Waxa halkan aayadda loogu koobay si qof kasta oo maqla uu ugu degdego gudbinta wixii aayado ama cilmi ah ee uu yaqaan, xataa haddii ay yar yihiin. Qof kastaana waxa uu gudbinayaa inta uu awoodo iyo inta uu cilmi u leeyahay. Waxa aad Alle iyo Rasuulkiisa ka gudbinaysaa waa in uu noqdo wax aad saxnimadiisa iyo runnimadiisa hubto, si aanad u gudbin wax aan ka sugnayn. Sh. Ibnu Cusaymiin (AHUN) waxa uu yidhi: “Mar kasta oo aad kansho (fursad) u hesho in aad faafiso Sunnaha Nebiga {ﷺ} faafi, waxa kuu sugnaanaya ajarkeeda iyo ajarka cid kasta oo ku camal fasha ilaa maalinta Qiyaame.” Ka qayb qaado faafinta Xadiiska Nebiga {ﷺ} si aad u hesho ducada Nebiga {ﷺ} ee ah: “Alle ha ifiyo oo ha qurxiyo ruuxa hadalkayga maqla ee weeleeya, ee xafida, kadibna sii gudbiya.” الدال على الخير كفاعله ـــــــــــــــــــــــــــــــــــــــــ 📌𝑺𝒊𝒊 𝑭𝒂𝒂𝒇𝒊 𝑿𝒂𝒅𝒊𝒊𝒔𝒌𝒂; iskuday ugu yaraan in aad hal qof sii gaarsiiso.
https://t.me/XadiiskaMaanta

-2147483648_-214310.webp2.67 KB

المكتفى في شمائل النبي المصطفى.pdf11.76 MB

اغتنم الفرصة آخر يوم للتسجيل. Maalintii u dambaysay diiwaangelinta ee ha laga faa'idaysto Insha Allaah.⬇️ https://qorra-org.com/ConditionsRegistration

اغتنم الفرصة آخر يوم للتسجيل. Maalintii u dambaysay diiwaangelinta ee ha laga faa'idaysto Insha Allaah. https://qorra-org.com/ConditionsRegistration

𝗤𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝗮 (برنامج قراء). https://t.me/X
𝗤𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗹𝗮 𝗶𝘀𝗸𝘂 𝗱𝗶𝗶𝗻𝘄𝗮𝗮𝗻𝗴𝗲𝗹𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗕𝗮𝗿𝗻𝗮𝗮𝗺𝗶𝗷𝗸𝗮 𝗤𝗼𝗿𝗿𝗮𝗮 (برنامج قراء). https://t.me/XadiiskaMaanta/3484 𝐋𝐢𝐧𝐤-𝐠𝐚 𝐥𝐚 𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐝𝐢𝐢𝐰𝐚𝐚𝐧𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐚𝐲𝐨. 🔗 رابط التسجيل: https://qorra-org.com/ConditionsRegistration

قال النبيُّ صلَّى اللهُ عليه وسلَّم: «تسَحَّرُوا؛ فإنَّ في السَّحورِ بَرَكةً.» رواه البخاري ومسلم Nebigu SCW waxa uu yidhi «Suxuurta waxa ku sugan barako ee suxuurta.» –Bukhaari iyo Muslim. Suxuurtu waxa ay leedahay barako sida uu sheegay Nebigu  SCW. Suxuurta waa in aan laga tegin ee la suxuurto si loo helo barakada.