UGAASKA
Open in Telegram
WAA MADAL DHALINTU ISKULA WADAAGTO WAX ANFACAYA ADUUNKODA IYO AQIRADOODABA.
Show more1 339
Subscribers
No data24 hours
-77 days
-2330 days
Posts Archive
1 339
Repost from YAM YAM CREATIVITY
Asxaabta qaliga ah ee ku xidhnaan jirtay kanaalkaygii Telegram ee Cilmiraadis waxaan idiin sheegaya in kanaalkii layga jabsaday mudo bil iyo badha aan ku raad joogay soona celin kari waayay hadana la
bilaabay in lagu faafiyo muuqalo dhaqan xun kanaalkii dadkii ku jiray ee 20kun gaadhayayna noqdeen in laga saaro iyo in ka cararta markay dhaqan xumadaa arkeen imika 15kun sii socda 5 ka dagtay bal report ku qabta lagayaba inuu hawada ka baxo hadaan gacan u qaadnee waakane aan report gaayno @Cilmiraadis
1 339
Repost from CILMI RAADIS CHANNEL
Follow this link to join my WhatsApp group: https://chat.whatsapp.com/BUabS6HEF851tDLncxaoN1
1 339
Repost from N/a
#Abaal iyo ixtiraam aysan dadka waaweyn mararka qaar muujin, ayay carruurta yaryari si dhab ah u muujiyaan. Sow arrin la yaab leh ma aha?
Xalay, anigoo u socda salaaddii Maqrib ee masaajidka, waxaa iga hor yimid laba wiil oo walaalo ah, daâdooduna tahay 11 jir iyo 13 jir. Waxay ka soo laabteen dugsiga Qurâaanka. Markaan is wareysannay kadib, midkii yaraa ayaa igu yiri:
âMahadsanid ustaad, adiga ayaad noqotay macalinkii ugu horreeyay ee i baray sida buug iyo qalin loo isticmaalo. Sannadkan waxaan bilaabayaa fasalka 5aad ee dugsiga dhexe, waxaan kaa codsanayaa inaad noo ducayso si Alle noogu fududeeyo waxbarashada, mustaqbal fiicanna aan u gaarno.â
Wallahi, markaan arkay hadalkooda iyo qadarinta ka muuqata wajiyadooda, aad ayaan ugu farxay. Waxaan ku iri:
âKu dadaala dugsiga Qurâaanka iyo iskuulka, waalidkiinna u noqda kuwo baari ah, aniguna waan idiin ducaynayaa insha Allah.â
Labadaas arday iyo shan kale oo ay ku jiraan saddex aan walaalo nahay, ayaan hore u dhigi jiray xilli aan ku jiray dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad (secondary). Waxaan bari jiray saddex maado oo aasaasi ah: Salaadda, Af-Soomaaliga iyo Xisaabta.
Inkasta oo aan nasiib u yeelan inaan si joogto ah ula sii socdo baristooda, kadib markii aan dhammeeyay dugsiga sare oo aan galay jaamacadda, waqtigu wuu is beddelay. Ardayga marka uu ka gudbo dugsiga sare oo uu galo jaamacadda, gaar ahaan sanadka koowaad, wuxuu la kulmaa caqabado badan, sidaas darteed waqti aan wax ku baro ayaan heli waayay, waana ka istaagay.
Si kastaba ha ahaatee, aad ayaan ugu faraxsanahay in Xisaabta iyo Af-Soomaaliga ay heer wanaagsan ka gaareen.
#FG: sawirkaan iyo sheekaddaan isma quseeyaan, sawirkaan waa mar aan ka howlgali jiray Bar Oo Badbaadi Bulshadada oo ah baraamish wax lagu baro ardayda agoonta iyo kuwa qaxootiga ku nool, ee aan haysan fursad waxbarasho oo bilaasha ah.
@highlight Barqo wanaagsan â¤ď¸
1 339
Repost from N/a
Cilmi-nafsiga Shakhsiyadda (Personality Psychology)
Cilmi-nafsiga shakhsiyaddu waa laan ka mid ah cilmi-nafsiga oo daraaseysa dabeecadaha, fikirrada iyo dareennada qofka, iyo sida ay u sameeyaan shakhsiyaddiisa. Mid ka mid ah aqoonyahannadii ugu caansanaa ee ka shaqeeyay aragtidan waa Sigmund Freud, oo loo yaqaan aabbaha cilmi-nafsiga casriga ah. Wuxuu ku dhashay dalka Austria, dabadeedna wuxuu qaatay dhalashada United Kingdom.
Sigmund Freud waxa uu caan ku yahay aragtida maskaxda, gaar ahaan fikradda kala soocaysa maskaxda muuqata iyo maskaxda qarsoon, kuwaas oo loo yaqaan (conscious mind) iyo (unconscious mind). Wuxuu aaminsanaa in qayb weyn oo ka mid ah dabeecadaha iyo falalka qofka ay ka timaaddaan maskaxda qarsoon, taas oo aan si toos ah loo dareemin.
Aragtida shakhsiyadda, waxaa ka mid ah fikradaha loo yaqaan (introvert) iyo (extrovert). Introvert waxaa loola jeedaa qof degan oo aan jeclayn dhexgalka bulsho badan, halka extrovert uu yahay qof furfuran oo bulsho jecel. Freud wuxuu rumaysnaa in dabeecadahani ay xiriir la leeyihiin habka uu qofku u soo barbaaray, cidda soo korisay, iyo deegaanka uu ku soo koray.
Guud ahaan, waxaa la sheegaa in saddex arrimood ay si weyn u saameeyaan shakhsiyadda qofka, kuwaas oo kala ah:
1.Deegaanka uu ku nool yahay.
2.Goobta uu wax ku bartay.
3.Qoyska iyo habka uu ugu soo barbaaray.
Sidoo kale, Freud wuxuu soo bandhigay aragti kale oo caan ah oo loo yaqaan (Id, Ego, iyo Superego). Wuxuu ku tilmaamay saddexdan qaybood inay saldhig u yihiin dhismaha shakhsiyadda aadanaha, isla markaana ay ka bilaabmaan marxaladda hore ee nolosha ilmaha.
Id waa marxaladda ugu horreysa, waxayna ka tarjumaysaa mabdaâa farxadda (pleasure principle). Marxaladdan, ilmaha yar waxa hoggaamiya baahiyihiisa dabiiciga ah sida gaajada, hurdada iyo raaxada.
Ego waa marxalad ka dhalata korriinka ilmaha, waxayna ku salaysan tahay mabdaâa xaqiiqda (reality principle). Ego waxay qofka baraysaa sida loo xakameeyo rabitaannada Id, iyadoo la tixgelinayo xaqiiqada iyo duruufaha jira.
Superego waa marxaladda ugu dambeysa, halkaas oo qofku ku barto kala soocidda sax iyo khalad, wanaag iyo xumaan. Qaybtan waxay ka tarjumaysaa qiyamka iyo akhlaaqda laga dhaxlo qoyska iyo bulshada.
Gabagabadii, aragtida Sigmund Freud waxay si qoto dheer u sharaxaysaa sida shakhsiyadda qofku u samaysanto, iyada oo la tixgelinayo korriinka carruurnimada, deegaanka, iyo qaabka tarbiyadda.â
ď¸đŹđ
W/Q: Maxamed cilmi ( Bulshaawi)
@Habeen wanaagsan âď¸
1 339
Repost from CILMI RAADIS CHANNEL
Bishaa ramadaan darteed aynu caawino walaalayaal wiilka yar iyo hooyadii
