MAAN - KAAL
Open in Telegram
Qiso..., Qalbi dhis..., Quwayn maskaxeed. Qoomamkii hore warkooga (qisoooyin...,) Talo.., Tusaaleyn..., Tagtadii hore warkeeda(taariikhda...,) "Naawilaaddaannadu waa dejinta niyaddaada iyo nuurinta qalbigaaga" . EE GACMO FURAN KUSOO DHAWAW SAAXIIB.!
Show more1 964
Subscribers
-224 hours
-57 days
-1630 days
Data loading in progress...
Similar Channels
No data
Any problems? Please refresh the page or contact our support manager.
Tags Cloud
No data
Any problems? Please refresh the page or contact our support manager.
Incoming and Outgoing Mentions
---
---
---
---
---
---
Attracting Subscribers
September '26
September '26
+4
in 0 channels
August '26
+19
in 0 channels
Get PRO
July '26
+23
in 0 channels
Get PRO
June '26
+22
in 0 channels
Get PRO
May '26
+43
in 64 channels
Get PRO
April '26
+59
in 66 channels
Get PRO
March '26
+63
in 64 channels
Get PRO
February '26
+116
in 66 channels
Get PRO
January '26
+113
in 71 channels
Get PRO
December '25
+77
in 70 channels
Get PRO
November '25
+88
in 75 channels
Get PRO
October '25
+121
in 132 channels
Get PRO
September '25
+189
in 141 channels
Get PRO
August '25
+226
in 79 channels
Get PRO
July '25
+157
in 113 channels
Get PRO
June '25
+115
in 123 channels
Get PRO
May '25
+297
in 119 channels
Get PRO
April '25
+210
in 109 channels
Get PRO
March '25
+415
in 49 channels
Get PRO
February '25
+417
in 1 channels
| Date | Subscriber Growth | Mentions | Channels | |
| 08 September | +1 | |||
| 07 September | 0 | |||
| 06 September | 0 | |||
| 05 September | 0 | |||
| 04 September | +2 | |||
| 03 September | 0 | |||
| 02 September | 0 | |||
| 01 September | +1 |
Channel Posts
Qofku inkasta oo uu geerida ogyahay, maalin kastana qof geeriyooday garanayo, haddana waxa uu u noolaadaa oo jeclaan lahaa inuu dunida ku waaro oo weligii jiro. Qofna ma oga inta geeridu u soo jirto, haddana waxa uu u ididiiloodaa oo nolosha u qorshaystaa sidii 00 uu weligii noolaanayo. Jacaylka dunidu waa mid ay ka siman yihiin ilmaha dhashay iyo qofka waayeeloobay, gaboobay ee aan gogosha ka kici karin oo mid kastaa wuxu jeclaan lahaa inuu weligii noolaado.
| 2 | – Yeydu waxa ay ku xad gudubtaa qofka aan Ey lahayn! | 85 |
| 3 | Ma ogaan kartid qofka saxda ah ee nolosha kugu habboon ilaa aad ka ogaato qofka aad adigu tahay, waxa aad jeceshay, iyo waxa aad necebtahay. | 184 |
| 4 | – Geesinimada iyo naf-hurnimadu waa qiimaha keliya ee lagu iibsan karo nabadda! | 204 |
| 5 | • Tijaabada ugu weyn ee lagu qiyaasi karo geesinimadu waa qofka oo la eego sida uu ugu adkaysto guuldarrada iyo jabka, lana hubiyo in aanay ku ridin niyad jab iyo mooral xumo | 252 |
| 6 | Aan kula taliyee: 3 qof ha la saaxiibin!
• Midka aan aqoon darajadaada.
• Midka aan oggolayn gartaada.
• Iyo midka aan qirsanayn, ee inkirsan wanaaggaaga. | 372 |
| 7 | Awoodda dhabta ahi laguma cabbiro inta aad dadka kale ka awood badan tahay, balse waxaa lagu cabbiraa inta aad naftaada ka talin karto.
Qof kastaa wuu xanaaqi karaa, laakiin waxaa yar kuwa xanaaqooda xakameeya iyagoo raadinaya raallinimada Alle.
Marka aad xanaaqdo, xusuusnow in eray kasta oo aad iska celiso iyo fal kasta oo aad ka tagto Alle dartii ay yihiin cibaado aad ajar ku helayso.
Qofka ugu xoogga badan ma aha kan dood kasta ku guulaysta, ee waa kan ka adkaada naftiisa iyo hawadiisa.
Alle ha ina siiyo qalbiyo samir badan, carrabo isxakameeya, iyo akhlaaq ka tarjumaysa Sunnada Nabigeenna ﷺ. Aamiin. 🤍 | 237 |
| 8 | 𝗨𝗽𝗱𝗮𝘁𝗲 🚨
Soo laabasho wanaagsan dhammaan xubnaha Kooxda Wadajir.
Muddo ayaan ka maqnaa shaqada kooxda, balse hadda kooxdu dib ayay u bilaabeysaa shaqadii Insha Allah.
Waxaan rajaynaynaa wada shaqayn wanaagsan iyo horumar cusub.
Haddii aad qabtaan wax faahfaahin ama su’aalo, fadlan kala xiriira
𝗞𝗼𝗼𝘅𝗱𝗮 𝗪𝗮𝗱𝗮𝗷𝗶𝗿 𝗧𝗲𝗮𝗺
𝗚𝘂𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗲: @cilmooge1
FG : Xubnaha Kooxda ka baxay walaga saray channels kooda
Kooxda Wadajir.
◎━━━━━✯━━━━━━◎
⎉ 𝗗𝗵𝗮𝗺𝗮𝗮𝗱 ⎉ | 166 |
| 9 | Habka ugu wanaagsan ee aad u tilmaami kartid shakhsiyaddaada waa:
"in aadan ka wanaagsanayn qofna,
inaanad la mid ahayn qofna,
isla markaana aadan ka liidan qofna." | 460 |
| 10 | "Bidixduba maciin iyo macne midna malahan marba hadii ay midigtii maqantahay e." | 401 |
| 11 | Aas wadareedkii ugu weynaa taariikhda qadiyadda Falastiin.
112 qof oo shahiiday, kana wada tirsanaa hal qoys, ayaa maanta lagu aasay Gaza. | 249 |
| 12 | Walaalahaagu kaliya ma aha kuwa ay waalidkaa kuu dhaleen. Waxaa jira walaalo kuwaas ka duwan oo wakhtiga iyo waayuhu idin walaaleeyeen. | 518 |
| 13 | "Caqabaddu ma joojiso geesiga kaliya tijaabisaa adkaysigiisa." | 453 |
| 14 | Akhrste taladaan iga qaad:
Ha u malaynin in qofkasta oo aad caawin waydiiso uu kuu caawinayo sidii saxda ahayd. Maxaa yeelay, dadka qaar ayaa kuu caawiya oo kuu tilmaama si ay u sii kordhiyaan lumitaankaaga. | 330 |
| 15 | Bal ila eeg sawirkaan saaxiib..!👇🏼
Wax yaabaha qaarkood waxaad u aragtaa in aynan Macno saas ah lahayn , Balse dhinaca kale hadii aan ka eegni waxaa suurogal ah in uu yahay laf-dhabarta ay ku taaganyihiin ee ku noolyihiin Noole kale. | 461 |
| 16 | Xaqiiqadaan qaraar iga qabo saaxiib..!
"Nolol farxad iyo deggenaan leh inaad ku noolaato ha sugin inta aad danaynayso dadku waxa ay kaa sheegayaan." | 472 |
| 17 | Ogow, saaxiib! Naftan yar ee kugu jirta, haddii aadan ku mashquulin wanaagga iyo cibaadada, iyadaa kugu mashquulin doonta sharta iyo xumaha. Taasi waa xaqiiq sugan, haddii aad hore isaga indho tiraysay. | 493 |
| 18 | Marwaliba isku day in aadan qalbigaaga qof waliba kaalin ka siinin ee adigu qof waliba aad qalbigiisa kaalin ku yeelato.♥️ | 355 |
| 19 | 📢 Isdiiwaangelinta Dawrada Tafsiirka way socotaa.
Waxaa ka harsan 5 cisho oo keliya, ee ka faa'iidayso fursadda oo isdiiwaangeli.
Iska Diwaan gali WhatsApp-kan :👇
https://wa.me/qr/DWCHHMZPCLLAL1
Fadlan hal mar oo keliya soo qor:
1. Magacaaga oo saddexan
2. Magaalada aad joogto
3. Lab ama Dhedig
4. Lambarkaaga
FG: Intaas wax dhaafsan ha soo qorin, hana kusoo celcelin.
Kala soco duruusta
What'sappka 👇 https://chat.whatsapp.com/BsNoHE8EUOFGV84UHDJf46?s=sh&p=a&mlu=0&ilr=0&amv=1
Telegramka👇
https://t.me/Dawro_Tafsiir1 | 1 |
| 20 | Inaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun.
Waxaa geeriyooday halgamaa Xaaji Cali Shucaac, oo ka mid ahaa codadkii ugu waaweynaa ee xorriyadda Geeska Afrika, Wuxuu ahaa Soomaali dhab ah, Muslim daacad ah, kana mid ahaa ragii naftooda u huray diintooda, qaddiyaddooda iyo shacabkooda.
Wuxuu ahaa astaan weyn oo halganka Gobolka Soomaalida, kana tirsanaa ciidamadii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Muddo tobannaan sano ah ayuu tababaray kumannaan dhallinyaro ah, isagoo soo qaatay tababaro ciidan oo heer sare ah. Wuxuu isku darsaday ruux ciidanimo, jacaylka diinta, aftahannimo, suugaan iyo aqoon taariikheed. Wuxuu ahaa hoggaamiye dadka dhiirrigeliya, halgamaa fogaan-arag ah oo u taagnaa in shacabka Soomaaliyeed ku noolaadaan xorriyad, sharaf iyo karaamo.
Wuxuu ahaa nin aan ka cabsan canaan cidna marka ay timaaddo runta, mabda' adagna lahaa. Wuxuu runta u sheegi jiray si geesinimo leh, waxaana lagu yiqiin daacadnimo, adkaysi, geesinnimo iyo sharaf. Xitaa markii uu waynaaday oo timihiisuna caddaadeen(geboobay), mabda'iisii kama uusan leexan, go'aankiisuna ma daciifin.
Ma rumaysnayn qabyaalad, mana kala saari jirin beelaha ku nool geyiga Soomaalida. Wuxuu Soomaalida oo dhan u arkayay hal ummad oo mideysan. Sidoo kale ma ahayn nin adduunyo, maal, mansab ama magac-doon ah, mana ka mid ahayn dadka albaabbada madaxda ka raadsada danahooda gaarka ah. Wuxuu ku noolaa sharaf iyo isku filnaansho, isagoo aan dunida ka doonayn wax aan ka ahayn waxa u ugu adeegayo diintiisa iyo qaddiyaddiisa.
Wuxuu ummaddiisa uga damqan jiray si ka weyn sida uu naftiisa uga damqan jiray. Mar walba waa uu la talin jiray oo canaan jacayl ku dheehan yahay u jeedin jiray, isaga oo wanaag u rajaynaya. Weligiisna qalbigiisa kama maqnaan dhibaatooyinka ummaddiisu.
Wuxuu ahaa gabyaa ku luuqeeya xorriyadda iyo karaamada, codkiisana wuxuu ku qaadi jiray suugaanta halganka iyo iska caabbinta. Wuxuu ahaa aftahan run badan, xikmadduna afkiisa ayay ka quban jirtay. Ku dhowaad hadal kasta wuxuu ku xoojin jiray tix gabay ah, ilaa ay suugaantu qayb ka noqotay habkii uu dadka ugu gudbin jiray fikirkiisa.
Wuxuu ahaa kayd nool oo suugaanta Soomaaliyeed, gaar ahaan suugaanta halganka ah. Wuxuu si buuxda u xafidsanaa gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Wuxuu jeclaa halgame Sheekh Bashiir, gabyaa Cabdillaahi Timacadde, Garaad Makhtal, Sheekh Cali Soofi iyo Xirsi Mahad. Erayadiisu ma dhammaan jirin, mana lagu aqoon hakad ama hadal ku dheg.
Wuxuu ahaa aqoonyahan si fiican u yaqaan afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Taariikhda wuxuu u yaqaannay si qoto dheer, wuxuuna ka sheekayn jiray halgannadii qarniyo soo jiray. Xusuustiisu waxay ahayd mid aad u xooggan, isagoo si fudud u xafidi jiray gabayo, dhacdooyin iyo taariikho. Wuxuu si fiican u garanayay halgamayaashii Geeska Afrika, wuxuuna ku socday jidkii ay mareen halgamayaashii ka horreeyay.
Wuxuu ahaa sheekh daneeya tafsiirka Qur'aanka Kariimka ah. Inta badan wuxuu xiran jiray dharka culimada dacwada: muraayado madow, cimaamad cad oo madaxa ugu duuban, cimaamad kale oo garbaha saaran, khamiis, waxaana garkiisa lagu yiqiin inuu xinne ku midabaysnaa.
Wuxuu ahaa maktabad nool oo af, suugaan iyo taariikh ah. Qalbigiisa ayuu ku siday dhaxalka ummaddiisa, mana jiri jirin hadal uu jeediyo oo aan tix gabay ahi ku jirin.
Wuxuu hubka u qaatay difaaca qaddiyaddiisa, afkiisa iyo qalinkiisana wuxuu ugu halgamay xorriyadda. Sidaas ayuu isugu geeyay qoriga iyo ereyga, iimaanka iyo xorriyadda, taariikhda iyo iska caabbinta. Wuxuuna ku sugnaa jidkaas ilaa ay dad badani ugu yeeraan 'Cumar Al-Mukhtaar'-ka Soomaaliyeed, geesinimadiisa, samirkiisa, daacadnimadiisa iyo adkaysigiisa awgood.
Geeridiisu waxay ummadda Soomaaliyeed ka qaaday mid ka mid ah raggeedii waaweynaa, astaan xorriyadeed iyo karaamo, cod muddo dheer dadka ugu baaqayay midnimo, sharaf, jacaylka waddanka, ilaalinta taariikhda iyo ku dhegganaanta aqoonsiga Soomaaliyeed.
Alle ha u naxariisto halgamaa Xaaji Cali Shucaac, naxariis waasac ah ha siiyo, Jannatul Firdowsana ha geeyo, ajar wanaagsanna haka siiyo wixii uu u qabtay Islaamka iyo ummadda Soomaaliyeed. | 300 |
