Matxafka Taariikhda
Open in Telegram
ku raaxayso macluumaad walba, kobcina garaadkaaga adiga oo naga guntanaya macluumaad cuddoon ee aanu kuugu soo gudbinayno barteenna, innagu soo biir mahadsanid Halkan igala so xiriir For business: @iM_S_O_S https://bio.site/Shacir.Osman
Show more2 923
Subscribers
No data24 hours
+77 days
-3130 days
Data loading in progress...
Similar Channels
No data
Any problems? Please refresh the page or contact our support manager.
Tags Cloud
No data
Any problems? Please refresh the page or contact our support manager.
Incoming and Outgoing Mentions
---
---
---
---
---
---
Attracting Subscribers
July '25
July '25
+15
in 0 channels
June '25
+17
in 0 channels
Get PRO
May '25
+24
in 0 channels
Get PRO
April '25
+30
in 0 channels
Get PRO
March '25
+17
in 0 channels
Get PRO
February '25
+20
in 0 channels
Get PRO
January '25
+29
in 0 channels
Get PRO
December '24
+24
in 0 channels
Get PRO
November '24
+20
in 0 channels
Get PRO
October '24
+29
in 0 channels
Get PRO
September '24
+44
in 0 channels
Get PRO
August '24
+40
in 0 channels
Get PRO
July '24
+35
in 1 channels
Get PRO
June '24
+19
in 0 channels
Get PRO
May '24
+18
in 0 channels
Get PRO
April '24
+20
in 0 channels
Get PRO
March '24
+29
in 1 channels
Get PRO
February '24
+50
in 0 channels
Get PRO
January '24
+67
in 0 channels
Get PRO
December '23
+139
in 1 channels
Get PRO
November '23
+285
in 34 channels
Get PRO
October '23
+116
in 31 channels
Get PRO
September '23
+269
in 0 channels
Get PRO
August '23
+589
in 0 channels
Get PRO
July '23
+440
in 0 channels
Get PRO
June '23
+583
in 0 channels
Get PRO
May '23
+30
in 0 channels
Get PRO
April '23
+45
in 0 channels
Get PRO
March '23
+30
in 0 channels
Get PRO
February '23
+126
in 0 channels
Get PRO
January '23
+371
in 0 channels
Get PRO
December '22
+121
in 0 channels
Get PRO
November '22
+49
in 0 channels
Get PRO
October '22
+45
in 0 channels
Get PRO
September '22
+93
in 0 channels
Get PRO
August '22
+136
in 0 channels
Get PRO
July '22
+219
in 0 channels
| Date | Subscriber Growth | Mentions | Channels | |
| 11 July | +5 | |||
| 10 July | +4 | |||
| 09 July | +1 | |||
| 08 July | 0 | |||
| 07 July | +2 | |||
| 06 July | 0 | |||
| 05 July | +2 | |||
| 04 July | 0 | |||
| 03 July | +1 | |||
| 02 July | 0 | |||
| 01 July | 0 |
Channel Posts
Sida la sheego Fircoon wuxuu caqli ahaan ahaa qof iska caadi ah, Haamaanna wuxuu ahaa caqliga uu Fircoon ku socdo, mar kasta oo fircoon musiibo ku dhaco, Haamaan ayaa ka soo saari jiray!!!
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa timid islaan waayeel ah oo rabta in Fircoon u soo nooleeyo arigeedii ka dhintay, sababtoo ah Fircoon wuxuu ku andacoonayay inuu yahay ilaah wax nooleeya oo wax dila.
Haamaan islaantii wuxuu siiyay ari nool, wuxuuna ku yiri Fircoon maanta howl taas ka weyn ayuu hayaa oo geel ayuu abuurayaa! Islaantina wey iska tagtay.
Fircoon iyo Haamaan ayaa gadaal dambe ka kulmay wuxuuna Haamaan ka sheekeeyay qisadii islaanta u timid in loo soo nooleeyo ridii ka dhimatay, iyo inuu siiyay ri nool una sheegay in Fircoon maanta geel abuuris mashquul ku yahay!
Fircoon oo aad u taahaya baa yiri:
Alla Haamaanoow haddaad ogaan lahayd siday u adag tahay in geel la abuuro!! 😎
Haamaan inta dhoola caddeeyay ayuu yiri hadalkiisa caanka noqday ee ahaa: Fircoonow xataa anigaa!!?? 😂😂
| 2 | تقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال❤️
Ciid wanaagsan dhamaan Asxaabta inagu xiran iyo Muslimiinta Meel walba aad joogtaanba alle ha idin xifdiyo,farxad kuciida.
كل عام وانتم بخير♥️ ✋ 🙏
Eid mubarak ✨️ 🎊🎉🎁🥳
@MatxafkaTaariikhda | 555 |
| 3 | Sawirka kore si fiican u dhuux.
Waa marka ugu horreysa kanaalkeenna aan xogtan nuucaan ah soo dhigno, ujeedaduna waxa ay tahay in ogaalkeenna kobco.
Haddii aad ku wareerto Dagaalada Soomaaliya iyo halka ay marayaan, Natiijo masoo dhawdahay mise way fogtahay, Map-kaan ayaa kuugu filan sidda deegaan weliba loo kala joogo.
@MatxafkaTaariikhda | 644 |
| 4 | Dhacdadii cunista safiirka Faransiiska.
Markii ay Kongo madax-banaanida qaadatay dalka faransiiska waxa uu soo magacaabay safiir iyaga metela oo fadhigiisu ahaado dalka congo maadama 2 dowlad yahiin
Sanad ka dib magacaabistiisii safiirkii ayaa maalin maalmaha ka mid ah hawo badelesho iyo ugaadhsi uga baxay keymaha magalada dibadeeda ah
Isaga oo dhex mushaaxaya kaymaha ayaa waxa gacanta ku dhigay qabiil cawaan ah oo dadka cuna waana ay cunen safiirkii
Faransiiku aad baa uu uga cadhooday dhacdadaa foosha xun, hanjabaad adag baa uu usoo diray Kongo waxana uu ka dalbaday magdhaw boqollaal malyan gaadhaya oo la siiyo qoyska safiirkii la cunay
Madaxweynihii Kongo waxa uu shir deg deg ah isugu yeedhay golahii xukumada waxana laga shooray arintii wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in khasnadda dawladda aanay ku jirin kharash faransiisku sheegtay iyo mid u dhow
Shirkii ayaa dhamaaday dawladda Kongo waxa ay u dirtay Faransiiska warqad odhanaysa
Dawladda Kongo waa ay ka xun tahay dhacdada cunista safiirkiina maadaama oo aanay dawladdayadu hanti badan haysan, oo ay awoodi weyday bixinta kharash kii aad dalbateen, waxa aanu idiin soo jeedinaynaa in aad idin kuna cuntaan safiirkayaga wadan kiina jooga nagana raali ahaada ixtiraam badan ayaanu idiin haynaa 😂😂😂
Dhacdadan si wayn looma diiwan gelin lakiin waa mid kamida sheekoyinka ugu caansan ee Africa iyo gumaysiga ka dhex dhacday.
@MatxafkaTaariikhda | 527 |
| 5 | Warbaahinta channel 12 ee Israail ayaa sheegtay in Trump uu diraasaynayo ku khasbidda Dalka Morocco, Puntland ama somaliland midkood inuu dhul siiyo dadka Reer qaza ee laga soo barakicinayo Marinka Qaza.
Taa badalkeed waxay raaciyeen in trump uu ka fakarayo inuu Somaliland iyo Puntland uu u soo bandhigo aqoonsi Madaxbanaani, Halka Morocco uu iyadana u soo bandhigayo inuu meesha ka saaro aqoonsiga Saxaraha Galbeed oo ah deegaan horay ugu dhawaaqay Gooni-Goosad.
3dan kan ogolaadda ayuu trump u barakicin doonnaa reer qaza.
@MatxafkaTaariikhda | 494 |
| 6 | ILBAXNIMADII MAAYA
MAAYA Waxay ahayd xadaarad qadimi ah o beri ka jirtey dhulka bartamha Ameerika gobolka Maya o dhaca qaybo kamida dalalka; Mexico, Guatemala, Belize, Honduras, iyo El-Salvador. Sida taariikhyahanadu sheegaan Maaya waxa la aasaasay 2000 oo sano ka hor milaadiyada, sanadihi 300-900M ayay gartay heerkeedi ugu sareeyey, ugu dambayn waxay duntay qarnigi 16aad kolki gumeystaha Spanish-ka garay Qaarada.
Dhulki ay ku fidsanaan jirtey waxaa ku badana Ahraamta & macbadyada. Cilmibarayaasha qaar aya aaminsan in Maaya ahayd Ilbaxnimada keliya e ka jirtey America tasoo lahayd Af qoran, farshaxan gaara & kalandar xisaabeed. Ilbaxnimadu waxay ka tagtay dhaxal-dhaqameed qani ah, waxaana jira daraasado badan oo lagu daahqaaday raadadkeedi
Waxyabaha ay heerka ka gartay xadaraddani waxaa ka mida; aqoonta xiddigiska, sayniska, beeraha, xisaabta, afka & suugaanta.
Maanta in ka badan Toddoba milyan oo dadki Maaya ah aya ku nool dhulkoodi asalka aha iyo qaybo badan oo dalalka Adduunka ah.
@MatxafkaTaariikhda | 524 |
| 7 | Nooc ka mid ah jidh dilka qarniyadii dhexe ee qaarada Europe ayaa waxa uu ahaa in milix/Cusbo lagu dhoobo cagaha dembiilaha ka dibna inta la xidho lagu sii daayo neef ari ah 🐐 si ay milixda uga leefto cagihiis, ilaa inta uu diirku ka dhacaayo cagaha oo ay hilib isu bedelayaan leefidaasi waxa ay ahayd mid socota oo mar kastana waxaa loosi kordhiya milixda.
@MatxafkaTaariikhda | 490 |
| 8 | Mashiinka orodka waxaa soo saaray nin lagu magacaabo wilyam kabit oo udhashay waddanka ingiriiska sanadka markuu ahaa 1818 ujeedadana wexey eheed in maxaabiista lagu ciqaabo hase yeeshee 1950meeyadi ayaa la bilaabay in loo isticmaalo jirdhiska iyo arimaha caafimaadka kaddib markii nin lagu magacaabo robert buruus uusoo soo saaray nooc matoor ku shaqeenaayo.
@MatxafkaTaariikhda | 598 |
| 9 | Sanadkii 1988 ayaa waxaa shil galay nin hindi ah oo Mooto watay, nasiib xumo ninkii meesha ayuu ku geeriyooday, dabadeed ciidamada booliiska hindiya ayaa goobta soo gaaray oo mootadii ka qaaday meesha waxayna geeyeen saldhigga booliiska.
Subixii markii la gaaray ayaa mootadii lagu arkay meel u dhow goobtii uu shilku ka dhacay!!
Markale ayey booliisku mootadii ku celiyeen saldhigga, shidaalkii ku jirayna way ka faarujiyeen... balse markale ayaa mootadii lagu arkay goobtii shilka meel u dhow!!!.
Mootadii waxaa loo aqoon-saday inay tahay mid mucjiso ah oo waxay heshay dad ilaah ka dhigtay oo caabuda oo subax walba saf u gala si ay u baryaan..
Booliiska oo muddo baarista ku jiray ayaa ogaaday in askari kamid ah booliisku uu si qarsoodi ah mootada habeenkii u wadan jiray si uu u gaaro gurigiisa oo ku yaallay meel u dhow goobtii shilka..
Balse dadkii caabuday mootada ayaa laga dhaadhicin waayey arinkaa....!!
JUMCO KAREEM 🥰
@MatxafkaTaariikhda | 594 |
| 10 | Isku Soo Noqod Wanaagsan Asxaabta 🙌🥰 | 418 |
| 11 | - - - - - - - - - 𝐂𝐎𝐃𝐒𝐈 𝐒𝐇𝐀𝐐𝐎 - - - - - - - - -
Aniga oo tixraacaya geerida Madaxii Farsamada ee shirkaddiinna, waxaan codsanayaa in la igu beddelo booskii uu marxuumku ka dhintay.
Mar kasta oo aan shaqo idinka soo codsado waxaa la ii sheegaa in uusan boos idanka bannaaneyn, balse markaan waan idinku qabtay oo marmarsiimo idinkama yeelayo, oo waxaan xitaa ka qeybgalay aaska marxuumka, si aan u hubsado in uu dhintay oo la duugay, ka hor intii aanan shaqadaan soo dalban.
Codsigaygaan shaqo waxaan ku soo lifaaqay CV-gayga iyo shahaadadii dhimashada ee marxuumka.
@MatxafkaTaariikhda | 534 |
| 12 | #PART TWO
Hadaba Saynis yahaanadu waxa ay ku sifiyeen in lagu socdo mararka qaar Kabo la'aan in ay tahay Daawo dhameystir u ah Jidhka intiisa kale.
Waxyabaha kale ee la ogaaday waxaa kamid ah in la ogaaday isla markaana ay soo ifbaxayso in wakhtiyada qaar oo Kabo laáan la lugeeyaa ama la socdaa inay kaa caawinayso in Jidhkaaga meelo ka mida uu isu bogsiiyo iyada oo aadan Dhakhtar u tegin.
Xaaladda caafimaad ee Cagaha iyo xidhiidhka ka dhaxeeya dhamaan jidhka intiisa kale sida Neerfaha, Qanjidhada,Suulasha,Faraha iyo dhamaan dhinacyada Cagaha ayaa waxa la ogaaday inay leeyihin in ka badan 7,200 Xidido iyagu shaqadodu ay tahay oo kaliya Daremayasha kuwaasi oo xidhiidh toos ah markasta la leh Laf-dhabarta iyo Maskaxda.
Darasadii ugu horaysay ee arintan ka hadasha Sayniskan waxaa la daabacay 1582 AD kuwaasi oo ay soo saareen Dr. "Adamus" iyo Dr. "Atatis",waxaa kaloo ku xigay isna Dr. Bell Leibnig kaasi oo isaguna daabacay daraasad kale.
Dhaqtarka aqoonta fiican u leh habka shaqada Neerfaha ee Mareykankan "William Fitzgerald" wuxuu dhameystiray daraasadihii ugu weynaa uguna muhiimsanaa ee sayniskaan bilawgii qarnigii 20 Labaatanaad. Daraasaduhu intaasi way iskasoo daba dhacayeen ilaa Sayniskii "Onis Angham", oo loo tixgeliyey inuu yahay midkii ugu horreeyey ee aasaas aragtiyeed u dhigta cilmigan soo saaray Sannadkii 1900 miilaadiga.
Waxyaabaha Mucjisa ah ayaa waxa kamida in sida ay sheegayaan Saynisyahanada Dunidu in Magnadka iyo Macdanaha Ciida ku jira iyo taabashada Cagaheena oo qaawan ay ka dhaxayn karto xidhiidh dhanka caafimaadkeena u fiican.
CARUURTA IYO SOCODKA KABO LA'AANTA.
Daraasad ayaa waxay odhanaysaa in Caruurtu Kabo la'aan ay socdaan waxa ay ka qayb qaadataa koritaanka Ilmaha. Lugaynta Cagaha qaawan waxay kor u qaadeysaa koritaanka jidhka ee carruurta tan waxaa lagu xaqiijiyay daraasad dhowaan ay sameeyeen dhakhaatiir ku takhasusay Daawada Isboortigu u leeyahay Jidhka Bini'aadmiga taasoo ugu yaraan 1015 Carruur iyo Dhalinyaro ah looga tijaabo qaatay kuwaasi oo ku kala nool Jarmalka iyo Koonfur Afrika.
Dhakhtarka caanka ah ee Isboortiga ,Carsten Hollander ayaa ku yidhi natiijooyinka uu soo saaray "in dadku ay Cago qaawanaan ay socdaan waxay saameyn weyn ku leedahay horumarka Cagaha, habka socodka iyo waxqabadka jidhka.
@matxafkaTaariikhda | 49 |
| 13 | #Part 2
Maxay yihiin Xeerarka Dhar xidhashadani ay ku dhisan tahay?
Sheekhii Buddhisku si uu Xertiisa uga saaro duruufka dhar la'aanta ee soo wajahday waxa uu ku waajibiyey inay dharkooda ka dhigaan Maro "saafi ah" gaar ahaan maryaha aan Midabkooda dadku aanay jeclayn iyo Maryaha aan la rabin ee Kudaafadaha iyo Qashinka lagu tuuray waana mida Tariikhdooda ugu jirta.
Maro kasta oo ay Kudaafadaha kala soo baxaxaan waxa ay ku samayn jireen in lagu dhaqo dheecaanka Khudradda, Ubaxa Caleentiisa iyo Dhir udgoon intasi wixii ka danbeeya Maro kastaa waxa ay isu bedeli jirtay midabka Huruuda ama Jaalaha,waana tan maanta wali ka muuqata astaantooda.
Waxa kaloo ay Maradani ka turjumaysaa sida ay Tarikhdooda ku qoraan,Tawaadic iyo is'hoosaysiin ay dadka u tusayaan in ay Kibirka iska ilaaliyaan,lakiin ogsonow Qofkasta oo Diintan haysta khasab maaha in uu Maradan xidho inta badan waxa ay gaar u tahay Xerta.
Fikrad kale ayaa waxa ay odhanaysaa ,madamaa waxa aynu u naqaano USKAGA uu leeyahay Midab markaasi uu kaga muuqdo shay kasta oo aan nadiif ah,taas awadeed waxa laysku'sargooyey isu eekaanta aragtidii USKAGA iyo Maradan Huruudahi in ay isla falgalayaan,waxbadana ay ka badbaadinayso Xerta in la arko USKAGA IYO HEERKA MARYAHOODA KU YAALA,durufii jiray wakhtigaasi awadii.
Waxkasta Ilahay ayaa og,isagaana ku mahadsan in uu inaga dhigay Muslim.
@matxafkaTaariikhda | 595 |
| 14 | #Part One
BUDIISTHU MAXAY U XIDHAAN MARADAN HURUDDA/JALAHA??
Diintan Buddhista waxaay ka mid tahay Dimaha aan Samaawiga ahayn,waa Diin Dhulka korkisa lagu yagleelay, waxaa layidhaa wakhtigii la aasaasay waxa uu ahaa dabayaaqadii qarnigii 6aad ,waa Diin dadka ku tiirsani badankoodu ay degan yihiin dalalka Aasiya.
Diinta Budhiisku waxa ay soo martay isbadelo aad u farabadan ,fikrado iyo mabaadii marba lagu soo kordhinaayey iyo kuwa markaasi laga saaro ,waxa inta badan aasaas u ah Diintani in markasta fikradaha ay ka duulayso xisaabcelin iyo qiimayn joogta ah lagu sameeyo.
Duqii Buddha Charita waxaa lagu sheegaa in qarnigii 1aad ama 2aad in uu ku dhashay meel la yidhaahdo Lumbini oo u dhow buuraha Himalaya, wuxuuna bilaabay inuu dadka baro waxyaabo Caqligiisa uu ka helay kuna sargooyey hab nololeedka Bulshada uu la nool yahay.
Hadaba wax badan waxa aynu aragnaa in Dadka aaminsan Diinta Budhista ay ku labistaan Marada Midabkeedu uu Huruuda ama Orange yahay,taasi oo maanta Dunida oo dhan ay cid waliba ay ku taqaano ,su'aashu waxa ay tahay asalka Maradani halkee ayay ka timi? maxaa sabab u ahaa in ay astaan uga dhigtaan Diintooda?
Sida ay iyagu Tariikhaha asalka Maradan ay ku sheegaan ,waxa ay raad ku leedahay aasaaskii Diintan Budhista ,taas awadeed waxaa layidhaa Xirtii hal'abuurkan Diintan aasaaskeeda iska lahaa waxaa ka horyimi kacdoon lagu diidan yahay lagagana soo horjeedo fikrad Diineedan Bidhis ,waana mida keentay in ay ku noladaan nolol adag iyo quudhsi.
@MatxafkaTaariikhda | 502 |
| 15 | MUCJISOOYINKA SIDA WAX LOO DHAXLO SHIINAHA.
Dadka Shiineeska ah ee usoo haajira Wadamada Dibada isla markaana inta ay Wadanka kasoo maqan yihiin Waalidkood uu Geeriyodo ,kuwaasi oo markaasi ka taga Hanti Guurto iyo ma guurta ah ,Sharciga Shiinahu waxa uu dhigayaa in aanay Hantida Dhaxalka ah ee Waalidku ka dhintay aanay waxba ku lahayn *waa hadii ay qaateen Dhalashooyinka Wadamadaasi ay joogaan.
Marka loo eego sharciyada la xidhiidha Dhaxalka Shiinaha, waxa si cad looga daalacan karaa ,haddii aad heshay Sharciyada Dalalka shisheeye (Kaadhka Cagaaran) way adkaan kartaa in aad dhaxasho ciddi aad dhaxalkeeda lahayd.
Sharcigu waxa uu Dhaxalka u ogolaanayaa oo kaliya Qofka isagu haysta Dardaaran ansax ah Maytida Dhimashadiisa ka hor, waxa uu Dhaxal doonahu xaq u yeelanayaa in uu Maytidaa dhaxlo Dardaarankaasi awadii .
Muhiimada ugu wayn ee Shiinahu sharciyadan Dhaxalka ay sidan u dhigeen waxa aasaas u ah, xiliyadii Sharciyada la dejiyey waxaa loo arkaayey Qofka Dalka Dibada uga baxaa in uu yahay mid isagu Dalka ka maarmay Xuquuqna aan ku lahayn (aan Muwaadin ahayn)
Si kastaba ha ahaatee, marba-marka ka danbaysa kor u kaca heerka nololeed ee Dadka Shiinahu waxa uu yahay mid isbedal samaynaaya , Hantida Sharciga ah ee Dadka leeyihiina waxa ay noqotay mid sii kordhaysa maalinba-maalinta ka danbaysa, waxa isbedelo cusubi ku yimidaan qaab dhismeedka Qoyska Shiinaha ,sidaasi oo ay tahay fikradihii Sharci ee Dhaxalku waxa ay noqdeen kuwi markasta Baarlamaanka la geeyo oo wax laga bedalo.
Dhaxalka Islaamka wax ka cadaalad badani ma jirto,hadii aad maqan tahay iyo hadii aad joogtaba markasta waxa aad xaq u leedahay wixii Quraanku ku siiyey, helitaanka dhaxalka iyo in aad waydaana kuma xidhna Dibad iyo Gude midkaad joogto.
يقول الله تعالى: (يُوصِيكُمُ اللّهُ فِي أَوْلاَدِكُمْ لِلذَّكَرِ مِثْلُ حَظِّ الأُنثَيَيْنِ فَإِن كُنَّ نِسَاء فَوْقَ اثْنَتَيْنِ فَلَهُنَّ ثُلُثَا مَا تَرَكَ وَإِن كَانَتْ وَاحِدَةً فَلَهَا النِّصْفُ...)[11: النساء]
@matxafkaTaariikhda | 551 |
| 16 | Mid kamid ah dhaqamada ugu layaabka badan ee Afrika, waxaana inta badan ku dhaqma qabiilka [Chewa] ee Malawi.
Qofku markuu dhinto maydkiisa waxaa loo qaadaa meel ay ku sheegan inay tahay meel barakaysan kadib waxay ka jaraan hunguriga, Kolkaasay ku shubaan biyo, waxay tuujiyaan caloosha illaa ay ka baxaan biyihii xaga danbe (Meesha saxarada).
Nidaamkan waxaa loo sameeyaa si isdaba-joog ah illaa ay biyuhu ka soo baxaan (Meesha saxarada). iyagoo nadiif ah. Waxa taas ka sii daran ayaa ah xaqiiqda ah in biyahan loo isticmaalo in lagu diyaariyo cuntada qabiilka oo dhan.
@MatxafkaTaariikhda | 540 |
| 17 | Pakistantu maba baqaan, bacdaa waxa lagu Sito waa gaasta cuntada lagu karsato oo sidaas ayaa guriga lagu geynayaa kadibna tuunbada lagu xidhiidhinayaa😲
One small hole and it is kaboom 😁
Inagana ilaa hada tii biraha waaweyn kujirtay waxaan uga baqanaa saaid, systemkan bacda laakiin waa raqiis iyo bilaa culeys aayar baad iska soo qaadan
@Matxafkataariikhda | 547 |
| 18 | "Meher la'aan i guurso!!
Waa Olole si weyn uga socda Baraha Bulshada carabta oo ay wadaan haweenka dalka Lubnaan.
Waxay ka cararayaan guur la'aan iyo kelmadda 'Guumeys' oo dhibtay.
"Guurku wuxuu noqday mid adag oo sii xumaanaya, waxaan doonaynaa in la dhimo ama bilaash laga dhigo;si loo helo xasilooni nololeed iyo jacayl dhab ah" - Ayey dheheen gabdhaha hormuudka u ah ololaha I guurso meher la'aan.
Dumarka dalal badan oo carbeed sida Masar ayaa ku biiray ololahan.
Soomaaliya waxay kamid tahay dalalka uu qaaliga sii noqonayo guurku, makula tahay in gabdhaha Soomaaliyeed ku biiraan Ololahan?
@MatxafkaTaariikhda | 445 |
| 19 | Ninkan odayga ah waa 23 sano jir u dhashay Taiwan, wuxuu sameeyay suuq madoow oo daroogada lagu iibiyo oo la odhan jiray Incognito, xariifkan wuxuu u shaqeyn jiray dawlada Taiwan mana la ogeyn 4 sano la raadinayay suuqiisa ilaa 100 Milyan ayuu gaaray iibka, ugu dambeyn doqonimadiisa wuxuu sameeyay domain name ayuu ku iibsaday akoonkii adminka ee uu lacagta bitcoinka ku qaban jiray oo markii dambe lagu soo ogaaday!
Sidoo kale nasiib xumadiisa wuxuu ahaa dadka ku faano kiribtada iyo inuu lacag heysto, kadib qaar hackers ah arkay oo computerkiisa u daatay oo lacagtii dhan ka dhacay mudo kooban kahor intaan la xirin.
Hadda waxaa laga yaabaa in xabsi daain lagu xakumo.
@MatxafkaTaariikhda | 426 |
| 20 | 14 MEELOOD OO DUNIDA KU TAAL OON LAGUU OGGOLAYN IN AAD BOOQATID
1- RAF Menwith Hill Waa saldhig sirdoon oo ku yaal Ingiriiska.
2- The Bohemian Groove Waa meel ku taal Kalifoorniya oo dadka koonkaan hoggaamiyaa ay sanadkiiba mar isugu yimaadaan. Dumarka looma oggola.
3- Snake Island Waxay ku taal Baraasiil. Masaska adduunka ugu qatarta badan baa ku nool.
4- The Coca-Cola Vault Waa halka lagu diyaariyo isku jirka laga sameeyo Coca-Cola. Dad fara-ku-tiris ah baa garanaya.
5- The Vatican Secret Archives Halka lagu keydiyo macluumaadka sirta ah ee Vatican-ka.
6- Aagga 51 Waa xarunta Ciidanka Cirka ee Maraykanka (USAF) oo si heer sare ah loo soocay, kuna jirta xanydaabka aagga Tijaabada iyo Tababbarrada, gobolka Nevada.
7- The Seed Vault safeguards Waxa uu ilaaliyaa nuqulka asalka ahe abuurka beeraha oo laga keenay ku dhawaad waddan kasta oo adduunka ah. Ujeeddadeedu waa in lagu ururiyo kaydka hidde-sideyaasha si loo sugo aasaaska saadka cunto ee mustaqbalka. Waxay ku taal dalka Norway. Dad fara-ku-tiris ah baa loo oggolyahay inay galaan.
8- Pine Gap Australia Waa saldhig sir ah oo xitaa diyaaraduhu inay dul maraan aan loo oggolayn.
9- Room 39 Waa xarun sir ah oo lacagaha qalaad iyo daroogada ku lug leh oo ku taal Waqooyiga Kuuriya.
10- The Lascaux Caves, France God 17,000 sano jira.
11- The Mormon Church Secret Vault Waxa la sheegaa in xarun diimeeddaas sirta ah ay ku keydsan yihiin wax ka badan saddex bilyan oo bog oo macluumaad qoysaska iyo isirrada dadka Maraykanka ah.
12- Google Datacenter Halka lagu keydiyo macluumaadka shirkadda google.
13- Church of Our Lady Mary of Zion Waa Kaniisad aan cidna loo oggolayn oo Itoobiya ku taal.
14- White Gentleman’s Club Waa naadi ku yaal Ingiriiska loona oggolahay inay galaan, oo keliya, reer boqor, dadka dunida ugu hantida badan, iyo dadka dunida ugu awoodda badan.
@MatxafkaTaariikhda | 590 |
