es
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Ir al canal en Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Mostrar más
El país no está especificadoLa categoría no está especificada
339
Suscriptores
Sin datos24 horas
+927 días
+9930 días
Archivo de publicaciones
Imaarada Islaamiga ah ee Afghaanistaan oo Baahisay Cadadkii 246-aad ee Majaladda As-Sumuud. [Warbixin]

Maamulka Yahuuda oo Duqaymo khasaare dhaliyay ka geestay Marinka Qaza, in ka badan 50 qof oo ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Warshad ku taala gudaha Dalka Qadar, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.

Maleeshiyaad Taabacsan Laftagareen ayaa Mar Kale Weerar Ku Qaaday Ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Shacabka ku dhaqan gobolka Doollo ee dhulka Soomaali Galbeed ayaa sheegay iney xasuuq kula kaceen ciidamada maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulkaas.

Jabhada FANO ayaa Sheegatay In ay Boqolaal Askari Ka Dishay Ciidamada Dowladda Itoobiya.

Maanta waa maalin Isniin ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 07-01-1448 oo waafaqsan 22-06-2026, warka Duhurnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Amiin.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta madaafiic ku garaacay, saldhigga askarta Dowladda Fedaraalka ee xero Baraxow oo ku taalla degmada Baardheere ee gobolka Gedo, madaafiicda ayaana ku dhacay gudaha xerada.

Barnaamjka Caafimaadka iyo Nolosha 22 06 20226.mp343.15 MB

Dhageystayaasha iyo akhrisstayaasha ku xiran Mareegta idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan, waxay had iyo goor halkan kala socon karaan wararka iyo barnaamijyada ay idaacaddu baahiso. Barnaamijka Caafimaadka iyo Nolosha, waa barnaamij todobaadle ah oo Isniin waliba ka baxa warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaana maanta looga hadlay cudurka Dhiig-Karka oo su'aalo laga waydiiyaa Dr Maslax oo kamid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Masuul Ka Tirsan Maamulka La Baxay Somaliland ayaa Sheegay in Maamulkooda Loo Yaqaano Yahuudda Soomaaliya. Masuul xubin ka ah
Masuul Ka Tirsan Maamulka La Baxay Somaliland ayaa Sheegay in Maamulkooda Loo Yaqaano Yahuudda Soomaaliya. Masuul xubin ka ah maamulka la baxay Soomaaliland ayaa waraysi uu siiyay warbaahin Soomaaliyeed ku sheegay, in maamulka la baxay Somaliland ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cirro uu yahay Soomaalida Yahuudda, Wuxuu sidoo kale ninkan carrabka ku adkeenayay in aysan jirin wax Soomaali ah oo midoobi karta, isaga oo dadka Soomaalida ah ee ku hoos jirta gumaysiga Kenya Iyo Itoobiya ku tilmaamay in aysan Soomaalida qayb ka ahayn, khaladna ay tahay in la iska dhiciyo dowladda Itoobiya ee gumeysata Soomaali Galbeed.   Ninkan oo lagu magacaabo Cabdiqani Xassan Axmed, ayaa si cad oo aan gambasho lahayn uga dhawaajiyay hadal dhawaan ay masuuliyiin Yahuud ah ka sheegeen xaflad Cirro lagu gudoonsiinayay biladda Yahuudda, wuxuuna Cabdiqani Xassan xusay in maamulkiisu uu yahay dadka Yahuudda ku matala gudaha Soomaaliya.

Maleeshiyaad Taabacsan Laftagareen ayaa Mar Kale Weerar Ku Qaaday Ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku Sugan Baydhabo. Habeenn
Maleeshiyaad Taabacsan Laftagareen ayaa Mar Kale Weerar Ku Qaaday Ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku Sugan Baydhabo. Habeennimadii xalay waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ka dhacay, dagaal dhexmaray maleeshiayaad taabacsan Laftagreen iyo kuwa Dowladd Fedaraalka ee ku sugan duleedka magaaladaas. Dagaalka ayaa la sheegay inuu markii hore ka dhashay weerar ay soo qaadeen maleeshiyaadka Laftagareen, waxayna wararku tilmaamayaan inuu qaatay saacado badan. Dhanka kale warbaahinta ayaa tebineysa in dagaalkan uu u gudbay gudaha magaalada, Maleeshiyaadka Laftagareena lagu arkay halkaas, in kastoo aanan helin xog dhab ah oo muujineysa arrintaas. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay khasaare balase ma aanan helin faahfaahin ku aaddan arrinkaas iyo nooca khasaaraha. Shalay ayey ahayd markii duleedka magaalada Baydhabo uu ka dhacay, dagaal dhexmaray labadan dhinac.

Shacabka ku dhaqan gobolka Doollo ee dhulka Soomaali Galbeed ayaa sheegay iney xasuuq kula kaceen ciidamada maamulka ay Itoob
Shacabka ku dhaqan gobolka Doollo ee dhulka Soomaali Galbeed ayaa sheegay iney xasuuq kula kaceen ciidamada maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulkaas. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa warbaahinta la hadlay qaar kamid ah shacabka ku dhaqan gobolka Doollo ee dhulka Soomaali Galbeed, kuwaas oo sheegay, inay xasuuq wadareed xooggan kala kulmeen ciidamada maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulkaas. Dadweynaha ayaa tilmaamay, in askarta maamulka ay Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali Galbeed ay si gaar ah u beegsadeen. Shacabkan oo ka hadlayay goob xabaal wada-reed loogu sameeynaayay dadka la xasuuqay ayaa sheegay, in ciidamadaasi ay ka dileen dhawr iyo tobon qof oo rayid ah halka ay dhaawacyo u geysteen tobanaan qof oo kale.

Jabhada Faano ayaa Sheegatay In ay Boqolaal Askari Ka Dishay Ciidamada Dowladda Itoobiya. Wararka inagasoo gaaraya gobolka Or
Jabhada Faano ayaa Sheegatay In ay Boqolaal Askari Ka Dishay Ciidamada Dowladda Itoobiya. Wararka inagasoo gaaraya gobolka Oromada ee Galbeedka Itoobiya ayaa sheegaya, in jabhadda hubeysan ee Faano ay ku dhawaaqeen guul millitari oo ay ka gaareen ciidamada dowladda Federaalka Itoobiya, kadib dagaal saacado badan socday oo ka dhacay deegaanka Wollega ee gudaha dalkaas.   Hoggaamiyaha Faano, Asres Mare ayaa sheegay in cutubyo ka tirsan jabhadda Faano ay weerar ku qaadeen, laba Guuto oo ka tirsan ciidanka Itoobiya.   Sida uu sheegay hoggaamiyuhan dagaalka ayaa billowday aroornimadii Jimcaha waxaana uu socday ku dhowaad sagaal saacadood, iyada oo la isku adeegsaday hubka noocayadiisa kala duwan.   Wuxuu intaas ku daray in ciidamada Faano ay dileen in ka badan 300 oo askari oo dowladda ka tirsanaa, halka tiro kale oo maxaabiis ah ay gacanta ku dhigeen. sida uu hadlalkiisa udhigay.

Shacabka Muqdisho ayaa wali ka cabanaya biyo wasakhda ah oo fadhiya wadooyinka caasimadda.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ku dhawaaqday olole kor loogu qaadayo caafimaadka iyo daryeelka xoolaha la dhaqdo.

Maleeshiyaad Taabacsan hogaamiyihii hore ee maamulka la baxay Koonfur Galbeed ayaa weeraray ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo.

Maamulka la Baxay Puntland ayaa Deegannada uu ka Arimiyo ka Bilaabay Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo ka Dhan ah Dowladda Fedaraalka.

Lix Ruux ayaa Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dab ka Kacay Suuq ku Yaalla Magaalo Madaxda Kenya.

Maanta waa maalin Isniin ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 07-01-1448 oo waafaqsan 22-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Daahir.