ru
Feedback
Salah Muse Hassan

Salah Muse Hassan

Открыть в Telegram
4 065
Подписчики
-324 часа
-347 дней
-12230 день
Архив постов
#Gabay Gabay lagu amaanay sheekha lagu gardarooday

Dr. Mohamed dahir taladaan ayuu soo jeediyay
Dr. Mohamed dahir taladaan ayuu soo jeediyay

Sheekha meesha oogu dambaysay ayuu istaagay.

sticker.webp0.10 KB

Sheekha xaqqa lagu colaadiyay oo ka gar-baxaayo qolyahay colaadiyay ee ictisaam.

Gabay lagu difaacay Sh Xassaan Abuu Salmaan Xa'da gabayga, xiisaha murtida, xarafka suugaanta Wax dhan bay raggii lugu xuddumay xanan la jiireene Wax dhan bay xifaaliyo xiqdiyo xinif ku gaysteene Maanta na xumaan iyo samaan waa xarbiyayaane Aniguna xaqaan doonayaa inaan u xoojaaye Maansada xaddiithkiyo naskaan kaga xikaayoone Diintaan xamaamada u dhigan xay intaan ahaye Xawdiyo naftaan doonayaa inaan ku xooraaye Xoolaha la haystiyo hantida igaga xeeldheere Adduunyada ninkaw xilanayoow, waa xawaal marane Xareed warantay laagaha xarfaday samada oo xiintay Naqoo xamasha geedaha xirmoo faraqu xiimaayo Haruub xoor leh caanaha Xayaad Xaawis labankeeda Xalwad subagleh xeeryaha barnida xuuko iyo dhuuni Xariir aqal ah xaawaley Marwa ah xilo muddeecaada Xaas iyo dhallaan wada xuliyo xoolo wada buuxa Xayinimiyo xoog iyo ladnaan wada xanuun waayah Inkastoo dhalaalkaa xunkaa xubin lagaa siiyo Ninna kuma xasilo oo barraa xalawga lays goyne Xujuubkiyo godkii baa ku sugi ama xabaashiiye Waxba nolosha lama xeeriyee, waad xaraarugiye Wixii xuladka kaa baajin Kara yaa xaqiiqa ahe. Waa inaad salaadaha xifdido sida Xabiibkiiye Waa inaad xajkii bookhatoo Xaramka gaadhaaye. Waa inaad sakada xoolihii xawd ka marisaaye Waa inaad bishaa kaa xarriman xirato soonkiiye Waa inaad darsiga xaadirtaa oo xer noqotaaye Wax dhan baa wadaad lugu xirnaa gooyay xadadkiiye Asagaan xulquun qaadanoon xoorin maradiiye Wax ka dhigo Xasaan baan sharciga kala xaraashayne Xaqiiqaadki Shaafici dhigiyo xarafyadii Maalik Xanaabilada waxa ay qabtiyo Xanafiyiintoo dhan Xasiilaadki waa wada hayaa xaafidkii tagaye Waa sida Xaliim Taymiyo xulufadiisiiye Nin kastaa xan iyo been ha shubo oo ha xaasido'e Xabri weeye Soomaaliyeed oo xaqiiqa ah Xuddun iyo Nagaadwayne iyo Xalin ya Laascaano Xamar luguxidh buuraha Xargaga Xagarka Heegaale Xingalool,magaalada Xunbays Xarunta Boosaaso Xarardheere xeebaha Hobyood Ximanka Hiiraanah Xuddur iyo Xaggiyo Baydhabiyo Xagar ya Baardheere Xudduntii Kismaanyiyo Xayiyo Xagasha Buurgaabo Badda xoorin Xiis iyo Barbara Xaanida Hargaysa Xarshin iyo xirkiyo Oomman iyo xadadka beenbeenah Xaska hawdka Xamar Wayne iyo xaafad iyo tuulo Xogihiisa waa laga hayaa tan iyo Xaafuune Niman baa xandhiyo maal raboo diin ku xoogsada'e Xukuumaadka iyo gaaladaa loo xammaal yahaye Asaguna xaddiithkiyo naskiyo Xaaqa lumin waaye Xafiisyada Axmaarkiyo markii xarunta loo goostay Ee uu wadaad wada xar jabay lana xaroonaayay Xayliyo Sanaawiyo markii Xabashka loo yaacay Manhajkiisa waa kii xagsaday wada xalaashaaye Xamar iyo Baroor buu wataa xiimayoo kiciye Xaabxaab ka soo qaadi waa xuur la loollamaye Qolyihii xiraafayi wax badan xeelad soo dage'e Waa tay in badan soo xuleen kan ugu xoog roone Ha yeeshee markii uu xantaray dib u xawaareeye Xuja iyo daliil buu hor dhigay waan kii xiraye Xuutiga wadaadada ah iyo xaar cunkiyo suufi Kuwa xilalka daafacahayiyo xilo irmaanayska Xauuriga Qardhood iyo naxliga noo xukumay gaalka Kuwa Xamar ka soo qayliyiyo ribo xalaalayska Xoosh iyo Xabeeb iyo dhammaan qolada Xaajuuri Soomaali waa wada xayiray kii is xiijaba'e Carabtuna hadday xaadireen xalaqadiisiiye ✍️CabdulQaadir Shiikh Xuseen

وإذا أتتك مذمتي من ناقص فهي الشهادة لي بأني كامل.

photo content

sticker.webp0.20 KB

Repost from Salah Muse Hassan
👈 قال الإمام #الشافعي _رحمه الله تعالى-: وأحب كثرة الصلاة على النبي صلى الله عليه وسلم في كل حال وأنا في يوم الجمعة وليلتها
👈 قال الإمام #الشافعي _رحمه الله تعالى-: وأحب كثرة الصلاة على النبي صلى الله عليه وسلم في كل حال وأنا في يوم الجمعة وليلتها أشدّ استحبابًاوأحب قراءة الكهف ليلة الجمعة ويومها لما جاء فيها. 📕كتاب الأم (٢٠٨/١) Imaamu #shaafici Allaah ha naxariistee wuxuu yiri: 1. Waan jeclahay badinta saliga nabiga mar walba markaan maalin jimco joogo iyo habeenkeedana aad baan usii jeclahay Waxan jeclahay aqrinta suurada Al-kahf habeenka jimcaha iyo maalinteeda waxa kusoo arooray aawgeed. 📕كتاب الأم (٢٠٨/١)

Doqonimo Waxa lagu sheegay shir-waynaha culumada soomaaliyeed, waxyaabaha iigu yaabka Badan waa in ay qirsanaayeen dowladihii
Doqonimo Waxa lagu sheegay shir-waynaha culumada soomaaliyeed, waxyaabaha iigu yaabka Badan waa in ay qirsanaayeen dowladihii tan ka horeeyay in ay qaldanaayeen diintana ka fogaayeen, waa yahayee tan maxay ka badashay dhaqamada dowaladihii hore, kitaabka iyo sunada waajibka ahayd in la is ku xukumaa ma xukuntay mise wali waxaa dhaqan iyo sharci u ah dastuurkii dalka kala geeyay ee sharciga rabbi baal-maray mise dowladaan waxay kuwii hore kaga fiican tahay in culumada ay shirisay.

Ictisaam vs Sh-Muxammed Cabdul-wahaab : Dhowr sanno ka hor ayay ahayd markii Alle ha u raxmadee uu Sh-Cali Warsame af-lagaade
Ictisaam vs Sh-Muxammed Cabdul-wahaab : Dhowr sanno ka hor ayay ahayd markii Alle ha u raxmadee uu Sh-Cali Warsame af-lagaadeeyay labada buurood ee kala ah : Imaam ibnu Taymiyah iyo Sh.Muxammed Cabdul-wahaab . Masaajid-ka 6-ka ayaa buuxay , dhagta ayaana loo raa-raaciyey af-lagaadada culimadaas ileen waa mashruuc lagu wada socdey'e . Cid ka daba hadashana waa la waayey . Geed labkan iyo inan-golyeedkan Sh-Xassaan ayaa labadaa sheekh ku hagoogtey , waliba si edeb leh sheekhaas ugu naqdiyey laba muxaadiro oo duuban . Maantana Soomow ayaa kabaha la dul maraya : duligaa ku jira noloshu waydinku deel-qaaf'e Muuse Cali Muuse

Wadaadkaas☝️🎬 xiqdiga buux dhaafiya arka. Markii ay #sheekh_Xassaan daliil wax kaga qaadi waayeen, markii ay isbahaysi wax kaga qaadi waayeen, markii ay been iyo baro-bogaando wax kaga qaadi waayeen, markii ay dacaayado aan jirin #sheekha wax kaga qaadi waayeen, Hada #culumada_madaxda_shaxaada, waxay bilaabeen sheekha in ay tooshka dowlada ku ifiyaan iyaga oo sheekha ku suntaayo tuhmad aan jirin horaan-na looga soo daalay, kiinya iyo kanadana cadeen u waayeen taas oo ah sheekha in uu xarakada shabaab ka mid yahay sheekha oo Nairobi fadhiya. In shaa Allah sheekha dhagarta aad maleegaysaan ma sababsa doono dabinadiina sharta badan-na sheekha kuma dhici doono Ilaah ayaa la jiro inta aad xaqa uu umada soomaaliyeed u sheegaayo ku haysataan. { وَمَكَرُوا۟ وَمَكَرَ ٱللَّهُۖ وَٱللَّهُ ☝️ خَیۡرُ ٱلۡمَـٰكِرِینَ } [سُورَةُ آلِ عِمۡرَانَ: ٥٤]

Inta wax aqriso Su'aal ku socota. #TAFSIIRKAAN 👇 AAYADIISA MA TAQAANAA ? Markii uu arkay qoraxda oo soo baxaday wuxuu yiri: kan ayaa rabbi ii ah, kan ayaa ka wayn xidigii iyo dayaxii, marka ay qoraxda dhacday ayuu yiri: tolkeeyoow, aniga bari ayaan ka ahay waxa aad ilaah la wadaajinaysaan. Marka uu ka bari noqday waxa ay ilaah sokadiisa caabudaayeen waaba sida iyaga oo su'aal waydiiyay oo kale: waayahayee maxaa caabudaa ? Wuxuu Yiri: Aniga diintayda waxaan u saafi gareeyay Allaha abuuray cirarka iyo dhulka iyada oo ay jirin tusaale hore uu kaga dayday, aniga oo ka leexanaayo shirkiga Una leexanaayo towxiidka saafiga ah, mana ahi mushrikiinta ilaah kuwa kale la caabudo.

Waxaa ka gubatay 50:000 $dollar hada wuu ku qanacsan yahay darta rabbi iyo xukunkiisa waa kaa isaga oo dhoolo cadeynaayo. #Allow Badal Khayr qaba sii.

Ciidamada dowlada maalin kasta gacmaha dhiig abriyo ayey gacanta kula jiraan. Xalay oo ay isniin soo galaysay D/ Balcad waxaa lagu dilay wiil aabihiis oo naafa ah gaari ku waday. Maanta oo isniin ah muqdisho waxaa lagu dilay nin gaari booyad ah waday isagoo walaaloo ha I dilin.

Ma Cod Dheero Waa Gabadh. Xishood Baa U Caada Ah. #Abwaan Gaariye

السلام عليكم akhristaha sharfanoow ❂✿❂✿❂ - ✿❂✿❂ ╔═══════ - ════════╗ KOOXDA KULMIS 🔆✿❀ - ❀✿🔆 Ꙭ: QURAANKA IYO SAYNISKA Ꙭ: Buug soomaali PDF ah Ꙭ: ORAAHYO:hoyg xikmadaha Ꙭ: Xikmado badan Ꙭ: Somali motivational Ꙭ: Hoyga sheekooyinka ☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼ ✅MUCJISADA WAARAYSA Ꙭ:MUCJISOOYINKA QURAANKA Ꙭ: AL FURQAN ONLINE SCHOOL Ꙭ: Somali scholarship Ꙭ:XIGASHO IYO XAQIIQOOYIN ☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼ Ꙭ: DIINTEENA MACAAN Ꙭ: Xikmado badan Ꙭ: Buug somali maqal ah ☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼ ✅MUCJISADA QURAANKA Ꙭ: Dhambaal Ꙭ: Dareenka dunida Ꙭ: Buugwalba ood u baahatoXikmad iyo dhiirigelin ☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼ Ꙭ: Soyaalka nolosha Ꙭ: HOYGA SHEEKOOYINKA ꙬHoyga_Akhriska ☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼ Ꙭ: Halxiraale Ꙭ: Noqo mufakir Ꙭ: QURAANKA IYO SAYNISKA Ꙭ: Buuug dhagaysi ah ☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼ Ꙭ: siirada nebiga SCW Ꙭ: Oraahyo Ꙭ: Baro af English-ka Ꙭ: Su'aalo diini ah ☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼ Ꙭ: Xikmado xul ah Ꙭ: cilmi nafsiga Ꙭ: Siyaasadda dunida Ꙭ: DAYAXA DUNIDA Ꙭ: WAAYO ARAG ☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼ Ꙭ: Sahanka nolosha Ꙭ: cilmi daadiye Ꙭ BARO XADIISKAN Ꙭ: JAWAABTA CULIMADA ☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼ Ꙭ: Iftiinshe Ꙭ: QALINKA 24 Ꙭ: YAXYE SHARIIF HERSI Ꙭ: BARO TELEGRAMKA ☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼ Ꙭ: Jacayl qore Ꙭ: ila qosol Ꙭ: oraahside Ꙭ: Philosophy Ꙭ: niyadeena ☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼☼ Ꙭ: qoraal qaadasho mudan Ꙭ: AQoon raadis Ꙭ: Rajada noloshaFAAFINTA DIINTA ISLAAMKA 𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹 𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹𖦹 ➡️ Jacayl qore Ꙭ:faafinta khayrka Ꙭ: arrimaha islaamka Ꙭ: Furaha nolosha Ꙭ: dunida dahsoon ❂✿❂✿❂ - ✿❂✿❂ ╚═══════ - ════════╝ ❂✿❂✿❂ - ✿❂✿❂ Xogta link'yadan: @kooxda_kulmis ♪ Si aad kannaalkaaga link'yadan ugu darto,laxidhiidh:@Abdirahmanmohamed1 ▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂ ➦ SPONSORED BY ☞︎︎︎KAYD BOOKS ☞︎︎︎ QURAANKA IYO SAYNISKA ☞︎︎︎DUNIDA DAHSOON ☞︎︎︎XIKMAD BADAN ☞︎︎︎HOYGA SHEEKOOYINKA ☞︎︎︎ NASIIB 124 ■□■□■□■□ - ■□■□■□■ ⭆Dugsiga online ka ah ee Alfurqan waxa uu kuu hayaa fasalo cusub oo barashada combuterka ah iyo luuqadaha englishka iyo carabiga. Sidoo kale waxaad helaysa barashada Quraanka kariimka ah. Taabo qoraalkan si aad isku diwan✍ galiso. ■□■□■□■□ - ■□■□■□■ 🄺🄾🄾🅇🄳🄰 🅺︎🆄︎🅻︎🅼︎🅸︎🆂︎

Hantida xalay ku burburtay bazaar bakaaraha muslimiinta ay ka burburtay sabar iyo iimaan rabbi ha ka siiyo waa xanuun hanti sanado aad tacbaysay in hal habeen ku gubato hanti ka khayr badan rabbi ha oogu badalo.