UGAASKA
Открыть в Telegram
WAA MADAL DHALINTU ISKULA WADAAGTO WAX ANFACAYA ADUUNKODA IYO AQIRADOODABA.
Больше1 345
Подписчики
+124 часа
-27 дней
-1630 день
Архив постов
1 345
🧠 Dark Psychology
#Cilmi-nafsiga Ragga
7 sir oo ay dumarku badankood moogaanyihiin:
1. Aamusnaantiisa:
Aamusnaantiisu waa culays uu xambaarsan yahay, mana aha danayn-la’aan. Rag badan marka ay aamusaan waxay la tacaalayaan walbahaar, mas’uuliyad, ama dhibaato shaqsiyeed. Gabdho badani waxay u fasirtaan jacayl-la’aan, balse dhab ahaantii waa hab uu naftiisa ku xakameeyo.
2. Jacaylkiisa:
Jacaylkiisu waa ficil iyo waxqabad, ma aha hadal badan. Wuxuu muujinayaa jacayl adigoo arkaaya dadaalkiisa, masuuliyadda uu qaadayo, iyo sida uu kuu ilaaliyo—xitaa haddii uusan erayo badan adeegsan.
3. Fogaanshihiisa:
Markuu fogaado, ma aha inuu kaa cararayo; wuxuu isku dayayaa inuu difaaco walbahaarkiisa. Fogaanshuhu mararka qaar waa nasasho uu maskaxdiisa siinayo si uusan cadaadis ugu jabin.
4. Quusashadiisa:
Wuxuu joojiyaa dadaalkiisa marka uusan helin mahadnaq iyo dhiirrigelin. Raggu si weyn ayay u saameysaa marka dadaalkooda la arko lana qaddariyo; haddii kale, qalbigoodu wuu daalaa.
5. Dhabar-adaygiisa:
Wuu fogaadaa marka aan la ixtiraamin. Ninku aad ayuu u qadariyaa ixtiraamka, mararka qaarna wuu ka doorbidaa jacaylka. Marka ixtiraamku lumo, xiriirku si tartiib ah ayuu u daciifaa.
6. Daacadnimadiisa:
Wuxuu daacad u yahay gabadha siisa nabad, ixtiraam, iyo qaddarin dhab ah. Daacadnimadiisu waxay ka dhalataa kalsooni iyo ammaan uu ka helo qofka uu la joogo.
7. Qalbigiisa:
Qalbigiisa wuxuu kuu furaa oo keliya marka uu dareemo ammaan. Marka uu hubiyo inaan la dhaawici doonin, la fahmi doono, lana ixtiraami doono, ayuu si dhab ah isu furayaa.✅❤️
W/Q: Maxamed cilmi cali ( Bulshaawi)
@Galab wanaagsan 📝
1 345
قال إني أريد أن أنكحك إحدى ابنتيَّ هاتين على أن تأجرني ثماني حججٍ، فإن أتممتَ عشرًا فمن عندك، وما أريد أن أشقَّ عليك، ستجدني إن شاء الله من الصالحين
قال ذلك بيني وبينك أيما الأجلين قضيتُ فلا عدوان عليَّ، والله على ما نقول وكيل
Aayaddan waxay ka warramaysaa heshiis sharaf iyo caddaalad ku dhisan oo dhex maray Nabi Muuse (CS) iyo ninkii wanaagsanaa ee ahaa aabaha gabdhaha (badanaa lagu tilmaamo Nabi Shuʿayb (CS) ama nin saalix ah).
Ninku wuxuu Muuse ku yiri:
“Waxaan ku siinayaa mid ka mid ah gabdhahayga guur, adigoo ii shaqaynaya 8 sano.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Haddii aad rabto inaad ka dhigto 10 sano, waa ikhtiyaar adiga kuu furan, anigu kuguma qasbayo.”
Wuxuu caddeeyay inuusan rabin culays iyo dhib inuu saaro Muuse, taasoo muujinaysa naxariis iyo cadaalad.
Muuse (CS) isaguna wuxuu yiri:
“Heshiiskaas ha noqdo mid aniga iyo adiga noo dhexeeya, mid kasta oo ka mid ah labada muddo aan dhammeeyo, wax dambi ah iguma saarna.”
Labadooduba waxay ku kalsoon yihiin Ilaahay, waxayna yiraahdeen:
“Ilaahay ha noqdo markhaati heshiiskeenna.”
Casharrada laga baranayo:
1. Guurka Islaamku wuxuu ku dhisan yahay heshiis cad oo daacad ah.
2. Shaqo iyo dadaal ayaa noqon kara meher sharci ah.
3. Waa muhiim in la iska ilaaliyo culays iyo dulmi marka la heshiinayo.
4. Kalsoonida Ilaahay waa saldhigga heshiis kasta oo sax ah.
Duhur wanaagsan 👋
1 345
Repost from N/a
Runtii, dhacdooyinkii aan ku arkay xarunta Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka ayaa ahaa kuwo aad loola yaabo. Anigoo ku sugan xarunta, waxaan indhahayga ku arkay qaar ka mid ah dhalinyaradii ka hawlgalaysay doorashooyinka golaha deegaanka oo jirdil u geystay askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada xarunta.
Arrinta ka sii walaaca badanna waxay tahay in dhalinyaradaas qaarkood ay yihiin kuwo aqoonyahan (academic) ah, haddana aan muujin karin mas’uuliyad, anshax iyo u hoggaansanaan nidaam shaqo. Haddii xitaa jaakadihii shaqada lagu aqoonsanayay laga qaadi waayo, su’aal baa is weydiin mudan: #sidee loo hubin karaa in agabka kale ee doorashooyinka kuwa xasaasiga ah si sax ah loo maamuli karo ama loo soo celin karo?
Intaas anigoo weli ka yaaban, ayaan haddana arkay dhacdo kale oo ka sii yaab badan, taas oo ahayd madaxweynaha dalka oo khudbad jeedinaya, isla markaana lagu tuurayo waxyaabo sida caag biyo caafi ah lagu dhufanaayo, Taasi waxay noqotay astaan muujinaysa hoos u dhac ku yimid anshaxa guud, ixtiraamka hoggaanka, iyo mas’uuliyadda muwaadinnimo ee bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda ka jirto.🥹
#Subax wanaagsan 👋
1 345
Repost from N/a
#Nolosha bini’aadamka waxay u qaybsantaa 30 da' , kuwaas oo kala ah:
1. 30 kowaad:
Waa waqtiga uu qofku la nool yahay waalidkii iyo qoyska.
Waa xilliga tarbiyada, koritaanka, waxbarashada aasaasiga ah, iyo dhisidda shakhsiyadda.
Qofku wuxuu barta siduu uga qayb qaato nolosha mustaqbalka.
2. 30 labaad:
Waa waqtiga qofku shaqaynayo oo uu noloshiisa adduun ka dhisanayo
inuu wax barto, shaqo helo, qoys samaysto, isla markaana horumariyo dhaqaalaha iyo waayo-aragnimadiisa.
3. 30 saddexaad :
Waa waqtiga nasashada iyo helitaanka raaxada nolosha,
qofkuna wuxuu ku nastaa wixii uu soo shaqaystay, isagoo ku raaxaysanaya xasuusta wanaagsan iyo miraha dadaalkiisii hore.✅️❤️
@chimca Mubarak 🤝
1 345
Repost from N/a
#Marxaladda bini’aadamka:
Marxaladda Ugu Muhiimsan Noloshaada
Nolosha bani’aadamka waxay leedahay marxalado kala duwan, balse mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan uguna khatarsan waa da’da 20-meeyada (20–30 sano). Waa xilli ay riyooyinku bislaadaan, sidoo kalena khataruhu bataan. Waa da’da lagu dhiso mustaqbalka, ama lagu burburiyo.
Da’dan waa xuddunta noloshaada — waa halka ay mustaqbalkaagu ku dhalato ama ku dhinto. Waa xilli u dhexeeya riyo iyo run, halgan iyo caajis, himilo iyo niyad-jab. Waa da’da lagu barto cidda aad dhab ahaan tahay iyo cidda aad rabto inaad noqoto.
Marxaladdan, noloshu waxay ku tustaa laba waji: midka raaxada degdegga ah iyo midka dadaalka joogtada ah. Qof kasta wuxuu leeyahay riyo, balse waxa keliya ee kala saara kuwa guuleysta iyo kuwa lumay waa go’aanka ay ku qaataan da’dan.
Si aad u fahamto jidkaaga, waa inaad barato afar kooxood oo waaweyn oo da’dan ku dhex nool, si aad u ogaato midda aad rabto inaad ka mid noqoto.
1. Kooxda Madadaalada iyo Raaxada
Kuwani waa dhalinyaro ku lumay raaxada iyo madadaalada; maxaabiis u ah muusikada, ciyaaraha, baraha bulshada iyo wixii la halmaala. Waxay noloshooda ku lumiyaan raadinta raaxo degdeg ah, madadaallo iyo inay qudwo ka dhigtaan kuwa nolosha ka dhacay, iyaga oo aaminsan in ay sidaas ku helayaan farxad.
2. Kooxda “Nuxurka Been Abuurka ah”
Kuwani waa dhalinyaro u malaynaya inay yihiin “dadka caqliga leh”. Arday ku mashquulsan mustaqbalkooda, balse aan wax ficil ah samayn. Waxay sugayaan fursad, halka adiga lagaa doonayo inaad fursaddaas abuurto.
3. Kooxda Joojisay Wadadii
Waa kuwa bilaabay mashaariic, waxbarasho, ama riyooyin waaweyn, balse joojiyay intay jidka ku jireen. Halkaas ayay sirta guushu ku jirtaa: waa joogteynta iyo dulqaadka. Haddii aad la timaaddo joogtayn, waxaad si sahlan uga gudbay saa kumannaan kuwaas oo kale ah.
4. Kooxda Guuleystayaasha Dhabta ah
Kuwani waa kooxda ugu adag — VIP-yada nolosha. Waa kuwa gaadhay heerarka ugu sarreeya, balse ha iloobin in iyaguna mar ay ahaayeen sidaada: dhalinyaro leh rajo, jahawareer iyo riyooyin waaweyn.
Farquga u dhexeeya adiga iyo iyaga waa kaliya: go’aan adag, barasho joogto ah, iyo hurid raaxo. Ma jiro qof guuleysta oo raaxo ku gaaray; guushu waa natiijada dadaal iyo diidmada nasasho been ah.
#Xaqiiqda Guusha
Guusha kuma timaaddo si sahlan. Uma timaaddo kuwa kaliya hadla, balse waxay u timaaddaa kuwa shaqeeya. Uma timaaddo kuwa seexda, balse waxay u timaaddaa kuwa seexda iyaga oo qorshe leh.
Haddii aad rabto inaad gaadho heer sare, waa inaad dishaa caajiska gudahaaga, gubtaa riyada been abuurka ah ee nasashada, oo aad naftaada ku dhistaa aqoon, nidaam iyo shaqo joogto ah.
#Noloshu waxay ku siisaa laba dariiq:
1. Inaad noqoto daawade, oo aad ku mashquusho aragtida nolosha dadka kale, ama
2. Inaad noqoto abuure fursadaha iyo taariikhda, qof lagu xuso dadaalkiisa iyo himiladiisa.
#Doorashadaas Gacantaada Ayay Ku Jirtaa!
# chimca Mubarak ❤️📿
1 345
#Dhibaatada iyo Khatarta “Comfort Zone”-ka 🌀
1. Macnaha “Comfort Zone”
“Comfort zone” waa xaalad uu qofku ku jiro oo uu isku dareemo nabdoon (ammaan), raaxo leh, isla markaana aan la kulmin wax cabsi ama culays ah. Waa meel maskaxda ama nolosha qofka u muuqata mid ammaan ah, laakiin aysan jirin wax horumar ah oo dhab ah oo halkaas ka dhasha.
Dhibaatada Comfort Zone-ka
1. Joojin Horumarka 🚫
Marka qofku ku ekaado raaxadiisa, wuu iska daayaa inuu wax cusub barto ama tijaabiyo. Tani waxay keentaa in uu istaago horumarkiisa shaqsiyeed, aqooneed, iyo xirfadeed.
2. Cabsi laga qabo isbeddelka 😨
Qofka had iyo jeer ku jira comfort zone-ka wuu ka cabsadaa waxyaabo cusub, sababtoo ah maskaxdiisu ma baran halis ama khatar la qabsasho.
3. Fursado badan oo la waayo 💔
Marka aad ka baqdo tijaabinta wax cusub, waxaad seegtaa fursado nolosha kaa caawin lahaa — sida shaqo cusub, xirfad cusub, ama xitaa xiriir wanaagsan.
4. Kalsooni la’aan iyo niyad-jab 😔
Raaxada joogtada ah waxay keentaa in qofku yeesho kalsooni yar, sababtoo ah mar walba wuxuu ka baqayaa inuu guul-darraysto ama uu wajahayo caqabado.
5. Maskax ku adkaata wax cusub 🧠
Marka qofku muddo dheer ku jiro meel aan caqabad lahayn, maskaxdiisu waxay noqotaa mid daal badan oo aan si fudud u qaadan karin fikrado cusub ama xalal hal-abuur leh.
Khatarta Comfort Zone-ka
1. Nolol caajis ah (boring life) 😴
Wax walba oo maalin kasta isku mid ah waxay qofka gelisaa nolol caajis ah oo aan dhiirrigelin lahayn.
2. Luminta hal-abuurka (creativity) 🎨
Haddii aadan isku dayin wax cusub, hal-abuurka iyo fikirka cusub wuu yaraadaa.
3. Fashil mustaqbalka ah ⚠
Dunida maanta way isbeddeleysaa. Haddii aadan la qabsan isbeddelkaas, waxaad halis ugu jirtaa inaad dib u dhacdo ama fursadaha kaa baxaan.
4. Nolosha oo aan macne yeelan 🕳
Raaxada joogtada ah waxay qofka ka dhigtaa mid aan higsan yool cusub, taasoo keenta in noloshu u ekaato mid aan jihaysanayn.✅🗒️
@highlight Habeen wanaagsan 🤝
1 345
Repost from N/a
#Waxa aan is waydiiyey su,aal ah:
#Sidee lagu xalin karaa Siyaasadda soomaaliya ee xasillooni darro ka jirto? 🤔🇸🇴
1. Heshiis Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed
Soomaalidu waxay ku guul-darreysatay inay dhisato hal mabda’ oo mideeya. Waxaa loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo qaran oo ka dhex dhaca dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.
Dib-u-heshiisiin dhab ah oo ka baxsan xaflado siyaasadeed, laguna saleeyo run iyo cafis.
2. Xoojinta Dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka
Hay’adaha dowliga ah sida garsoorka, ciidamada, iyo baarlamaanka waa in laga dhigaa kuwo madax-bannaan oo aan ku tiirsaneyn qabiil ama koox gaar ah.
La dagaalanka musuqmaasuqa si loo helo kalsoonida shacabka.
3. Ka Fogaanshaha Qabiil Siyaasadda
Qabiilku waa dhaqan, laakiin marka uu siyaasadda qabsado wuxuu noqdaa caqabad.
Waxaa loo baahan yahay nidaam siyaasadeed oo xisbiyo qaran ah, halkii lagu kala qaybsan lahaa qabiil.
4. Doorashooyin Hufan iyo Dimuqraadiyad Dhab ah
Doorashooyin si xor ah loo qabto oo qof kasta codkiisa uu leeyahay qiimo.
Ka qaybgalka bulshada oo dhan, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, si ay mustaqbalka siyaasadda u hagaan.
5. Amniga iyo Ka Hortagga Argagixisada
Amni la’aan ayaa siyaasadda ka dhigtay mid jilicsan.
Ciidamo qaran oo isku dhafan iyo qorshe dhameystiran oo lagu baabi’inayo argagixisada iyo hubka sharci darrada ah.
6. Waxbarasho iyo Wacyigelin Siyaasadeed
Bulshada waa in loo sameeyaa civic education (aqoonta wacyiga siyaasadeed iyo bulsho) si loo fahmo xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinimo.
Jiilka cusub in la baro sida loogu tartamo siyaasadda anshax iyo adeeg qaran, ee aan loogu tartamin xil iyo dano qabiil.
7. Dhaqaale iyo Shaqo Abuur
Shaqo la’aantu waxay dhalisaa burbur siyaasadeed.
Horumar dhaqaale iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalka waxay yareyn karaan khilaafka siyaasadeed.
8. Doorka Caalamka iyo Dariska
Soomaaliya waa in ay ka feejignaataa faragelinta shisheeye, isla markaana ka faa’iideysataa taageerada caalamka si ay u xoojiso dowladnimadeeda.
Heshiisyo cadaalad ah oo lala galo waddamada dariska iyo caalamka.✅❤️
W/Q: Maxamed cilmi cali ( Bulshaawi) 🗒️✍🏾
#Chimca Mubarak saaxibayaal❤️
1 345
Repost from N/a
Magacayga waa Sucdi Abdifitax Waxa aan kamid ahay macadka ASLA Academy oo ah macad tababar oo wadamada East Afrika ka shaqeeya gaar ahaan dhalinyarada tababara, waxa aan metelaaya Somalia, Waxa wadaa barnaamij loogu magac daray " Bariga afrikada aan doonayno" " East Africa We Want" si uu barnaamijka uhirgalo Waxa loo baahanyahay saxiixyo kayimaada dhalinyarada wadamada Bariga afrika "East African Countries" waxa aan kaa codsanaya in aad iisaxiixdid Barnaamijkan.
Fadlan Form kaan i saxiix,
https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSdRZ_46BKxMc1Auiq7paL6LsTy82LTpa_7MzVvN1keQfXI83Q/viewform?usp=header
- Magacada
- ID card Jamacadda
- Da'adaada Geli
- Role/Designation: student ku qor.
- Institution/Organisation: Jamacadda ama mesha ka shaqaysid kuqor
- Kadibna mesha udanbaysa Yes dheh.
Waad ku mahadsantahay In aad codsigayga ii tixgelisay.
Salaamu Allah calaykum saaxibayaal Gabadhaas waa walashaye isku fasal ayaan nahaye Jamacadda marka waxaye ku jirtaa tartan ay Ku matalayso Somalia 🇸🇴 oo la dhaho "Bariga Africa 🌍 aan doonayno" marka please 🙏 saaxibayaal u saxiixa insha Allah 🤝
1 345
Repost from N/a
#Ha oggola in hadalka taban uu horumarkaaga joojiyo:
Biyaha wasakhda ahi ma hor istaagaan geedaha koritaankooda. Geedku wuu nuugaa, wuu ka faa’iidaystaa, ugu dambayntiina wuu baxaa oo midho wuu dhalaa.
Noloshu sidoo kale waa sidaas. Erayada taban, dhaleeceynta iyo eedda dadka kale waa la maqli karaa, laakiin yeysan noqon wax kaa hor istaaga riyadaada iyo safarkaaga guusha.
Xasuuso in xooggaaga iyo horumarkaaga ay ku jiraan adiga gudahaaga, ee aysan ku xirnayn waxa dadka kale kaa sheegaan. Sida geed yar oo ka soo baxa dhulka qallalan, adiguna waxaad awood u leedahay inaad ku korto xaalad kasta.✅❤️🗒️
@highlight Barqo wanaagsan 🤝❤️
1 345
*Talooyin muhiim ah:*
1. Subax kasta inta aadan waxbarasho ama shaqo u kallihin, maalintaada ku billow qur’aan akhris(juz, xisib, xisib badhkiis, laba bog, hal bog, bog haafkiis ama dhowr ayaadood xitaa.
2. Wardiga subaxii ha hilmaamin. Aad ayuu muhiim u yahay.
3. Haddii ay suurtogal kuu tahay, jimicsi yar samee ama soddon daqiiqo lugee.
4. Sonkorta iyo cunto saliid/dufan badan leh iska ilaali.
5. Maalin kasta saddaqo la bax, habayaraato’e.
*@Subax wanaagsan ❤️*
1 345
Mahadcelintu waxay kaa saaraysaa murugada, Haddii aad haysato hal roodhi ah, oo kaliya, mahadceli, kala badh dadka aduunka waxay seexdaan iyagoo gaajaysan. Haddii aad haysato hoy, faraxsanow, malaayiin qof baa hoos seexda dhismayaasha iyo banaanada. Haddii aad xidhan tahay dhar, u mahadnaq Eebbe, dad badan baan haysan wax ay xidhaan. Mahadnaqu waa daawada murugada. Marka aad xusuusato nimcooyinka Eebbe halkii aad ka tirin lahayd waxyaabaha kaa maqan, murugadu way yaraanaysaa, qanacsanaan ayaa dareemaysa. Nebi Muxammad (SCW) wuxuu yidhi: “Eega kuwa idinka hooseeya hana eegin kuwa idinka sarreeya, waayo taas ayaa idinka celineysa in aad yaraysato nimcooyinka Eebbe.” (Bukhaari & Muslim)
Farxadda waa Doorasho, ee ma aha maal, magac ama raynrayn aan dhammaad lahayn, waxa ay ku jirtaa qalbi raalli ah, naf mahadcelisa, iyo nolol leh ujeeddo iyo macno.” Farxadda dhabta ahi waxay ka timaaddaa gudaha qofka. Lagama helo waxyaabaha banaanka, ee waxa ay ku jirtaa iimaanka, jacaylka, iyo ficillada wanaagsan. Nebigu (SCW) wuxuu yidhi: “Maalku ma aha in la haysto hanti badan, laakiin maalka dhabta ah waa qanacsanaanta nafta.” (Bukhaari).
*#Mahsanitiin dhamaan ❤️*
*@Galab wanaagsan 🤝*
1 345
Repost from N/a
#Noloshu Waa Fursado ee Baro Sida Looga Faa’iidaysto fursada haas.❤️
Nolosha bini’aadamku waa mid aan mar walba sinnayn, waxay leedahay waqtiyo wanaagsan iyo waqtiyo adag, balse mar kasta waxaa jira fursado dahsoon oo qofka horumarkiisa kobcin kara. Qof walba noloshiisa wuxuu la kulmaa fursado, balse ma aha qof walba ka faa’iideysta.
Waa lagama maarmaan inaad barato sida loo arko, loo garto, loona dhaqan geliyo fursadaha si loo gaaro horumar nololed.
1. Garashada Fursadaha
Fursaduhu mararka qaar waxay u muuqdaan sidii caqabad. Qofka leh maskax furan iyo aragti dheer ayaa ka dhex arka wax wanaagsan xaalad adag. Fursaddu ma aha kaliya mid si fiican muuqata, mararka qaar waa la abuurtaa.
2. Diyaargarow Joogto ah
Markaad rabto inaad ka faa’iidaysato fursad, waa inaad mar kasta diyaar u tahay. Diyaargarowgu waa aqoon, waayo-aragnimo, karti, iyo kalsooni. Fursad kastaa waxay u baahan tahay qof diyaarsan.
3. Geesinimo iyo Go’aan Degdeg ah
Dad badan waxay waayaan fursado sababtoo ah way ka labalabeeyaan. Fursaddu mararka qaar ma sugto, go’aanka degdegga ah ee aad qaadato ayaa noqon kara albaabka guusha.
4. Samir iyo Adkaysi
Fursaddu kama dhigto guul degdeg ah, waxay u baahan tahay adkaysi. Markaad fursad hesho, u dulqaado caqabadaha ka dhasha oo u shaqee si hagar la’aan ah.
5. Ka Baro Khaladaadka Hore
Haddii aad fursad dayacday ama aad ku guuldaraysatay, ha niyad jabin. Waxaa muhiim ah inaad ka barato sababta aad uga faa’iideysan weyday, si aad fursadda xigta uga faa’iideysato si fiican.
Ugu dambeyn:
Noloshu waa sida beer; haddii aad si wanaagsan u beerto (ka faa’iidaysato fursadaha), waxaad goosan doontaa midho wacan. U diyaargarow, fursadaha raadi, hana ka baqin inaad qaaddo tallaabo. Noloshu ma sugto qof aan diyaar ahayn.
"Fursaddu waa albaabka guusha laakiinse waa inaad adigu furto."
1 345
*⚫️Ogaysiis ogaysiis*⚫️
▫️Dhaman waxa ogsiineyna bulshada inaa bilownay
*is diwanglin cusub*
tasoo ah xifdinta quranka kariimka iyo tafsirkisa oo loo baran doono si wada jir ah
▫️Waxan ku baran donaa hab online ah
Waxaan ugu talagalney fursadaan kaliya *30 qof*
Inaga lasoo xarir 61 7566157
*Hadaba kasoo qeybgal oo yaan laga hormarin*
*F.G:Fursadaan waxaa ka faaidaysan karo keliya Gabadha* ❤️🤝
1 345
Repost from N/a
Kobcinta Kartida Is-Maamulka (Self-Discipline)
Dhalinyarooy, is-maamulku waa tiirka ugu weyn ee lagu gaadho horumar nololeed. Waa awoodda aad naftaada ku xakamayso, waxyaabaha muhiimka ah mudnaan u ku siiso, kagana fogaato caajiska, waqti lumiska iyo balwadaha. Qof aan naftiisa maamuli karin, ma noqon karo mid dadka kale hogaamiya.
Maanta dunidu waa mid fursado badan leh, laakiinse qofka guusha gaadha waa ka dadaalka leh, kuna dhisan is-maamul joogto ah. Tusaale ahaan, haddii aad dejiso yool aad dooneyso inaad gaadho, waa inaad is-barataa inaad si joogto ah u shaqeyso, xataa markaad dareemeyso daal ama niyad-jab.
Is-maamulku wuxuu sidoo kale kaa caawinayaa inaad ilaaliso waqtiga, caafimaadka maskaxda, iyo xidhiidhka bulshada kaala dhexeeya. Waxaa lagu kobcin karaa adigoo samaysta jadwal, joojiya dib u dhigidda hawsha, kuna abaalmariya naftaada markaad horumar gaadho.
@Galab wanaagsan 🤝❤️
1 345
Repost from N/a
*5-Dhaqan oo ay ka siman yihiin dadka Guulaysta:*
1. Maamulka waqtiga (Time Management):
Dadka guulaysta waxay si wanaagsan u maareeyaan waqtigooda. Waxay leeyihiin jadwal cad oo maalintooda ah, waxayna mudnaanta siiyaan waxyaabaha muhiimka ah. Tusaale: Subaxdii hore ayay qabtaan.
2. Akhriska Joogtada ah:
Guulaystayaashu waxay leeyihiin caado akhris. Waxay akhriyaan buugaag ku saabsan horumarinta nafta, ganacsiga, taariikhda, iyo cilmi kala duwan. Tani waxay maskaxdooda ka dhigtaa mid furan, fikrad cusubna ay helaan mar walba.
3. Is-Dhiirrigelinta iyo Himilooyinka Cad:
Dadka guulaysta waxay leeyihiin yoolal cad oo noloshooda ah. Waxay ogyihiin waxay rabaan iyo sababta ay u doonayaan. Waxay sidoo kale si joogto ah isku dhiirrigeliyaan: Waxay qoraan Himilooyinkooda dhammaan.
4. Caafimaadkooda iyo Jirkooda ayay Ka Warhayaan:
Caado kale oo muhiim ah waa daryeelka jirka iyo maskaxda. Dadka guulaysta waxay: Jimicsi sameeyaan. Si caafimaad leh u cunaan.
Hurdo kugu filan helaan.
5. Waxbarasho Joogto ah iyo Horumar Nafta ah:
Dadka guulaysta waligood ma joojiyaan barashada. Mar walba waxay rabaan inay wax cusub bartaan si ay uga sii fiicnaadaan sidii ay hore u ahaayeen.
@Galab wanaagsan 🤝❤️
