️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
رفتن به کانال در Telegram
Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan
نمایش بیشترکشور مشخص نشده استدسته بندی مشخص نشده است
261
مشترکین
+224 ساعت
+127 روز
+2230 روز
آرشیو پست ها
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Dad badan ayaa ka aragti dhiibtay xalqada 3aad ee taxanaha Wawadduu Low Takfuruun ee ay baahisay Mu'assasada Al-Kataa'ib.
Mu'assasada Al-Kataa'ib ayaa baahisay xalqada saddaxaad taxane lagu faaqidayo kaalinta daahsoon ee kaniisadaha kirishtaanku ku leeyihiin siyaasadda Soomaaliya iyadoo xalqo walba ay mowduuc gaar ah diiradda saarayso.
Dowladda Kenya ayaa Soo Saartay Digniin Caafimaad oo ku Aaddan caabuqa Ebola ee laga Helay Dalka Dariska la ah ee Ugadha.
Maanta waa maalin Isniin, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 01-12-1447 oo waafaqsa 18-05-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Sakariye Cumar.
Maanta waa maalin Isniin ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 01-12-1447 oo waafaqsan 18-05-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.
Milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxey madaafiic ku garaaceen xerada askarta Dawladda Fadaraalka ee Maaya Fuulka ee magaalada Baydhabo.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay xalay howlgal ka fuliyeen gudaha degmada Baraawe, waxaana lagu dilay askari ka tirsan Sirdoonka Dawladda Fadaraalka ee NISA, kaasi oo lagu magacaabi jiray Saciid Axmed.
Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso.
Caawa waa habeennimo Isniin ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 01-12 1447 oo ku beegan 17-05-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo jeedinaya Cabdisamad Cabdullaahi.
Ciidamada DF ayaa la Tilmaamay, inay la Yimaadeen Qorshayaal Cusub oo ay ku Dhacayaan Daralwallada Moota Bajaajta kaga Xamaasha Gudaha Muqdisho.
Daralwallada Moota Bajaajta kaga Xamaasha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa cabasho xooggan ka muujiyay Ciidamada DF, gaar ahaan kuwa loo yaqaanno taraafikada ee waddooyinka ku sugan.
Waxay darawalladda ka sheekeeyeen tabab iyo xeelado cusub oo ay ciidamadani ku dhacayaan Daralwallada Moota Bajaajta ee gudaha Muqdisho.
Kiisas Cusub oo Cudurka Ebola ah ayaa Laga Helay Dalka Uganda.
Laba kiis oo Cudurka Ebola ah ayaa laga soo calaamadeeyay caasimadda Uganda ee Kampala, iyadoo la tilmaamay, in mid kamid ah labada ruux uu u geeriyooday xanuunka.
Labada qof ee cudurka laga helay ayaa lagu soo waramayaa, inay ka yimaadeen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, halkaas oo uu markale ka dilaacay xanuunka Ebola, islamarkaana uu galaaftay noolasha dad fara-badan.
Marka laga soo taga labadaasi kiis ma jiraan faafitaan kale oo maxalli ah oo laga xaqiijiyay gudaha waddanka Uganda, sida ay warbixinnada tilmaamayaan.
Hay'adda sheegata Caafimaadka Adduunka ee (WHO) ayaa Axaddii ku dhawaaqday, in cudurka Ebola uu ka dilaacay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyadoona xaalad degdeg ah oo Caafimaadka lagaga dhawaaqay waddanka Uganda ee dariska la ah.
Qiyaastii 246-xaaladood iyo 80 -dhimasho oo cudurka Ebola ah ayaa laga soo sheegay dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo.
Ciidamada Booliiska ee Dalka Kenya ayaa Toogasho Ku Dilay Dhawr Qof oo Keenyaan ah.
Wararka inagasoo gaaraya dalka Kenya ayaa ku waramaya in Ciidamada booliiska ee dalkaas ay toogasho ku dileen labo qof oo ku sugnaa gobolka Naarook, kadib howlgal ay ka sameeyeen deegaano dhaca gobalkaas oo ka tirsan dalka Kenya.
Sida ay sheegeen saraakiisha boosliia Kenya, dhacdadan ayaa timid kadib markii ciidamada ay dagaal toos ah la galeen koox lagu tuhunsanaa inay tahay burcad waday falal dhac iyo boob ah, taas oo markii dambe isu beddeshay iska horimaad hubeysan.
Booliiska ayaa sheegay in labada qof lagu dilay rasaas ay ciidamada fureen intii uu socday iska horimaadkad, halka qof kale oo la socday dadka la dilay uu dhaawacmay, kaas oo goobta oo ugu dambayn la dhigay xarumaha Caafimaadka ee gobalka Naarook, tan iyo hada lama cadayn in labada qof ee la toogtay ay ahaayeen burcad iyo ay qayb ka ahaayeen dadka deegaanka.
Waa Habeennimo Isniin ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 01-12-1447 oo ku beegan 17-05-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Sakariye Cumar.
Maxaan ka Ognahay Hlista uu Wajahayo Mareykanka ee ku Aaddan in Basaasiin iyo Saraakiil Katirsan Sirdoonkiisa ay Xogo Qarsoodi ah u Gudbiyeen Dowlado Shisheeye?[WARBIXIN]
Yahuudda Lagu Deegaameeyay Falastiin ayaa Masaajido iyo Guryo La Daganyahay Ku Gubtay Dhulka Daanta Galbeed ee Falastiin, Meydka 12 Dhallinyaro Masaari ah ayaa Laga Helay Xeebaha Badwaynta Medhitareeniyanka.Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.
Masuul horay uga Tirsanaa DF-ka ayaa Walaac ka Muujiyay, in Xukuumadda Xasan Sheekh Dhaqaalaha laga Jarto.
Waxaa la shaaciyay tirakoobka dhaqaalaha uu Xasan Sheekh ka sameeyay dhulboobka uu Xasan Sheekh ka wado magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Qaar kamid ah Xisbiyada siyaasadda ee Itoobiya ayaa ka cabanaya maamulka Abiy Axmad xilli ay doorashada dalkaas soo dhowdahay.
Mareykanka ayaa Itoobiya ka Qaaday Cunaqabatayn uu ku Hayay ku Dhawaad muddo 6 Sano ah.
اکنون در دسترس! پژوهش تلگرام ۲۰۲۵ — مهمترین بینشهای سال 
