en
Feedback
Qalbiyada la daayacay.πŸ’”πŸ˜’

Qalbiyada la daayacay.πŸ’”πŸ˜’

Open in Telegram

Chenalkani waa mid public ah oo aanu ugu talo galnay dadka qalbiyadoodu jabeen bal in un inay dhaymo ka helaan.

Show more
1 252
Subscribers
+1124 hours
+377 days
+12630 days
Posts Archive
"Haddii aad berrito i ilowdo, weligay ku ilaawi maayo anigu."πŸ’”πŸ₯Ί

"Halbawlaha dhiigayay dhufatoo Dhankaa qalbigay dhex jiiftaayee Dhuuniga miyaan dhaafaa darteed Dhabaalada jacayl miyaad dhugan walaal Naftu dhaawaciyo dhibtu waw xanuun Wadne dakhar ku dhacay waw dhimashadii. Ma jacayl dhintaan dhooldhooliyaa Ma galgacal dhintaan wali dhowrayaa Dhalanteed miyaan dhex jibaaxayaa Mise waaba dholol dhugashiyo xasuus."πŸ’”πŸ₯Ί

Saw dartay umaad dhalan ? Ana feedha dhabarkiyo Dhinac kaa maqnaayoo Dhulka lagu abuuriyo dhadigaagii baan ahay Waynu kala dh
Saw dartay umaad dhalan ? Ana feedha dhabarkiyo Dhinac kaa maqnaayoo Dhulka lagu abuuriyo dhadigaagii baan ahay Waynu kala dhaqaaqnee Wax dhexdeena yaaloo Dhamaan waayay baa jira Adna dhaymo Maad helin Anigana dharaar qudha Dhawaaqiyo codkaagii Dhagahayga kama bixin Haasaawe dheeraa oo dareeno dhaba iyo Nafo laysku dhaafsaday Inkastoo la dhayalsaday Xasuus dhago adaygtoo Dhiman wayday baa nool Mana rabo dhigaagee Adigana dhabeel kale Dhaayahaagu yay qaban Saw dhibicda roobkee Kugusoo dhacaysiyo Dhulka aad ku socotiyo Dharka kama hinaasani Qalbiyaa is dhaawacay Lama dhawran caashaqa Isku soo dhawaanshiyo Guur laguma dhiirado Dhabna looma kala tago. Asmiish.πŸ’”

"Geeridu ma’aha marka ay ruuxdu inaga baxdo oo keliya, waxaa jira geeriyo ka horreeya, waxaa ka mid ah; marka ay isu wada ekaadaan maalmahaagu ee isbeddel oo dhan aad joojiso, marka waxa keliya ee kuu kordhaa ay noqdaan sannadaha da’aa daada iyo miisaanka jidhkaaga". - Najiib Maxfuud.πŸ’”

Psychologist say: "In aad riyada dhexdeeda ku aragto ruux aad jeceshahay, waa mid kamid ah noocyada jacaylka ugu daacadsan."

Waxa uu yiri β€œAniga iyo qoftii aan ugu jeclaa adduunka waxa guud saaran ayaa habeen khilaaf yar nasoo kala dhex galay, Isla s
Waxa uu yiri β€œAniga iyo qoftii aan ugu jeclaa adduunka waxa guud saaran ayaa habeen khilaaf yar nasoo kala dhex galay, Isla subaxdiiba waxa aan sugayay in aan heshiino, iyana waxa ayba sugaysay fursad ay ku baxdo, oo aanay mar danbe soo laabanin”.πŸ’”

"Aayaha dookhaan ishaartay Midkii iga mudnaa abaalkoow Miyaan axad kula simaa jiraa Midkaan ku lahaa aduunkoow Waad istaahishaa amaantoo Hadaan aadmiga u sheego Sidaad Amaanada u dhowrto Inaba eed kuma lihide Alla mahadaa iska leh Samirka waan kugu ogaa"πŸ’”

"~Sidii waranku kali iigu dhacay waan war-warayaay e. ~Dadku igu wishiiriye dhamaan waa yar iyo wayne. ~Wacantii la dhoofsade
"~Sidii waranku kali iigu dhacay waan war-warayaay e. ~Dadku igu wishiiriye dhamaan waa yar iyo wayne. ~Wacantii la dhoofsadey ma oga waayahaan qaba e ~Cidladiyo waxaan weshadaa waa wigliyo ciil e. ~Waxan jeclahaan jirin sidii waadhka lay dhigaye. ~Weydowday ruuxdaan lahaa wayka soo kabane ~Wahsigaygu badan oo ma helo weerar dhiiraniye ~Wuu wiiqmay xiisuhu markuu waayay ruux wada e ~Sadex igu walaahiya ma arag ruux i waaniya e. ~Hantidiyo waxii aan tabcadey weedhsan may goyne. ~Haduu iga wacnaaduu ninkale calaf u weegaarey.. ~Walee kuma habaaro nabsiga kuuma dhigo waabe. ~Wixii aad wanaag ii fashaan weheshan doonaaye. ~Wardigaygu waa magaca sudhan maanka waligiiye ~Warsan ina Jikaareey hadaan waayay hadalkaaga. ~Wax xun maad sameynine danbaad wadatay maandhay e. ~Wicitaanki waan jarey kolkaad soo warami wayday. ~Fariimahaa wixii aan tir tirey weyla toganyiine. ~Adna teyda wada saar xasuus waa tu aan hadhine." Abdisalaan hayoon.πŸ’”

β€œWaxaan kuu jeclaaday hab aan jeclaan lahaa in qofi ii jeclaado.” - Maxamed Darwiish.πŸ’”

"Intaan u shub dhiig lahaa Dhansii dacar maad lahayd Intaan ku dhawow lahaa Miyaad ka dhaqaaq lahayd. Intaan la dhamee lahaa Miyaad u dhamee lahayd Intaan dhisa aqal lahaa Miyaad dhabar jebi lahayd.'

"Haduu Wadne ruux jeclaado aduu kuu waashay kaygu"πŸ₯Ί
"Haduu Wadne ruux jeclaado aduu kuu waashay kaygu"πŸ₯Ί

"Waxaa jirtay maalmo aan aad uga fikiri jiray sidii aan kuu joojin lahaa, laakiin hada waxan xaqiiqsadey in haddii aad si dhab ah u rabtid inaad joogtid inaad wali joogi lahayd. Waxaanan ku sheegay inuu tegitaankaagu i dhaawici doono. laakin waad baxday walina waad qorshaysay inaad i dhaawacdo." πŸ˜’πŸ’”

β€œHaddii ay ahaan layayd warqad waan jeex jeexi lahaa, haddii ay ahaan lahayd quraarad waan jebin lahaa, haddii uu ahaan lahaa gidaar waan dumin lahaa, laakiin wuxuu ahaa qalbigayga.” - Mahmoud Darwiish.πŸ’”

"Mana lohan qofaan kaa jecloo Looxa ku qoraaye Hadaad labi sagaal iyo dhulshishe Laas fog ku xidhnaato Inaad igu lamaan tahay ogow Laabta ku dhex nooshahaye"πŸ’”

"Codkaaga qudhii u xiistay Cid lay kali ooyaysaaye Isoo wac hadaad awoodo."πŸ’”πŸ˜’

Liiska argagixisada ha lagu daro kuwa inta ay qof qalbigiisa galaan oo u badheedhaan ka dibna ka baxaya iyagoo aan u baahnayn markay dantooda ka gaadhaan.πŸ’” ~ Nihaal.

πŸ’”

"Keliya dadka sida dhabta ah wax u jecel, ayaa xanuunka si dhab ah u dareemi kara" - Leo Tolstoy.πŸ’”

"Illaahay baan kuugu dhaariyee ii sheeg waa cadaalad nooce ah inaad aragto boholyowgayga, hadana aad igu ciqaabto fogaanshiya
"Illaahay baan kuugu dhaariyee ii sheeg waa cadaalad nooce ah inaad aragto boholyowgayga, hadana aad igu ciqaabto fogaanshiyahaaga." πŸ˜₯πŸ’”

Maqnaanshuhu miyuu ku dilaa? Waxa anni i dila joogitaanka maqnaanshaha u eeg. - Mahmoud Darwiish.πŸ’”