es
Feedback
Telefishinka Qaranka

Telefishinka Qaranka

Ir al canal en Telegram

Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia. Headquartered in Mogadishu.

Mostrar más

📈 Análisis del canal de Telegram Telefishinka Qaranka

El canal Telefishinka Qaranka (@sntvnews) en el segmento lingüístico de Somalí es un actor destacado. Actualmente la comunidad reúne a 98 195 suscriptores, ocupando la posición 2 672 en la categoría Noticias y medios y el puesto 92 en la región Somalia.

📊 Métricas de audiencia y dinámica

Desde su creación el невідомо, el proyecto ha mostrado un crecimiento acelerado, reuniendo a 98 195 suscriptores.

Según los últimos datos del 27 julio, 2026, el canal mantiene una actividad estable. En los últimos 30 días la variación de miembros fue de -2 129, y en las últimas 24 horas de -55, conservando un alto alcance.

  • Estado de verificación: Verificado (confirmado oficialmente por Telegram)
  • Tasa de interacción (ER): El promedio de interacción de la audiencia es 14.76%. Durante las primeras 24 horas tras publicar, el contenido suele obtener N/A% de reacciones respecto al total de suscriptores.
  • Alcance de las publicaciones: Cada publicación recibe en promedio 14 497 visualizaciones. En el primer día suele acumular 0 visualizaciones.
  • Reacciones e interacción: La audiencia responde de forma activa: el promedio de reacciones por publicación es 281.

📝 Descripción y política de contenido

El autor describe el recurso como un espacio para expresar opiniones subjetivas:
Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia. Headquartered in Mogadishu.

Gracias a la alta frecuencia de actualizaciones (últimos datos recibidos el 28 julio, 2026), el canal mantiene la vigencia y un amplio alcance. La analítica demuestra que la audiencia interactúa activamente con el contenido, lo que lo convierte en un punto de referencia dentro de la categoría Noticias y medios.

98 195
Suscriptores
-5524 horas
-4707 días
-2 12930 días
Archivo de publicaciones
Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa caawa xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley ka fuliyey
+5
Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa caawa xaafadda Galmudug ee degmada Garasbaaley ka fuliyey howlgal guuleystay oo lagu beegsaday labo dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta. Ciidamada ayaa ku guuleystay inay dilaan hal dhagarqabe, iyagoo dhaawacay dhagarqabihii kale, wuxuuna howlgalkaasi u dhacay sidii loo qorsheeyey, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha ciidamadii fuliyey howlgalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada Istanbul waxa uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Ururka 203-aad, Guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Khaw
+3
Ururka 203-aad, Guutada 20-aad ee Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Khawaarijta oo lagu magacaabo Salaad Macalin Cusmaan Cabdiyow (Salaad Dheere), kaas oo lagu qabtay Tuulada Soo-Maray oo 5KM dhinaca galbeed kaga beegan deegaanka Mubaarag ee Gobolka Shabeellada Hoose. Horjoogahan ayaa Khawaarijta u qaabilsanaa abaabulka iyo hagidda maleeshiyaadka tuulooyinka Buula Cabdulle, Mudulow, Buula-doonka, Ugunji Busley iyo Soo-Maray, oo dhammaantood hoostaga deegaanka Mubaarag. Shabeellada Hoose waxaa ka socda howlgallo lagu sifeynayo Khawaarijta, kuwaas oo looga saaray deegaanno badan oo gobolka ka tirsan.

Waxaa lagu eedeeyay Isku day dil, Basaasnimo & Daaweynta Xubnaha Argagaxisada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, Waddada laamiga ah ee isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, taasi oo uu hirgaliyay maamulka Gobolka Benaadir.

Dooda Maxkamadda & Garmaqalka Askari Ku Eedeysan Dilka Muwaadin.

Waxaa lagu soo eedeeyay Israsaasayn ay ka dhalatay Dhimashol & Dhaawac #CCTVCamera Maxkamadda Ciidamada

Askari Ku Eedeysan Dilka Saaxiibkiis Ciidanka Kala Tirsanaa - Abdirahman Gacan #CCTVCAMERA

Daawo howlgalkii lagu dilay Horjooge Kamaaludiin oo soo abaabulay weerarkii Godka-jilicow iyo qaraxyo ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya tallaabada taariikhiga ah ee ay ku ansixiyeen Dastuurka dalka, kaasi oo soo maray geeddi socod dheer oo dib u eegis iyo wax ka baddal ah.

Fulin Toogasho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Horumarinta iyo Afrika Marwo Jenny Chapman.

Muqdisho oo ka gudubtay mahadhooyin adag ayaa cagta saartay hilinkii nabadda, horumarka iyo kala dambeynta | Warbixin.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiya
Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa ku guuleystay in ay shacabka Soomaaliyeed shartiisa dhaafiyaan Horjooge Axmed Dhubad Xidig oo magaciisa afgarashadu ahaa Sheekh Aadan Dheere, kaas Khawaarijta u qaabilsanaa Maaliyadda Gobolka Banaadir, kaddib howlgal si gaar ah loo qorsheeyay oo ka dhacay deegaanka Daniga Baaloow ee gobolka Shabeellaha Hoose, 27-kii Janaayo. Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gaashaan oo dul tagay guri uu ku dhuumanayay Horjoogaha ayaa toogtay kaddib markii uu isku dayay in uu dagaal kala hor yimaado ciidanka intii uu socday howlgalka qorshaysan. Horjoogahan oo cadowga Khawaarijta ku biiray sanadkii 2008-dii isla markaana muddo dheer ku howlanaa baadda iyo boobka hantida dadweynaha ayaa hore Khawaarijta wakiil dhinaca baadda uga soo noqday gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Hoose.

WhatsApp Image 2026-02-05 at 6.26.43 PM.jpeg0.96 KB

Xasiloonida Amniga oo Horseed u Noqday Kobaca Maalgashiga Muqdisho. Warbixin.

Muqdisho.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee ma
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo leh khibrad shaqo ciidan oo 18 sano ah, iyo aqoon waxbarasho oo gaarsiisan heerka labaad ee jaamacadda.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo leh khibrad shaqo ciidan oo 18 sano ah, iyo aqoon waxbarasho oo gaarsiisan heerka labaad ee jaamacadda.

Xogta Howlgalka Seefta Qarsoon ee Khawaarijta looga sifeeyey Muqdisho ilaa Marka.?