fa
Feedback
SNA RADIO

SNA RADIO

رفتن به کانال در Telegram

Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida

نمایش بیشتر

📈 تحلیل کانال تلگرام SNA RADIO

کانال SNA RADIO (@codkacqs) در بخش زبانی سومالی بازیگری فعال است. در حال حاضر جامعه شامل 18 563 مشترک است و جایگاه 12 166 را در دسته اخبار و رسانه‌ها و رتبه 467 را در منطقه الصومال دارد.

📊 شاخص‌های مخاطب و پویایی

از زمان ایجاد در невідомо، پروژه رشد سریعی داشته و 18 563 مشترک جذب کرده است.

بر اساس آخرین داده‌ها در تاریخ 27 ژوئن, 2026، کانال فعالیت پایداری دارد. در ۳۰ روز گذشته تغییر اعضا برابر -482 و در ۲۴ ساعت گذشته برابر -16 بوده و همچنان دسترسی گسترده‌ای حفظ شده است.

  • وضعیت تأیید: تأیید نشده
  • نرخ تعامل (ER): میانگین تعامل مخاطب 9.72% است و در ۲۴ ساعت نخست پس از انتشار، محتوا معمولاً N/A% واکنش نسبت به کل مشترکان کسب می‌کند.
  • دسترسی پست‌ها: هر پست به طور میانگین 1 804 بازدید دریافت می‌کند. در اولین روز معمولاً 0 بازدید جمع‌آوری می‌شود.
  • واکنش‌ها و تعامل: مخاطبان به‌طور فعال حمایت می‌کنند؛ میانگین واکنش به هر پست 24 است.

📝 توضیح و سیاست محتوایی

نویسنده این فضا را محل بیان دیدگاه‌های شخصی توصیف می‌کند:
Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida

به لطف به‌روزرسانی‌های پرتکرار (آخرین داده در تاریخ 28 ژوئن, 2026)، کانال همواره به‌روز و دارای دسترسی بالاست. تحلیل‌ها نشان می‌دهد مخاطبان به‌طور فعال با محتوا تعامل دارند و آن را به نقطه اثرگذاری مهم در دسته اخبار و رسانه‌ها تبدیل کرده‌اند.

18 563
مشترکین
-1624 ساعت
-1127 روز
-48230 روز
آرشیو پست ها
SNA RADIO
18 563
photo content
+9

SNA RADIO
18 563
Horjoogihii hoggaaminayay maleeshiyaadkii Khawaarijta ee saakay weerarka kusoo qaaday deegaanka Wargaadhi ayaa lagu dilay dagaal culus oo halkaasi ka dhacay. Horjoogahaasi oo lagu magacaabi jiray CabdiWakiil ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa hoggaaminta weerarrada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, dagaalkaas waxaa lagu dilay Luqmaan, oo ka mid ahaa horjoogayaasha muhiimka ah ee Khawaarijta, kana mid ahaa horjoogayaasha dagaalka ee ka hawlgala aagga Masaajis Cali-Gaduud, isla markaana ahaa ku-xigeenka horjooge CabdiWakiil. Luqmaan ayaa horey u soo qabtay xilal la xiriira diyaarin iyo fulin falal argagixiso oo waxyeello u geystay shacabka Soomaaliyeed. dagaalka ayaa khawaarijta looga dilay ku dhawaad 12 dhagarqabe oo Khawaarij ah, oo ay ku jireen horjoogayaasha.

SNA RADIO
18 563
photo content
+2

SNA RADIO
18 563
photo content
+5

SNA RADIO
18 563
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha Macawiisleyda ee degmada Ceeldheer ayaa maanta hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Cawswayne ee gobolka Galguduud. Hawlgalka oo si xirfadeysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxda khawaarijta ku lahaayeen deegaankaas, waxaana ciidamada la wareegeen kontaroolkii muhimka ahaa ee ay halkaasi ku lahaayeen maleeshiyaadka khawaarijta. Intii uu hawlgalka socday, ciidamada ayaa khasaare culus gaarsiiyay maleeshiyaadkii khawaarijta ee ku sugnaa halkaasi, iyagoo sidoo kale ka kala eryay deegaankaasi guud ahaan.

SNA RADIO
18 563
photo content
+1

SNA RADIO
18 563
photo content
+9

SNA RADIO
18 563
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulada Waro Mintaaniya, oo 14 kiiloomitir dhinaca Koonfur-bari kaga beegan deegaanka Burjeet ee gobolka Baay. Howlgalkaasi ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta. Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, G/le Sare Maxamed Yariis Aadan, ayaa warbaahinta ciidamada u sheegay in howlgalka lagu dilay laba horjooge oo muhiim ah oo ka tirsanaa Khawaarijta. Horjoogeyaasha la dilay ayaa kala ah Horjooge Yaxye, oo loo yaqaan Abuu Khaalid Horjooge Amiir, oo loo yaqaan Shariif, kaas oo dhaawac ahaan u baxsaday balse goor dambe ku geeriyooday hoodkii uu ku dhuumaalaysanayay. Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu soo furtay saddex qori AK-47 ah iyo laba boosh, halka dhagarqabe kale oo dhaawac ah ayaa goobta ka cararay, isagoo ka tagay qorigiisii. Taliyaha Qeybta 60-aad CXDS ayaa xusay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, looguna gogol xaarayo ammaan iyo xasillooni waarta oo ka hana qaadda deegaannada gobolka Baay.

SNA RADIO
18 563

SNA RADIO
18 563
Ciidanka Xaq-u-Dirirka Deegaanka ee ka howlgalaya degmada Mahadaay ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Ciid Ciidka Jimbilow, oo ku yaalla duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa lagu beegsaday goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana lagu dilay horjoogihii Khawaarijta ee deegaankaas oo lagu magacaabo Muxudiin Xasan, iyo saddex dhagarqabe oo kale. Ciidanka geesiyaasha ah ayaa sidoo kale soo furtay laba qori AK-47 ah iyo saanad ciidan oo kale, taasoo muujineysa guul kale oo muhiim ah oo laga gaaray dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha nabad-diidka ah.

SNA RADIO
18 563

SNA RADIO
18 563
Abaare 8:00 fiidnimo caawa ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka hortagay isku day weerar oo ay maleeshiyaadka Khawaarijta kusoo qaadeen duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool, meel qiyaastii 8 km u jirta magaalada. Ciidanka Xoogga Dalka oo helay xogta cadawga oo ahayd dhaq-dhaqaaqa Khawaarijta ayaa si degdeg ah uga hortagay dhagartii ay maleeshiyaadku wadeen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo sababay khasaare culus oo soo gaaray kooxda. Inta la xaqiijiyay, ciidamada ayaa dilay in ka badan 10 dhagarqabe, iyagoona gacanta ku dhigay hub ay ka mid yihiin qori nooca culus ee BKM ah iyo AK47. Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/sare Maxamed Yariis, oo la hadlay warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa xaqiijiyay guusha ay gaareen ciidamada, isagoo sheegay in howlgalkaasi uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta dhagarta usoo maleegta shacabka gobolka Bakool. Faahfaahin dheeraad ah, kala soco Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida.

SNA RADIO
18 563
+2

SNA RADIO
18 563
photo content
+2

SNA RADIO
18 563
photo content
+9

SNA RADIO
18 563
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanayay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Geesiyaasha xoogga dalka ayaa maanta Khawaarijta ka saaray tuulooyin hor leh, oo ay ka mid tahay Tuulada Tawakal, taas oo hoostagta degmada Awdheegle. Intii lagu guda jiray howlgalkan, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen godod ay Khawaarijtu kaga dhuumanayeen deegaanka, kuwaas oo hadda gebi ahaanba laga nadiifiyay cadowga. Howlgalkan waa qeyb ka mid ah wajiga saddexaad ee howllgalka “Duufaanta Aamusan”, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo meelaha ay Khawaarijtu isku uruursadaan si looga takhaluso khatartooda, islamarkaana dib loogu soo celiyo nabadda iyo xasilloonida.

SNA RADIO
18 563
photo content
+7

SNA RADIO
18 563
photo content
+9

SNA RADIO
18 563
photo content
+4

SNA RADIO
18 563
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Aussom ayaa xalay weerar qorshaysan ku qaaday beeraha Beeynax oo hoos yimaad
+2
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Aussom ayaa xalay weerar qorshaysan ku qaaday beeraha Beeynax oo hoos yimaada deegaanka Buulo-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose. Weerarkaasi waxaa lagu dilay laba horjooge oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta iyo laba ka mid ah ilaaladoodii. Intii lagu guda jiray howlgalka, ciidanku waxay gacanta ku dhigeen kamarado, doorbino iyo qalab sahamin ah oo ay Khawaarijtu adeegsanayeen. Guud ahaan, geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa laba jibbaaray dadaallada lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta, iyadoo jab culus lagu hayo cadowga.