es
Feedback
SNA RADIO

SNA RADIO

Ir al canal en Telegram

Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida

Mostrar más

📈 Análisis del canal de Telegram SNA RADIO

El canal SNA RADIO (@codkacqs) en el segmento lingüístico de Somalí es un actor destacado. Actualmente la comunidad reúne a 18 373 suscriptores, ocupando la posición 12 215 en la categoría Noticias y medios y el puesto 474 en la región Somalia.

📊 Métricas de audiencia y dinámica

Desde su creación el невідомо, el proyecto ha mostrado un crecimiento acelerado, reuniendo a 18 373 suscriptores.

Según los últimos datos del 09 julio, 2026, el canal mantiene una actividad estable. En los últimos 30 días la variación de miembros fue de -475, y en las últimas 24 horas de -27, conservando un alto alcance.

  • Estado de verificación: No verificado
  • Tasa de interacción (ER): El promedio de interacción de la audiencia es 9.50%. Durante las primeras 24 horas tras publicar, el contenido suele obtener N/A% de reacciones respecto al total de suscriptores.
  • Alcance de las publicaciones: Cada publicación recibe en promedio 0 visualizaciones. En el primer día suele acumular 0 visualizaciones.
  • Reacciones e interacción: La audiencia responde de forma activa: el promedio de reacciones por publicación es 0.

📝 Descripción y política de contenido

El autor describe el recurso como un espacio para expresar opiniones subjetivas:
Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida

Gracias a la alta frecuencia de actualizaciones (últimos datos recibidos el 10 julio, 2026), el canal mantiene la vigencia y un amplio alcance. La analítica demuestra que la audiencia interactúa activamente con el contenido, lo que lo convierte en un punto de referencia dentro de la categoría Noticias y medios.

18 373
Suscriptores
-2724 horas
-1047 días
-47530 días
Archivo de publicaciones
SNA RADIO
18 368
Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta cashar adag u dhigay Khawaarijtii isku dayday inay weerar ku soo qaaddo deegaanka Jabad Godane, oo hoos taga Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaad badan oo cadowga ka tirsan.

SNA RADIO
18 368
Baqtiga Argagixisada iyo Dagaal Culus oo Saakay Lagu Cagmariyey Deegaanka Jabad Godane Saakay waaberigii, geesiyaasha Ciidanka Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dagaal culus ku cagmaray deegaanka Jabad Godane, kaddib markii argagixisadu isku dayeen weerar ay kusoo qaadaan aaggaas. Isku daygaas fashilmay ayaa sababay in iska caabin adag lagula hortago bananka hore ee Jabad Godane, taas oo ay si geesinimo leh u wajahayeen Kumaandooska Danab. Dagaal culus oo socday saacado ayaa ka dhashay weerarkaasi, waxaana halkaas lagu gaarsiiyey baqti iyo jab culus maleeshiyaadkii argagixisada ahaa. Geesiyaasha Kumaandooska Danab ayaa muujiyey adkaysi, feejignaan iyo xirfad militari oo sare, iyagoo burburiyey qorshihii cadowga kana dhigay in deegaanka si buuxda gacanta loogu dhigo. Howlgalkan ayaa caddeyn u ah doorka laf-dhabarta ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ka qaataan ciribtirka argagixisada iyo sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

SNA RADIO
18 368
photo content

SNA RADIO
18 368
photo content

SNA RADIO
18 368
photo content
+9

SNA RADIO
18 368
Horjoogihii hoggaaminayay maleeshiyaadkii Khawaarijta ee saakay weerarka kusoo qaaday deegaanka Wargaadhi ayaa lagu dilay dagaal culus oo halkaasi ka dhacay. Horjoogahaasi oo lagu magacaabi jiray CabdiWakiil ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa hoggaaminta weerarrada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, dagaalkaas waxaa lagu dilay Luqmaan, oo ka mid ahaa horjoogayaasha muhiimka ah ee Khawaarijta, kana mid ahaa horjoogayaasha dagaalka ee ka hawlgala aagga Masaajis Cali-Gaduud, isla markaana ahaa ku-xigeenka horjooge CabdiWakiil. Luqmaan ayaa horey u soo qabtay xilal la xiriira diyaarin iyo fulin falal argagixiso oo waxyeello u geystay shacabka Soomaaliyeed. dagaalka ayaa khawaarijta looga dilay ku dhawaad 12 dhagarqabe oo Khawaarij ah, oo ay ku jireen horjoogayaasha.

SNA RADIO
18 368
photo content
+2

SNA RADIO
18 368
photo content
+5

SNA RADIO
18 368
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha Macawiisleyda ee degmada Ceeldheer ayaa maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Cawswayne ee gobolka Galguduud. Hawlgalka oo si xirfadeysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxda khawaarijta ku lahaayeen deegaankaas, waxaana ciidamada la wareegeen kontaroolkii muhimka ahaa ee ay halkaasi ku lahaayeen maleeshiyaadka khawaarijta. Intii uu hawlgalka socday, ciidamada ayaa khasaare culus gaarsiiyay maleeshiyaadkii khawaarijta ee ku sugnaa halkaasi, iyagoo sidoo kale ka kala eryay deegaankaasi guud ahaan.

SNA RADIO
18 368
photo content
+1

SNA RADIO
18 368
photo content
+9

SNA RADIO
18 368
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulada Waro Mintaaniya, oo 14 kiiloomitir dhinaca Koonfur-bari kaga beegan deegaanka Burjeet ee gobolka Baay. Howlgalkaasi ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta. Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le Sare Maxamed Yariis Aadan, ayaa warbaahinta ciidamada u sheegay in howlgalka lagu dilay laba horjooge oo muhiim ah oo ka tirsanaa Khawaarijta. Horjoogeyaasha la dilay ayaa kala ah Horjooge Yaxye, oo loo yaqaan Abuu Khaalid Horjooge Amiir, oo loo yaqaan Shariif, kaas oo dhaawac ahaan u baxsaday balse goor dambe ku geeriyooday hoodkii uu ku dhuumaalaysanayay. Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu soo furtay saddex qori AK-47 ah iyo laba boosh, halka dhagarqabe kale oo dhaawac ah ayaa goobta ka cararay, isagoo ka tagay qorigiisii. Taliyaha Qeybta 60-aad CXDS ayaa xusay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, looguna gogol xaarayo ammaan iyo xasillooni waarta oo ka hana qaadda deegaannada gobolka Baay.

SNA RADIO
18 368

SNA RADIO
18 368
Ciidanka Xaq-u-Dirirka Deegaanka ee ka howlgalaya degmada Mahadaay ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Ciid Ciidka Jimbilow, oo ku yaalla duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa lagu beegsaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana lagu dilay horjoogihii Khawaarijta ee deegaankaas oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan, iyo saddex dhagarqabe oo kale. Ciidanka geesiyaasha ah ayaa sidoo kale soo furtay laba qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale, taasoo muujineysa guul kale oo muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

SNA RADIO
18 368

SNA RADIO
18 368
Abaare 8:00 fiidnimo caawa ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka hortagay isku day weerar oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool, meel qiyaastii 8 km u jirta magaalada. Ciidanka Xoogga Dalka oo helay xogta cadawga oo ahayd dhaq-dhaqaaqa Khawaarijta ayaa si degdeg ah uga hortagay dhagartii ay maleeshiyaadku wadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo sababay khasaare culus oo soo gaaray kooxda. Inta la xaqiijiyay, ciidamada ayaa dilay in ka badan 10 dhagarqabe, iyagoona gacanta ku dhigay hub ay ka mid yihiin qori nooca culus ee BKM ah iyo AK47. Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Maxamed Yariis, oo la hadlay warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa xaqiijiyay guusha ay gaareen ciidamada, isagoo sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta dhagarta usoo maleegta shacabka gobolka Bakool. Faahfaahin dheeraad ah, kala soco Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida.

SNA RADIO
18 368
+2

SNA RADIO
18 368
photo content
+2

SNA RADIO
18 368
photo content
+9

SNA RADIO
18 368
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Geesiyaasha xoogga dalka ayaa maanta Khawaarijta ka saaray tuulooyin hor leh, oo ay ka mid tahay Tuulada Tawakal, taas oo hoostagta degmada Awdheegle. Intii lagu guda jiray howlgalkan, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen godod ay Khawaarijtu kaga dhuumanayeen deegaanka, kuwaas oo hadda gebi ahaanba laga nadiifiyay cadowga. Howlgalkan waa qeyb ka mid ah wajiga saddexaad ee howllgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo meelaha ay Khawaarijtu isku uruursadaan si looga takhaluso khatartooda, islamarkaana dib loogu soo celiyo nabadda iyo xasilloonida.