es
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Ir al canal en Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Mostrar más
El país no está especificadoLa categoría no está especificada
250
Suscriptores
-424 horas
-87 días
+1130 días
Archivo de publicaciones
Taliye ku-xigeenka Taliska Dhexe ee Ciidanka Itoobiya iyo Ciidamado Fara-badan oo uu Watay ayaa Lagu Laayay Gobalka Oramayaa
Taliye ku-xigeenka Taliska Dhexe ee Ciidanka Itoobiya iyo Ciidamado Fara-badan oo uu Watay ayaa Lagu Laayay Gobalka Oramayaa ee Gudaha Dalkaas. Maleeshiyaadka Amxaarada ee FAANO ayaa ku dhawaaqay, inay gudaha gobalka Oramiya ku dileen Sarreeye Guuto Asnake Aytenew  oo ah taliye ku-xigeenka Taliska Dhexe ee Ciidanka Itoobiya, iyo sidoo kale, saraakiil kale oo sarsare iyo ciidamo tiro badan oo uu watay.   Taliyah iyo ciidanka uu watay ayay FAANO weerar gaadmo oo lama filaan ah ku qaaday xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeyso deegaannada Nekemte iyo Gida Ayana oo ka wada tirsan gobolka Wollega ee deegaanka Oramada. Asris Mare, oo u hadlay Dhaqdhaqaaqa FAANO ayaa dagaalkani ka warbixiyay, wuxuuna sheegay, in weerarku uu marki hore ku bilowday kamiin loo dhigay kolonyo uu la socday taliyaha, kamiinkaas oo isku badalay dagaal toos ah oo socday saacado badan, wuxuuna xusay, in dagaalkani uu si gaar ah uga dhacay aag lagu magacaabo Andodedi  oo ka tirsan gobalka Oramiya ee gudaha Itoobiya. .

Askar ay Yahuudda Usoo Tababartay Maamulka La Baxay Somaliland ayaa Dib Loogu Soo Celiyay Hargeysa. Sida uu daabacay The Tele
Askar ay Yahuudda Usoo Tababartay Maamulka La Baxay Somaliland ayaa Dib Loogu Soo Celiyay Hargeysa. Sida uu daabacay The Telegraph oo ka mida wargeysyada ugu afka dheer ee waddanka Ingiriiska, waxaa magaalada Hargeysa usbuucan kusoo laabtay askar ay Yahuudda usoo tababartay maamulka la baxay Somaliland ee uu Hogaamiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Cirro. Waxa uu wargeysku shaaciyay, in askartaan ay tiradooda gaaraysa illaa 50 askari islamarkaana ay kamid yihiin ciidamada gaarka ah ee maamulka la baxay Somaliland. Magaalada Talla-biib oo caasimadda u ah maamulka gumeystaha Yahuudda ayay askartani kusoo qaateen tababar millateri, sida lagu sheegay warbixinta wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska oo ah dalka Yahuudda xoogga kusoo dajiyay dhulka Falastiin. Xaflad ka dhacday magaalada Hargeysa ayuu wargeyska The Telegraph sheegay in wafdi ka socday maamulka Yahuuddu ay Cirro ku guddoonsiiyeen qaybo ka mid ah nidaamka difaaca cirka ee Sahaayinadu ay samayso ee loo yaqaan Iron Dome.

Shil ay dad Soomaali ah dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ayaa ka dhacay meel saacado looga socdo magaalada Nairobi ee caasimad
Shil ay dad Soomaali ah dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ayaa ka dhacay meel saacado looga socdo magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Habeennimadii xalay shil gaadiid oo uu galay gaari Bas ah ayaa ka dhacay meel labo saacadood looga socdo magaalada Nairobi. Baskan shilka galay ayaa xalay ka baxay Nairobi, wuxuuna kusii jeeday magaalada Mooyaale. Shilkan ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaarigan Bas ah, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in mid ka mid ah taayadaradda uu qaraxay darawalkuna xakameyn waayay gaariga. Dadkii saarnaa Baska ayaa la sheegay iney dhimasho iyo dhaawac noqdeen, in kastoo tirada dhimashada iyo dhaawacaba warbaahintu utabineyso siyaabo kala duwan. Tirada dhimashada ayey warbaahinta qaar sheegeysaa iney tahay dhowr iyo toban qof, halka warbaahinno kalena ay sheegayaan sedax illaa iyo afar qof in dhimashadu tahay, dhaawaacyada ayaa sidoo kale la sheegay in yihiin kuwo badan.

Hogaamiya Maamulka la Baxay Puntland ayaa Safar Qarsoodi ah ku Tagay Dalka Itoobiya. Sida ay ku warantay warbaahinta, Siciid
Hogaamiya Maamulka la Baxay Puntland ayaa Safar Qarsoodi ah ku Tagay Dalka Itoobiya. Sida ay ku warantay warbaahinta, Siciid Cabdullaahi Deni Hogaamiyaha maamulka la baxay Puntland ayaa safar qarsoodi ah ku tagay dalka Itoobiya, oo xiriiro shaacsan la leh maamul gobaleedyada ka jira dalka. Deni ayaa la tilmaamay inuu shalay galinkii danbe si aan la sii shaacin uga duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, isagoona ka degay magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya. Sida ay tilmaamayaan xogaha laga helayo safarkaas, Siciid Deni ayaa Itoobiya kasii aadi doono dalka isku tagga Imaaraadka Carabta, oo kamid ah dalalka xiriirka dhow la leh maamulkiisa.

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo dhaliyaya dhimasho iyo dhaawc ka geestay dagamada Buq aqable ee Wilaayada Islaamiga ee Hiiraan

Maamulka la Baxay Puntland ayaa Xiray Mid Kamid Saraakiishiisa Ciidanka oo Isagoo Cabanaya Dhawaan Warbaahinta Kasoo Muuqday.

Hogaamiyaha Maamulka la Baxay Somaliland ayaa Ingiriiska ka Codsaday inay Maamulkiisa u aqoonsadaan dal Madaxbannaan.

Dalka Kenya ayaa Lagasoo Diiwaangeliyay Kiisaska In Ka Badan 120 Dumar ah oo Lagu Dilay Gudaha Dalkaas.

Itoobiya ayaa Markale Lagu Eedeeyay inay Diyaarado ku Weerartay Dalka Suudaan, Xilli Xiriirka Labada Dal uu Sii Xumaanayo.

Maanta waa maalin Isniin ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 08-12-1447 oo waafaqsan 25-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.

Taxane- Halyeeyadii Badar- 226.mp312.14 MB

Dhageyso: Taxane- Halyeeyadii Badar.[226] Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan waxay idiin soo gudbineysaa taxane aan ugu magac darnay Halyeeyadii Bader, taas oo uu Sheekh Cabdul Ilaah Abuu Khaalid kaga waramayo, siirada iyo mawaaqifta tarbawiga ah ee saxaabiyiintii Badriyiinta ahaa ee ka qeyb galay macrakadii Yowmul Furqaan.

Dhageystayaasha Al-Furqaan ee gudaha dalka iyo dibaddiisa oo ka aragti dhiibtay taxanihii Al-Kataa'ib ee lagu soo bandhigtay, kaalinta daahsoon ee kaniisadaha Kirishtaanku ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya

Odayaasha dhaqanka ee wilaayada islaamiga ah ee Jubbada/hoose oo si adag uga hadlay, xasuuqii ay maleeshiyaadka Bangaraaf dhawaan ka geysteen deegaan dhaca duleedka Kismaayo.

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso. Caawa waa habeennimo Isniin ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 08-12-1447 oo waafaqsan 24-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.

Itoobiya ayaa Markale Lagu Eedeeyay inay Diyaarado ku Weerartay Dalka Suudaan, Xilli Xiriirka Labada Dal uu Sii Xumaanayo. Mi
Itoobiya ayaa Markale Lagu Eedeeyay inay Diyaarado ku Weerartay Dalka Suudaan, Xilli Xiriirka Labada Dal uu Sii Xumaanayo. Millateriga Suudaan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku dhawaaqay, inay soo rideen diyaarad drone ah oo ka timid dhinaca Itoobiya, taas oo haraadiga burburkeedu uu kusoo dhacay gobolka Niilka Buluuga ah, oo ku yaalla koonfurta bari ee Suudaan.   Militateriga ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ciidamada Suudaan ay dhexda u galeen diyaaraddaasi, kuna soo rideen meel u dhow magaalada Ad-damaaziin kadib markii ay kasoo gudubtay xad-beenaadka xiga dhinaca Itoobiya.   Ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegay, in qaraxyo xooggan laga maqlay qaybo kala duwan oo ka mid ah magaalada Ad-damazin, xilli difaaca hawada ee ciidanka ay la tacaalayeen diyaarad aan duuliye lahayn oo ku duulaysay hawada aaggaas.

Maamulka la Baxay Puntland ayaa Xiray Mid Kamid Saraakiishiisa Ciidanka oo Isagoo Cabanaya Dhawaan Warbaahinta Kasoo Muuqday.
Maamulka la Baxay Puntland ayaa Xiray Mid Kamid Saraakiishiisa Ciidanka oo Isagoo Cabanaya Dhawaan Warbaahinta Kasoo Muuqday. Waxaa magaalada Garowe ee xarunta u ah maamulka la baxay Puntland lagu xiray sarkaal ka tirsan ciidanka maamulkaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Cabirisaaq Wayrax, kaas oo darajadiisa lagu sheegay Gaashaanle. Xariga sarkalkan ayaa yimid isagoo maalmo kahor warbaahinta ka sheegay cabashooyin la xiriiray mushaar la’aan iyo xaalado dayac caafimaad ah oo uu sheegay inay wajahayaan saraakiisha iyo ciidamada maamulka la baxay Puntland ee ku sugan xero ku taalla magaalada Garowe. Waxyaabaha uu sarkalkani ka dhawaajiyay waxaa kamid ah, in saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka Puntland ay dhawaan ugu geeriyoodeen Garowe xaalado caafimaad darro awgeed, hadalkaas oo lagu tilmaamay mid si weyn u gilgilay maamulka Saciid Deni. Sarkaal Wayrax ayaa xiligaasi sidoo kale xusay, inay jiraan ciidamo ka tirsan maamulka la magacbaxay Puntland oo aan wax mushaaraad ah helin muddo ku siman 24 bilood.

Dalka Kenya ayaa Lagasoo Diiwaangeliyay Kiisaska In Ka Badan 120 Dumar ah oo Lagu Dilay Gudaha Dalkaas. Hay’adaha ammaanka ee
Dalka Kenya ayaa Lagasoo Diiwaangeliyay Kiisaska In Ka Badan 120 Dumar ah oo Lagu Dilay Gudaha Dalkaas.   Hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa shaaciyay, in dalkaasi laga diiwaangeliyay in ka badan 120 kiis oo dilal haween ah, kuwaas oo la xiriira rabshadaha sii kordhaya ee ka jira dalkaas, isla markaana ay hurinayaan kooxo gaara oo ay ka dambeeyaan hay’addo qandaraas kusoo qaatay qorshahan xiriirna la leh dawladaha reer Galbeedka.   Booliiska Kenya ayaa sheegay, in kiisaskaasi intooda badan ay ka dhasheen falal xadgudubyo ah oo sii kordhaya lagulana ka cayo, gabdha yar iyo dumarka waawayn, xilli walaac xooggan laga muujinayo ammaan xumada ka taagan dalkaasi.   Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in qaar badan oo kamid ah kiisaskaasi ay haatan ku jiraan gacanta maxkamadaha, halka kuwo kale ay wali baaritaanno ku socdaan.

Hogaamiyaha Maamulka la Baxay Somaliland ayaa Ingiriiska ka Codsaday inay Maamulkiisa u aqoonsadaan dal Madaxbannaan. Cabdira
Hogaamiyaha Maamulka la Baxay Somaliland ayaa Ingiriiska ka Codsaday inay Maamulkiisa u aqoonsadaan dal Madaxbannaan. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro hogaamiyaha maamulka isugu yeeray Somaliland ayaa Ingiriiska si gaar ah uga codsaday inay u aqoonsadaan dal madaxbannaan, sida lagu sheegay warbixin uu dhaabacay Wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa UK. Cirro ayaa ku dooday, in maamulka la baxay Somaliland uu buuxiyay shuruudaha dawladnimada ee Montevideo Convention, balse uusan wali aqoonsi caalami ah helin. "Xiriirkeena Ingiriiska waa mid aan la jabin karin, laakiin waxaan ka filaynaa Ingiriiska inuu na aqoonsado oo uu na taageerto” Ayuu Cirro u sheegay wargeyska The Telegraph. Dhankiisa wargeyska Biritishka ah ee The Telegraph ayaa sheegay, in London ay lumineyso fursado istiraatiiji ah oo ay ka heli karto aqoonsiga Somaliland, isagoo kula taliyay Dowladda Ingiriiska inay dib u eegto siyaasadeeda ku aaddan Somaliland si ay u ilaaliso ayuu yiri danaha istiraatiijiga ah ee gobolka.

Waa Habeennimo Isniin ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 08-12-1447 oo ku beegan 24-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Cabdukhaali Macali Cabduwali