es
Feedback
️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Ir al canal en Telegram

Halkaan waa Telegramka ️Warbaahinta Islaamiga ah ee Al-Furqaan

Mostrar más
El país no está especificadoLa categoría no está especificada
261
Suscriptores
+224 horas
+197 días
+1930 días
Archivo de publicaciones
La-haysteyaal Masaari ah oo ku afduuban xeebaha Soomaaliya oo xaalkooda laga dayriyey.

Laba askari ayaa Dowladda Fedaraalka looga dhaawacay, weerar qarax ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen gudaha magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Xubinta Wararka Caalamka oo ku baxda Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada ee idaacadda Islaamiga ah ee Al-Furqaan, waxaa lagu soo gudbiyaa wararkii ugu dambeeyay ee daafaha Caalamka.

Dhageystayaasha iyo akhristayaasha ku xiran idaacadda Al-Furqaan waxay had iyo goor halkan kala socon karaan Wararka iyo Barnaamijyada ay Idaacaddu baahiso. Caawa waa habeennimo Arboco ah oo ay taariikhda Hijriguna ay ku beegantahay 24-12-1447 oo waafaqsan 09-06-2026, Barnaamijka Dhuuxa Wareysiyada waxaa caawa soo Cabdisamad Cabdullaahi.

Midowga Yurub ayaa Isku Dayaya Inuu Saameyn Amni Iyo Mid Maamul Ku Yeesho Badda Geeska Afrika. Warbixin ay daabacday shabakad
Midowga Yurub ayaa Isku Dayaya Inuu Saameyn Amni Iyo Mid Maamul Ku Yeesho Badda Geeska Afrika.   Warbixin ay daabacday shabakada rasmiga ah ee baahisa xogaha Midowga Yurub ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub uu magaalada Mombasa ee dalka Kenya ku daah furtay shir looga hadlayo amniga badaha, ilaalinta marin-biyoodyada muhiimka ah iyo isku-duwidda howlaha badda, kaas oo socon doona mudo sadex maalmood ah.   Kulankan ayaa waxaa kasoo qayb galay ku dhawaad 80 hay’adood iyo masuuliyiin ka socda dalal dhaca geeska Afrika, wuxuuna salka ku hayaa sida lagu cadeeyay warbixinta in Midowga Yurub uu dalalka geeska Afrika ka caawin doono dhanka amniga badaha, taas oo keenaysa in Yurub ay saamayn awoodeed ku yeelato badwaynta Hindiya.   Kenya ayaa lagu tilmaamay waddan istaraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka ganacsiga iyo maraakiibta caalamiga ah, taas oo ka dhigaysa meel ay daneeyaan dalalka reer galbeedka oo doonaya inay saameyn ku yeeshaan marin-biyoodka Geeska Afrika iyo Badweynta Hindiya.

Soomaalida ku Nool Dalka Kanada ayaa Dhigay Banaanbax ay Uga Soo Horjeedaan Duulaanka Wajiyada Badan ee uu Turkiga Kusoo Qaad
Soomaalida ku Nool Dalka Kanada ayaa Dhigay Banaanbax ay Uga Soo Horjeedaan Duulaanka Wajiyada Badan ee uu Turkiga Kusoo Qaaday Soomaaliya. Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dalka Kanada ka dhacay isku-soo-baxyo ka dhan ah fara-gelinta ay dowladda Turkiga ku hayso dalka Soomaaliya. Boqolaal ka tirsan jaaliyadda Soomaalida ee Kanada aya dhigayay dibad-baxyadfa, iyagoo kor u siday boorar ay ku xardhan yihiin hal-ku-dhigyo ka dhan ah Turkiga iyo Dowladda Fedaraalka. Afaafka hore ee safaaradda Turkiga ee magaalada Toronto dalka Kanada ayay dibad-baxayaasha socod ku mareen, waxayna ku qeylinayeen erayo ka dhan ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Maxamuud iyo Rajeb Erdogaan . Xubno u hadlay jaaliyadda Soomaalida ee dalka Kanada ayaa sheegay, in ficillada isugu jira dhaqaale-boobka iyo dhul-boobka uu Xasan Sheekh ka wado magaalada Muqdisho ay ku timid taageerada indha la'aanta ah ee uu ka helayo Turkiga waxayna ugu baaqeen Turkida in ay joojiyaan taageerada kooxda Villa Soomaaliya.

Maamulka la baxay Puntland ayaa Xabsiga u Taxabay Askar Dhawaan Gadood Kasameeyay Gudaha Magaalada Garoowe. Maamulka uu hogaa
Maamulka la baxay Puntland ayaa Xabsiga u Taxabay Askar Dhawaan Gadood Kasameeyay Gudaha Magaalada Garoowe.   Maamulka uu hogaamiyaha ka yahay Siciid Cabdullaahi Deni ayaa bilaabay inuu awood iyo muruq ku maquuniyo askartiisa ka cabanayso mushaar la’aan iyo dayaca.   Axaddii lasoo dhaafay waxaa qeybo kamid ah magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal gadood ciidan ka sameeyay qaar kamid ah askarta maamulka la baxay Puntland, kuwaas oo la sheegay, in bishii Abriil ee sannadkan  uu tababar usoo xiray Siciid Deni.   Askarta gadoodka sameeyay ayaa sheegay inay ka cabanayaan mushaar la’aan baahsan iyo inaysan helin xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulka la baxay Puntland.   Illaa iyo 18 askari oo kamid ah ciidamada gadoodka sameeyay ayaa xabsiga loo taxaabay iyadoo lagu eedeeyay, inay si sharci darro ah u hakiyeen isku socodka gaadiidka, una carqaladeeyeen amniga, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska ee maamulkaasi.

Waa Habeennimo Arboco ah taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 25-12-1447 oo ku beegan 09-06-2026, warka Habeen waxaa soo jeedinaya Maxamed Ciise.

Muxuu Yahay Hindisaha uu Kongareeska Mareykanku ku Doonayo in uu ku Xoojiyo Iskaashiga Millatari ee Washington Kala Dhaxeeya Yahuudda?[WARBIXIN]

Kooxda Labaxday Xisbullah ayaa Sheegtay Inay Fulisay Weerarro Isdaba Joog ah oo Ka Dhan ah Ciidamada Yahuudda ee Duulaanka Kusoo Galay Koonfurta Lubnaan,Ciidanka Dawladda Suudaan ayaa Sheegay Inay Ka Hortageen Weerarro Loo Adeegsaday Diyaarado Daroon ah oo Lagu Bartilmaameedsaday Magaalada Omdurmaan, Qodobadaasi iyo kuwo kale ku dhegeyso Xubinta Qalinka Saxaafadda ee ku baxda Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida.

Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida waa barnaamij maalinle ah oo ka baxa Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan, marka laga reebo maalinta Jimcaha, waxaana lagu soo gudbiyaa dhacdooyinka ka taagan Caalamka gaar ahaan Dunida Islaamka.

Masuul Horay Xil Usoo Qabtay ayaa Sheegay, in Yahuudda ay Dhexgashay Nidaamka Dowladda Fedaraalka.

Madaxweynayaasha Masar iyo Eratariya ayaa War-Murtiyeedyo Kasoo Saaray Kulama uga Socda Magaalada Qaahira.

Dowladda Kenya ayaa Xabsiga Dhigtay Masuuliyiin iyo Dad Shacab ah Kadib Banaanbax ka Dhacay Caasimadda Dalkaas.

Maanta waa maalin Talaado ah, taariikhda Hijriguna waxay ku beegantahay 23-12-1447 oo waafaqsan 09-06-2026, warka Subaxnimo waxaa soo jeedinaya Maxamed Ciise.

Tartanka Hubka Nukliyeerka ayaa Dib Ugusoo Noqonaya Caalamka, Xili Dalalka Haysta Hubkan ay Ku Bixinayaan Kharashaadkii Ugu B
Tartanka Hubka Nukliyeerka ayaa Dib Ugusoo Noqonaya Caalamka, Xili Dalalka Haysta Hubkan ay Ku Bixinayaan Kharashaadkii Ugu Badnaa.

Ciidanka Dawladda Suudaan ayaa Sheegay Inay Ka Hortageen Weerarro Loo Adeegsaday Diyaarado Daroon ah oo Lagu Bartilmaameedsad
Ciidanka Dawladda Suudaan ayaa Sheegay Inay Ka Hortageen Weerarro Loo Adeegsaday Diyaarado Daroon ah oo Lagu Bartilmaameedsaday Magaalada Omdurmaan.

Kooxda Labaxday Xisbullah ayaa Sheegtay Inay Fulisay Weerarro Isdaba Joog ah oo Ka Dhan ah Ciidamada Yahuudda ee Duulaanka Ku
Kooxda Labaxday Xisbullah ayaa Sheegtay Inay Fulisay Weerarro Isdaba Joog ah oo Ka Dhan ah Ciidamada Yahuudda ee Duulaanka Kusoo Galay Koonfurta Lubnaan.

Masuul Horay Xil Usoo Qabtay ayaa Sheegay, in Yahuudda ay Dhexgashay Nidaamka Dowladda Fedaraalka. Zakariye Maxamuud Xaaji Wa
Masuul Horay Xil Usoo Qabtay ayaa Sheegay, in Yahuudda ay Dhexgashay Nidaamka Dowladda Fedaraalka. Zakariye Maxamuud Xaaji Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay in maamulka Yahuudda uu si qoto dheer u dhexgalay hay’adaha iyo go’aannada siyaasadeed ee ee Dowladda Fedaraalka. Masuulkan oo wareysi siinayay warbaahin laga leeyahay dalka Masar ayaa waxa uu tilmaamay, in tabardarrada iyo kala qeybsanaanta ka jirta nidaamka Dowladda Fedaraalka ay Yahuudda ka faa’idaysatay inay dhexgasho. “Israa’iil waxay si qoto dheer u dhexgashay hay’adaha Dowladda Fedaraalka, waxayna saameyn ku yeelatay go’aanka siyaasadeed ee Dowladda,” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Warfaafinta ee Dowladda Fedaraalka.

Madaxweybayaasha Masar iyo Eratariya ayaa War-Murtiyeedyo Kasoo Saaray Kulama uga Socda Magaalada Qaahira. CabdiFataax As-sii
Madaxweybayaasha Masar iyo Eratariya ayaa War-Murtiyeedyo Kasoo Saaray Kulama uga Socda Magaalada Qaahira. CabdiFataax As-siisi ayaa xarunta madaxtooyada ee Qaahira ku qaabilay dhiggiisa Eretriya, Asaias Afawerki oo dalka Masar ku tagay booqasho rasmi ah oo la sheegay inay qaadan doonto muddo saddex maalmood ah. Kulamo horudhac ah oo ay labada madaxweyne yeesheen ayaa waxa ay kaga hadleen arrimo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga, sida lagu sheegay, Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Qaahira. Maxamed Al-Shinnawi oo ah Afhayeenka rasmiga ah ee madaxtooyada Qaahira ayaa sheegay, in kulankani uu sidoo kale taabtay xaaladaha ka aloosan gobolka iyo caalamka, iyagoo labada madaxweyne ay si gaar ah diiradda u saareen xaaladihii ugu dambeeyay ee Geeska Afrika. Labada madaxweyne ayaa waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya labada dal ee lagu xaqiijinayo wax ay ku sheegeen amniga Badda Cas iyo xorriyadda maraakiibta.