ru
Feedback
Boqortooyada_Garashada🍀☀️🤴

Boqortooyada_Garashada🍀☀️🤴

Открыть в Telegram

#Aqoon guud #Sooyaalka islaamka #xoggo #Murti #ogow wax cusub #Cadawgeenu wa ayo?

Больше
2 346
Подписчики
Нет данных24 часа
-97 дней
-4130 дней
Архив постов
Maxaa keenay in muddo 10 bilood ah ay Yuhuudda Sahyooniyaddu awoodi waydo inay disho Maxamed Al-Dayf, Abu Cubayda iyo Yaxye Sinwaar oo ku sugan gudaha qassa oo ay k dagaalamayaan kumanaan ciidamada Israa'iil ah? Maxaa keenay in sidaa yar ee fudud loogu dhex dilo caasimada Dahraan ee Iiraan hogaamiye mujaahid oo madaxiisa dahab ay cadowgu ku raadiyaan? Maxaa sababay in gantaal lagu dilo hogaamiyahii mujaahidiinta Xamaas ee Ismaaciil haniya isagoo jooga Caasimada dal awoodaha gobolka ka mid ah ? Maxaa loo dili waayey Xasan Nasrulaat oo juquraafi ahaan aad ugu dhow Yuhuudda joogana dal -lubnaan- aan sida Iiraan u horumarsanayn hub ahaan?? Siday ku dhacday in aan xataa xagtin la gaadhsiin gudoomiye ku-xigeenka Xisbulaat iyo afhayeenka Xuutiyiinta oo ka joogay Dahraan markii la dilayey Ismaaciil haniya? Maxaa isku beegay dilka Haniya iyo la kulankii xalay uu la kulmay hogaamiyaha sare ee Iiraan Khaaman'e ? Sidee loo ogaan waayey gantaalka dal kale laga soo ganay ee Caasimadda Dahraan ee Iiraan ugu yimid halkii uu deganaa Ismaaciil haniya? Ma odhan kartaa waxa ay Iiraan ku doorsatay Ismaaciil Haniya Xasan Nasrulaat badbaadadiisa, siduu uu Taraam (Trump) hore u sheegay in Iiraan horay uga codsatay in aan la dilin Qaasim Sulaymaani ee doorkiisa la dilo Muhandisi oo ahaa hogaamiye-kooxeed shiici Ciraaqi ah oo maleeyshiyo argagixiso shiici ah maamula. War jiraaba cakaaruu yimi.

Repost from Dhiiragaliye
"NIN ABEESO KORIYOW ADIGAA U AAYI" Bartamaha Hargeisa. “Tan anaa katalin doona, qaadkaaga iska cun adigu” Waa odhaah uu si mayal adag ah ugu dhawaaqay nin ethiopian ah. Cultural assimilation ama is-dhex galka Dhaqanku waa nidaam ah la dagaalanka ama xaalufinta isirka umadeed iyada oo u dhigan hab “non violent” ah. Habkan ayaa ah mid ay dad ama koox kasoo jeeda hal dhaqan ay qaatan caadooyinka, qiyamka, iyo habdhaqanka umad kale, saamayna ku leh isbedel luuqadeed, diimeed, labis iyo dhamaan qaybaha kale ee dhaqanka. U fiirso bulshadeena ma jirto meel ay salka ku hayaan maanta, haday tahay Maal iyo Magactoona, Wakhtigan waxaynu nahay umad jinsigeedu aasmay, dheehiina laga rogay, “lefti nagaa iyo dhuux carbeed ku gadooman” gabi ahaanba la marin habaabiyey haday tahay ilo dhaqaalana qarniyaal badan la biday jaad dheeftiisuna gacan ethiopian u sugnaatay. In badan oo inaga mid ah dhayal dhayal bay moodayaan, Ethiopianku maanta waxay dhidibkeeda dhisayaan ummad ay dhigaalka u aayaan, nasiibdaro innagu aynu mooganahay. Dib u milicso cawaaqibta ay leedahay in umad bulsho kale lagu dul abuuro, Intii u dhaxaysay 1922 ilaa 1947 ayey dharaar cad reer Palestine ku dhiiradeen iney aqbalaan soo dhaweynta yuhuuda, iyagoon waxna ka hagran. Dhereg dhaaf ka dib, ileen yuhuudi abaal malee ragii u dhibtooday waakuwaa rasaasta u dhigaaya, dhafoorkiyo laabtana kawada toogtay. “ وَلَنْ تَرْضَى عَنْكَ الْيَهُودُ وَلا النَّصَارَى" Dhimbiil iyo dhamac la shiday ayey ugu abaal gudeen umadii kalfurnaanta ku qaabishay, inkabadan kumanaan reer Palestine ahna waa kuwaa dhintee hada mootan. فَإِنَّهَا لَا تَعْمَى ٱلْأَبْصَـٰرُ وَلَـٰكِن تَعْمَى ٱلْقُلُوبُ ٱلَّتِى فِى ٱلصُّدُورِ”’ xaqiiqdii maaha indhahooda kuwa indho laantu tahay laakinse waa qalbiyadooda. “Cadawgaa dhirfaaya Khayraadka dhulkayga Ee soo dhabacaaya Hadaanan ka dhiijin Dhankaa dhan dheh gaaban Intaan dhag ka siiyey Ma dhiiraday caawa” Illahy ka sakow dhalinyaro umadan iyo dhulkeenaba xaqbaa inaga saaranee aynu u feejignaano.❤️🙌

Xirfadee ayaad jeclaan leheyd inaad Barato ?
Anonymous voting

Heshiiska Muuse Biixi uu badda Somaliland ku dhaxal-wareejinayo waala saxeexi doonaa beri, isla sannadkan 2024 intaanu dhamaanna waa la hirgalin sida aan filayo, waxaana jira qodobo aan laynoo sheegin ka daran oo qarsoon oo heshiiskaa ku jira. 20-ka km ee la sheegayaana waa mid baladh iyo dhererba ah oo kasoo bilaabmi doonaa xad-beenaad ilaa deegaanka Lugyaha. Ka dib marka uu qabto doorashada bisha 11aad isaga ayaa ku guulaystay doonaa shaki la'aan, haddii xisbiga mucaaradku uu diido, oo reerka xisbigaa murashaxiisu kasoo jeedo ay dagaal iyo qalaase bilaabaanna wuxuu keensan doonaa hadhaagii ciidanka Itoobiya ee oromada u badnaa kuwaas xasuuqyo iyo gaboodfalo waaweyn ka geysan doonaa deegaano ka mid Somaliland si loo ilaaliye kursiga iyo taliska iyaga gaashaanbuurta la ah, waxa ka dhici doonaa deegaano Somaliland ka mid xasuuqii ka dhacay Muqdisho 2007 mid la ah oo sidii Cabdulaahi Yuusuf uu ciidaamada Itoobiyaanka u keenay Muqdisho si isaga danahiihu u fulo ayuu Muusana samayn doonaa. Balse ayaandarrada kasii daran waa in aanay bixi doonin Itoobiyaanku intaa ka dib oo xataa deegaamaysi cusub ay Oromo ka samaysan doonaan dhulka Somaliland tan oo ka xun ta gobolada Soomaaliya ee ay joogaan ciidamadda Itoobiya maxaa yeelay markan waa deegaamaysi ee maaha gacan-ku-hayn keli ah. Intaa ka dib waxa maalinba inyar fidi doontaa deegaamaysigaa oo sida Yuhuuddu #Falastiin ku qaateen ay maalinba soo-galooti cusub kusoo qulquli doonaan Somaliland kuwaas oo ah #Oromo keliya. Reer kasta oo isku daya in uu ka dhiidhiyo waxa la marsiin doonaa ciqaab adag oo xasuuq u badan. Kusoo dhawoow naarta cusub ee #Somaliland lagu furi doono.

Xisbulaat ka ay dadka qaar la barooranayaan waa kuwa sidan u galay masaajidadii Muslimiinta ee magaalada xalab, xasuuqayna 1.
Xisbulaat ka ay dadka qaar la barooranayaan waa kuwa sidan u galay masaajidadii Muslimiinta ee magaalada xalab, xasuuqayna 1.5 milyan oo muslimiin suuriyaan ah.

🏳‍🌈 calankani maaha astaan ay leeyihiin dadka xayndaabka aadaminimada iyo dugaagnimada ka baxay ee anshax-xumada sameeya ee waa astaan rabbaani ah oo ka timid qaanso-roobaadka ama jeegaanta 🌈 oo ka kooban 7 midab oo dabiici ah! Qodobka ugu weyn ee ay ka gadeen dadweynaha caalamka maanta ayaa ah inay astaan ka dhigteen summad dabiici ah oo quruxbadan si ay garaadkeena ma-weeleeyaha uga dhaadhiciyaan in anshax-xumada qawmu-luudnimadu ay tahay wax dabiici ah mar haddii aynu u aqoonsano in calan ay ka dhigtaan jeegaanta taasina ay inagu kalifto inaynu nacno jeegaanta iyo midabadeedaba. Waa talaabo halis ah oo aad loog soo baaraan-degay se ay dadweynaha caalamka oo dhami ku sirmeen. Waxay la mid tahay tani in koox shufto dembiilayaal ah ay calan ka dhigtaan cadceeda sidaasna aynu ku nacno cadceeda iyo midabkeedaba halkii aynu ka diidi lahayn inay xidhiidh ka dhexaysiiyaan cadceeda oo waxtar weyn u leh dadka iyo falalka shuftada ee bahalnimada ah. Haddii maro cad uskag ku daato maaha in marada la tuuro, midabka cadaankana la naco ee waa in uskaga meesha laga saara si aanu midabka caddaanka astaan ugu noqon.

Halkani maaha Qassa mana aha Suudaan Ee gumaad ka dhacay dhacay Suuriya oo ay geysatay dawlada Iiraan iyo maleeshiyaadka arga
Halkani maaha Qassa mana aha Suudaan Ee gumaad ka dhacay dhacay Suuriya oo ay geysatay dawlada Iiraan iyo maleeshiyaadka argagixada shiicada ee ay maamusho.

Qaar kamid ah qurafaadka shiicada ay aaminsanyihiin😂😂🤣

Waa biyo xidheenada Cadan ee la dhisay casrigii Berberku Cadan maamulayay, qoraalkii hore wuxu ahaa mid kooban se si wacan ay
Waa biyo xidheenada Cadan ee la dhisay casrigii Berberku Cadan maamulayay, qoraalkii hore wuxu ahaa mid kooban se si wacan ayaynu u faahfaahin doonna innaga oo raacinayna xoga kale oo ka hadlaya soomaalida Cadan qarniyadii hore. Maqaallada laga qoray biyo xidhaannadan badankooda waxay soo xiganayaan Ibnu Mujaawir hase ahaate midna kuma dhacayo in uu soomaali siiyo taariikhdan. Waxay ka dhigayaan Berberka halkaa dhisay ummad aan la garanayn oo mar soo xukuntay Cadan. May illaabeen gabayadii reer Yemen ee uu kamid ahaa baytkani. Qarnigii shanaad ee miilaadiga. ومنا بأرض الغرب جند تعلقوا. إلى بربر جتى أتوا أرض بربر Haddii xitaa ay ku doodaan Itoobiyaan ayay ahaayeen oo labadiina qolo kuwaa kale ayaa loo jeeday, xaggay ka marayaan baytkii Cadi bin tamiim uu ku kala saaray soomaalida iyo Itoobiyaanka qarnigii shanaad ee miilaadiga. يوم ينادون آل بربر وال يكسوم لا يفلحن هاربها Maalinta loo dhawaaqayo reer Berber (soomaalida) iyo Yaksuum ( xabasha), kooda baxsadaa ma liibaano.

Yeelaal fududeeyaha addeeg kasta oo koronto/laydh iyo rakibida muraaxadaha/CCTV camera Kala xidhiidh: 063 3223285 Ama https:/
Yeelaal fududeeyaha addeeg kasta oo koronto/laydh iyo rakibida muraaxadaha/CCTV camera Kala xidhiidh: 063 3223285 Ama https://www.facebook.com/share/ZFYaZXUmGKojqfyX/?mibextid=qi2Omg

█▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀█ 🫧 @somalibooks 🌪 █▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄█ Join 👉 @somali_admins ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ 👇 🕋Muslim Channels🕋👇 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ➦🎥 @Diinteenna_Macaan ➦🎥 @Al_xakiim ➦🎥 @Quruxdaislaamka ➦🎥 @Hidaayatu_Rabi ➦🎥 @hogaan_Dumar ➦🎥 @Dhaqan_wanaag ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ 👇😂JOKES AND FUN😂👇 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ➦🎧 @XikmadoSom ➦🎧 @Dhiiragaliye ➦🎧 @Mucaashaq_Jacayl ➦🎧 @AishaAhmed99 ➦🎧 @QalbiDhaye143 ➦🎧 @kalimakariim ➦🎧 @xaqiiqadanolosha ➦🎧 @Albaanichannel252 ➦🎧 @Ruuxda ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ 👇📽ENTERTAINMENT📽👇 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ➦✍️ @Dareen_side ➦✍️ @Hasancaashaq) ➦✍️ @daren_jaceyl ➦✍️ @Mohametahmed ➦✍️ @Noqoxiddig ➦✍️ @FAAIDOCHANEEL ➦✍️ @guuleyso11 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ 👇 📲 Educations 📲👇 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ➦📲 @maanhage ➦📲 @farsamada ➦📲 @KobciAqoontaada2 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ 👇📚 Pdf Books📚👇 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ➦📕 @somalibooks ➦📕 @Somalilibrary ➦📕 @kobciyebooks █▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀█ 🎯Presented by @zomalibot █▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄█

🤖 Download via @TopSaverBot.

Sunniyiintu: waxa ay rumeysan yihiin in Illaahay Subxaanahu watacaalaa, yahay Keli, aan lammaane ama qof talada la wadaago laheyn, Illaahay isaga mooyee mid kale oo xaq lagu caabudo ma jiro, mana lahan Allaah ubad uu dhalay isna lama dhalin. Sunniyiintu ma baryaan cid aan aheyn Allaah Subxaanah, mana rajeeyaan cid aan isaga aheyn, mana u baahna cid Allaah uga suka marta. Waxa ay rumeysan yihiin in dhammaan Rusushu ahaayeen ergo Illaahay oo waday fariin uu Alle u soo dhiibay oo ah in isaga uun la caabudo oo aan loo yeelin shariik ama cid kale oo talada la wadaagta. Shiicadu: waxa ay qabaan in uu Allaah kali yahay laakiin hab-dhaqankooda kuma dabaqaan oo waxa ay la yimaadaan shirki, waxay Tawasulaan ama ilaahay ka suka marsadaan A’imadooda iyo Awliyadooda markay dhibaato jirto, taasina waxay xad gudub ku tahay xaqa uu ilaahay ku leeyahay Adoomadiisa. Waxay shirki ku sameeyaan Aalu Beytka Sayid Cali wajigiisa Allaah ha karaameeyee, iyaga oo ku xad-gudbay xaqii Allaah, waxa ayna u nadraan oo wax u gowracaan Illaahay cid aan aheyn. Waxa ay qabaan in Imaamadoodu yihiin macsuumiin garanaya waxa dhici doona "cilmul qeybka" Gunaanad Ilaahay ha inaga badbaadiyo halista Shiicadu leedahay iyo caqiidadeeda faasidka ah ee ay ku beeninayaan awoodda Alle SWT iyo sunnada Rasuulka SCW, oo qof kasta oo Muslim ah sal u ah. Xigasho.

Maxay tahay Shiico? Culimada badankood waxa ay isku raaceen in Shiicadu ay soo if-baxday kadib geerida Rasuulka SCW, waxayna rumeysnaayeen xilligaas in Maamulka khilaafada ay Aalu Beytka Rasuulka ka mudan yihiin Qureysh inteeda kale, oo waxa ay saxaabada waa weyn sida Abuu-bakar iyo Cumar RC, ku eedeeyeen in ay talada ka boobeen Cali Binu Abii Dhaalib RC, waxaana fikirkan aas aasay rag uu hor boodayay C/llahi Ibnu Sabaa oo ahaa Yahuudi Islaamnimo muujistay markii uu Muslimiinta iska celin waayay. Fikirkaasi gurracan wuu tadawuray ilaa Shiicadu ay muslimiinta ku khilaaftay dhowr arrin oo aas aas u ah Caqiidadda Islaamka, sida in wax laga bedelay Qur'aanka Kariimka, in saxaabadu badankood ridoobeen markii uu Nabiga SCW, geeriyooday iyo in ay shirki caadeystaan. Gundhigga Qormada 5- Qodob oo ah kuwa ugu muhiimsan ee ay “Shiicadu ku khilaaftay sunnada” ayaan qormadan xoogga ku saari doonnaa insha Allah, waxaana ay kala noqon doonaan, Tiirarka Islaamka, Qur’aanka Kariimka, Axaadiista Nabiga SCW, Saxaabada RC, iyo Caqiidada. 1- Tiirarka Islaamka Sunniyiinta raacay jidka Alle SWT waxay shanta Arkaanul Islaam u yaqaanaan; B) Shahaadateenka: In la qiro kalinimada Allaah iyo Farriinta Rasuulka SCW. T) Salaadda: Shanta waqti ee nalaku farad yeelay iyo sunnooyinka. J) Sakada: Fidriga iyo tan maalka. X) Soonka: In la soomo bisha Ramadaan. Kh) Xajka: In la guto waajibka Xajka haddii uu qofku awoodo in uu tago. Haddaba Shiicada ayaa ka soo hor-jeeda arrintan ay diintu jidaysay waxa ayna tiirarka ugu waa weyn ee Islaamka kadib shahaadada u yaqaanaan “Imaamnimada Sayid Cali RC” iyo in ayna dhaafi karin Carruurtiisa. Imaamnimadan ay sheegayaan waa mid u dhiganta Nabinimo oo waxay leeyihiin waa macsuum oo dambi maleh, dhalasho illaa dhimasho. 2- Qur’aanka Kariimka Sunniyiintu: waxa ay dhamaantood rumeysan yihiin in Qur’aanka Alle SWT uu dhowrsan yahay oo aysan cidna waxba ka badeli Karin iyaga oo daliil ka dhiganaya, kalaamka Eebbe; ِ (إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُون) Shiicadu: waxa ay qabaan in Qur’aanku uusan dhameystirneyn, waxayna leeyihiin waxaa jira Qur'aan aan la qorin iyo qaar aan soo aroorin oo qoran, waxayna Qur'aanka u dhigaan si’ ka duwan qaabkii uu u soo degay, taasina waa dambi weyn. 3- Axaadiista Rasuulka Sunniyiintu: masdarkooda xiga Qur’aanka Kariimka ah waa, “Axaadiista Nabiga” SCW, raacitaanka Rasuulkana wuxuu agtooda ka yahay sunne adag oo aan laga baydhi karin, waxayna qabaan in axaadiistu fasirayaan Qur'aanka oo ah qawlka Eebbe. Shiicadu: ma rumeysna Axaadiista Rasuulka SCW, illaa wixii laga soo wariyey “Aalu Beytka” nabiga oo ay ixtiraam ka fog xaqiisa ay siiyeen, waxayna beenaalayaal ku tilmaamaan Saxaabada waa weyn ee warisay Axaadiista Suubanaha SCW. 4- Saxaabada Rasuulka SCW Sunniyiintu: waxa ay ixtiraam weyn u hayaan dhamaan saxaabadii Rasuulka, waxayna Illaahay uga baryaan naxariis iyo dambi dhaaf, iyaga oo qirsan fadliga uu Illaahay siiyay, marka la eego aragtida sunniyiinta ee Sayid Cali Binu Abii Daalib, waxa ay qabaan in uu yahay qofkii ugu horreeyey ee carruurta ka mid ah oo rumeeyey Nabiga SCW, waxa ay sidoo kale aaminsan yihiin in uu ahaa Khaliifkii 4aad ee Islaamka, waxaana jannada loogu bishaareeyey isaga oo nool Illaahayna wuxuu ku irsaaqay “Shahaado”. Shiicadu: waxa ay gaaleysiiyeen saxaabadii waa weyneyd sida Abuu Bakar Al-Sidiiq RC, Cumar Ibnu Khidaab RW, iyo Cismaan Ibnul Cafaan 3-daasina waxaa jannada loogu bishaareeyey iyaga oo nool laakiin Shiicadu waa diidan tahay. Taas beddelkeed waxa ay qabaan in Sayid Cali Ibnu Abii Daalib RC, yahay qof ka duwan dhamaan saxaabada oo waxa ay leeyihiin isagaa xaq u lahaa Khilaafada Islaamka maadaama uu Nabiga ugu dhawaa, qaar ka mid ah Shiicada waxa ay qabaan Sayid Cali waa Nabi! Qaar kale waxa ay leeyihiin wuxuu ahaa qofkii loo dardaarmay hogaanka Islaamka, qaarkoodna waxa ay ku doodayaan inuu ahaa Ilaah. 5- Caqiidadda kali yeelidda caabuditaanka Allaah.

Natiijooyinka weerarka Iran: Dhaawac:0 dhimasho: 0 Waxyeelo iyo burbur : 0 1- Bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo Netanyahu ee ka socda dhulka la haysto oo joogsada. 2- In laga indhaha caalamka laga leexiyo gumaadka ka socda Qassa iyo Daanta Galbeed. 3- Mareykanka,Britain,iyo reer Galbeedka kale oo dib u soo celiya taageeradii militari ee ay siin jireen Israel. 4- Iran oo soo celishatay kalsoonidii ay ku qabeen ( kuwa dhalanteedka jecel) si ay iiraan u dhamaystirto yoolkeeda ka dhanka ah Carabta iyo Muslimiinta. 5- in si aan la dhaadanayn loo fuliyo sadqayntii lo'da cascas loogu gawacayey masjid Al-Aqsa 5- Si aan arrimaha lay noogu jahawareerin, waxaa xusid mudan in weerarka Iran ay ku qaadday Israa’iil uu jawaab celin u ahaa beegsiga safaaraddooda Dimishiq ee aanay ahayn u gargaarka Qassa.

Goobta bartilmaameedka: lama-degaanka naqab! Xilliga weerarka: waala ogyahay! Gantaalaha gaadhay: 10% ! Dhimasho iyo dhaawac: 0 ! Khassaraha ilaa imika gaadhay Yuhuuda: cabsi iyo isku-dhex-yaac keliya! Ujeedada weerarka: biyaha wejiga dhowro, ri'na gees haka ridin. Riyaawad cujta culus ah😂😅

Weerarakii xalay ee Iiraan ku qaaday gudaha dhulka Yuhuuddu haysto waxay Israa'iil sheegtay in 99% gantaalihi ridada fogaa iyo diyaaraha is-wada aanay soo gaadhinba dhulka Israa'iil haysto, khasaaraha weerarku uu yahay mid aad u kooban, halka Iiraan ay sheegtay in khasaare weyn gaadhsiisay Yuhuudda oo ay guul ku dhamaatay jawaab-celinteedii, Balse iyadoo la ogyahay awoodda gantaalada ridada fog ee balaastika ah ee burburinta daran leh ee Iiraan iyo diyaaraha is-wada ee aan gafin bar-tilmaameedka lagu ganay sida ay ku dhici karto in aan weli khasaare la taaban karo oo cadayn wata aanu jirin?! Waxaynu ognahay in gantaalada ridada dhow ee awooda yar ee ay Xamaas ku gani jirtay Israa'iil in ay markasta waxyeelo keensan jireen oo khasaarihiisa la arki jirey balse kuwan ka awoodda badan ilaa imika oo ay 10 saacadood kasoo wareegeen lama hayo khasaare cadayn wata! Ujeeddada iska-hor-imaadka Iiraan iyo Israa'iil waa si indhaha dadwaynaha caalamka iyo warbaahintaba looga jeediyo weerarka qorshaysan ee ay Israa'iil ku qaadayso magaalada Rafax iyo in Falasdinyiinta loo raro gobolka Siinaay ama in la gawraco lo'dii cascasayd ee sadqaynta u ahayd duminta masjid Al-Aqsaa taas oo la rabay in maalinta ciidda fidriga la qalo se dib loo dhigay! Baroortu orgiga ka weyn!

Weerarakii xalay ee Iiraan ku qaaday gudaha dhulka Yuhuuddu haysto waxay Israa'iil sheegtay in 99% gantaalihi ridada fogaa iyo diyaaraha is-wada aanay soo gaadhinba dhulka Israa'iil haysto, khasaaraha weerarku uu yahah mid aad u kooban halka Iiraan ay sheegtay in khasaare weyn gaadhsiisay Yuhuudda oo ay guul ku dhamaatay jawaab-celinteedii balse iyadoo la ogyahay awoodda gantaalada ridada fog ee balaastika ah ee burburinta daran leh ee Iiraan iyo diyaaraha is-wada ee aan gafin bar-tilmaameedka lagu ganay sida ay ku dhici karto in aan weli khasaare la taaban karo oo cadayn wata aanu jirin?! Waxaynu ognahay in gantaalada ridada dhow ee awooda yar ee ay Xamaas ku gani jirtay Israa'iil in ay markasta waxyeelo keensan jireen oo khasaarihiisa la arki jirey balse kuwan ka awoodda badan ilaa imika oo ay 10 saacadood kasoo wareegeen lama hayo khasaare cadayn wata!

Ugu damabayn iiraan bootadeedii way cadaatay. Sareeyo-guuto Maxamed Ridaa naqdi oo ka tirsan sarkaaladda ilaadada kacaanka Ii
Ugu damabayn iiraan bootadeedii way cadaatay. Sareeyo-guuto Maxamed Ridaa naqdi oo ka tirsan sarkaaladda ilaadada kacaanka Iiraanka ayaa yidhi : iiraan waxay ka baqaysaa haddii ay Yuhuudda Israa'iil weerato in si khalad ah gantaal ugu dhaco masjidka Al-Aqsa!! Meel ay ku xoqoto ma weydo 😅😂