cookie

We use cookies to improve your browsing experience. By clicking «Accept all», you agree to the use of cookies.

avatar

Han Maal

Hoyga Kobcinta maskaxda waxaad ka helaysaa qormooyin iyo qisooyin iyo xilmado ku cajab galiya

Show more
Finland1 494The language is not specifiedNews & Media21 284
Advertising posts
3 764
Subscribers
+324 hours
+327 days
+12430 days
Posting time distributions

Data loading in progress...

Find out who reads your channel

This graph will show you who besides your subscribers reads your channel and learn about other sources of traffic.
Views Sources
Publication analysis
PostsViews
Shares
Views dynamics
01
🚨🚨 Sarkaal sare oo ka tirsan militariga Sudan, ee golaha kumeel-gaar ah ee madax bannaanida Sudan , Jen. Yasser Al-Atta oo sidoo kale ah kaaliyaha taliyaha ciidamada Sudan, Jen. Abdel Fattah Al-Burhan ayaa xaqiijiyay inay heshiis la saxiixanayaan Ruushka si uu uga taageerro hub iyo qalabka militariga, isagoo markaa caddeeyay inay dhinacooda saldhig ciidan siin doonaan Ruushka.
450Loading...
02
🚨🚨 Ra'iisul wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan ayaa diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo uu la socday waxay u degtay si deg deg ah , sababo la xiriira cimilada oo xumeyd . Dhacdadan ayaa ka dhacday meel u dhow Vanadzor, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Armenia, ahna caasimadda gobolka Lori ee waqooyiga gobolka buuraleyda ah. Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa wax badan la iska waydiiyay wajiga Pashinyan, oo ay dad badan ku sheegeen inuu wajahay cabsi, sababto ah wuxuu xasuustay shilkii diyaaradda ee uu ku dhintay Madaxweynaha Iran, isla xaalad ka dhalatay cimilo xumo.
420Loading...
03
🚨🚨 Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa aqbalay inuu booqdo caasimadda Iran ee Tehran, kaddib martiqaad uu ka helay sii-hayaha madaxweynaha Iran,Mohammed Mokhber. Fiiro gaar ah; Inta lagu jiray munaasabadda tacsida madaxweynihii shilka ku dhintay Raisi, hoggaamiyaha Iran, Khamenei wuxuu si maldahan u sheegay walaaca uu ka qabo dadaallada Mareykanka uu ku doonayo inay xiriir diblomaasiyadeed yeeshaan Sacuudiga iyo Israa’iil.
520Loading...
04
🚨🚨 Ukraine waxay kordhisay daandaansiga Ruushka, waxay garaacday raadaarka digniinta hore ee Ruushka, kaas oo shaqadiisa tahay inay ka digaan in la ogaado gantaalada nukliyeerka ee NATO ka imaan kara, waxayna ku yaalan aagga koonfurta ee ku dhow badda madow. Fiiro gaar ah; Qofna ma garanayo halka ay fikraddan Ukraine ka timid , sababtoo ah raadaarkani wax door ah kuma laha dagaalka Ukraine,iyadoo ay taasi jirto, Ukraine waxay u duqaysay sidii inay dhab ahaantii doonayso inay ka caraysiiso Ruushka.
540Loading...
05
🚨🚨 Dhacdo xiiso leh, sida uu daahqaaday wargeyska Washington Post ; Ukraine waxay joojisay adeegsiga hubka casriga ah ee reer galbeedka , sababo la xiriira tignoolajiyada Ruushka ayaa awood u leh inay ka hortagto oo ay burburiso hubkan la hago oo ay ku jiraan gantaallada riddada dheer ee Mareykanka , tan waxaa la sheegay inay u fududeysay Ruushka inuu sii wado dagaalka oo uu dhul ka qabsado Ukraine.
440Loading...
06
Warbixinta waxay intaa ku dartay; “ Burburinta Ruushka ee nidaamyada hagida hubka casriga ah ee reer galbeedka ama soo ridi kara qaar ka mid ah gantaalada Mareykanka lagu sameeyo ee riddada dheer, ayaa meesha ka saartay awooddii Ukraine si ay u difaacdo dhulkeeda …. Awoodda Ruushka ee lagula dagaallamo hubka tignoolajiyada sare waxay saameyn fog ku leedahay Ukraine iyo taageerayaasheeda reer galbeedka - oo laga yaabo inay fursad u siiso sidoo kale inay wax ka bartaan Shiinaha iyo Iran - waana sababta ugu muhiimsan ee ciidamada Moscow ay dib ugu soo celiyeen howlgalladooda iyo inay ku sii socdaan goobaha dagaalka.”
480Loading...
07
🚨🚨 Ruushka iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay garaan heshiis la xiriira iskaashiga hawada sare ah, taa oo gacan ka siinaysa Addis Ababa in nidaamka tignoolajiyada dayax-gacmeed uu u horseedo isbeddel horumarineed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.
390Loading...
08
🚨🚨 Israa’iil ayaa ku guul-darraysatay howlgal ay iskudayday inay ku beegsato taliyaha guutada Xamaas ee Rafah, Muxammad Shabana, sida uu ku warramay telefishinka Israa’iil ee Channel 14. Fiiro gaar; Saacad ka hor , waxaa ka dhacay Rafah , weerar duqeymo iyo ciidanka gaarka ah ee Israa’iil ay ka qaybqaateen oo lagu qaaday dhismayaal ku yaalla Rafah, halkaa oo ay sheegeen inay ku yaalan godod ay ku sugnaayeen taliyaha guutada Xamaas ee Rafah iyo saraakiil kale, markii hore saraakiisha Israa’iil ayaa u dabaal-deggay inuu howlgalkaa guuleystay , wallow markii dambe la xaqiijiyay inuu fashil ku soo dhammaatay iskudayga lagu beegsaday saraakiisha Xamaas ee Rafah.
380Loading...
09
🚨🚨 Wakaaladda wararka Reuters, ayaa ku warrantay inuu Putin diyaar u yahay wada-hadallo xabbad-joojin ah oo la xiriira dagaalka Ukraine. Fiiro gaar ah; Wada-hadallada la sheegay inuu Putin ka galayo dagaalka Ukraine , ayaa ilaha warbixinta ay soo xigatay waxay ku sheegeen xabbad-joojinta inay ka dhacayso furimaha hadda ee dagaalka, taa oo ka dhigan ciidanka Ruushka inay sii joogayaan goobaha furimaha dagaalka ee gudaha Ukraine.
330Loading...
10
🚨🚨 Telefishinka dawladda Shiinaha , ayaa billaabay dacaayad lagu tusayo dadweynaha Shiinaha sida uu noqonayo marka Shiinaha uu go’aansado weerar uu ku qaado Taiwan, tan oo ka dambeysay kaddib dhoolatuskii bad iyo cir ee Shiinaha uu ku hareereeyay Taiwan, oo uu usoo muujiyay sida ay waqti yar u qaadanayso inuu go’doon galiyo jasiiradda.
330Loading...
11
🚨🚨 Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS, ayaa sii daysay hadalka madaxa laanta ugu sarreysa sirdoonka iyo amniga Ruushka ee FSB oo ah hay’adda lagu beddelay KGB , Alexander Bortnikov oo sheegaya inay si dhab u xaqiijiyeen weerarkii 140 qof lagu ee ka dhacay Moscow bishii Maarso inay si toos ah ugu lug lahaayeen sirdoonka militariga Ukraine , halka uu NATO ku eedeyay inay fududeeyeen soo gudbinta dagaalyahannada weerarka gaystay.
320Loading...
12
🚨🚨 Israa’iil ayaa maanta weerarro dhul iyo cir ah ka geysatay qaybo ka mid ah marinka Qasa, waxyar ka hor inta aysan maxkamadda ICJ ku dhawaaqin inay aqbashay dalabka Koonfur Afrika ee ah inay ciidanka Israa’iil isaga baxaan Rafah.
290Loading...
13
🚨⚡️ Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa isagoo ku sugan Mareykanka wuxuu walaac ka muujiyay ka bixitaanka Soomaaliya ee ciidanka ATMIS oo uu sheegay inay halis galinayso ammaanka gobolka, isagoo markaa ka dalbaday Mareykanka inay gacan ka gaystaan taageerrada ammaanka ee gobolka geeska Afrika. Fiiro gaar ah; Ruto, ayaa sheegay inuu Madaxweynaha Soomaaliya , Xasan Sheekh kulan uu la qaatay ka hor socdaalkiisa Mareykanka ay ka wada-hadleen khatarta ka dhalan karta dhimista ciidanka ATMIS, iyadoo aan lagu saleyn xaaladda taagan.
290Loading...
14
Madaxweynaha Ruushka iyo wasiirkiisa difaaca ayaa gaaray dalka Belarus, halkaa oo ay wada-hadallo la xiriira ammaanka iyo diyaar garowga dhalatuska nukliyeerka ee Ruushka ay la qaadanayaan Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko. Fiiro gaar ah; Putin ayaa inta uusan safarkan galin wuxuu galinkii dambe ee shalay saxiixay xeer u oggalaanaya Ruushka inay adeegsan karaan hantida Mareykanka , iyagoo tan uga aargudanaya go’aamadii ka soo baxay shirkii u dambeeyay ee G7 oo lagu soo qaaday in ka badan $300 bilyan oo hantida Ruushka laga xayiray, kaddib cunaqabateynta Mareykanka iyo xulafadiisa ay saareen Ruushka sida looga faa’iideysan karo.
290Loading...
15
🚨🚨 Ciidanka qalabka sida ee Iran , ayaa telefishinka dawladda ka sii daayay warbixin hordhac ah oo la xiriirta baaritaanka shilkii diyaaradeed ee uu ku dhintay Madaxweynaha Iran , Ebrahim Raisi waxaa ay ku sheegeen inuu dabqabsaday diyaaradda wax yar kaddib markii ay ku dhacday buur, iyagoo meesha ka saaray inuu jiro wax weerar ah oo ay diyaaradaa la kulantay. Baaritaanka waxay ku sheegeen inuu sii socon doono oo ay soo bandhigi doonaan faahfaahin dheeraad ah. Fiiro gaar ah; Shilkan diyaaradeed ayaa tan iyo markii uu dhacay waxaa shaki badan la geliyay suurtagalnimada inay ka dhalatay weerar ama howlgal la diyaariyay, arrimaha kale ee aysan saraakiisha Iran ka jawaabin ayaa ah sida uu u dhacay ka jawaabista shilkan, iyadoo ciidamada hadda warbixinta sii daayay ay ahaayeen kuwa siddeed saac kaddib marka uu shilka dhacay goobta tagay.
320Loading...
16
🚨🚨 Ciidanka Shiinaha oo soo bandhigay dhoolatus ay ku muujiyeen sida ay u qabsan karaan jasiiradda Taiwan, ayaa inta ay socotay isku diyaarinta dhoolatuska, waxaa la arkay askarta Shiinaha oo ay dhinac socdaan wax u muuqdo Ey Robot ah oo hubaysan , kuwaaso meel fog laga maamulli karo. Fiiro gaar ah; Madaxweynaha Ruushka ayaa waraysigii u dambeeyay oo uu siiyay wariyaha Mareykanka ah, Tucker Carlson wuxuu ka digay inay dalalka qaar horumariyeen Robot-ka loo adeegsan karo dagaallada, taa oo haddii lagu sii socda uu ku sheegay inay dunidda u keenayso khatar ka badan nukliyeerka, isagoo intaa ku daray inay muhiimad u leedahay amniga adduunka in la helo xeerar xaddidaya. Halista waa in dagaallada la soo geliyo Robot-ka hubaysan oo meelo fog laga hagayo, markaa ma jirto khasaaro gaaraysa askarta, weerarrada la hagayanna waxay dhalin karaan dhimasho aan xad lahayn.
350Loading...
17
🔴🔴 KULMIS 🔴🔴 Linkigan hoose  waxa ku jira 99 channel oo ka mida chanalada kooxda kulmis taasoo  kooxda u baladhan ee aalada telegramka somaalida . Qaybta hoose taabo si aad ugu soo biirto. Hadii aad rabtid in chanalkaga laguugy daro la xidhidh ciwaankan . 👉👉@Abdirahmanmohamed1 @Abdirahmanmohamed1 Part one. 🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕🆕 Fursad Qaali ah 👇👇👇👇👇 Ma rabta barashada computerka .Kuliyada Alfurqan online academy waxay ku diyarisay fasalo online ah . Fursad qaali ah na way jirtaa. 👇👇👇👇👇👇 La xidhiidh ciwaankan hoose. @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq https://t.me/addlist/_kji2unnViZlNTQ8
430Loading...
18
🚨🚨 Saacado ka hor, Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa ku qaabbilay Aqalka Cad Madaxweynaha Kenya , William Ruto oo booqasho rasmi ah ku tagay Mareykanka, taaso soo afjartay 16 sanno oo Madaxweyne Afrikan ah uusan ku tagin Aqalka Cad booqasho rasmi ah. Horey, Aqalka Cad ayaa u sheegay ujeeddada Ruto, loogu fidiyay martiqaadka booqashada rasmi ah in diiradda lagu saarayo saddex qodob; in lasoo afjatro muddo 16 sanno ah oo hoggaamiye Afrikaan ah aan si rasmi ah loogu casuumin Aqalka Cad, mabaadii’da dimoqraadiyadda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, iyo tan ugu muhiimsan oo ah go’aankii dhowaan Kenya ku gaartay inay kun askari u dirto dalka Haiti.
500Loading...
19
Wasiirka Arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa ka qaybgalay munaasabadda ducada ee Madaxweynaha geeriyooday ee Iran.
280Loading...
20
Fiiro gaar ah; Heshiiska ay CNN ku sheegtay inay fashilisay Masar, kaddib isbeddel ay ku sameysay soo jeedinta ay ansixisay, wuxuu ahaa heshiiskii u horreyay oo ay aqbashay Xamaas, tan iyo xabbadjoojintii hore ee labada toddobaad, dhinaca Israa’iil ayaa heshiiska diidday , iyadoo Masar ku eedeynaysa inay u xag-lisay Xamaas oo soo jeedintu tahay mid xambaarsan doonista Xamaas, dhab ahaantiina cidda heshiiska fashilisay waxay ahayd Israa’iil oo si cad u diidday soo jeedinta u gogol-xaaraysay soo afjarista si dhammeystiran dagaalka.
270Loading...
21
🚨🚨🚨 Telefishinka Israa’iil ee Channel 12 oo xiganaya sarkaal ka tirsan maamulka Israa’iil, wuxuu ku warramay; “Waa inaan ka fikirnaa joojinta dagaalka Qasa xilli dhow ama mustaqbalka… Waxa laga filayaa in Wasiirrada Golaha Dagaalku ay si wada jir ah u taageeraan wada-xaajoodka Xamaas oo ku salaysan soo jeedinta cusub.” Fiiro gaar ah; Netanyahu, ayaa la xaqiijiyay inuu koox cusub u dirayo si dib loogu billaabo wadahadallada xabbadjoojinta iyo sii deynta maxaabiista.
370Loading...
22
Madaxa siyaasadda Xamaas oo isagana ka qaybgalay munaasabadda ducada ee Madaxweynaha dhowaan geeriyooday ee Iran.
310Loading...
23
🚨🚨 CNN ayaa soo bandhigtay warbixin ay ku sheegtay inay Masar fashilisay heshiiskii u dambeeyay ee Xamaas iyo Israa’iil, si loo sii daayo maxaabiista , xabbadana loo joojiyo. Warbixinta oo xiganaysa ilo aan la magacaabin ayaa ku eedeysay taliye ku-xigeenka sirdoonka Masar, Abdel Khaleq inuu ahaa qofka beddelay heshiiska oo Xamaas qodobbo u sheegay , dhinaca Israa’iilna qodobbo kale u sheegay, jahwareerka taa ka dhashana wuxuu fashil u horseeday heshiiska oo si kumeel-gaar ah dagaalka u joojin lahaa, sida ay CNN sheegtay. Laakin, Masar ayaa si dhaqso ah uga jawaabtay warbixinta oo ay sheegeen mid aan sal iyo raad toona lahayn, iyadoo Qaahira ay intaa ku dartay; “Masar waxa laga yaabaa in lagu qasbo inay ka baxdo doorka dhexdhexaadinta ee wadahadalka xabbad joojinta ee Qasa haddii ololaha aflagaadada reer galbeedku sii socdo.”
290Loading...
24
Madaxweyne ku xigeenka iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Turkiga ayaa iyagana ka qeybgalay munaasabadda duca ee madaxweynihii geeriyooday ee Iran
300Loading...
25
🚨🚨🚨 Wargeyska Israa’iil ee Yedioth Ahronoth; “ Israa'iil waxay ka fikiraysaa inay xirto safaaradeeda Ireland, sababtoo ah waxay aqoonsan tahay dawladda Falastiin.” Fiiro gaar ah; Ireland, waxay ka mid tahay dalalka Yurub ee hadda doonaya dalalka Midowga Yurub inay aqoonsadaan dawladda Falastiin, waxayna ka mid ahayd saddex dal oo Yurub ah, Norway iyo Spain oo shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay aqoonsiga Falastiin, tan oo ay ku sheegeen inay tahay xalka kaliya ee lagu soo afjari karo colaadda, Israa’iilna ay nabadgelyo ku helayso, laakin ma ay doonayso Tel Aviv in la aqoonsado Falastiin. Xaaladan waxay ku soo aadaysa, xilli markii u horreysay Aqalka Cad ee Mareykanka uu saacado ka hor si cad u qiray inay Israa’iil la kulmayso cadaadis caalami ah hoosna uu u dhacay taageerrada iyo sumcada ay caalamka ku lahayd.
340Loading...
26
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Afgaanistaan ee dawladda ay hoggaamiyaan Taalibaan ayaa ka qaybgalay munaasabadda duca ee Madaxweynaha geeriyooday ee Raisi
320Loading...
27
🚨🚨 Waxyar ka hor , dalalka Ireland, Spain iyo Norway waxay ku dhawaaqeen inay si rasmi ah u aqoonsadeen dawladda Falastiin. Fiiro gaar ah; Israa’iil ayaa si dhaqso leh u qaaday ficil ay ku muujinayso caradeeda go’aanka dalalka Yurub, waxayna u yeertay safiirradeedii Ireland iyo Norway si ay “la tashi ula yeeshaan”.
140Loading...
28
Ruushka, wuxuu soo muujiyay mar kale dhaqdhaqaaqiisii Febraayo 2022 , markii duulaankii ugu sarreeyay uu ku qaaday Ukraine, kaddib markii mar kale dib loo arkay tareenka militariga Ruushka oo daabulaya gaadiidka dagaalka, kuwa saadka iyo hub , xilli uu ka gudbayay magaalada Yefremov ee gobolka Tula oo ku sii jeeda Koonfur-bari ee xadduudka gobolka Sumy ee waqooyi-bari Ukraine. Dhaqdhaqaaqa Ruushka , wuxuu soo muujiyay xilli sirdoonka reer galbeedka ay sheegeen inuu Ruushka qorsheynayo duulaan ballaaran inuu ku qaado mar kale Ukraine inta lagu jiro bartamaha illaa dabayaaqada sannadkan, suurtagalnimada tana waxaa muujiyay qalabka militari ee tareenka uu sido oo la jaanqaadaya weerarro dhulka oo baaxad leh inay ciidanka Ruushka fuliyaan, sida dhowaan lagu arkay markii ciidanka Ruushka ay jabiyeen jiidaha dagaalka ee ciidanka Ukraine ay ku lahaayeen gobolka dhaca waqooyi-bari.
500Loading...
29
DEG DEG: Ireland iyo Spain waxay doonayaan inay isku mar maanta ku dhawaaqaan qorshayaasha lagu aqoonsanayo dawladda Falastiin.
410Loading...
30
Fiiro gaar ah ; Maanta, malaha waxaa sababi kara baahida Turkiga u qabo in wax ka bedel lagu sameeyo nidaamkan oo ku salaysan isbeddelka iyo horumarinta nidaam la jaan qaadaya isbeddelka adduunka, kaas oo u baahan in si degdeg ah loo fuliyo. Hadda waa la bedelay, Erdogan ayaa saxiixay, waxaana lagu daabacay faafinta rasmiga ah. Qofna hadda kama oga Turkiga in wax ka beddelkan uu yahay diyaarinta dagaal suurtagal ah, ama haddii ay tahay wax u baahan wax ka beddel lagama maarmaan ah. Guud ahaan, hadda duniddu waxay waqti hore isu diyaarinaysay dagaal, xataa waddama reer Yurub oo horey iyagu u dhimay miisaaniyada hubka si ay kharaashaadka ugu bixiyaan daryeelka dadka, waxay dib ugu noqdeen miisaaniyadooda , iyagoo kor u qaaday dhaqaalaha ay geliyaan hubka, marka laga hadlo go’aanka hadda uu Turkiga isbeddel u sameeyay, waxay la macno tahay inay suurtogal tahay in go'aankani uu u diyaargaroobo dagaal kasta, looma baahna inan u qaadano ku dhawaaqis dagaal, marka loo eego marxadda xilligan ee caalamka , Turkigana waxay u muuqata inuu dhankiisa diyaar garow u galayo.
500Loading...
31
🚨🚨 Waxyar ka hor , dalalka Ireland, Spain iyo Norway waxay ku dhawaaqeen inay si rasmi ah u aqoonsadeen dawladda Falastiin. Fiiro gaar ah; Israa’iil ayaa si dhaqso leh u qaaday ficil ay ku muujinayso caradeeda go’aanka dalalka Yurub, waxayna u yeertay safiirradeedii Ireland iyo Norway si ay “la tashi ula yeeshaan”.
460Loading...
32
Turkiga ayaa si lamo filan ah xalay xilli dambe ku daabacay faafin rasmi ah; Xeerarka 52-bog ee habraacyada la raacayo haddii ay dhacdo in Turkigu galo xaalad dagaal oo uu ku dhawaaqo abaabul guud.
440Loading...
33
🚨⚡️ Dawladda Turkiga ayaa noqotay dalkii u horreyay gurmad u dira Iran, kaddib markii ay Tehran ka codsatay Turkiga inay usoo diraan diyaaradaha qumaatiga u kaca ee awoodda baaritaannada waqtiga habeenka ah inay sameeyaan, si ay uga qaybqaataan dadaallada lagu baadi goobayo diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran, sida ay ku dhawaaqday wakaaladda maaraynta masiibooyinka Turkiga ee AFAD. Turkiga waxaa kalo uu goobtaa u diray illaa 32 shaqaale ah oo xirfad u leh howlgallada baadi-goobka ee dhulka buuralayda ah , sidoo kale gaadiid leh nidaam isgaarsiin casri iyo koox kale oo gurmad dheeraad ah ayay sheegtay AFAD inay u diri doonaan goobta uu ka socda howlgalka baadi-goobka.
680Loading...
34
Raisi kaliya maahan madaxweynaha Iran...laakin waxaa la sheegaa inuu yahay dhaxal-sugaha Khamenei. Dhimashada Raisi waxay la macno tahay geerida Hoggaamiyaha Sare Iran ee mustaqbalka.
780Loading...
35
Fallaqeynta dheeraad ah. Xilli la fallanqeynayo muuqaalka ugu dambeeyay ee laga qaaday madaxweynaha Iran isagoo saaray gudaha diyaaradda hadda la waayay ee ah nooca qumaatiga u kaca, waxaa la arkayay inay cimiladu xuntahay, iyagoo farah uu ka da’ay kaymaha hadda lagu waayay diyaaradda ee Dezmar. Haddii diyaaraddu ay ku dhacdo dhulka barafku qariyey oo aanay ku dhicin kaymaha, way adkaan lahayd in la gaaro. Waxaan ku sheegaya hal dhacdo deegaanka ay ku dhacday diyaaradda helicopter-ka ayaa taariikh ahaan loo yaqaanaa goobta ay ciidamada Ruushka u suurtageli weyday inay gaaraan oo ay qabsadaan. Dhab ahaantii, haddii helicopter-ka ay u suurtagashay in ay si nabad ah ugu degto aaggan, waxay ahayd in xilli hore la helo nidaamka tusmada caalamiga ah ee GPS, xataa markaa telefoonnada dayax-gacmeedka ku xiran ayaa sidoo kale shaqayn lahaa , marka aan dib u baaray goobta waxaa isoo baxday in diyaaradaha helicopter-ka ay lagu dejiyo si deg deg ah kuma habboona sababtoo ah waa dhul dhagax ah. Maaddama aysan jirin calaamad GPS-ka oo u shaqeynaya diyaaradda , waxaa jira suurtagalnimada; Duuliyaha inuu si bareer ah u damiyay GPS-ka , diyaaradda inay ku dhacday dhagaxaanta ama inuu diyaarada soo gaaray qarax gudaha ka dhacay, sababto ah suuragal uma aha diyaaradda inay ku degto xaaladda halkaa ka jirtay ee ciiryaamadu ay dabooshay dhulka. Ka warran sida ay dhacdadan ku billaabatay; waxaa la soo sheegay horraantii in diyaaradda Madaxweynaha meel ku degtay ama ku dhacday , halka labo diyaaradood oo kale oo Madaxweynaha la socday la sheegay inay si nabad ah safarka ku dhammeysteen! •Sidee bay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ilaalinaya madaxweynaha uga bixi karaan galbinta diyaaradda helicopter-ka madaxweynaha uu saaranyahay? In ka badan 8 saacadood ayaa laga joogaa markii warka diyaaradda Madaxweynaha Iran la soo sheegay in la waayay; Runtii, waxaan wajahaynaa dhacdo ay wax badan ku qarsoonyihiin!
430Loading...
36
🚨⚡️Ururka Bisha cas ee Iran oo hoggaaminaya baaritaanka diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran ayaa beeniyay warar ay warbaahinta dawladda Iran ku sheegtay inau kooxaha gurmadka gaareen goobta ay ku dhacday diyaaradda uu la socday Madaxweyne Raiisi, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters oo xiganaysa telefishinka dawladda Iran.
500Loading...
37
🎥 Muuqaalkii u dambeeyay ee telefishinka Iran uu ka baahiyay diyaaradda uu la socday Madaxweynaha Iran oo sidoo kale uu dhinac fadhiyay wasiirkiisa arrimaha dibadda, waa muuqaal ka duubay inta ay diyaaradda ka deggaysa; Biyo-xireenka Qiz Qalasi, oo ku yaalla meel u dhow xudduudka dalka Asarbayjaan, halkaa oo si wadajir ah ay maanta u fureen Madaxweynaha Iran iyo dhiggiisa Asarbayjaan, waxaana hirgeliyay biyo xireenkan labada dal.
370Loading...
38
🚨⚡️ Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Ruushka , Maria Zakharova ayaa goor dhow ku dhawaaqday inuu Ruushka diyaar u yahay inuu ka qaybqaato howlgalka baadi-goobka diyaaradda uu la socday madaxweynaha Iran iyo saraakiil sare oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha dibadda , iyadoo intaa ku dartay inay xataa Moscow hadda diyaar u yahay inay gacan ka siiso Tehran baaritaanka la xiriira dhacdada. Dhinaca kale , Dawladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay sidoo kale diyaar u yihiin sidii ay gacan uga siin lahaayeen dawladda Iran baadi-goobka ay uga jirto diyaaradda uu la socday Madaxweyne Raisi.
400Loading...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨🚨 Sarkaal sare oo ka tirsan militariga Sudan, ee golaha kumeel-gaar ah ee madax bannaanida Sudan , Jen. Yasser Al-Atta oo sidoo kale ah kaaliyaha taliyaha ciidamada Sudan, Jen. Abdel Fattah Al-Burhan ayaa xaqiijiyay inay heshiis la saxiixanayaan Ruushka si uu uga taageerro hub iyo qalabka militariga, isagoo markaa caddeeyay inay dhinacooda saldhig ciidan siin doonaan Ruushka.
Show all...
Repost from Iman Jama
00:32
Video unavailableShow in Telegram
🚨🚨 Ra'iisul wasaaraha Armenia, Nikol Pashinyan ayaa diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo uu la socday waxay u degtay si deg deg ah , sababo la xiriira cimilada oo xumeyd . Dhacdadan ayaa ka dhacday meel u dhow Vanadzor, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Armenia, ahna caasimadda gobolka Lori ee waqooyiga gobolka buuraleyda ah. Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa wax badan la iska waydiiyay wajiga Pashinyan, oo ay dad badan ku sheegeen inuu wajahay cabsi, sababto ah wuxuu xasuustay shilkii diyaaradda ee uu ku dhintay Madaxweynaha Iran, isla xaalad ka dhalatay cimilo xumo.
Show all...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨🚨 Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa aqbalay inuu booqdo caasimadda Iran ee Tehran, kaddib martiqaad uu ka helay sii-hayaha madaxweynaha Iran,Mohammed Mokhber. Fiiro gaar ah; Inta lagu jiray munaasabadda tacsida madaxweynihii shilka ku dhintay Raisi, hoggaamiyaha Iran, Khamenei wuxuu si maldahan u sheegay walaaca uu ka qabo dadaallada Mareykanka uu ku doonayo inay xiriir diblomaasiyadeed yeeshaan Sacuudiga iyo Israa’iil.
Show all...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨🚨 Ukraine waxay kordhisay daandaansiga Ruushka, waxay garaacday raadaarka digniinta hore ee Ruushka, kaas oo shaqadiisa tahay inay ka digaan in la ogaado gantaalada nukliyeerka ee NATO ka imaan kara, waxayna ku yaalan aagga koonfurta ee ku dhow badda madow. Fiiro gaar ah; Qofna ma garanayo halka ay fikraddan Ukraine ka timid , sababtoo ah raadaarkani wax door ah kuma laha dagaalka Ukraine,iyadoo ay taasi jirto, Ukraine waxay u duqaysay sidii inay dhab ahaantii doonayso inay ka caraysiiso Ruushka.
Show all...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨🚨 Dhacdo xiiso leh, sida uu daahqaaday wargeyska Washington Post ; Ukraine waxay joojisay adeegsiga hubka casriga ah ee reer galbeedka , sababo la xiriira tignoolajiyada Ruushka ayaa awood u leh inay ka hortagto oo ay burburiso hubkan la hago oo ay ku jiraan gantaallada riddada dheer ee Mareykanka , tan waxaa la sheegay inay u fududeysay Ruushka inuu sii wado dagaalka oo uu dhul ka qabsado Ukraine.
Show all...
Repost from Iman Jama
Warbixinta waxay intaa ku dartay; “ Burburinta Ruushka ee nidaamyada hagida hubka casriga ah ee reer galbeedka ama soo ridi kara qaar ka mid ah gantaalada Mareykanka lagu sameeyo ee riddada dheer, ayaa meesha ka saartay awooddii Ukraine si ay u difaacdo dhulkeeda …. Awoodda Ruushka ee lagula dagaallamo hubka tignoolajiyada sare waxay saameyn fog ku leedahay Ukraine iyo taageerayaasheeda reer galbeedka - oo laga yaabo inay fursad u siiso sidoo kale inay wax ka bartaan Shiinaha iyo Iran - waana sababta ugu muhiimsan ee ciidamada Moscow ay dib ugu soo celiyeen howlgalladooda iyo inay ku sii socdaan goobaha dagaalka.”
Show all...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨🚨 Ruushka iyo Itoobiya ayaa lagu wadaa inay garaan heshiis la xiriira iskaashiga hawada sare ah, taa oo gacan ka siinaysa Addis Ababa in nidaamka tignoolajiyada dayax-gacmeed uu u horseedo isbeddel horumarineed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Ruushka ee TASS.
Show all...
🥰 1
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨🚨 Israa’iil ayaa ku guul-darraysatay howlgal ay iskudayday inay ku beegsato taliyaha guutada Xamaas ee Rafah, Muxammad Shabana, sida uu ku warramay telefishinka Israa’iil ee Channel 14. Fiiro gaar; Saacad ka hor , waxaa ka dhacay Rafah , weerar duqeymo iyo ciidanka gaarka ah ee Israa’iil ay ka qaybqaateen oo lagu qaaday dhismayaal ku yaalla Rafah, halkaa oo ay sheegeen inay ku yaalan godod ay ku sugnaayeen taliyaha guutada Xamaas ee Rafah iyo saraakiil kale, markii hore saraakiisha Israa’iil ayaa u dabaal-deggay inuu howlgalkaa guuleystay , wallow markii dambe la xaqiijiyay inuu fashil ku soo dhammaatay iskudayga lagu beegsaday saraakiisha Xamaas ee Rafah.
Show all...
Repost from Iman Jama
Photo unavailableShow in Telegram
🚨🚨 Wakaaladda wararka Reuters, ayaa ku warrantay inuu Putin diyaar u yahay wada-hadallo xabbad-joojin ah oo la xiriira dagaalka Ukraine. Fiiro gaar ah; Wada-hadallada la sheegay inuu Putin ka galayo dagaalka Ukraine , ayaa ilaha warbixinta ay soo xigatay waxay ku sheegeen xabbad-joojinta inay ka dhacayso furimaha hadda ee dagaalka, taa oo ka dhigan ciidanka Ruushka inay sii joogayaan goobaha furimaha dagaalka ee gudaha Ukraine.
Show all...
Repost from Iman Jama
00:25