cookie

Utilizamos cookies para mejorar tu experiencia de navegación. Al hacer clic en "Aceptar todo", aceptas el uso de cookies.

avatar

Matxafka Taariikhda

ku raaxayso macluumaad walba, kobcina garaadkaaga adiga oo naga guntanaya macluumaad cuddoon ee aanu kuugu soo gudbinayno barteenna, innagu soo biir mahadsanid Halkan igala so xiriir For business: @iM_S_O_S https://bio.site/Shacir.Osman

Mostrar más
Finlandia1 781El idioma no está especificadoHechos3 106
Publicaciones publicitarias
3 128
Suscriptores
+224 horas
Sin datos7 días
-2530 días

Carga de datos en curso...

Tasa de crecimiento de suscriptores

Carga de datos en curso...

Photo unavailableShow in Telegram
Komodo dragon waa xayawaan laga helo qeybo kamid ah jaziiradaha Indonesia, xayawaankan kiisa labka ah wuxuu gaaraa culeeskiisa 79-91kg, dhererkiisana wuxuu gaaraa 2.6m, halka dhedigiisa ay gaarto 68-73 kg, dhererkeedana yahay 2.3m. Xayawaankaan ilkaha hoose ayuu sun kuleeyahay marka uu noole qaniino wuxuu ku fasaxaa jirka noolaha suntiisa taas oo baabi'iso xinjirowga dhiiga, sidaas darteed noolaha la qaniinay waxaa ka baxo dhiig faro badan maadaama uusan leheen xinjiro daariyo halka dhaawaca kasoo gaaraay sidoo kale noolaha wuxuu noqdaa curyaan aan dhaqaaqi karin, ugu danbeen xayawaanka la qaniinay oo dhintay ama aan dhaqaaqi karin ayaa waxaa u imaado komodo dragon sidaas ayuuna ku cunaa. @MatxafkaTaariikhda
Mostrar todo...
👍 2🔥 1🤯 1
Photo unavailableShow in Telegram
Romanka marka ay xisaabta qorayeen wexey isticmaali jireen xarfo halka maanta tirada laga isticmaalo. Tusaale 200 marka ay qorayaan wexey u qori jireen CC, marka ay xisaabta ku dar tahay ne 11+20+9=40 waxaa loo qori jiray XI+XX+IX=XL, taas oo qeyb weyn ka qaadatay qarniyaddi mugdiga ee reer yurub ugu danbeen saliibiyiinti reer yurub markii andalus ay (isbeyn, bortuqaal, gilbraltar oo ah qeyb ingiriiska kamid ah iyo koonfurta faransiiska) ay qabsadeen ayee luqadahooda ubadaleen xisaabti afcarabiga eheed ee muslimiinta isticmaali jireen. Hadda qaab qoraalka xisaabta romanka waxaa inta badan loo isticmaalaa dharka sida shaatiyada oo marka aad aragtid shaati ay ku qoran tahay XL waa 40 cabirkiisa, marka aad aragtid mid ay ku qoran tahay L waa 50 cabirkiisa, iyo saacadaha qaar. @MatxafkaTaariikhda
Mostrar todo...
👍 6 2👏 1😱 1
تقبل الله منا ومنكم صالح الاعمال Ciid wanaagsan dhamaan Asxaabta inagu xiran iyo Muslimiinta Meel walba aad joogtaanba alle ha idin xifdiyo,farxad kuciida. Eid mubarak ✨️ 🎊🎉🎁🥳 @MatxafkaTaariikhda
Mostrar todo...
👍 5
Photo unavailableShow in Telegram
Rakahaan waxaa la dhahaa 'golden poison frog' waa rake sumeesan wuxuu ku nool yahay keymo roobaadka kolombiya inkastoo hadda uu sii dabar go'ayo, suntiisa wexey dili kartaa labaatan jiir ama toban qof. Sunta wuxuu ku gudbiyaa maqaarkiisa oo keliya suntiisa waxaa kaa xigto in jirkiisa iyo maqaarkaaga ay isgaaraan, suntiisa daawo malaha sidoo kale marka ay sunta jirkaaga gaarto wexey naafeenee murqaha jirka oo dhan taas oo keento ugu danbeen in uu wadnaha ku istaago sidaasna aad ku dhimatid, arimahaas dhan wexey kugu dhacayaan toban daqiiqo gudeheed. @MatxafkaTaariikhda
Mostrar todo...
👍 6🤯 2🤔 1
Kabaha ciribta leh waxaa xiran jireen Fardo-fuuladdii xiliyadii hore gaar ahaan Fardo-fuuladdii Beershiya. Sababta ay u xidhan jireen kabahan ayaa ahayd in ay si fudud ugu koraan fardaha sidokalena u maamulaan gaar ahaan marka ay warmaha gamayaan oo ay fardaha fankiisa( Fan= meesha faraska lagaga fadhiisto) ku taagan yihiin. Intaasi kadib waxay ku faaftay qaarada Yurub oo dhan qarniyo badan ayey ahaayeen wax u gaar ah ragga waliba kuwa haysta hantida badan dadka bulshada sharafta ku dhex leh iyo boqorrada ayey u ahaayeen astaan lagu aqoonsado. Qarnigii 17-aad markii la gaaray ayey dumarku bilaabeen xidhashada kabaha ciribta dheer xilligaas o ay dumarku bilabeen "Gender equality",ama inay ragga iyo haweenku ka sinaadaan dhinacyada nolosha. Laga soo bilaabo xilligaas waxa xoog u xiran jiray dumarka halka ragguna aanay wax muhiimad ah siinin o ay si tartiib-tartiib ah iskaga daayeen ilaa ay ugu danbayna kabahaasi noqdeen astaan lagu garto dumarka. @MatxafkaTaariikhda
Mostrar todo...
6👍 3
Qabilka leh lugaha Gorayada. Waqooyiga dalka Zimbabwe gobolka Kanyemba gaar ahaan agagaarka Webiga Zambezi waxa ku nool qabil yar o Ugaarsato ah laguna magacabo (Vadoma, Doma), ama qabilki lahaa lugaha gorayada (Ostrich-footed tribe) waana dad ka so jeeda Qabil Baantu. Qabilkani waxay leyihin xaalad naadir ah taasi o ah inay iska dhaxlaan sifo khaas u ah. Waxay ku leyihin lugaha laba farood o keliya waxa logu yeera dadki laha lugaha Gorayada Xaladan khaaska u ah waxa sababay Hidde-sidaha Chromosome-ka dadkani si caadi ah ayey u nool yihin dhibaatane kalama kulmaan. Qabilkani waxa u leeyahay qaanuun u gaar ah kaaso ah inay dhexdooda kaliya is guursadan hadii se laga tegi waayo waa in qofka la xididayaa uu leeyahay sifada ay gaarka u leeyihiin. Sidoo kale waxay leeyihin sifo kale o 1000 qof hal qof lagu arki karo taasi o ah in marmarka qaar aanay waxba maqlin. Xaladahan ayaa lagu sheegaa in ay sabab u tahay is-guursiga dadka qaraabada ah ee qabilkan. Wali ma maqashay qabiilkan ? @MatxafkaTaariikhda
Mostrar todo...
👍 5🤔 1😱 1
Photo unavailableShow in Telegram
Gabadhaan qoraaga ah ee u dhalatay dalka Aljeeriya, laguna magacaabo نورة طاع الله ayaa gashay guiness world record buuga lagu qoro dhacdooyinka cajiibka ah ee dunida kadib markay qortay buugii ugu waynaa abid ee qof bani’aadam qoro. Buugan oo ay ku magacawday أبواب النجاح ayaa ka kooban 10551 bog (toban kun, shan boqol, konton iyo kaw bog) miisaankiisuna yahay 45kg, halka dherar ahaan uu gaadhay 57cm. Waxay ku falanqaysay 10,000 oo isugu jira xikmado iyo murti saamayn leh, iyadoo tusaalayaal uga soo qaadatay waaqaca bulshada maanta nool. Muddo hal sano ah oo maalin walba ay 18 saac ku bixisay, hawl kastoo ayay uga go'day si ay u qorto buugan. @MatxafkaTaariikhda
Mostrar todo...
7👍 2🥰 1👏 1
Photo unavailableShow in Telegram
Nin dhalinyaro ah oo u dhashay dalka Turkiga ayaa isku mar ka dalbaday cunto daraasiin ah maqaayado kale duwan hab (online) oo ku yaala dalka Turkiga. wuxuuna dalabka in la geeyo ka dhigay ciwaanka (Address) guriga saaxiibtiisii hore ee ay xidhiidh wadaaga ahaan jireen, habka lacagta Lagu bixinaayo wuxuu ka dhigay caddaan (Cash) oo laga bixinaayo guriga saaxiibtiis hore. Kadib gurigii gabadha waxaa iskugu yimi wadayaasha mootooyin badan oo wada dalabkii cuntada. Maxay gabadhu ku sameysay ninkaas dhalinyarada ah ? Ma lacagtii kaga baxday intii ay wada socdeen buu Baxar ahaan ugalinayaa. Lol 😁 @MatxafkaTaariikhda
Mostrar todo...
😁 7🤣 4👍 1
Haweeneey Brazil u dhalatay ayaa adeerkeed oo dhintay, usoo labistay soona kaxaysay. Meel Bank ah ayay keentay, waxayna doonaysay magaciisa inay lacag deen ah ku qaado. Lacag $3200 ayay sheegtay inuu deensan rabo, warqadda ha saxiixo markii la dhahay ayaa la arkay ninka inuusan xaalad ahaan wanaagsaneen. Ambalaas ayaa loogu yeeray, balse waxay sheegeen ninkaan inuuba meyd ahaa inta uusan Bankiga imaan kahor. Haweeneydiina waa la xiray. Tuugnimada heerkaan ah Soomaali weli ma aysan gaarin. Sawiradaan kore waa dhacdadaas. @MatxafkaTaariikhda
Mostrar todo...
😁 7🤯 2 1
Markaad aragto xayawaankan waxaad ku wareereysa geel iyo ari midka uu yahay, balse labadaba ma aha waa xayawaan dab joog ah oo lagu magacaabo llama waxaa laga helaa qaaradda ameerika @MatxafkaTaariikhda
Mostrar todo...
😱 5👍 1🤔 1
Elige un Plan Diferente

Tu plan actual sólo permite el análisis de 5 canales. Para obtener más, elige otro plan.