cookie

We use cookies to improve your browsing experience. By clicking «Accept all», you agree to the use of cookies.

avatar

Han Maal

Hoyga Kobcinta maskaxda waxaad ka helaysaa qormooyin iyo qisooyin iyo xilmado ku cajab galiya

Show more
Finland1 471The language is not specifiedNews & Media21 241
Advertising posts
3 724
Subscribers
+1224 hours
+307 days
+15430 days

Data loading in progress...

Subscriber growth rate

Data loading in progress...

Repost from Iman Jama
UPDATE: Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Iran , ayaa markii u horreysay shaaciyay inay Iran haysato hubka Nukliyeerka, oo muddooyinkii u dambeeyay la hadal hayay inay Iran joogto heer ay ku soo saari karto bambooyinka Nukliyeerka. "Aragtideyda, waxaan ku guuleysanay hubka Nukliyeerka, laakiin ma shaacineyno, waxay la macno tahay siyaasadeena in aan haysano bambooyinka nukliyeerka," ayuu yiri xildhibaanka hadalkan laga soo xigtay , Axmed Bakhshayesh Ardestani.
Show all...
Repost from Iman Jama
UPDATE: Qoysaska askarta ciidanka Israa’iil ee lagu dilay saacadihii u dambeeyay Qasa ayaa weerarray wasiirka amniga Israa’iil, Ben Gvir oo ku sugnaa qabuure lagu aasayay askarta, iyagoo ku eedeyay dambile haligay carruurtooda. Fiiro gaar ah; Kacdoonka qoysaska ciidanka Israa’iil oo muddo uu iskudayay Netanyahu in la xaddido ayaa hadda u muuqda inaysan shaqeynayn dhammaan iskudayadaa, sababo la xiriira soo if-bixida diidmada ehelada ee carruurtooda in lagu hayo gudaha Qasa, tan oo saameyn ku yeelanaysa askarta. Howlgalka ay dib uga billowday Israa’iil waqooyiga Qasa ayaana sare u qaaday dhimashada ciidanka Israa’iil.
Show all...
Repost from Iman Jama
UPDATE: Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin ayaa xilka ka qaaday saaxiibkiisa muddada dheera ee Wasiirka difaaca , Sergei Shoigu oo xilkaa hayay tan iyo 2012, wuxuuna ku beddelay dhaqaale yahan rayid ah , Andrei Belousov, tan oo la sheegay inuu Putin uga dan leeyahay inuu Ruushka ku xiro dagaal dhaqaale isagoo isku dayaya inuu si wanaagsan uga faa'iidaysto kharashaadka difaaca iyo ka faa'iidaysiga hal-abuurnimo si uu ugu guuleysto Ukraine. Shoigu, lama dhigin shaqo la’aan wuxuuna Putin doonaya inuu noqdo xoghayaha golaha ammaanka ee awoodda badan ee Ruushka, isagoo beddelaya Nikolai Patrushev oo xilka haya, waxaa intaa u dheer oo uu qaadan doonaa mas'uuliyada dhismaha militariga iyo warshadaha, sida lagu sheegay war ka soo baxay Aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin-ka.
Show all...
Repost from Iman Jama
UPDATE: Ciidanka Israa’iil waxay shaaciyeen 50 askari in looga dhaawacay Qasa 24-kii saac ee la soo dhaafay , tan oo ka dhalatay iska caabinta iyo howlgallada qaabaysan ee kooxaha Falastiiniyiinta. Fiiro gaar ah; Shaacinta 50 askari in la dhaawacay iyadoon looga baran Israa’iil si dhab ah inay uga warranto khasaaraha gaara, waxay ka dhigantahay tobannaan askari in laga dilay , marka loo eego dagaal jamhadeed lagu dhaawacay 50 askari. Mar kale ayay Israa’iil la kulmaysa burbur la mid ah maalintii koowaad ee dagaalka, kaddib markii ay maalin ka hor shaaciyeen inay dib usoo celiyeen howlgalladii waqooyiga Qasa.
Show all...
Repost from Iman Jama
UPDATE: Masar ayaa si lama filaan ah u sheegtay inay si rasmi ah ugu biiri doonto dacwadda ka dhanka ah Israa’iil ee Koonfur Afrika ay u gudbisay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, si loogu ciqaabo xasuuqa ay ka gaysanayso Qasa iyo dhulka Falastiiniyiinta, waxay noqonaysaa Qaahira dalkii labaad ee islaam ah oo dacwadan ku biira, kaddib Turkiga oo isagana dhawaan sheegay inuu ku biirayo.
Show all...
Repost from Iman Jama
Fiiro gaar ah; Ku biiritaanka Masar ee dacwadan , Alon Liel oo ah agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil, ayaa u sheegay Al Jazeera inay "Dharbaaxo diblomaasiyadeed oo aan la rumaysan karin ku tahay Israa'iil.. Masar waa albaabka joogitaanka Bariga Dhexe," ayuu yiri, isagoo intaa ku daray “Xiriirka ay maanta Israa'iil ku leedahay Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika, oo ay ku jiraan Jordan, Imaaraadka iyo Morocco, dhammaantood waa natiijo ka dhalatay wixii Masar ay samaysay 40 sanno ka hor… Tani waa waxa aan ka digayay,waxay ka imanaysaa dhowr jiho. Israa'iil waa in ay dhegaysato adduunka - ma aha oo kaliya in ay rayiga dadweynaha Israa'iil oo weydiisanaya hadda aargoosi.”
Show all...
Repost from Iman Jama
UPDATE: Wargeyska New York Times, ayaa isagoo xiganaya saraakiil Mareykan iyo Israa’iil ah, wuxuu sheegay inay wajahayso Israa’iil xaalad adag oo la yiraahdo Yaxye Sinwar, iyadoo ay intaa ku dareen saraakiisha Israa’iil ee warbixintu xiganayso; “Maaddama uusan ahayn hoggaamiye adag oo keliya.. Waxa kale oo uu leeyahay xirfado gorgortan oo weyn— Sinwar ayaa Israa'iil ka hor istaagay in ay guul ka gaarto goobta dagaalka… Waxaan wajahaynaa cadow naxariis daran iyo siyaasi xirfad leh oo caqli badan, waxa uu khibrad iyo sirdoon u leeyahay fallanqaynta bulshada Israa’iil oo uu u habeeyo siyaasaddeeda si waafaqsan.” Fiiro gaar ah; Warbixintan lagu muujiyay habka uu Sinwar, u maareeyay dagaalka siddeeda bilood socda oo la rumaysan yahay goobta dagaalka iyo dagaalka fikirka ku dhisan inay labadaba ku ganac sarreeyaan Xamaas, ayaa ku soo aadaysa xilli ay wali Xamaas ku adkaysanayso inaysan geli doonin heshiis aan soo afjarayn dagaalka, si tan oo laga soo dabciyo waxay Israa’iil ku dhaqaaqday cadaadis kasta oo ay saari karto illaa kumannaan kun oo Falastiiniyiin carruur iyo haween u badan la dilay, si xuna loo ciqaabay ragga maxaabiista ah ee ay xireen Israa’iil, wali Israa’iil waxay gaari la’dahay soo bandhigista sawir guul ah oo la xiriira dagaalka iyo inay jabiso adkaysiga Falastiiniyiinta.
Show all...
Repost from Iman Jama
UPDATE: Israa’iil oo bilooyin ka hor sheegtay inay burburisay awooddii Xamaas ee waqooyiga Qasa , ayaa mar kale shalay sheegtay inay dib howlgallo uga fulinayaan waqooyiga Qasa gaar ahaan xerada Jabaliya, sababto ah waxay yiraahdeen Xamaas ayaa mar kale goobta isku aruurinaysa oo awoodooda dib usoo celiyay, laakin ka warran in isla maanta ay Xamaas gantaallo ka soo rideen waqooyiga Qasa , iyagoo dhaawac iyo dhimasho gaarsiiyay Israa’iiliyiinta ku sugan dhulka ay qabsadeen ee ka fog Qasa!
Show all...
Repost from Iman Jama
Fallanqeeyaasha Mareykanka ayaa u arka wax aan dagaal horey loogu arag , inay Israa’iil wax walba sameysay si ay u burburiso awoodda Xamaas ee waqooyiga Qasa, haddana wali waxay u muuqdaan koox aan waligeed dagaal lagu soo qaadin, sida uu soo bandhigay telefishinka CBS ee Mareykanka , oo warbixinta uu soo bandhigay ku sheegay inaysan Israa’iil haysan qorshe guul ay ku gaari karto. Dhinaca kale , xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka , Blinken wuxuu si cad maanta u sheegay inay aaminsanyihiin oo ay u muuqato Israa’iil kaliya waxa ay dilayso inay yihiin rayid oo dhimashada kooxda ay la-dagaallamayaan inay ka badan tahay tan gaartay rayidka. Sawirka weerarradii u dambeeyay ee Israa’iil ay ku duqeysay xerada Jabaliya;
Show all...
👍 1
(FURSAD QAALI AH ): COMPUTERKU WAA FURAHA SHAQO KASTA! KU BARO COMPUTERKA 6 DOLLAR OO KALI AH .✍ ma tahay arday ay usora gali wayday inu helo fursadan doorkii hore . Maanta ka faa'idayso .ku baro computerka  si bilaash ah.kuna baro si  online ah adoo gurigaaga jooga oon wax daal ahi kaa bixin ama adoo jooga goobtada shaqo. Ka faa'idayso fursadan ay kuliyada wayn ee Alfurqan online school kusoo kordhisay. Shuruudaha. ⏭Fursadan kaliya waa maanta .oo cidii is diwaan galisa ayaa helysa . ⏭ inay kaa go'antay wax dhigashadu. ⏭ inaad ka wayn tahay 15 jir. ⏭ inaad bixiso lacagta diwaan galinta oo ah 6 dollar oo kaliya . Prograsmka la dhiganaayo waxa ka  mida: ●Introduction to windows ● Microsooft  word ●Microsooft ppt ●Microsooft excel ●Microsooft access ●Microsooft publisher ●Microsooft outlook Mudada koorasku waa 3 bil . Shahadaduna waa diploma. Nasiib fiican. 24 saac ayaad uhaysataan deeqadan wax barasho. ⏭ HALKAN ISKA DIWAAN GALIN👇👇👇👇 @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq
Show all...