fa
Feedback
UGAASKA

UGAASKA

رفتن به کانال در Telegram

WAA MADAL DHALINTU ISKULA WADAAGTO WAX ANFACAYA ADUUNKODA IYO AQIRADOODABA.

نمایش بیشتر
1 366
مشترکین
-224 ساعت
-107 روز
-4030 روز
آرشیو پست ها
UGAASKA
1 366
Repost from N/a
photo content

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
#Nolosha bini’aadamka waxay u qaybsantaa 30 da' , kuwaas oo kala ah: 1. 30 kowaad: Waa waqtiga uu qofku la nool yahay waalidkii iyo qoyska. Waa xilliga tarbiyada, koritaanka, waxbarashada aasaasiga ah, iyo dhisidda shakhsiyadda. Qofku wuxuu barta siduu uga qayb qaato nolosha mustaqbalka. 2. 30 labaad: Waa waqtiga qofku shaqaynayo oo uu noloshiisa adduun ka dhisanayo inuu wax barto, shaqo helo, qoys samaysto, isla markaana horumariyo dhaqaalaha iyo waayo-aragnimadiisa. 3. 30 saddexaad : Waa waqtiga nasashada iyo helitaanka raaxada nolosha, qofkuna wuxuu ku nastaa wixii uu soo shaqaystay, isagoo ku raaxaysanaya xasuusta wanaagsan iyo miraha dadaalkiisii hore.✅️❤️ @chimca Mubarak 🤝

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
#Marxaladda bini’aadamka: Marxaladda Ugu Muhiimsan Noloshaada Nolosha bani’aadamka waxay leedahay marxalado kala duwan, balse mid ka mid ah kuwa ugu muhiimsan uguna khatarsan waa da’da 20-meeyada (20–30 sano). Waa xilli ay riyooyinku bislaadaan, sidoo kalena khataruhu bataan. Waa da’da lagu dhiso mustaqbalka, ama lagu burburiyo. Da’dan waa xuddunta noloshaada — waa halka ay mustaqbalkaagu ku dhalato ama ku dhinto. Waa xilli u dhexeeya riyo iyo run, halgan iyo caajis, himilo iyo niyad-jab. Waa da’da lagu barto cidda aad dhab ahaan tahay iyo cidda aad rabto inaad noqoto. Marxaladdan, noloshu waxay ku tustaa laba waji: midka raaxada degdegga ah iyo midka dadaalka joogtada ah. Qof kasta wuxuu leeyahay riyo, balse waxa keliya ee kala saara kuwa guuleysta iyo kuwa lumay waa go’aanka ay ku qaataan da’dan. Si aad u fahamto jidkaaga, waa inaad barato afar kooxood oo waaweyn oo da’dan ku dhex nool, si aad u ogaato midda aad rabto inaad ka mid noqoto. 1. Kooxda Madadaalada iyo Raaxada Kuwani waa dhalinyaro ku lumay raaxada iyo madadaalada; maxaabiis u ah muusikada, ciyaaraha, baraha bulshada iyo wixii la halmaala. Waxay noloshooda ku lumiyaan raadinta raaxo degdeg ah, madadaallo iyo inay qudwo ka dhigtaan kuwa nolosha ka dhacay, iyaga oo aaminsan in ay sidaas ku helayaan farxad. 2. Kooxda “Nuxurka Been Abuurka ah” Kuwani waa dhalinyaro u malaynaya inay yihiin “dadka caqliga leh”. Arday ku mashquulsan mustaqbalkooda, balse aan wax ficil ah samayn. Waxay sugayaan fursad, halka adiga lagaa doonayo inaad fursaddaas abuurto. 3. Kooxda Joojisay Wadadii Waa kuwa bilaabay mashaariic, waxbarasho, ama riyooyin waaweyn, balse joojiyay intay jidka ku jireen. Halkaas ayay sirta guushu ku jirtaa: waa joogteynta iyo dulqaadka. Haddii aad la timaaddo joogtayn, waxaad si sahlan uga gudbay saa kumannaan kuwaas oo kale ah. 4. Kooxda Guuleystayaasha Dhabta ah Kuwani waa kooxda ugu adag — VIP-yada nolosha. Waa kuwa gaadhay heerarka ugu sarreeya, balse ha iloobin in iyaguna mar ay ahaayeen sidaada: dhalinyaro leh rajo, jahawareer iyo riyooyin waaweyn. Farquga u dhexeeya adiga iyo iyaga waa kaliya: go’aan adag, barasho joogto ah, iyo hurid raaxo. Ma jiro qof guuleysta oo raaxo ku gaaray; guushu waa natiijada dadaal iyo diidmada nasasho been ah. #Xaqiiqda Guusha Guusha kuma timaaddo si sahlan. Uma timaaddo kuwa kaliya hadla, balse waxay u timaaddaa kuwa shaqeeya. Uma timaaddo kuwa seexda, balse waxay u timaaddaa kuwa seexda iyaga oo qorshe leh. Haddii aad rabto inaad gaadho heer sare, waa inaad dishaa caajiska gudahaaga, gubtaa riyada been abuurka ah ee nasashada, oo aad naftaada ku dhistaa aqoon, nidaam iyo shaqo joogto ah. #Noloshu waxay ku siisaa laba dariiq: 1. Inaad noqoto daawade, oo aad ku mashquusho aragtida nolosha dadka kale, ama 2. Inaad noqoto abuure fursadaha iyo taariikhda, qof lagu xuso dadaalkiisa iyo himiladiisa. #Doorashadaas Gacantaada Ayay Ku Jirtaa! # chimca Mubarak ❤️📿

UGAASKA
1 366
#Dhibaatada iyo Khatarta “Comfort Zone”-ka 🌀 1. Macnaha “Comfort Zone” “Comfort zone” waa xaalad uu qofku ku jiro oo uu isku dareemo nabdoon (ammaan), raaxo leh, isla markaana aan la kulmin wax cabsi ama culays ah. Waa meel maskaxda ama nolosha qofka u muuqata mid ammaan ah, laakiin aysan jirin wax horumar ah oo dhab ah oo halkaas ka dhasha. Dhibaatada Comfort Zone-ka 1. Joojin Horumarka 🚫 Marka qofku ku ekaado raaxadiisa, wuu iska daayaa inuu wax cusub barto ama tijaabiyo. Tani waxay keentaa in uu istaago horumarkiisa shaqsiyeed, aqooneed, iyo xirfadeed. 2. Cabsi laga qabo isbeddelka 😨 Qofka had iyo jeer ku jira comfort zone-ka wuu ka cabsadaa waxyaabo cusub, sababtoo ah maskaxdiisu ma baran halis ama khatar la qabsasho. 3. Fursado badan oo la waayo 💔 Marka aad ka baqdo tijaabinta wax cusub, waxaad seegtaa fursado nolosha kaa caawin lahaa — sida shaqo cusub, xirfad cusub, ama xitaa xiriir wanaagsan. 4. Kalsooni la’aan iyo niyad-jab 😔 Raaxada joogtada ah waxay keentaa in qofku yeesho kalsooni yar, sababtoo ah mar walba wuxuu ka baqayaa inuu guul-darraysto ama uu wajahayo caqabado. 5. Maskax ku adkaata wax cusub 🧠 Marka qofku muddo dheer ku jiro meel aan caqabad lahayn, maskaxdiisu waxay noqotaa mid daal badan oo aan si fudud u qaadan karin fikrado cusub ama xalal hal-abuur leh. Khatarta Comfort Zone-ka 1. Nolol caajis ah (boring life) 😴 Wax walba oo maalin kasta isku mid ah waxay qofka gelisaa nolol caajis ah oo aan dhiirrigelin lahayn. 2. Luminta hal-abuurka (creativity) 🎨 Haddii aadan isku dayin wax cusub, hal-abuurka iyo fikirka cusub wuu yaraadaa. 3. Fashil mustaqbalka ah ⚠ Dunida maanta way isbeddeleysaa. Haddii aadan la qabsan isbeddelkaas, waxaad halis ugu jirtaa inaad dib u dhacdo ama fursadaha kaa baxaan. 4. Nolosha oo aan macne yeelan 🕳 Raaxada joogtada ah waxay qofka ka dhigtaa mid aan higsan yool cusub, taasoo keenta in noloshu u ekaato mid aan jihaysanayn.✅🗒️ @highlight Habeen wanaagsan 🤝

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
#Waxa aan is waydiiyey su,aal ah: #Sidee lagu xalin karaa Siyaasadda soomaaliya ee xasillooni darro ka jirto? 🤔🇸🇴 1. Heshiis Qaran iyo Midnimo Siyaasadeed Soomaalidu waxay ku guul-darreysatay inay dhisato hal mabda’ oo mideeya. Waxaa loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo qaran oo ka dhex dhaca dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe. Dib-u-heshiisiin dhab ah oo ka baxsan xaflado siyaasadeed, laguna saleeyo run iyo cafis. 2. Xoojinta Dowladnimada iyo Hay’adaha Qaranka Hay’adaha dowliga ah sida garsoorka, ciidamada, iyo baarlamaanka waa in laga dhigaa kuwo madax-bannaan oo aan ku tiirsaneyn qabiil ama koox gaar ah. La dagaalanka musuqmaasuqa si loo helo kalsoonida shacabka. 3. Ka Fogaanshaha Qabiil Siyaasadda Qabiilku waa dhaqan, laakiin marka uu siyaasadda qabsado wuxuu noqdaa caqabad. Waxaa loo baahan yahay nidaam siyaasadeed oo xisbiyo qaran ah, halkii lagu kala qaybsan lahaa qabiil. 4. Doorashooyin Hufan iyo Dimuqraadiyad Dhab ah Doorashooyin si xor ah loo qabto oo qof kasta codkiisa uu leeyahay qiimo. Ka qaybgalka bulshada oo dhan, gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada, si ay mustaqbalka siyaasadda u hagaan. 5. Amniga iyo Ka Hortagga Argagixisada Amni la’aan ayaa siyaasadda ka dhigtay mid jilicsan. Ciidamo qaran oo isku dhafan iyo qorshe dhameystiran oo lagu baabi’inayo argagixisada iyo hubka sharci darrada ah. 6. Waxbarasho iyo Wacyigelin Siyaasadeed Bulshada waa in loo sameeyaa civic education (aqoonta wacyiga siyaasadeed iyo bulsho) si loo fahmo xuquuqda iyo waajibaadka muwaadinimo. Jiilka cusub in la baro sida loogu tartamo siyaasadda anshax iyo adeeg qaran, ee aan loogu tartamin xil iyo dano qabiil. 7. Dhaqaale iyo Shaqo Abuur Shaqo la’aantu waxay dhalisaa burbur siyaasadeed. Horumar dhaqaale iyo ka faa’iideysiga khayraadka dalka waxay yareyn karaan khilaafka siyaasadeed. 8. Doorka Caalamka iyo Dariska Soomaaliya waa in ay ka feejignaataa faragelinta shisheeye, isla markaana ka faa’iideysataa taageerada caalamka si ay u xoojiso dowladnimadeeda. Heshiisyo cadaalad ah oo lala galo waddamada dariska iyo caalamka.✅❤️ W/Q: Maxamed cilmi cali ( Bulshaawi) 🗒️✍🏾 #Chimca Mubarak saaxibayaal❤️

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
Magacayga waa Sucdi Abdifitax Waxa aan kamid ahay macadka ASLA Academy oo ah macad tababar oo wadamada East Afrika ka shaqeeya gaar ahaan dhalinyarada tababara, waxa aan metelaaya Somalia, Waxa wadaa barnaamij loogu magac daray " Bariga afrikada aan doonayno" " East Africa We Want" si uu barnaamijka uhirgalo Waxa loo baahanyahay saxiixyo kayimaada dhalinyarada wadamada Bariga afrika "East African Countries" waxa aan kaa codsanaya in aad iisaxiixdid Barnaamijkan. Fadlan Form kaan i saxiix, https://docs.google.com/forms/d/e/1FAIpQLSdRZ_46BKxMc1Auiq7paL6LsTy82LTpa_7MzVvN1keQfXI83Q/viewform?usp=header - Magacada - ID card Jamacadda - Da'adaada Geli - Role/Designation: student ku qor. - Institution/Organisation: Jamacadda ama mesha ka shaqaysid kuqor - Kadibna mesha udanbaysa Yes dheh. Waad ku mahadsantahay In aad codsigayga ii tixgelisay. Salaamu Allah calaykum saaxibayaal Gabadhaas waa walashaye isku fasal ayaan nahaye Jamacadda marka waxaye ku jirtaa tartan ay Ku matalayso Somalia 🇸🇴 oo la dhaho "Bariga Africa 🌍 aan doonayno" marka please 🙏 saaxibayaal u saxiixa insha Allah 🤝

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
#Ha oggola in hadalka taban uu horumarkaaga joojiyo: Biyaha wasakhda ahi ma hor istaagaan geedaha koritaankooda. Geedku wuu nuugaa, wuu ka faa’iidaystaa, ugu dambayntiina wuu baxaa oo midho wuu dhalaa. Noloshu sidoo kale waa sidaas. Erayada taban, dhaleeceynta iyo eedda dadka kale waa la maqli karaa, laakiin yeysan noqon wax kaa hor istaaga riyadaada iyo safarkaaga guusha. Xasuuso in xooggaaga iyo horumarkaaga ay ku jiraan adiga gudahaaga, ee aysan ku xirnayn waxa dadka kale kaa sheegaan. Sida geed yar oo ka soo baxa dhulka qallalan, adiguna waxaad awood u leedahay inaad ku korto xaalad kasta.✅❤️🗒️ @highlight Barqo wanaagsan 🤝❤️

UGAASKA
1 366
*Talooyin muhiim ah:* 1. Subax kasta inta aadan waxbarasho ama shaqo u kallihin, maalintaada ku billow qur’aan akhris(juz, xisib, xisib badhkiis, laba bog, hal bog, bog haafkiis ama dhowr ayaadood xitaa. 2. Wardiga subaxii ha hilmaamin. Aad ayuu muhiim u yahay. 3. Haddii ay suurtogal kuu tahay, jimicsi yar samee ama soddon daqiiqo lugee. 4. Sonkorta iyo cunto saliid/dufan badan leh iska ilaali. 5. Maalin kasta saddaqo la bax, habayaraato’e. *@Subax wanaagsan ❤️*

UGAASKA
1 366
Mahadcelintu waxay kaa saaray­saa murugada, Haddii aad haysato hal roodhi ah, oo kaliya, mahadceli, kala badh dadka aduunka waxay seexdaan iyagoo gaajaysan. Haddii aad haysato hoy, faraxs­anow, malaayiin qof baa hoos seexda dhismayaasha iyo banaanada. Haddii aad xidhan tahay dhar, u mahadnaq Eebbe, dad badan baan haysan wax ay xidhaan. Mahadnaqu waa daawada murugada. Marka aad xusuusato nimcooyinka Eebbe halkii aad ka tirin lahayd waxyaabaha kaa maqan, murugadu way yara­anaysaa, qanacsanaan ayaa dareemaysa. Nebi Muxammad (SCW) wuxuu yidhi: “Eega kuwa idinka hooseeya hana eegin kuwa idinka sarreeya, waayo taas ayaa idinka celineysa in aad yaraysato nimcooyinka Eebbe.” (Bukhaari & Muslim) Farxadda waa Doorasho, ee ma aha maal, magac ama raynrayn aan dhammaad lahayn, waxa ay ku jirtaa qalbi raalli ah, naf mahadcelisa, iyo nolol leh ujeeddo iyo macno.” Farxadda dhabta ahi waxay ka timaaddaa gudaha qofka. Lagama helo waxyaabaha banaanka, ee waxa ay ku jirtaa iimaanka, jacaylka, iyo ficillada wanaagsan. Nebigu (SCW) wuxuu yidhi: “Maalku ma aha in la haysto hanti badan, laakiin maalka dhabta ah waa qanacsanaanta nafta.” (Bukhaari). *#Mahsanitiin dhamaan ❤️* *@Galab wanaagsan 🤝*

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
photo content

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
#Noloshu Waa Fursado ee Baro Sida Looga Faa’iidaysto fursada haas.❤️ Nolosha bini’aadamku waa mid aan mar walba sinnayn, waxay leedahay waqtiyo wanaagsan iyo waqtiyo adag, balse mar kasta waxaa jira fursado dahsoon oo qofka horumarkiisa kobcin kara. Qof walba noloshiisa wuxuu la kulmaa fursado, balse ma aha qof walba ka faa’iideysta. Waa lagama maarmaan inaad barato sida loo arko, loo garto, loona dhaqan geliyo fursadaha si loo gaaro horumar nololed. 1. Garashada Fursadaha Fursaduhu mararka qaar waxay u muuqdaan sidii caqabad. Qofka leh maskax furan iyo aragti dheer ayaa ka dhex arka wax wanaagsan xaalad adag. Fursaddu ma aha kaliya mid si fiican muuqata, mararka qaar waa la abuurtaa. 2. Diyaargarow Joogto ah Markaad rabto inaad ka faa’iidaysato fursad, waa inaad mar kasta diyaar u tahay. Diyaargarowgu waa aqoon, waayo-aragnimo, karti, iyo kalsooni. Fursad kastaa waxay u baahan tahay qof diyaarsan. 3. Geesinimo iyo Go’aan Degdeg ah Dad badan waxay waayaan fursado sababtoo ah way ka labalabeeyaan. Fursaddu mararka qaar ma sugto, go’aanka degdegga ah ee aad qaadato ayaa noqon kara albaabka guusha. 4. Samir iyo Adkaysi Fursaddu kama dhigto guul degdeg ah, waxay u baahan tahay adkaysi. Markaad fursad hesho, u dulqaado caqabadaha ka dhasha oo u shaqee si hagar la’aan ah. 5. Ka Baro Khaladaadka Hore Haddii aad fursad dayacday ama aad ku guuldaraysatay, ha niyad jabin. Waxaa muhiim ah inaad ka barato sababta aad uga faa’iideysan weyday, si aad fursadda xigta uga faa’iideysato si fiican. Ugu dambeyn: Noloshu waa sida beer; haddii aad si wanaagsan u beerto (ka faa’iidaysato fursadaha), waxaad goosan doontaa midho wacan. U diyaargarow, fursadaha raadi, hana ka baqin inaad qaaddo tallaabo. Noloshu ma sugto qof aan diyaar ahayn. "Fursaddu waa albaabka guusha laakiinse waa inaad adigu furto."

UGAASKA
1 366
*⚫️Ogaysiis ogaysiis*⚫️ ▫️Dhaman waxa ogsiineyna bulshada inaa bilownay *is diwanglin cusub* tasoo ah xifdinta quranka kariimka iyo tafsirkisa oo loo baran doono si wada jir ah ▫️Waxan ku baran donaa hab online ah Waxaan ugu talagalney fursadaan kaliya *30 qof* Inaga lasoo xarir 61 7566157 *Hadaba kasoo qeybgal oo yaan laga hormarin* *F.G:Fursadaan waxaa ka faaidaysan karo keliya Gabadha* ❤️🤝

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
Kobcinta Kartida Is-Maamulka (Self-Discipline) Dhalinyarooy, is-maamulku waa tiirka ugu weyn ee lagu gaadho horumar nololeed. Waa awoodda aad naftaada ku xakamayso, waxyaabaha muhiimka ah mudnaan u ku siiso, kagana fogaato caajiska, waqti lumiska iyo balwadaha. Qof aan naftiisa maamuli karin, ma noqon karo mid dadka kale hogaamiya. Maanta dunidu waa mid fursado badan leh, laakiinse qofka guusha gaadha waa ka dadaalka leh, kuna dhisan is-maamul joogto ah. Tusaale ahaan, haddii aad dejiso yool aad dooneyso inaad gaadho, waa inaad is-barataa inaad si joogto ah u shaqeyso, xataa markaad dareemeyso daal ama niyad-jab. Is-maamulku wuxuu sidoo kale kaa caawinayaa inaad ilaaliso waqtiga, caafimaadka maskaxda, iyo xidhiidhka bulshada kaala dhexeeya. Waxaa lagu kobcin karaa adigoo samaysta jadwal, joojiya dib u dhigidda hawsha, kuna abaalmariya naftaada markaad horumar gaadho. @Galab wanaagsan 🤝❤️

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
*5-Dhaqan oo ay ka siman yihiin dadka Guulaysta:* 1. Maamulka waqtiga (Time Management): Dadka guulaysta waxay si wanaagsan u maareeyaan waqtigooda. Waxay leeyihiin jadwal cad oo maalintooda ah, waxayna mudnaanta siiyaan waxyaabaha muhiimka ah. Tusaale: Subaxdii hore ayay qabtaan. 2. Akhriska Joogtada ah: Guulaystayaashu waxay leeyihiin caado akhris. Waxay akhriyaan buugaag ku saabsan horumarinta nafta, ganacsiga, taariikhda, iyo cilmi kala duwan. Tani waxay maskaxdooda ka dhigtaa mid furan, fikrad cusubna ay helaan mar walba. 3. Is-Dhiirrigelinta iyo Himilooyinka Cad: Dadka guulaysta waxay leeyihiin yoolal cad oo noloshooda ah. Waxay ogyihiin waxay rabaan iyo sababta ay u doonayaan. Waxay sidoo kale si joogto ah isku dhiirrigeliyaan: Waxay qoraan Himilooyinkooda dhammaan. 4. Caafimaadkooda iyo Jirkooda ayay Ka Warhayaan: Caado kale oo muhiim ah waa daryeelka jirka iyo maskaxda. Dadka guulaysta waxay: Jimicsi sameeyaan. Si caafimaad leh u cunaan. Hurdo kugu filan helaan. 5. Waxbarasho Joogto ah iyo Horumar Nafta ah: Dadka guulaysta waligood ma joojiyaan barashada. Mar walba waxay rabaan inay wax cusub bartaan si ay uga sii fiicnaadaan sidii ay hore u ahaayeen. @Galab wanaagsan 🤝❤️

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
#JIHADA IYO RABITAANKA! In aad guulaysato ama guul daraysato waxaa ay ku xidhan tahay 2 qodob: 1. Jihada (Direction): Inaad t
#JIHADA IYO RABITAANKA! In aad guulaysato ama guul daraysato waxaa ay ku xidhan tahay 2 qodob: 1. Jihada (Direction): Inaad taqaano meesha aad u socoto waxay kaa caawisaa inaad si fudud ku gaarto ujeedkaaga. Inta badan waxaa la dhahaa, waxa dadka ka hor istaaga in ay ujeedkooda gaadhi waayaan waa iyaga oo aan aqoon jihada ay ka jirto waxa ay rabaan ama wadadii ay u mari lahaayeen. 2. Rabitaan (Desire): Waxaa lagu qeexaa bilowga safarka. Waxa aad doonayso haddii aadan rabitaan u hayn ma sahlana ama suurtogal maaha in aad sii waddo. Gunaanad: Jihada iyo rabitaanku, waxay door weyn ku leeyihiin inaad ku guulaysato safarka noloshaada. Haddaba haddii aad rabto inaad ogaato in safarka noloshaada uu wado sax ah ku socdo, iska fiiri labadaas qodob in aad haysato. Midkood haddii uu maqan yahay waad u dhutin, suurtogalna maaha in si labo lixaadleh u tilaabsato. Isdiyaari saaxiib! #Habeen wanaagsan

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
Akhriska Suuratul Al-Kahfi maalinta Jimcaha waa sunnah aad u fadli badan, waxaana ku jira ajar iyo iftiin gaar ah. Waxaa jira axaadiis Nabiga (SCW) oo tilmaamaya faa’iidooyinka akhriska Suuraddan maalinta Jimcaha, Qaar ka mid ah: 🌟 Faa’iidooyinka Akhrinta Suuratul Kahfi maalinta Jimcaha: 1. Iftiin u nuuraayo qofka: > "Qofkii akhriya Suuratul Kahfi maalinta Jimcaha, waxaa u iftiimaya iftiin u dhexeeya labada Jimce." (Xadiis Hasan, waxaa soo weriyey Al-Haakim iyo Al-Bayhaqi) 2. Ilaalinta Dajjaal: > "Qofkii xafida 10-ka aayadood ee ugu horreeya (ama ugu dambeysa) Suuratul Kahfi, wuu ka badbaadi doonaa Dajjaal." (Sahih Muslim) 3. Xasuusin iyo Iimaan korodh: Suurtu waxay ka hadashaa sheekooyin dhaxal gal ah oo dadka tusaya sabirka, tawakalka, fitnada adduunka, iimaanka dhalinyarada, iyo xikmadda Ilaahay – waxaas oo dhammi waxay xoojiyaan iimaanka qofka. ⏰ Goorma la akhriyaa? Maalinta Jimcaha waxaa laga bilaabaa qorrax dhaca habeenka Khamiista ilaa qorrax dhaca Jimcaha. Marka, akhrinta Suuratul Kahfi waa la akhriyi karaa habeenka Jimcaha (Thursday night) ilaa gelinka dambe ee Jimcaha. ✅ Talo: Akhri si tartiib ah, si aad u fahanto macnaha. Haddii aadan akhriyi karin, dhageyso ama akhri tarjumaadda. Haddii aad awooddo, xafid 10ka aayadood ee hore ama dambe.✅❤️ #chimca Mubarak ❤️

UGAASKA
1 366
Repost from N/a
photo content