cookie

Мы используем файлы cookie для улучшения сервиса. Нажав кнопку «Принять все», вы соглашаетесь с использованием cookies.

avatar

Boqortooyada_Garashada🍀☀️🤴

#Aqoon guud #Sooyaalka islaamka #xoggo #Murti #ogow wax cusub #Cadawgeenu wa ayo?

Больше
Рекламные посты
2 874
Подписчики
-124 часа
-37 дней
-2530 дней

Загрузка данных...

Прирост подписчиков

Загрузка данных...

01:20
Видео недоступноПоказать в Telegram
Qaar kamid ah qurafaadka shiicada ay aaminsanyihiin😂😂🤣
Показать все...
2316550638-out.mp41.45 MB
Фото недоступноПоказать в Telegram
Waa biyo xidheenada Cadan ee la dhisay casrigii Berberku Cadan maamulayay, qoraalkii hore wuxu ahaa mid kooban se si wacan ayaynu u faahfaahin doonna innaga oo raacinayna xoga kale oo ka hadlaya soomaalida Cadan qarniyadii hore. Maqaallada laga qoray biyo xidhaannadan badankooda waxay soo xiganayaan Ibnu Mujaawir hase ahaate midna kuma dhacayo in uu soomaali siiyo taariikhdan. Waxay ka dhigayaan Berberka halkaa dhisay ummad aan la garanayn oo mar soo xukuntay Cadan. May illaabeen gabayadii reer Yemen ee uu kamid ahaa baytkani. Qarnigii shanaad ee miilaadiga. ومنا بأرض الغرب جند تعلقوا. إلى بربر جتى أتوا أرض بربر Haddii xitaa ay ku doodaan Itoobiyaan ayay ahaayeen oo labadiina qolo kuwaa kale ayaa loo jeeday, xaggay ka marayaan baytkii Cadi bin tamiim uu ku kala saaray soomaalida iyo Itoobiyaanka qarnigii shanaad ee miilaadiga. يوم ينادون آل بربر وال يكسوم لا يفلحن هاربها Maalinta loo dhawaaqayo reer Berber (soomaalida) iyo Yaksuum ( xabasha), kooda baxsadaa ma liibaano.
Показать все...
Фото недоступноПоказать в Telegram
Yeelaal fududeeyaha addeeg kasta oo koronto/laydh iyo rakibida muraaxadaha/CCTV camera Kala xidhiidh: 063 3223285 Ama https://www.facebook.com/share/ZFYaZXUmGKojqfyX/?mibextid=qi2Omg
Показать все...
03:21
Видео недоступноПоказать в Telegram
0Bv7lkJFbSY_360p_YouTube.mp411.68 MB
Repost from Somali Books 📚
█▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀█ 🫧 @somalibooks 🌪 █▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄█ Join 👉 @somali_admins ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ 👇 🕋Muslim Channels🕋👇 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ➦🎥 @Diinteenna_Macaan ➦🎥 @Al_xakiim ➦🎥 @Quruxdaislaamka ➦🎥 @Hidaayatu_Rabi ➦🎥 @hogaan_Dumar ➦🎥 @Dhaqan_wanaag ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ 👇😂JOKES AND FUN😂👇 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ➦🎧 @XikmadoSom ➦🎧 @Dhiiragaliye ➦🎧 @Mucaashaq_Jacayl ➦🎧 @AishaAhmed99 ➦🎧 @QalbiDhaye143 ➦🎧 @kalimakariim ➦🎧 @xaqiiqadanolosha ➦🎧 @Albaanichannel252 ➦🎧 @Ruuxda ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ 👇📽ENTERTAINMENT📽👇 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ➦✍️ @Dareen_side ➦✍️ @Hasancaashaq) ➦✍️ @daren_jaceyl ➦✍️ @Mohametahmed ➦✍️ @Noqoxiddig ➦✍️ @FAAIDOCHANEEL ➦✍️ @guuleyso11 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ 👇 📲 Educations 📲👇 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ➦📲 @maanhage ➦📲 @farsamada ➦📲 @KobciAqoontaada2 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ 👇📚 Pdf Books📚👇 ▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬▬ ➦📕 @somalibooks ➦📕 @Somalilibrary ➦📕 @kobciyebooks █▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀▀█ 🎯Presented by @zomalibot █▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄▄█
Показать все...
00:54
Видео недоступноПоказать в Telegram
🤖 Download via @TopSaverBot.
Показать все...
video3.83 MB
Sunniyiintu: waxa ay rumeysan yihiin in Illaahay Subxaanahu watacaalaa, yahay Keli, aan lammaane ama qof talada la wadaago laheyn, Illaahay isaga mooyee mid kale oo xaq lagu caabudo ma jiro, mana lahan Allaah ubad uu dhalay isna lama dhalin. Sunniyiintu ma baryaan cid aan aheyn Allaah Subxaanah, mana rajeeyaan cid aan isaga aheyn, mana u baahna cid Allaah uga suka marta. Waxa ay rumeysan yihiin in dhammaan Rusushu ahaayeen ergo Illaahay oo waday fariin uu Alle u soo dhiibay oo ah in isaga uun la caabudo oo aan loo yeelin shariik ama cid kale oo talada la wadaagta. Shiicadu: waxa ay qabaan in uu Allaah kali yahay laakiin hab-dhaqankooda kuma dabaqaan oo waxa ay la yimaadaan shirki, waxay Tawasulaan ama ilaahay ka suka marsadaan A’imadooda iyo Awliyadooda markay dhibaato jirto, taasina waxay xad gudub ku tahay xaqa uu ilaahay ku leeyahay Adoomadiisa. Waxay shirki ku sameeyaan Aalu Beytka Sayid Cali wajigiisa Allaah ha karaameeyee, iyaga oo ku xad-gudbay xaqii Allaah, waxa ayna u nadraan oo wax u gowracaan Illaahay cid aan aheyn. Waxa ay qabaan in Imaamadoodu yihiin macsuumiin garanaya waxa dhici doona "cilmul qeybka" Gunaanad Ilaahay ha inaga badbaadiyo halista Shiicadu leedahay iyo caqiidadeeda faasidka ah ee ay ku beeninayaan awoodda Alle SWT iyo sunnada Rasuulka SCW, oo qof kasta oo Muslim ah sal u ah. Xigasho.
Показать все...
🥰 2
Maxay tahay Shiico? Culimada badankood waxa ay isku raaceen in Shiicadu ay soo if-baxday kadib geerida Rasuulka SCW, waxayna rumeysnaayeen xilligaas in Maamulka khilaafada ay Aalu Beytka Rasuulka ka mudan yihiin Qureysh inteeda kale, oo waxa ay saxaabada waa weyn sida Abuu-bakar iyo Cumar RC, ku eedeeyeen in ay talada ka boobeen Cali Binu Abii Dhaalib RC, waxaana fikirkan aas aasay rag uu hor boodayay C/llahi Ibnu Sabaa oo ahaa Yahuudi Islaamnimo muujistay markii uu Muslimiinta iska celin waayay. Fikirkaasi gurracan wuu tadawuray ilaa Shiicadu ay muslimiinta ku khilaaftay dhowr arrin oo aas aas u ah Caqiidadda Islaamka, sida in wax laga bedelay Qur'aanka Kariimka, in saxaabadu badankood ridoobeen markii uu Nabiga SCW, geeriyooday iyo in ay shirki caadeystaan. Gundhigga Qormada 5- Qodob oo ah kuwa ugu muhiimsan ee ay “Shiicadu ku khilaaftay sunnada” ayaan qormadan xoogga ku saari doonnaa insha Allah, waxaana ay kala noqon doonaan, Tiirarka Islaamka, Qur’aanka Kariimka, Axaadiista Nabiga SCW, Saxaabada RC, iyo Caqiidada. 1- Tiirarka Islaamka Sunniyiinta raacay jidka Alle SWT waxay shanta Arkaanul Islaam u yaqaanaan; B) Shahaadateenka: In la qiro kalinimada Allaah iyo Farriinta Rasuulka SCW. T) Salaadda: Shanta waqti ee nalaku farad yeelay iyo sunnooyinka. J) Sakada: Fidriga iyo tan maalka. X) Soonka: In la soomo bisha Ramadaan. Kh) Xajka: In la guto waajibka Xajka haddii uu qofku awoodo in uu tago. Haddaba Shiicada ayaa ka soo hor-jeeda arrintan ay diintu jidaysay waxa ayna tiirarka ugu waa weyn ee Islaamka kadib shahaadada u yaqaanaan “Imaamnimada Sayid Cali RC” iyo in ayna dhaafi karin Carruurtiisa. Imaamnimadan ay sheegayaan waa mid u dhiganta Nabinimo oo waxay leeyihiin waa macsuum oo dambi maleh, dhalasho illaa dhimasho. 2- Qur’aanka Kariimka Sunniyiintu: waxa ay dhamaantood rumeysan yihiin in Qur’aanka Alle SWT uu dhowrsan yahay oo aysan cidna waxba ka badeli Karin iyaga oo daliil ka dhiganaya, kalaamka Eebbe; ِ (إِنَّا نَحْنُ نَزَّلْنَا الذِّكْرَ وَإِنَّا لَهُ لَحَافِظُون) Shiicadu: waxa ay qabaan in Qur’aanku uusan dhameystirneyn, waxayna leeyihiin waxaa jira Qur'aan aan la qorin iyo qaar aan soo aroorin oo qoran, waxayna Qur'aanka u dhigaan si’ ka duwan qaabkii uu u soo degay, taasina waa dambi weyn. 3- Axaadiista Rasuulka Sunniyiintu: masdarkooda xiga Qur’aanka Kariimka ah waa, “Axaadiista Nabiga” SCW, raacitaanka Rasuulkana wuxuu agtooda ka yahay sunne adag oo aan laga baydhi karin, waxayna qabaan in axaadiistu fasirayaan Qur'aanka oo ah qawlka Eebbe. Shiicadu: ma rumeysna Axaadiista Rasuulka SCW, illaa wixii laga soo wariyey “Aalu Beytka” nabiga oo ay ixtiraam ka fog xaqiisa ay siiyeen, waxayna beenaalayaal ku tilmaamaan Saxaabada waa weyn ee warisay Axaadiista Suubanaha SCW. 4- Saxaabada Rasuulka SCW Sunniyiintu: waxa ay ixtiraam weyn u hayaan dhamaan saxaabadii Rasuulka, waxayna Illaahay uga baryaan naxariis iyo dambi dhaaf, iyaga oo qirsan fadliga uu Illaahay siiyay, marka la eego aragtida sunniyiinta ee Sayid Cali Binu Abii Daalib, waxa ay qabaan in uu yahay qofkii ugu horreeyey ee carruurta ka mid ah oo rumeeyey Nabiga SCW, waxa ay sidoo kale aaminsan yihiin in uu ahaa Khaliifkii 4aad ee Islaamka, waxaana jannada loogu bishaareeyey isaga oo nool Illaahayna wuxuu ku irsaaqay “Shahaado”. Shiicadu: waxa ay gaaleysiiyeen saxaabadii waa weyneyd sida Abuu Bakar Al-Sidiiq RC, Cumar Ibnu Khidaab RW, iyo Cismaan Ibnul Cafaan 3-daasina waxaa jannada loogu bishaareeyey iyaga oo nool laakiin Shiicadu waa diidan tahay. Taas beddelkeed waxa ay qabaan in Sayid Cali Ibnu Abii Daalib RC, yahay qof ka duwan dhamaan saxaabada oo waxa ay leeyihiin isagaa xaq u lahaa Khilaafada Islaamka maadaama uu Nabiga ugu dhawaa, qaar ka mid ah Shiicada waxa ay qabaan Sayid Cali waa Nabi! Qaar kale waxa ay leeyihiin wuxuu ahaa qofkii loo dardaarmay hogaanka Islaamka, qaarkoodna waxa ay ku doodayaan inuu ahaa Ilaah. 5- Caqiidadda kali yeelidda caabuditaanka Allaah.
Показать все...
Natiijooyinka weerarka Iran: Dhaawac:0 dhimasho: 0 Waxyeelo iyo burbur : 0 1- Bannaanbaxyo lagaga soo horjeedo Netanyahu ee ka socda dhulka la haysto oo joogsada. 2- In laga indhaha caalamka laga leexiyo gumaadka ka socda Qassa iyo Daanta Galbeed. 3- Mareykanka,Britain,iyo reer Galbeedka kale oo dib u soo celiya taageeradii militari ee ay siin jireen Israel. 4- Iran oo soo celishatay kalsoonidii ay ku qabeen ( kuwa dhalanteedka jecel) si ay iiraan u dhamaystirto yoolkeeda ka dhanka ah Carabta iyo Muslimiinta. 5- in si aan la dhaadanayn loo fuliyo sadqayntii lo'da cascas loogu gawacayey masjid Al-Aqsa 5- Si aan arrimaha lay noogu jahawareerin, waxaa xusid mudan in weerarka Iran ay ku qaadday Israa’iil uu jawaab celin u ahaa beegsiga safaaraddooda Dimishiq ee aanay ahayn u gargaarka Qassa.
Показать все...
Goobta bartilmaameedka: lama-degaanka naqab! Xilliga weerarka: waala ogyahay! Gantaalaha gaadhay: 10% ! Dhimasho iyo dhaawac: 0 ! Khassaraha ilaa imika gaadhay Yuhuuda: cabsi iyo isku-dhex-yaac keliya! Ujeedada weerarka: biyaha wejiga dhowro, ri'na gees haka ridin. Riyaawad cujta culus ah😂😅
Показать все...